War saxaafadeed Xisbiga UDUB

 

Waxa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Komishanka Qaranka guddoomiye ku xigeenka Gudiga Doorashooyinka qaranka Xirsi Cal X. Xasan 05/04/06 kaasoo si toos ah dusha uga saaray in Xisbiga talada hayaa ee UDUB uu gacmaha kula jiro Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Haddaba haddii aanu nahay Xisbiga UDUB waxaan halkan ku xaqiijinaynaa arimahan soo socda:-

In Xisbiga UDUB haba yaraatee aanu wax gacan ah kula jirin Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kalana shaqaynayo sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho xor ah oo xalaal ah.
Waxaanu aaminsanahay in Guddiga Doorashooyinku Qaranku u madaxbanaan yahay howlaha Doorashada ee ay u xil saran yihiin,sida uu xusayo Xeerka No.20 ee Doorashada,Qodobkiisa 11,Faqrada 6.
Waxaanu ku talinaynaa in dhamaan wixii lagu muransan yahay,kuna saabsan Guddiyada Doorashooyinka ee Gobolada,in lagu dhameeyo,wadatashi iyo si waafaqsan Xeerka Doorashooyinka.
Waxa laga sugayaa gudiga doorashooyinka in ay cayimaan waqtiga doorashadu qabsoomayso, xaliyaana waxii khilaafaad ah ee dhexdooda yaala
Gudiga doorashooyinku iyagaa u madax banana qorista iyo anshax marinta shaqaalahooda, waxase ka reeban inay shaqaalaystaan, shakhsiyaadka ku sifoobay xisbinimo, shaqaale dawladeed iyo inaanu wax denbi ah ka gelin qaranka, Markaa intaa qofka laga helo waxanu u soo jeedinay inaanu noqon Karin komishan.

Waxa wax laga naxo ah in guddoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka uu ugu baaqo beesha caalamka, deeq bixiyayaasha doorashooyinka in gudiga doorashooyinka oo ka midka yahay aanay qaadin Karin masuuliyada doorashooyinka
Waxay gudigu si gaar ah xal ula gaadheen labada xisbi ee Mucaaradka ah iyaga oo aan haba yaraatee wax talo ah weydiin Xisbiga UDUB.

Haddii aanu nahay xisbiga UDUB waxanu diyaar u nahay wada shaqaynta Komishanka doorashada Qaranak iyo Xisbiyada mucaaradka ah anagoo tix gelinayna markasta habsami u socodka Dimoqraadiyada iyo danta dalka iyo dadka Somaliland.

Waxanu kula talinaynaa guddoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka qaranka Mudane Xirsi Cali X. Xasan inuu noqdo shaqsi u dhex ah saddexda Xisbi qaran,waxaana muuqata inuu bartilmaameed ka dhigatay inuu si cad u weeraro musuuliyiinta Xisbiga UDUB. Taas oo wax yeelaysa kalsoonida xisbigu ka qabo dhexdhexaadnimadiisa.

kana fiirsado hadalada wax yeeli kara habsami u socodka Dimoqraadiyada ee dalka iyo dadkuba ka sugayaan

Allaah Mahad Leh

Omar Jama Farah

Gudoomiyaha Siyaasada UDUB.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: