Guurtida S/land oo Muddo 1-sanno Ah Xilka Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa ugu Kordhiyey,Jabiyeyna Heshiiskii 3-da Xisbi iyo Komiishanku gaadheen

Hargeysa (sl.no) 10. Apr.2008 – Golaha Guurtida Somalailand ayaa fadhigoodi maanta waxay Cod aqlabiyada ku meelmariyey muddo kordhin 1-sano ah xilka Madaxweynaha iyo Madaxweynka, oo ay doorashadu qabsoomidoonto 6/5/2008. taas oo burinaysa heshiiskii ay Xalay sadexda Xisbi Qaran iyo komiishanka qaranku ku gaadheen inay doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu qabsoonto 31 December 2008.

 

Fadhigan oo uu shirgudoominayey ku-simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida ahna Gudoomiye Ku-xigeenka Golahaasi Md. Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure, waxaana kulankaasi ka soo Xaadiray 65 Mudane, cod loo qaaday waxa ogolaaday muddo kordhinta Xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxa ogolaaday 61 Mudane, waxa diiday 2 Mudane, gudoomiyuhuna muu codeyn sidaana uu ku an-saxay muddomkordhintaasi.

Gudoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Guurtida Md, Siciid Jaamac Cali ayaa madashaasi ka akhriyey digreeto Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ka soo gaadhay oo nuxurkeeduna ahaa dib-u-dhigista doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka oo salka ku haysa heshiiskii wada-jirka u wadagaadheen Sadexda Xisbi Qaran [KULMIYE,UCID iyo UDUB] iyo komiishanka doorashooyinku. Kuna qoondeeyeen inay qabsoonto doorashada Deegaanku 6/10/2008, sidoo kale-na ay doorashada Madaxweynuhu qabsoonto 31/12/2008.

Md. Siciid Jaamac isaga oo sharaxaad ka bixinayey iyaga oo Golaha Guurtidu raacayaan dariiqada sharciga ah ee uu dastuurku u jideeyey in labada doorasho [Madaxtooyada iyo Deegaanka] loo kala dhaxeyso muddo lix bilood ah, waxaanu xusay isaga oo cuskanaya qodobka 83-aad ee faqradiisa 5-aad ee Dastuurka qaranku uu sheegayo muddo kordhinta Madaxweynaha, marka uu mudada xilkoodu dhamaato, inay Golaha Guurtidu u kordhin karaan.

Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu sheegay awooda uu dastuurku siiyey awgeed waxay dib u dhigeen mudadii doorashada Madaxtooyada oo ay ku dareen muddo sadex bilood ah oo ku beegmaysa 6 May 2009, taas oo ka horimanaysa heshiiskii ay Xalay gaadheen sadexda Xisbi Qaran iyo komiishaknku oo lagu heshiiyey in doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenku qabsoonto 31 December 2008.

Mr Siciid Jaamac ka hadlayey sababta kaliya ee mudada xilka loogu kordhin karo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, waxa uu yidhi “Duruufaha laga rabo ee uu xeerku [doorashooyinku] qeexayo waxa weeyaan haddii aynaan sheegin oo aynaan cadeynin mugdi ayaa galayaa waxaa aynu qabanayno, waayo dastuurku waxa uu sheegayaa in marka ay arrintaasi [Muddo kordhintu] dhacayso waa inay jiraan duruufo la xidhiidha nabadgelyada Dawladnimada, maaha duruufaha la xidhiidha nabadgelyada oo kaliya way badan yihiin, duruufo dhaqaale ayaa la xidhiidhi kara, haduu dalka sixir-barar galo abaaro ayaa dhici kara oo dadku inta ay Magaalada soo galaan ayey dadka boobi karaan, durufo Siyaasadeed ayaa jiri kara oo haday dadku aragtida Siyaasadeed ku kala duwanaadaan nabadgelyadu ma dhameystirnaanayso”

“Markaa duruufihii uu xeerku [Doorashooyinku] banaynayey way jiraan qoraalka ayaana si toos ah u sheegaya” ayuu yidhi Siciid

Gudoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali oo ka hadlayey Heshiiskii Sadexda Xisbi Qaran iyo komiishanku Xalay qalinka ku duugeen ee ahaa mudada ay qabsoomayso diwaan-gelinta iyo doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxweynaha waxa uu yidhi “Heshiiska ay Sadexda Xisbi Qaran iyo Komiishanku isla soo gaadheen, ayaa ah in doorashooyinka hore ee Dawladaha Hoose ay dhacdo 6 October 2008, doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenku inay dhacdo 31 December 2008”

Mar uu ka hadlayey Gudoomiye Ku-xigeenku u jeedada ay Fadhigan maanta isugu yimaadeen Xildhibaanadu waxa uu yidhi “ U jeedada ugu weyn ee ay maanta u fadhinaa waxaweeyaan kordhintii mudada xilka madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka oo inga maanta ina hortaala”

Md. Siciid waxa uu sheegay in inaanay waxba ka badalayn heshiislii ay sida wada jirka qalinka ugu duugeen sadexda Xisbiga qaran iyo komiishanka doorashooyinku inay ku qabsoomaan diwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashada Golayaasha deegaanka ee ahayd, inay diwaan-gelintu dhamaato 5 October 2008, isla laba cidho ka dib 7 October in doorashada hore [Deegaanka] dhacdo, oo ku tilmaamay inay cayiman tahay, balse ay iyagu ansixinayaan.

“Ta maanta ina hortaala waxa-weeyaan kordhintii mudada [Xilka] Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, labada doorasho [Madaxtooyada iyo Deegaanada] waxa uu xeerku [Doorashooyinku] qorayaa inay u dhaxeyn karto muddo lix bilood ah, inaga oo ka duulayna kuwan ay iyagu soo qaateen ayaa waxa inaga [guurtida] inagu waajiba inaynu xeerka Waafajino” ayuu yidhi Siciid Jaamac

Md. Siciid Jaamac waxa uu sheegay inay doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka oo ay hore sadexda Xisbi Qaran iyo komiishanka doorashooyinku ku heshiiyeen inay dhacdo 31 December 2008, iyaga oo xeerka Doorashooyinka waafajinayaa

Hadhwanaag

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: