WARBIXIN KU SAABSAN SAFIIRKA SOMALILAND EE FARANSIISKA MUDANE MAXAMUUD SAALAX NUUR “FAGADHE”

Paris(sl.no) 10 Apr. 2008 – Waxa isasoo taraya hawl-galka Xafiis ka dhawaan laga furay , kadib marku Safiirka loo magacaabay Maxamuud Saalax Nur (fagadhe) uu soo gaadhay caasimada Paris . Isagoo waajibaadkiisa gudanaya wuxu la kumay bisha 31 March 2008 Waaxda Afrika u qaabilsan Bari/Badhtamaha/iyo Indian Ocean ee Wasaarada Faransiiska , Ms Legal iyo xafiiska xidhiidhka (Somali Desk) ee Geeska , M.Thierry Caboshe . Marka hore iyadoo si diran loogu soo dhaweeyay Wasaarada Arrimaha Dibada , waxay labada dhinac isla soo qaadeen arrimo badan oo ay iskaashi ka yeeelan karaan , sidda luqada faransiiska looga hirgalinlahaa Somaliland , iskaashi dhinaca dhaqanka iyo waxyaabo kale badan .

Wakiilka Somaliland , .Maxamuud Saalax (Fagadhe) waxuu u gudbiyay Waaxda Arrimaha Dibeda ee Faransiiska waaraqha aqoonsiga ee uu ka waday dalkiisa , waxa kale oo ka mahad naqay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay dalka France . Intaa kadib , labada dhinac waxay carabka ku dhufteen dhinacyada la rabo inay iskaashi buuxda ka yeelan doonaan.

M.Thierry Caboshe oo ah isu-duwaha-geeska Afrika oo dhawr dal uu qaabilsan Dawlada Faransiiska (sidda Somali Deska) ayaa isna dhinaciisa ka war bixiyay hawlaha mustaqbalka dhow ee Dawlada Faransiisku rabto inay ku talaabsato oo si gaar uu carabka ugu dhuftay Tacliinta Sare , dhaqanka iyo sidii looga furi lahaa Somaliland xidhidhka Alliance Française oo ah hirgalinta silsilida -af-barashada afka faransiiska , oo ah Hayad wayn oo ay faransiisku ku baahiyaan aduunka .

Waxa ku weheliyay Wakiilka Mudane Maxamuud Saalax Nur, kulankaa lataliyaha Xafiiska M.Yusuf Karieh iyo Xoghayha 1aad M.Ali Ismaaciil .

Wuxu is-aragu ku dhamaaday heer sare oo is-afgarasho iyo qadarin leh ku dheehantahay .

Afnugaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: