LABADA XISBI MUCAARID EE KULMIYE & UCID OO WAXBA KAMA JIRAAN KA DHIGAY GO´AANKII GOLAHA GUURTIDA EE MUDDO KORDHINTA XILKA MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE-XIGEENKA

Guurtidu waxay jebiyeen Go´aankii Saddexda Xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku isla gaadheen”.

“Haddaba, waxa Labada xisbi siysaddeed ee ucid iyo kulmiye ay cadaynaayaan: In go’aan ku sheegaasi aanu ku fadhiyin wax sharciyad ah maadaama qodobka 83 (5) ee ay u cuskadeen go’aan ku sheegaas duruufta maanta jirta ee nabadgalayda ah aanu dhaqan-gal ahayn,sidaas darteed qodobkaasi isticmaalkiisu uu yahay mid lagu gafay”.

Hargeysa(sl.no), 11Apr. 2008 – labada Xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID ayaa ganafka ku dhuftay go’aankii Golaha Guurtida Somaliland mudada xilka madaxweynaha ugu kordhiyeen Madaxweyne Rayaale mudada halka sanadood ah,isla markaana waxay ku tilmaameen muddo kordhintaas mid sharci-daro ah oo lagu burburinayo heshiiskii sadexda Xisbi Qaran iyo komiishanka doorashooyinku qalinka ku duugeen, Sidoo kale waxay Xuseen in aanay u aqoonsanayn Md. Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha Somaliland marka lagaadho 16/5/2008.

Sida waxay labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid KULMIYE iyo UCID, Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] Faysal Cali Waraabe ku sheegeen Warsaxafadeed ay wadajir ugu wada saxeexnaayeen, kaas oo nuqul ka mid ahi Caawa soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa.

“Sida umadu la wada socoto waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 09.04.08 ay sadexda xisbi iyo komishanka qaranku ay isla qaateen qorshe-hawleed (Time Line) uu ku cad yahay muddada uu komishanku ku hirgalin karo diiwaangalinta codbixiyayaasha isla markaana uu doorosho ku qaban karo.” Ayey ku sheegeen Warsaxafadeedkooda ay Wada jirka u soo sareen KULMIYE iyo UCID.

Qorshe hawleedkaas waxa uu si cad u xusayay in labada doorasho ee inagu soo fool leh lagu kala qabto 06.10.08 iyo 31.12.08. Heshiiskaas oo ahaa mid walaacii ummadu ka qabtay doorashadii xiligeeda ku qabsoomi wayday mid daweeyay wuxuuna ahaa mid aad loo soo dhaweeyay gudo iyo dibadba, muwaaadiiniin iyo ajaaniba khaasatan deeqbixiyaashii inaga gacan qabanaayay diiwaangalinta iyo doorshooyinka
Iyadoo heshiiskaasi muddadii laga soo ay nimanka guurtida la yidhaahdaa ka wr hayeen in ka wada hadalkiisu socday iyo in la laysku afgartayb waxaa nasiib daro ah in maanta oo ay taariikhdu tahay April 10, 2008 ay nimankaasi soo saareen g’aan aan haba yaaratee wax tixgalin ah siinaynin heshiiskaasi sadexda xisbi iyo komishanku ay isla qaateenku isla qaateen.

Labada xisbi siysaddeed ee ucid iyo kulmiye waxay cadaynaayaan

1. In go’aan ku sheegaasi aanu ku fadhiyin waxs sharciyad ah maadaama qodobka 83 (5) ee ay u cuskadeen go’aan ku sheegaas duruufta maanta jirta ee nabadgalayda ah aanu dhaqan-gal ahayn,sidaas darteed qodobkaasi isticmaalkiisu uu yhaya mid lagu gafay
2. In aanay odayaasha go’aan ku sheega gaadhay awood sharci u lahaynb inay doorasho u mudeeyaan ee cida qudha ee sharci ahaan u mudayn karta doorashada ay tahay komishanka dooroshooyinka qaranka
3. In sababta nabadgalyo darrada ah ee aan jirin ee ay ku saleeyeen go’aan ku sheegooda uu dalka iyo dadka Somaliland ku yahay meel ka dhac khatama ku yahay himiladoodii aqoonsi doonka ahayd
4. In odayaashaasi go’aan ku sheegaas aanay u gaadhin danta ummada balse uga doo bideen dantooda gaarka ah
5. In go’aan-ku sheegaasi laalay deeqihii iyo taakulayntii bulshada caalamku galinaayay geedi socodka dimuqraadiyadeed ee dalka
6. In go’aan ku sheegaasi uu yahay mid iska hor imanaya marka la eego inay aqbaleen taariikhda doorashada hore qabsoomayso oo ay ka qaateen heshiiskii sadexda xisbi iyo komishanka isla gaadheen, halka doorashada danbe ee ay u riixeen xiliga ay ku dhawaaqeen ay u cuskadeen nabadgalyo daro aynaan ogayn
Hadabada labada xisbi qaran waxay umada u cadaynayaan
1. Inay ixtiraamayaan heshiiskii sadexda xisbi iyo komishanku isla gaadheen una diyaar yihiin in la dhaqan galiyo
2. Inay si adag uga soo horjeedaan go’aan ku sheegaas lagu burburinayo heshiiskaas xisbigyada iyo komishanku isla qaateen oo aanay marnaba aqoonsanaynin
3. In marka la gaadho 16.05.08 aanay labada xisbi iyo shacbiga somaliland u aqoonsanayn Mud: Daahir Rayaale Kaahin Madaxweyne maadaama mudadii loo doortay ku egtahay 15.05.08 waxa looga gudbayana wada hadal uga socdo”

Arrintan ayaa daba socotay kadib markii maanta Golaha Guurtida Somaliland xilka mudada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka u kordhiyeen, kuwaas oo jabiyey heshiiskii ay Xalay sadexda Xisbi qaran iyo komiishanku ku gaadheen inay doorashadaasu qabsoonto.

hadhwanaag

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: