LIX QOF OO LOO XIDHAY QARAXII XARUNTA GOLAHA GUURTIDA SL EE HARGEYSA

Hargeysa 2008-04-09 (sl.no) – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col. Maxamed Saqadhi Dubad ayaa shaaca ka qaaday in qaraxii maanta 12 duhurnimo ka dhacay xarunta Golaha Guurtida loo qabqabtay 6-qof oo la baadhayo, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan Maxkamadna loo horkeenidoono

Sida waxa uu taliyuhu ka sheegay mar uu caawa u la hadlayey qaar ka mida warbaahinta dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col Maxamed Saqadhi Dubad oo ka hadlayey sidii ay wax u dhaceen waxa uu yidhi “Xafiis loogu talagalay Gudiyada Golaha [Guurtida] la dhigay gudihiisa walxaha qarxa,”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaanu qaraxan ku soo beegmay iyada oo aanay dhismaha golaha cidina ku sugnayn xarunta Golaha”

Waxaanu taliyuhu sheegay inuu qaraxani burburiyey dhamaanba muraayadihii xafiiskaasi, isla markaana uu khasaare ka soo gaadhay xarunta Golaha Guurtida 12: Duhurnimo.

Col. Maxamed Saqadhi Dubad waxa uu cadeeyey in qaraxaas maanta ka dhacay xarunta Golaha Guurtida loo qabqabtay 6- qof, isla markaana ay baadhistoodi gaanta ku hayaan. Oo maxkamad si degdega loo horkeeni doono.

Qabqabashada dadkan la sheegay inay dhan yihiin lix qof ayaa daba socotay, kadib markii maanta xarunta Golaha Guurtida Somaliland, waxaa gil-gilay qarax xoogan, kaas oo ka dhex-dhacay Xafiiska Gu ddii joogtada ee xurunta Golaha Guurtida oo 10 talaabo dhinaca waqooyi ka xiga Qasriga Madaxtooyada Somaliland, isla markaana waxaa dhaawac ka soo gaadhay hal qof oo ka tirsan shaqaalaha Xafiiska, sidoo kalena waxaa bur-buray daaqadihii iyo albaabkii xafiiska,

Source: Hadhwanaag

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: