HALKAN KA AKHRISO WARARKII WARGEYSKA OGAAL CADADKIISII MAANTA SABTI 12 Apr. 2008


-Somaliland: Dhaq-dhaqaaqyadii ugu danbeeyay ee xalinta mushkilada siyaasadeed

-Kulamadii xisbiyada mucaaradka ah iyo EU-da

-Kulankii Komishanka doorashada iyo EU-da

– Maanta iyo Kulanka rajadu ku xidhantahay ee Madaxweyne Rayaale iyo Ergada deeq-bixiyayaasha

– Komishanka doorashadu ma heshiiskii ay la galeen xisbiyada ayay ku shaqaynayaan mise mudo kordhinta Guurtida?

Hargeysa (sl.no), 12Apr. 2008 – Wafti ka socda Komishanka Midawga Yurub oo Somaliland ka taageera dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka ayaa shalay kullamo gooni gooni ah la yeeshay Hogaamiyayaasha labada Xisbi ee mucaaradka ah Kulmiye iyo Ucid. Islamarkaana waxa la sheegay in waftigani maanta la balansanyihiin Madaxweynaha iyo Xisbiga UDUB.

Sida ay sheegeen warar ku dhowdhow kulamadaasi, weftigu waxay labada Xisbi ee mucaaradka ah ka xogwaraysteen arrinta doorashooyinka Somaliland iyo khilaafaadka ka dhashay muddada la qabanayo doorashada, waxaana la sheegay in Xisbiyadu u caddeeyey weftiga Midowga Yurub inay ku taagan yihiin heshiiskii Saddexda Xisbi iyo Komishanka, mudda-kordhinta Guurtida iyo wakhtiga ay u cayimeen doorashada Madaxtooyadana aanay tixgelinayn.

Warku waxa uu intaaa ku daray in Midawga Yurub laftiisu u muujiyay inay aragti ahaan ka soo horjeedaan mudo kordhinta, hase-ahaatee, waxa la sheegay in ay u soo jeediyeen Mucaaradka inay is dejiyaan, Islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii wakhtiga Gudiga doorashada iyo Xisbiyadu isla qaateen in lagu qabto doorashooyka loogu gaadhi lahaa nabad-gelyo.

Weftiga ka socda Komishanka Midowga Yurub oo gelinkii danbe ee Khamiistii dalka soo gaadhay waxay habeen hore kulan la yeesheen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Akadeemiyada Nabadda iyo Horumarinta Somaliland. Taasoo ku soo beegantay baaqashada xaflad lagu waday inay habeen hore Axsaabta iyo Komishanku ku saxeexaan, heshiis sadexda xisbi iyo Gudiga doorashadu iskula qaateen qorshe-howleed loo dhigay diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha iyo doorashooyinka oo wakhtiyaysan oo uu goob jog ka ahaa Wakiil ka socda midawga Yurub. Ka dib markii Golaha Guurtidu Khamiistii muddo sannad ah u kordhiyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka muddada xilka.

Komishanka Midaw-ga Yurub waxa lagu wadaa inay maanta Kulan la yeeshaan Madaxweynaha iyo xisbigiisa Udub. Wararku waxay intaas ku dareen in Midowga Yurub oo ku deeqay 75% lacagta ku baxaysa Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka Somaliland ay carabka ku adkeeyeen in aanay wax lacag ah bixinayn haddii aan lagu soconayn heshiiska saddexda xisbi iyo Komishanku gaadheen. Taasoo la sheegay inay Madaxweynaha iyo Xisbigiisa culays ku saarayaan si ay ugu qanciyaan inay ku socdaan heshiiska laga gaadhay wakhtiga doorashada.

Warku waxa uu intaa ku daray in Waftiga midawga Yurub ka dib kulanka ay la yeeshaan Madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa ay kulan danbe la yeelanayaan Gudiga doorashooyinka Qaranka, kaasoo la sheegay in uu noqon doono kulanka ay deeq-bixiyayaashu uga cadeeyaan Komishanka Go’aanka ay ka qaataan inay sii wadayaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland iyo in kale, taasoo ku xidhnaan doonta sida la sheegay mawqifka ay kala kulmaan Madaxweyne Rayaale.

Dhinaca kale, Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa lagu wadaa maanta inay kulan xasaasi ah la yeeshaan Gudiga doorashada oo aan illaa hada cadaynin aragtidooda ku wajahan Go’aankii golaha Guurtidu wax kaga badalay heshiiskii ay ku dhex-dhexaadiyeen Axsaabta siyaasada in lagu qabto doorashooyinka daba-yaaqada sanadkan.

“Nimanka Odayaasha ah si deg-deg ah loo sii daayo,”

“Komishanka iyo xisbiyadu wixii ay ku heshiiyeen ayuun baa sharciya, Rayaalena doorashada war-wareega haka daayo” Suldaan Cusmaan Suldaan Cali

Hargeysa (Ogaal)- “Waxaan aad iyo aad u cambaaraynayaa, una arkaa arrin aad u fool-xun, Odayaasha uu ka midka yahay Dayr xadhiga xaq-darada ah ee la xidhay iyo eedaymaha aanay geyin una qalmin ee lagu eedaynayo ee aan waxba ka jirin ee ah beenta la dhoob-dhoobay, waxaana weeyaan Xukuumadda Ina Rayaale Hogaamiyo oo caado ka dhigatay inay muwaadiniinta ku cabudhiso codkooda iyo wadaninimadooda xuquuq ahaaneed.” Sidaa waxa yidhi Suldan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo ka tirsan Salaadiinta Somaliland, oo la soo xidhiidhay Wargeyska Ogaal xalay,

Suldaan Cusmaan oo sidoo kale aanu waydiinay aragtidiisa ku wajahan mudo kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne ku xigeenka waxa uu ugu horayn si adag u muujiyay dareenkiisa ku wajahan dadkii loo xidh-xidhay qarax ka dhacay xarunta Guurtida ee magaalada Hargeysa. “Muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin wixii ay diidan yihiin in ay ka hadli karaan iyaga oo xor ah, oo wixii ay doonayaan iyaga oo xor ah ayay ka hadli karaan. Waxaan mar labaad iyo mar saddexaad ku celinayaa maamulka ina Rayale ha ka waantoobo caga-juglaynta iyo cabudhinta muwaadininta lagu hayo, ee aan sharciyada dalka iyo ta caalamka aan midna meel kaga qornayn, nimanka Odayaasha ahna waxaan leeyahay waa in si deg-deg ah loo sii daayo, oo xoriyadooda si dhakhso ah loogu soo celiyaa, mana gayaan waxa lagu eedaynayo, rag u qalmana maaha.” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Cismaan, waxaanu sheegay in uu u arko xadhiga muwaadiinta arrin siyaasadeed oo sumcada oday-nimo lagaga ridayo, “Waxa kale oo aan u arkaa inay tahay ujeedo siyaasadeed oo magaca lagaga dilayo ama lagu cabudhinayo la iskuna hortaagayo muwaadiniinta.”

Suldaan Cusmaan oo aanu ka weydiinay in uu isagu la kulmay oo uu waydiiyay sababta lagu xidhay raggaa Odayaasha ah ee uu ka hadlay, waxa uu sheegay inuu wakhtigan ku suganyahay magaalada Burco, Islamarkaana uu ku warhelay xadhiga xubnahaasi iyo eedaynta loo jeediyay oo uu ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin.

Suldaan Cusmaan waxaanu wax ka weydiinay oo kale sida uu u arko muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyay Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxaana uu yidhi, “Taa waxaan ka odhan lahaa waa wax aan waxba ka jirin, iyaga laftooda (Guurtidu) meel ay sharciyada ka waafaqsan yihiin ma jirto, kordhin aan shirciga meelna kaga qorayni waa tii ay iyagu isugu kordhiyeen oo kale. Markaa anigu waxaan qabaa hadii laga hadlayo doorasho iyo waqti ku sinkeeda Komishanka doorashooyinka iyo xisbiyada Qaranku wixii ay ku heshiiyaan ee ay isla meel-dhigaan ayuun baa sharciya, meel kale oo wax laga kordhin karaa ma jirto, Ina Rayaalena waxa looga baahan yahay inuu tartanka doorashada galo oo aanu war-wareeg gelin oo uu si xor ah u galo doorashada.”

Suldaan Cismaan waxa uu sheegay in Golaha Guurtidu hawshii uu lahaa ka leexday, islamarkaana ay wakhtigan u muuqdaan Gole Madaxtooyada u fadhiya. “Anigu runtii waxaan u arkaa inaan Golahaasi maanta u shaqaynayn sidii uu ahaa xilkiisu inaanu u shaqaynayn ayaan aaminsanahay, talaabadan uu maanta qaaday iyo tii uu isagu isugu kordhiyay iyo waxyaabaha la midka ahba waxaad moodaa inuu meel uun isaga fadhiyo, inuu gacan uun iska taagayo, oo ciduun wax u kordhinayo. Xilka Goluhu noocaa maaha, waa Gole dhaqameed, waa Golihii looga baahnaa inuu dhex noqdo, waa Golihii looga baahnaa inuu talada si fiican u miisaamo, waa Golihii looga baahnaa inaanu cid gaar ah garabka saarin oo aanu noqon Gole cid gaara meel u fadhiya, laakiin maanta waxaad moodaa in golahaasi aanu ku soconin xilkii loo igmaday ee uu Qaranka u hayay.”

Muxuu ku dambeeyay sahankii macdan-baadhista TGS ee Somaliland?

Oslo/Asker, Norway (ABN Newswire/Thomas Financial/Ogaal) – Shirkadda Sarfayga Shidaalka TGS-NOPEC Geophysical Company (TGS) ee Noorwayjiyaanka ah, ayaa shalay shaaca ka qaaday inay soo gebogabeeyeen hawlgallo ay Somaliland ka wadeen. Sidaana waxa lagu shaaciyay shabakaddaha caalamiga ah qaarkood, oo soo xiganayay shir jaraa’id oo masuuliyiinta shirkaddaasi ay qabteen.

Sida lagu faafiyay shabakadda wararka ABN Newswire Shirkadda TGS waxay ku hawlanaayeen cabir ahaan qiyaas gaadhaysa 5100 km oo 2D Seismic ah, meelaha muhiimka ah, iyo macluumaadka Cufis-jiidka oo ay kaga hawlgaleen labadaba biyaha sare guudkooda iyo ilaa meelaha taxadka ah. Warku wuxuu intaa ku daray in habaynta iyo tarjumista macluumaadka la xidhiidha baadhistooddaas ay u bandhigi doonaan macaamiisha (shirkaddaha qodaalka shidaalka) danaynaysa rubuca dambe ee sannadkan 2008. Sidoo kale, Shirkadda TGS, waxay sheegtay sida la faafiyay in wada gaadhay dhul celcelis ahaan gaadhaya 34000 km oo muhiimad aad ah u lahaa meelihii aadka loogu yaqaanay Somaliland inuu baasiin ku jiro. Sidaa daraadeed, waxay shirkadu sheegtay in macluumaadka natiijada baadhistooddaasi ay tahay haatan mid gacanta lagu hayo, isla markaana sidoo kale loo bandhigi doono cidii danaynaysa aakhirka sannadkan. Labada barnaamijba waxa uu warku xusay in ay iska kaashanayeen Shirkadda TGS iyo Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Khayraadka Dabiiciga Somaliland, isla markaana ay si khaas ah u suuq-gayn doonto isla shirkadda TGS.

Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday qorshayaasheeda ay ku doonayso inay qandaraas furan geliso dhamaadka sannadkan ka dib marka macluumaadka la ururiyay la ogaado. Barnaamijyada loo yaqaano Aeromagnetic-ga ee ay soo bandhigtay Shirkadda TGS ayaa saamixi doona macluumaadka looga baahan yahay in la qeexo aasaasiyan meelaha qaab-dhisme ahaan lagu sii wadi karo baadhitaano dheeraad ah. Shirkaddan TGS oo ka diiwaangashan dalka Noorway, ayaa shirkoodan jaraa’id shalay ka sheegay in wixii ka baxsan xogtaa kooban ee ay bixiyeen aanay ogolaan doonin wax war ah oo ay kaga hadlayaan hawlgalladooda Somaliland ee la xidhiidha sarfayga ay ku samaynayeen meelaha xeebaha ah iyo weliba dhulalka loo tuhmayay inuu shidaal ku jiri karo.

Wargeyska Thomos Financial ee ka soo baxa dalka Noorway, ayaa isaguna shalay daabacay maqaal uu ku soo xiganayo Shirkadda TGS shirkooda jaraa’id. “Somaliland, oo xuduud la wadaagta Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay qandaraas ku bixinayso barnaamijyadooda macdan-baadhista ah,” ayaa ka mid ahaa qoraalkii wargeyskaas. Sidoo kale, waxa shalay faafiyay arrimaha la xidhiidha hawlaha macdan-baadhista Somaliland Wargeys ka soo baxa dalka Jarmalka oo la yidhaahdo Uhr Kommentieren.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliya oo sideed bilood ka dib la cafiyay

Baydhabo (Ogaal/W.Wararka) – Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dawlada Mbeghati Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow oo mudo sideed bilood ah u xidhnaa Cabdilaahi Yuusuf ayaa la sheegay shalay in Cafis loo fidiyay.

Sii daynta Dr, Yusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Max”ed Nuur sheegow ayaa waxaa soo dhaweeyay garyaqaanno iyo xubno kale oo mudaba ku howlanaa arrintooda, waxaana ay ku xidhnaayeen xubnahani xilliydii ugu dambeeyay xabsiga Degmada Baydhabo. Iyadoo inta badan xubnahani ku qaateen xabsiga magaalada Muqdisho.

Sida ay faafisay Idaacada Garawe, Qareenada ku hawlanaa labadan xubnood sii dayntooda ayaa sheegay in Cabdilaahi Yuusuf qoraalka uu ku sii daayay labadan xubnood lagu xusay in Dr, Haaruun aanu wax xil ah ka qaban Karin Maamulka uu ka midka ahaa.

Garyaqaanadan oo ku eedaysnaa inay lunsadeen dhaqaale loogu tala-galay Garsoorka ayaa xadhigoodu khilaaf badan ka dhex aloosay maamulka Mbeghati, iyadoo uu qayb ka ahaa muran sababay inuu xilka iska casilo Ra”iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geeddi dabayaaqadii sannadkii hore.

“Hargeysi waxay la bugtaa ciilka afka siyaasiyiinta”

Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir,

Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, oo ka tirsan Madax-dhaqameedka beelaha deegaanka Hargeysa, ayaa siyaasiyiinta dalka Somaliland mucaarad iyo muxaafidba ku eedeeyay in ay dadka shicibka ah war-war iyo waalalaw ku abuurayaan, isla markaana aanay Madax-dhaqameed ahaan u dulqaadan doonin in dadkooda daganaansho la’aan lagu abuuro.

Caaqilku waxa kale oo uu ka hadlay xaalada dalku ku sugan yahay, arrimaha doorashooyinka iyo doorka ay madax dhaqan ahaan ku leeyihiin dhinaca nabadgalyada. “Beryahan dambe saxaafada waxa ku soo baxayay hadalo aan dadka iyo dalka midna u wanaagsanayn in lagu hadlo waxaana u badan siyaasiyiinta, xilka ama ha damacsanaadeen ama ha hayaane iyaga ayaa u badan inay ku hadlaan. Waxa ugu dambeeyay Wasiiro dhawaan xilka laga qaaday, oo Saxaafada ku baahiyay isagoo leh reer Hargeysa waxay ciil ka qabaan kaligii-taliye reer Boorama ah oo xukuma, hadal kaasina hadal anshaxa iyo dhaqanka midna ku fiican maaha. Waxaan is waydiiyay goorta reer Hargeysa Fu’aad Aadan Cade ay afhayeenka ka dhigteen, Hargeysi waxay la bugtaa ciil afkii siyaasiyiinta ah, Somaliland maaha, waxaana muhiim ah in siyaasigu u miidaan dayo hadalka uu Saxaafada marinayo, oo aan la odhan shalay sowkii sidaa lahaa, muxuu sidaa u leeyahay.” Sidaa ayuu yidhi Caaqil Rashiid Maxamed, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Markaa waxaan leeyahay hadalada deel qaafka ah ee Saxaafada lagu qorayo ummada halaga daayo, mucaarid iyo muxaafidba, oo ha laga fiirsado oo weliba ninka siyaasiga ahi haka fiirsado, oo ummada reer Somaliland ee ka soo doogtay dhibtaynu wada garanayno culayskay lahayd ee guryaheenii dumeen uma baahna inay habeenkii walaac ku seexdaan, oo hadalada TV-yada iyo Wargeysyada laysu mariyo ayaa dadka waalalaw ku abuuraya.Waxa loo baahan yahay in la ilaaliyo hadalka laga odhanayo fagaarayaasha.”

S: Caaqil Rashiidaw, waxaad ka mid tahay cuqaasha Gobolkan Hargeysa, waxaana jira in imika wadanku xaalad cusub galay oo muran ka jiro xaaladaha qabsoomida doorashooyinka, markaa hadii aad tihiin Cuqaasha ma idiin muuqataa si aad uga qayb-qaadan kartaan qabsoomida doorahooyinka dalka?

J: Muhiimadu waxay tahay in qofku garto waaqica horyaala, aniga siday ila tahay dib u dhigista mudooyinka dib loo dhigay, duruufaa jiraa dib loogu dhigay, taasina ma jirto cid eedeeda lihi, anagu hadaanu nahay Hogaanka dhaqanka waxaanu 100% inaanu amniga guud aanu ummada kala shaqayno, waxaanu nahay bilays garsoor qarsoon oo aan xafiska fadhiyin, hadana shaqeeya, oo labada dhinac u garsoorno oo cida qaldan qaladka ka qabano, oo haday Xukuumadda tahay iyo haday mucaaradka tahayba aanu ku nidhaahno waad qaldan tihiine qaladka daaya. Nabadgalyadaanu u xilsaaranahay, aqbalinamayno ummada maanta guryahoodii saaqafka saaray in arrinkooda waalalaw iyo huuhaa lageliyo oo la khal-khaliyo mid aanu aqbalayno maaha.

Heshiiska komishanka iyo Axsaaba Qarankuna waa mid sidii ay ku heshiiyeen sharciya, wixii heshiis lagu yahay ayaa wanaagsan.

S: Caaqil dalka waxaa ka jira abaar b’an oo dalkoo dhan ku habsatay, adiga caaqil ahaan jiida ay deegaanka beelaha aad hogaamiye dhaqameedka u tahay siday xaaladoodu tahay?

J: Dalka guud ahaan abaar ba’an ayaa ka jirta, jiida ay deegaanka dadkaygu marka laga bilaabo Madaarka Hargeysa waa jiid balaadhan Kaamtuug ilaa daba-gorayaale inta u dhaxaysa ayay beeshu degtaa masaafada ina le’eg waxa ka jirta abaar ba’an inkasta oo imika ay curteen Roobabkii gugu, hadana weli dhulka ma wada gaadhin sidaan warka ku hayo weli jiidaa aan soo sheegay wax roob ahi kama di’in dalkana way la qabtaa, Illaahay abaarta ha inaga jabiyo oo raxmaad khayr qaba cirka ha inaga siiyo, waxaananu ka codsanaynaa dawlada iyo Hay’adaha iyo cidii kale ee Taakulo ka gaysan kartaaba in ay gacan ka gaystaan taakulaynta dalka iyo duunyada ay ku habsatay abaarta xooga badani.

S: Dhawaan tuulada la yidhaahdo ina guuxaa waxaa la sheegay in gabadh xaamilo ahi haraad ugu dhimatay, marka ma jirtaa arrintaasi.

J: Haa, waa tuulooyinkaan ka soo jeedo caaqil ahaan, warkeedu Hargeysa ayuu igu soo gaadhay, imika ma odhan karo heblaa ku dhimatay been bay igu noqonaysaa, laakiin in haraad ama loogu dhintay ama loogu dhiman doono hadii ay sidaa ku sii socoto ayaan kuu sheegayaa.

S: Ilaa hada waxa taakulo ah oo jiidaa aad caaqilka ka tahay gaadhay ma jirtaa?

J: Haa, dadka muwaadiniinta ah ee jiidahaas u dhashaywax bay gaadhsiiyeen xukuumaduna taakuladii guue ee ay Gobolada dalkoo dhan ay gaadhsiisay wixii kaga soo beegmay jiidaasi oo aan ku qiyaasay ilaa 50 booyadood oo iyo ah way gaadhay.

M/Rayaale: Faankii shalay ee hirgelinta doorashooyinka ma diidmuu ku bedelay?

Weriye: Cabdiraxmaan Muuse Cumar

Tan iyo intii uu Madaxweyne Rayaale ay shacbigu u doorteen hogaaminta dalka 2003-dii, marna loogama baran inuu si sahal ah u aqbalo arrin kasta oo murug ugu muuqda baarlamaanka, mucaaradka iyo indheer-garadka Somaliland toona. Waxaana inta badan ay noqotaa in arrin kasta oo yimaadaba halka uu qabsado loo gooyo, oo tiisa ay noqoto, hadii uu gar ku leeyahay iyo hadii uu ku khaldan yahayba.

Madaxweyne Rayaale, oo u muuqda in aanu aaminsanayn in hogaaminta dalka lala wadaagi karayo, ayaa golaha wakiillada la soo doortay uu hawlihiisii ka gudan kari waayay, sababta oo ah sharci kasta iyo tallaao kasta oo uu golahaasi is-dhaafiyo golaha xukuumada kama fulo, sidoo kalena golaha guurtida oo u taagan mid isugu biyo-shubtay taageerida xukuumada ayaa isna ah gole kale oo hortaagan nidaam-hawleedkii golaha wakiillada. Tusaale ahaan, miisaaniyadii dakhli-sannadeedka iyo xisaab-xidhkii xukuumadda ayaa ku dambeeyay kuwo ka fuli waayay xukuumadda Rayaale, ka dib markii uu Madaxweynuhu xataa qaadan waayay tallooyinkii ay u soo jeediyeen gudidii dhexdhexaadinta iyo xubno-sharafeedyo badan oo kale, isla markaana uu ku adkaystay tiisii ahayd in aan waxba laga jarin sidii xukuumadu u soo qortay dakhliga miisaaniyadii 2007 ay ku yeelanayso madaxtooyadu. Taasina waxay dhaxal-siisay in qaranka Somaliland ku dhaco ilaa maanta miisaaniyad la’aan, oo aan qorsheba loo haynin.

Guud ahaanba waxa khilaafaadyadii siyaasadeed ee la soo dhaafay laga dheehan karaa in Madaxweyne Rayaale aanu wax tixgelin ah siinayn codsiyada dadweynihii soo doortay ee uu berrina uga fadhiyo inay doortaan, waxaana taas markhaati inooga ah xilliyadii uu cid kasta oo reer Somaliland ah ka diiday sii-daynta suxufiyiintii xabsiga Mandheera ku jiray ee Haatuf iyo saddexdii siyaasi ee birmagaydada ahaa ee iyana Xabsiga Mandheera ku xidhnaa, kuwaas oo dhamaantood uu Rayaale sii daayay ka dib markii ay cadaadisyo badan ku saareen ajaanibka xidhiidhada la leh Somaliland.

Madaxweynuhu hadii uu tixgelinayo dalabka dadkiisa, uu si fudud uga aqbali lahaa codsiyadii dadweynuhu uga soo jeedinayeen ka-tanaasulida khilaafadka golayaasha iyo sii-daynta suxufiyiintii Haatuf ama Siyaasiyiinta Ururka Qaran. Balse, sidii lagu bartay sannadihii uu maamulka hayay, waxa uu mar walba la taagnaa is-difaac aan munaasib ahayn, iyada oo hadana marka dambe uu si dhib yar oo lama filaan ahayd uga aqbalayay wixii uu dadkiisii doortay ka diiday shaqsiyaad ajaanib ah oo la moodi karayay inay uga qiime badan yihiin shacbiga karaamada iyo masuuliyada intaa le’eg ku aaminay, ee xilligii doorashada maalin dhan u dhabar-adaygay kulaylka cadceedii dusha ka haysay, iyada oo safafkii dhaadheeraa ee doorashada ay aad uga dhex-muuqanayeen hooyooyin ilmahoodii naaska ku nuujinayay cadceeddaas, qaar badan oo ka mid ahaana ay maalintaa luguhu barareen. Shaki kuma jiro in inbadan oo maalintaa codadkoodii u hibaysay Madaxweyne Rayaale ay u arkayeen inuu ahaa hogaamiye dimuquraadiyad buuxda dalka horumar ku gaadhsiin doona, balse maanta u aaminsan inuu yahay hogaamiye duminaya wixii uu ku faanayay shalay ee ay ugu horayso hirgelinta doorashooyinka dimuquraadiyadeed.

Haddaba, maanta waxa is-waydiin leh, rajo intee le’eg ayay axsaabta mucaaradka ah iyo shacbi-waynaha Somaliland ka qabi karaan in natiijo qancisaa ay ka soo baxdo kulanka lagu wado inuu maanta Madaxweyne Rayaale la yeesho mishiinka reer Yurubka ah ee inoo dhaqaajiya geedi-socodka doorashooyinka dalka iyo dhismaheena dimuquraadiyadeed? Sidoo kalena, Madaxweyne Rayaale oo la ogyahay madax-adkaantiisii khilaafaadyadii hore ee uu awoodda badan haystay, maanta oo kalsoonidii shacbigu hoos u sii socoto, arrikiina taagan yahay ‘Kursiga ka-siko,’ oo ha lagula qaybsado awoodda marka la gaadho badhtamaha bisha May ee dhamaadka xilligii shanta sanadood loo doortay xilka, ma laga yaabaa inuu si fudud u aqbalo inuu jacaylka kursigiisa ka door-bido ilaalinta aayaha iyo mustaqbalka dadka iyo dalkiisa? Waxayse dad badani u arkayaan in Madaxweyne Rayaale oo qiimihii kursigu u lahaa markii la dooranayay iyo ka uu maanta u leeyahay yihiin laba aad u kala fog, arrintaas sida uu ka yeeli doonaa waa su’aal sharad ka yaalo!

Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: