WARAYSI AAN LA YEESHAY MAAMULAHA DUGSIGA H/DHEXE EE SHEEKH AXMED QAALIB, Allaybaday


Mr. Ahmedqani Sh. Maxamuud ali.
-Dugsigan waxaa dhigta 600 arday oo kala ah 390 wiil iyo 210 hablood. iskuulkan waxa ka gunaysnaa hal macalin laakiin sanadkani waxa ay wasaaradu gunaysay 3 macalin oo kale, waxa kale oo jirta in ay wasaarada waxbarashadu balanqaaday in ay  gunayso 20 macalin oo  dhamaantood waxa ka dhiga iskuulada degmada, 20 tankaasina waxa aanu ka iskuul ahaan ka helay 5 macalin…...

 
Hilqad,Wariyehilqadm@hotmail.com
Maanta mar aan kormeer ku tagay iskuulka Sh. Axmed Qaalib waxa aan u kuur galay sidda ay u socoto waxbarashada Dugsigaasi, waxaanan  waraysi la yeeshay Maamulaha Iskuulkaasi, Mr. Ahmedqani Sh. Maxamuud Ali oo iga waramay sidda ay u socoto waxbarashada iskuulkaasi waraysiguna waxa uu u dhacay sidan:

 

1.     S. Maamule waxa aad ka warantaa guud ahaan xaalada iskuulku sida ay tahay xiligani?

J. Xaalada iskuulku aad ayay u fiican tahay wakhtigan sobobtoo ah waxa isku sargo’an Macalimiinta iyo tirada Galaasyada sidaasi daraadeed aad ayay u wacan tahay xaalada iskuulku xiligani. 

 

2.     Waxa aad mudane Maamule ii sheegtay in ay isku sargo’an yihiin Macalimiinta iskuulka iyo tirade Galaas yadu markaasi imisa Macalin ayaa waxa ka dhiga Iskuulka?

 

Iskuula waxa wax ka dhiga 9 macalin oo ay macagyadoodu kala yihiin sedan:-

 

1.     Maamule AXMEDQANI SH. MUXUMED CALI

2.     M/XIGEEN FOOSIYA SH. AADAN AAMIN

3.     CABDI AW AXMED XASAN

4.     C/RAXMAAN SH. C/LAAHI  MUXUMED(AW GAAB)

5.     CABDI AW MAXAMED ISMAACIIL

6.     JAMAAL DAAUUD FAARAX

7.     MAXAMED AXMED CIGE

8.     MAXAMED BAARUUD MADAR( AFRIKAN)

9.     SALEEBAAN MAXAMED MADAR

 

Waa sidaasi macalimiinta iskuulka waxa ka dhigtaa. 

 

3.S. Tirada ardayda iskuulka ka waran  iyo sidda uu iskuulku horumar uga samaynayo xaga korodhka ardayda? 

 

J. Runtii iskuulku waxa uu ku talaabsaday horumar mudadan uu UHWA gacanta ku hayay taasi oo aanay maalina maalin ku daraynin korodhka ardayda iskuulku, hadaba xiligan iskuulku waxa ay tiradiisu maraysaa 600 arday oo kala ah 390 wiil iyo 210 hablood. 

 

4. Waxa jirtay in macalimiinta iskuulka ay mushaarka siin yaan jaaliyadaha kazoo jeeda degmada Allaybaday hadaba xiligani majiraan dhinac wasaarada waxbarasha JSL  macalimiin laga guneeyay oo mushaarka qaata wasaarada?haday jiraan waa imisa macalin? 

 

J. Horta hore iskuulkan waxa ka gunaysnaa hal macalin laakiin sanadkani waxa ay wasaaradu gunaysay 3 macalin oo kale, waxa kale oo jirta in ay wasaarada waxbarashadu balanqaaday in ay  gunayso 20 macalin oo  dhamaantood waxa ka dhiga iskuulada degmada, 20 tankaasina waxa aanu ka iskuul ahaan ka helay 5 macalin taasi oo haddii alleh yidhaahdo ay wada gunaysmayaan dhamaan macalimiintii iskuulku taasi oo mooraalkii macalimiinta kor u qaaday, ka macalimiin ahaana aanu aad ugu mahad naqayno wasaarada waxbarashada JSL iyo  dhamaan cidii kale ee ka shaqaysayba hawshaasi. 

5. Baahiyaha iskuulka haysta Maxaa ugu wayn xiligani? 

 

J. Iskuulka waxa haysta baahiyo dhawr ah oo u baahan in wax laga qabto, sidda dhismihii hore ee iskuulka oo burbur fara badani ka muuqdo oo u baahan in hore loo dayac tiro  iyo in iskuulka loo sameeyo dayr dadka iyo xoolahaba ka celiya,iyo in iskuulka lagu soo biiriyo laba galas taasi oo uu samaysan yahay seeskii hoose si sanadka danbe aanay u dhicin in ardaydu geedaha wax ku hoos dhigtaan ayaa loo baahan yahay in la iska kaashado dhismaha labadaasi Galaas. 

   

6. S. Maamule waxa aad sheegtay in uu dumayo dhismihii hore ee iskuulku markaasi arrintaasi dayac tirka makala hadasheen Maamulka Degmada iyo dadka deegaanka si dayac tir loogu sameeyo dhismahaasi laga cabsi qabo in uu ardayda ku dumo? 

 

J. Runtii waxa aanu kala hadalay Maamulka degmada dayactirka iskuulka waxaanu nagu yidhi u dira farsamayaqaan soo qiimeeya, kadib waanu u dirnay farsmayaqaankii oo qiimayn ku sameeyay iskuulka, kadib waxa aanu ka samaynay qoraal qiimayntii uu farsamayaqaanku sameeyay taasi oo aanu u kala dhiibnay Maamulkii howsha noo diray iyo Xoghayaha UHWA oo aanu isna mid u dhiibnay  iyo guddida iskuulka oo aanu iyana mid siinay, intaasi kadib waxa uu Maamulkii nagu yidhi ma awoodo xiligani in aan qabano hawshani balse wixii aanu kari karno ayaanu kasii qaban doonaa intiina uu lahaa waxbaanu kasii qabana waxba kamaysuurta galin oo way hirgali wayday Anaguna ka macalimiin ahaan waanu iska daynay markii aanu ku daba daalay ee aanu aragnay in aanay waxba kazoo naasacadayn.

Xaga dadka deegaankana  waxa aan ka macalimiin ahaan galay shir taasi oo aanu isla garanay in aanay xiligani awoodin dadku in ay wax bixiyaan sobobtoo ah waxa lagu jiraa wakhti kaliil adag ah dadka deegaankana sidaasi ayaanan waxba u waydiin. 

 

7.S. Waxa mudane Maamule  jirta in aan la Ogolayn in ardayda lacag la waydiiyo, iyada oo ay taasi jirto waxa aan maqlay in ardayda lacag laga qaaday labadii bilood ee u danbeeyay, markaasi lacagtaasi maxaa lagu qabanayaa? Maxaase iska badalay qorshihii ay soo dajiyeen UHWA ee ahaa in aan ardayda la waydiin wax lacag ah si ay tirade ardaydu u korodho? 

 

J. Horta lacagtu maaha lacag fara badan maahana lacag ay macalimiintu isticmaalayso, balse waxa aanu macalimiin ahaan iyo guddi waalidiin ahaan isla gorfaynay siddii loo dayac tiri lahaa iskuulkani dumaaya, marka Maamulkii Degmada waxba laga waayay kadibna waxa aanu go’aan ku gaadhnay in aanu iskuulka u samaynay Sanduuq layidhaahdo sanduuqa dhaqaalaha, taasi oo aanu imika qorshaynayno marka aanu dhawr bilood isku darno in aanu iskuulka ku dayac tirno, lacagta aanu ardayda ka qaadaynaana maaha wax dhibaya ardayda ee waa wax aad u yar oo dhan 2000 s/l ah waa wax ka yar 0.5$ dollar. 

8. S. Ugu danbayntii maxaad u soo jeedinaysaa UHWA iyo dhamaan dadka ku hawlan horumarinta waxbarashada degmada Allaybaday? 

 

J. Marka hore waxa aan leeyahay salaam kal iyo laab ah iga gudooma, marlabaad waxa aan u soo jeedinayaa mahadnaq balaadhan oo aan uga mahadnaqaayo hawsha wax ku oolka ah ee ay hayaan taasi oo ay meel madhan kazoo bilaabeen hawshaasi maantana ay marayso meel heer sane ah waxaan leeyahay aakharo iyo aduunkaba waydun liibaaniye hawshaasi ha ka daalina.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: