CUDUR-DAAR JACEYL “Qeybtii Shanaad”

Waa sheeko dhab ah oo ku dhacday Qoraaga sheekada oo ah C/laahi Axmed Caarshe

Qormadii Shanaad……………

“walaal waa la wada fiican ahay carruurtiina way wanaagsan yihiin oo qolkan igu xiga ayay wax ku akhrisanayaan” intaa markii ay Aamina igu tidhi ayaan ku idhi aniga oo la kaftamaya, ” oo Aamina adigu minaad habeenkii wax akhrisan? inta ay qososhay ayay igu tidhi, “walaal wakhtigayga inta badan waxan ku qaataa wax akhris, marka aan salaada makhrib la tukado ayaan shaqada guriga meel iska dhigaa, ka dibna qolkayga ayaan tagaa oo wax ku akhistaa ilaa inta aan ka seexanayo, imikana kaba sii darano imtixaan ayaan gelayaa, markaa markii aad soo garaacday ayaan buugii laabay oo is idhi cabdilaahi la hadal” markii ay Aamina intaa igu tidhi, ayaan anna ku idhi aniga oo aad u faraxsan dareemayana in Aamina soo dhowaatey, ayaan u mahad celiyey kuna idhi, “walaal waad ku mahadsan tahay sida fiican ee aad ii tixgelisey”Runtii intaa wixii ka danbeeyey waxan filayey in Aamina go’aankii ay soo gaadhey ay ii soo bandhigto.

Aniga oo ku rajo weyn in ay tayda igu raacayso, balse way igala xishootay in ay wax go’aan ah ii dhiibto, markii aan arkay in Aamina iga xishoonayso wakhti danbena ay tahay ayaan anigu is hayn kariwaayey waxana Aamina ku idhi “walaal Aamina go’aankii ayaan kaa sugayey waxana rajaynayaa in aanad waxba ila diidanayn” intaa markii aan Aamina ku idhi ayay igu yidhi, “walaal maxaad igu fallaysaa hablo iga qurux badan ayaad helaysaaye” markii ay Aamina intaa igu tidhi ayaan anna ku idhi “walaal adiga cid aan ahayn indhahaygu ma arkayanm haddii aan ku waayona geeribaan ka xigaa” waxan ogaa in Aamina ay tahay inan naxariis badan, sidoo kalena Aamina waxau ahayd inan qurux badan oo reer dhami ku indho kuushaan, aadna loo kool-kooliyo, waxayna ka dhalatay qoys ladan, Aamina da’ahaan way yarayd laakiin jidh ahaan iyo maskaxiyan ayay aad uga kortay, Aamina waxa ka xaaraan ahayd in ay dibada u baxdo marka laga reebo muddada ay ku maqan tahay waxbarashada, Aamina marka ay wadad maratso raggu kama ay jeesan jirin quruxdeeda ninkastaana wuu u qushuuci jirey. Laakiin iyadu cidna salaanta kama ay qaadi jirin. Hadaba markii aan Aamina u sheegay in aanan la’aanteed noolaanayn, xaalkayguna khatar ku sugan yahay balse aanay iiga jewaabin hadaladaa murugada leh ayaan u sii raaciyey maasadan.

Naf Jacayl Sawaaboo Sanka kuu Dalooshoo Kuu Sudhay Hoggaankaad u Sudaa Maqaarka’e Hawgaabin Seetada Sogsogti iyo Cadaadiyo Haku Saydhin Laamaha…………..
Markii aan Aamina maasadaa qaaban u tiriyey ayay igu tidhi “horta walaal barasho iiguma kaa dhina Nibaad Maakin Ku Baran Weydid Sanad Ku Baratid, markaa C/laahiyow barasho iigu kaa dhimani ma jirto, in aan beenkuu sheego ama aan ku lugooyana ma doonayo, waxanse kuu sheegayaa in aanu jirin go’aan cad oo aan weli soo gaadhey, weliba ayaad ayaan ugu rajo weynahay in aan jacaylka ku haya wax kaala qabto, waxanse kuu ballan waadayaa in aan habeen danbe haddii ALLAAH ka dhigo in aan go’aan cad kuu keeno, wixii horena iska illow walaal wax fiican ayaan inoo rajaynayaa haddii laysu keen qorayna ma jirto cid ina kala celinaysaa walaal” markii ay Aamina hadalkaa isugu jira rajada iyo waanada igu tidhi ayaan anna ku idhi “walaal waan qaatay hadalkaagii laakiin walaal habeen danbe haygu dhaafin war fiicanna waan kaa sugayaa walaal” intaa markii aan ku idhi ayay igu tidhi “walaal insha ALLAHAAH war fiican ayaan kuu keenayaa si fiicanna u seexo wer werka iyo walbahaarkana iska jooji sida iyo habeen cawan” habeen wacan ayaan anna ugu sii daray, runtii xilii danbe ayay ahayd xaafaddiina keligay ayaa ka soo jeedey, dhalinyarada aanu isku xaafadda nahay way ogaayeen in jacayl I haleelay marka ay arkaan aniga oo telefoonka dhegta ku hayana waxay odhan jireen “ninkii C/laahi jacaylbaa haleelay hadh iyo habeena telefoonka ayuu dhegta ku hayaa oo ku miyir layahay” balse anigu hadalada dhalinyara dheg uma dhigi jirin oo waxa i haya ayaa ka weynaa. Habeenkaa sidaa ayaan furaashkii ku tegey waxana deris ila ahaa wer wer iyo walhabagaar jacayl, waxan habeenkii oo dhan isweydiinaya wixii aan odhan lahaa haddii ay Aamina habeen danbe igu Tidhaahdo Ladabaalo Caashaqa, su’aashaa iyo qaar kaleba waxay ahaayeen kuwii maskaxdayda ku abuuray walbahaarka iyo hurdo la’aanta, habeenkii waa baasbaa ii baryey waxanna soo toosay aniga oo aan il iyo baal isu keenin, cuntadii ayaan ka soo may dadka inta wax garadka ah ee aanu isku guriga nahay waxay moodayeen in aan iska yare xanuunsanayo balse dhalinyarada ayaa fahamsanaa in falaadh jacayl igu taagantahay. Aamina ima oga waxa aan ku suganahay iyo dhinta jacayl ee I haysata. Sidoo kalena Aamina kama ay war ahayn xaaladdayda nololeed iyo duruufaha ku xeeran, ma jirin haba yaraatee wax adduun ah oo aan gacanta ku haystey reer kayaguna waxay ahaayeen reer miyi waxay lahaayeen xoolo miyi,Aamina oo ahayd inan xishood badan waxa keliya oo aan u sheegay in aan deganahay xaafadda Badda Cas jaamacaddana aan dhigto, wax kalena Aamina ima ay sii weydiin. Xiligii Aamina ila ballantay ayaan tilifoonkii soo garaacay rajo sida u weyn ma aan qabin waxan ka wer-werayey in ay caawana Aamina igu tidhaahdo habeen danbe, waxa keliya ee dawadayda ahi waa Aamina oo tidhaahda jacaylka waan kula wadayaa. Tilifoonkii ayaan soo garaacay Aamina ayaa iga qabatay, tilifoonkuna qolkeeda ayuu yaallay, markii ay Aamina telefoonkii iga qabatay ayay salaan qurux badan igu soo dhowaysey, runtii codka Aamina ayaa wax tar weyn ii ahaa qalbigayguna ku degi jirey. Markii aanu cabaar is waraysanay ayay Aamina igu tidhi iyada oo ila kaftamaysa ee gaysana dareenkayga iyada ku aadan. “C/laahiyow caawa maxaad filanaysaa? Aniga oo dareesan in Aamina ay caawa go’aansoo gaadhey ayaan ku idhi “walaal waxan rajaynayaa in aad war wanaagsan sidid, waxan rajaynayaa in aad inoo wadid wixii aynu ku gaadhi lahayn mustaqbal waara, waxan rajaynayaa in aad caawa inoo furaysid albaabkii jacaylka, adna aad dhicagaaga ila qaban dootid, Aaminay war fiican ayaann kaa sugayaa” intaa markii aan ku idhi waxa Aamina uurkeeda ku jirana aanan ogayn balse ay ka muuqato in ay soo diyaar garowdey go’aan cadna ay sid, doonaysona in ay caawa runta ii sheegto. Aamina oo ila kaftamaysa ayaa igu tidhi “C/laahiyow maxaad samaynaysaa haddii aan caawa ku idhaahdo HARUU SOCO NASIIBKAA GEYAANKAAGA WAAD HELI”……………

La soco qormada lixaad………………………………..

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: