Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Sabti, 05 April

“Xarunta Madaxbanaanida Kosovo hirgelisay oo Somaliland iyo Saxaaraha Galbeed-na u ololaynaya.”

“Mr Carne Ross oo iska casilay xafiiska arrimaha dibada Ingiriiska iyo saaxiibadiisa Ururka”

Jonathan Saunders For Time

By Jumana Farouky

New York (Time-CNN/Ogaal)- Xarun caalami ah oo looga ololeeyo dalal lagu tilmaamay kuwa aan codkooda la maqlin, maadaama aanay aqoonsi caalami ah haysanin, ayaa laga sheegay in Somaliland iyo Saxaaraha Galbeed ay waajib tahay in codadkooda la dhegaysto, isla markaana ay helaan wax xaruntani ay ugu yeedhay Taysarada Aqoonsiga.

Sida lagu faafiyay Wargeyska Time/CNN, Mr Carne Ross, oo hore isaga casilay Xafiiska Arrimaha Dibadda Ingiriiska ka dib markii sannadkii 2004 uu ka horjeestay go’aankii Ingiriisku ku galay duullaankii Ciraaq lagu qaaday, oo xaruntan aasaasay, ayaa 15 sannadood oo khibrad-diblomaasiyadeed uu siyaasadda caalamka u leeyahay si kooban ugu eegaya Jamhuuriyadda Kosovo, iyo qaar ka mid ah inta kale ee ku daba-jirta. Mr Ross, oo ka mahadcelinaya aqoonsiga ay Kosovo ka heshay caalamka, isla markaana muddo u soo dagaalamayay inuu dalkaasi noqdo mid gooni isu taaga ayaa maqaalka laga qoray uu wargeyskaasi ku bilaabay; “Ma jiraan dad fara badan oo shaqooyinkooda taga iyaga oo rajaynaya dalal uu uga yimaado dhawaaqyo mahadnaq lehi, balse Ross ayaa sidaa ah, waana halkii ugu dambaysay Kosovo ee uu amaahiyay abaal fara badan. Jamhuuriyadan cusub ee Gobolka Balkan-ka ku taalaa waxay ka mid tahay macmiishiisii ugu horaysay ee uu qaatay markii uu isku sharraxay inuu yahay Diblomaasi Madaxbanaan (ID), oo uu ku metelayay urur aan faa’iido doon ahayn oo caawiya dawladdaha gorgortanka ku jira iyo kooxo-siyaasadeedka ku hawlan sidii ay saaxadda u iman lahaayeen, isla markaana ah mishiin qarsoodiya oo diblomaasiyadda heer caalamiya ku hawlan.

Iyada oo la marayo duni ay dalalka qaniga ah iyo kuwa awoodda lihi go’aankooda ka gaadhayaan cid kasta, ayaa Ross, oo 41 jir ahi, uu ku adkaysanayaa inay khasab tahay in la helo hab wanaagsan oo hawlahaa lagu maamulo, wax yarna lagu dhiso, balse waxa uu tixgelinayaa in shaqaale kooban oo diblomaasiyadeed ay fikraddaas kaga shaqaysiiyaan. “Annaga shaqadayadu waxay ku salaysan tahay in aanu aaminsanahay in qof kastaa uu leeyahay xuquuqdiisa ay dadka qaarkood ku sheegaan qaraarrada arrimahooda,” ayuu yidhi Mr Ross. Markii ay haddaba Kosovo kiraysatay ID, waxay isku deyaysay inay wadahadal kala yeelato dalka Seerbiya madaxbanaanidooda, balse maadaama aanay weli waddan madaxbanaan ahayn, looma ogolayn inay kursi ku yeeshaan miiskii wadahadallada Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee arrintaa lagu hayay. Sidaa daraadeed, ID-ga ayaa garaacay xidhiidho gudihii wadahadalka lagu hayay si Reer Kosovo ay u helaan god ay dalooshadaan, isla markaana waxay kooxddaasi hubiyeen arrimo muhiim ahaa in la sheego, tusaale ahaan, waxay u gudbiyeen waraaqo qoraal ahaa gudigii wadahadalka waday. Bishii February, Kosovo waxay shaaca ka qaaday madaxbanaanideeda, waxaanay noqotay dalkii ugu horeeyay ee guul lagaga gaadho hawlgalkii Ururka Diblomaasiyadda Madaxabanaan (ID). Ururka ID oo kaalmeeya keliya meelaha ay dimuquraadiyadu ka jirto, laga ilaaliyo xuquuqal iinsaanka, rabshaduhuna aanay ka jirin, isla markaana aanay muuqanin cid jeclaysanaysa inay gorgortankooda ka caawiyaan, ayaa sheegay inay liiska ugu jiraan Dawladda Dibad-meerka ku maqan ee Polisario Front, ee Dhulka Saxaaraha Galbeed ee ay Marooko ka taliso, taasoo Kooxda Diblomaasiyadda Madaxabanaani ay ka caawinayaan halgankooda ay ugu jiraan madaxbanaanida dhulkooda. Dabadeedna waxa jirta Somaliland, taasoo madaxbanaanayd tan iyo 1991-kii, isla markaana qaadanaysa talooyinka ay ka siinayaan sidii ay u heli lahaayeen aqoonsiga caalamiga ah. “Waa inaad abaartaa dhamaanba dhinacyada,” sidaa waxa yidhi Ross, oo hadalkiisa raaciyay, “Maaha oo keliya dawladdaha xafiisyada (Qaramada Midoobay ka tirsan) iyo safaaraddaha inaad wax ka doonto.” Ka dib markii uu mudo ku soo jiray mihnaddiisa diblomaasiyadeed ayuu Mr Ross go’aansaday caawinta aayaha dadyowga aan xataa iyagu ku jirin xayndaabka aqoonsiga caalamiga ah, waxaanu Mr Ross fursad siinayaa inta aan codka lahayn si ay qadiyaddahooda uga hadlaan – ka hor inta aanay ka soo bixin jidad fara badan oo xag-jirnimo ahi, waa in la dhegeystaa.”

“Ninka marka xilka laga qaado cararaa waa Inan Gumeed, markaa…”

, “Madaxweynaha iyo Wasiiradiisu iyaga oo isu dhan ayaan Madaxweynaha ku idhi dadkii way soo xaroodeen oo miyi cidi kaama jirto, Cawil-kaa ku ag-fadhiyaana waligii Ab iyo Isir uma yeelan Reer Miyi,” Fu’aad aadan cadde.

Hargeysa (Ogaal) – Wasiirkii xilka laga qaaday ee Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka, mudane Fu’aad Aadan Cadde ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha xilka lagaga qaaday oo ahaa dhalliilo uu u jeediyey Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisa. Waxana uu sheegay in uu ka hadlay keliya inaan waxba loo qaban dadka reer Sool, isla markaana lacagtii dadka laga ururiyey iyo 2% lagu kordhiyey cashuurta aanay gebi ahaanba gaadhin gobolkaas.

Mudane Fu’aad Aadan Cadde ayaa la sheegay inuu xilkiisa ku waayey waraysi uu siiyey Telefishanka Madaxa bannaan ee Somaliland Space Channel, kaas oo uu wasiirku si adag ugaga hadlay wax-qabad la’aanta xukuumadda ee Gobolada Bariga Somaliland.

Hadaba waraysi Idaacada Horyaal kala yeelatay arrintaasi ayaa uu kaga hadlay sida uu u arko xilka laga qaaday iyo guud ahaan dhaliilaha uu u jeediyay xukuumada. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Waxa jiray Warsaxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay oo xilka lagaaga qaadayo arrintaa ka waran?

J: Way jirtaa, Madaxweynuhu wuu soo saaray, xaqna wuu u leeyahay.

S: Warsaxaafadeedka waxa ku qoran inaad caadaysatay hadalo deel-qaaf ah oo aad ku hadasho, arrintaasina ay tahay ta xilka lagaaga qaaday, sow hadaladaasi ma jiraan?

J: Madaxweynuhu aad iyo aad ayuu run marka la sheego uu iigu dul-qaatay, wax walba oo jiray waan ka hadlay, anigu waxba ma qarsado, wax walba waxaan ka sheegay jaraa’idka iyo TV-ga.

S: Dhawaan waraysi aad siisay TV-ga madaxa banaan waxaad ku dhaliishay siyaasada xukuumada ee ku wajahan gobolka Sool, sida taakulaynta gobolka Sool oo aad sheegtay in aan gobolka wax muuqda laga gaadhsiin bal arrimahaa wax nooga taataabo?

J: TV-ga waxaan ka sheegay in aanay waxba taraynin, hadii loo geeyo 2% inuu ka badan yahay ta Madaxweyne ku-xigeenku ururiyayna ay tahay lacag aad u badan. Nasiib-darro $1 dadkii la yidhi waa loo ururiyay aanu gaadhin. Waxaan ka cawday anigu nin shicibaan ahay, suuqaan maraa, qof waliba wuxu igu yidhi, waxayagii waa nalaga qaaday oo waxa la siiyay Laascaanood ama Dhulbahante. Dabadeedna Laascaanoodna waan ka war-hayaa inaan shilin gaadhin wax mucaawimo ah haba yaraatee aanay gaadhin, intaas oo run ah ayaan sheegay.

S: Madaxweyne ku-xigeenku Laascaanood ayuu tagay inkasta oo cabashooyin loo sheegay ilaa hadda maxaa gaadhay gobolka oo aad aragtay?

J:Haddii 2% la geeyo waxaan qabaa inuu aad iyo aad uga badan yahay gaadhiga iyo guriga la iibiyaba 2% way saaran yihiin, alaabada soo dagta noocay doontaba ha ahaatee, shidaalka, raashinka, bagaashka wax walba 2% wuu saaran yahay, way ka badnaan lahayd, wax walba way u qaban lahayd. Ta madaxweyne ku-xigeenku ururiyayna horta guddi baa jirta, inkasta oo aan maqlay guddidii waa la baabi’iyay, oo saddex nin baa laga reebay. Waxaan aamisanahay 2% oo qudhi inay ku filaan lahayd. Laakiin, nasiib-darro 40,000$ ee ay kala qayb-galeen gobollada ee biyaha loogu geeyay 30 biyaha loogu iibiyay, 10-kana raashinka loogu geeyay, oo gobollada oo dhan la siiyay, waliba qaar ka badan yihiin maahee waligeed Hal shilin oo waxaa laga arkay haba yaraatee ma jirto.

S: 40,000$ ee la siiyay Sool, waa kuwee gobollada looga badiyay maxaase la siiyay?

J: Gobollada looga badiyay waa gobollo aanu raali ka nahay, gobolka Sanaag oo kale waa gobol aad u wayn, dadkayaguna wuu dagaa, dadka oo dhami waa dadkayagii meeshay doonaan ha ka dageene, 470,000$ oo waliba ku yar baa la siiyay, Burco oo iyana sidaa si le’eg ah oo gobol wayna oo aad u dad badan 52 Kun oo Dollar baa la siiyay. Sool waxa la siiyay 42 kun baa la siiyay. Markaa, ma lihi maxaa looga yareeyay. Laakiin, waxaan leeyahay wixii oo dhan waxa ka gaadhay intaa, waana wax dawladu bixisay oo gobollada oo dhan loo qaybiyay.

S: Cabashada intaanad saxaafada siin, Madaxweynaha ma ula tagtay oo ma la socodsiisay, cabashada dadka gobolka hadaad u gudbisay maxaa kaaga soo baxay?

J: Madaxweynaha waligayo wax iskumaanu khilaafin, waxaanu ula tagno waayahay buu yidhaahdaa. Talo ayaanu ula tagnaa, canaan ulama tagno, oo ma canaanan karno, oo madaxweynaha waxaanu ula tagnaa sidii dadkuna Somaliland ku noqon lahaa, Somaliland-na u hantiyi lahayd, taas oo aan u arko dadka reer Somaliland-na inay dani ugu jirto inay Somaliland noqdaan, dawladana dani ugu jirto dadkeedii inay noqdaan, oo doorashadii laga qayb-galo oo Somaliland isu dhamaato, oo marka dalka oo isu dhan Afartiisa koone dawladu gaadho. Ictiraafku wuxu dhigayaa dal ma jiraa, dad ma ku nool yahay, maamulka jiraa afartiisa koone ma gaadhay, derisyada ma la nabad yahay intaasi hadaanay jirin, ictiraaf ma jiro. Markaa, waxaan jeclaa in dawladu gaadho xadkeedii, dadkuna dadkeedii yahay oo ay soo jiidato, dadkuna ay Somaliland noqdaan. Waayo, maantadan waxaan ku talinayaa dantu waxay ku jirtaa Somaliland bay ugu jirtaa.

S: Waxaad sheegtay in gudigii taakulayn gobollada bari la baabiyay, oo Saddex qof oo kali ah ay hadhsan yihiin, goorma ayaa la kala diray gudigaas, saddexda qofna waa kuwee?

J: Horta si rasmi ah in loo kala diray anigu ma ogi. Laakiinse waxa laygu yidhi, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirka Duulista Hawada iyo nin ah qolada Kulmiye oo la yidhaa Iskeerse waxaan maqlay intaas ayaa hadhay.

S: Dawladii Ina Cigaal, waxaad ku dhaliili jirtay waxqabad la’aanta gobolka Sool iyo Sanaag, dawladana waxaad ka mid ahayd fulinta oo midida daabkeeda ayaad haysay maxaad wax ugu qaban wayday?

J: Waa run waxaan ku jiray Golaha Fulinta, waliba in badan baan ku jiray. Laakiin, mindida daabkeeda waxa hayay Madaxweynaha. Nasiib-darro wixii aan la soo qaaday ee aanu isla aqbalay, wax ka qabsoomay ma jiraan. Waxaan aaminsanahay hagar la’aani way jirtaa oo aan la hagar bixin sidii loo doonayay dadkii looma soo dhawayn, waxbana looma qaban.

Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay inuu biyaha ku mitidi doono, Riigiina wuu yimi, taaba haddii uu qabto waa wax wayn. Laakiin, Hay’adihii maye, Wasaaradihii u shaqayn lahaa maye, maye Iskuuladii, mee caafimaadkii. Laascaanood oo 140 kun ku nooshahay 1 dugsi sare ayay leedahay, Hal MCH bay leedahay, cid isla gaadhaysa iyo cid soo gaadhaysa midna ma jirto. Hal cisbitaal oo yar oo Ingiriiskii ka tagay bay leedahay, sow xaq umay lahayn in wax loo qabto. Waxaan qabaa in wax loo qaban waayay. Inkasta oo nin Qorshaynta joogaa uu aad ugu dedaalay inay Hay’aduhu gobollada bari tagaan, hadana, mooyi meel ay wax ka xidhan yihiin.

S: Socdaalkan Madaxweyne ku-xigeenku ku tagay gobollada Bari, dad baa qaba inay tahay olole oo doorashada sidii ay dadka wax uga heli lahaayeen ay wadaan, arrintaasi ma jirtaa?

J: Sanaaduuq buuxi ma soconayso, haddii diiwaan-gelin la sameeyo, inta is-diiwaan-gelisay ayuun baa codaynaysa, dawladana xaq baa loogu leeyahay inay gobollada oo dhan tagaan, abaar baa dhacday, biyo la’aan baa ka dhacday, bari raashinkii cirkuu isku shareeray, inkasta oo aan jeclaa in Madaxweyne ku-xigeenku Laascaanood u hoydo, oo aanu ka soo caraabin, taasoo ay macnaheedu ay ku tusinayso inuu aamini waayay, macnaheedu waxa weeye meel aynu dhab u haysano maaha. Waxa u sharaf badnayd, annagana noo sharaf badnayd inuu u hoydo, halka uu Caynaba uga hoyday inuu Laascaanood u hoydo ayaa uga sharaf badnayd. Anigu ma qabo in olole loo tagay ee waxaan qabaa in waajib lagu lahaa la fulinayo.

S: Marar badan waxaad sheegtay in hawhsii Wasaarada ay hayso Hay’adda NERAD oo aad meel cidlo ah fadhido arrintaa maxaad ka leedahay?

J: Anigu Hay’adaa eedayn maayo oo ma odhanayo waxayagii oo dhan bay haysaa. Markaa waxa laga yaabaa in aanu ka gardarayn, oo hawshii aanu lahayn aanu haynin. Laakiin, nasiib-daro way fadhidaa Wasaaradii ugu balaadhnayd ee ay ahayd in ay noqoto hormoodka, deegaanku adduunyada aad iyo aad ayuu u macno wayn yahay. Laakiin qiimihii ay lahayd loolama dhaqmin.

S: Hadaad cidlo la fadhido maxaad hore isugu casili wayday?

J: hadal lamaan hadhin, Hay’adaha ulama hadhin, dawlada ulama hadhin. Aniga oo Wasaarada jooga ayaan idhi ha la baabi’iyo. Waayo cid rabtaa ma jirto, Madaxweynaha iyo Wasiiradiisu iyaga oo isu dhan ayaan Madaxweynaha ku idhi dadkii way soo xaroodeen intaad Madaxweyne Ku-xigeenka ahayd ama aad Madaxweynaha noqotay, miyi cidi kaama jirto, Cawil-kaa ku ag-fadhiyaana waligii Ab iyo Isir uma yeelan Reer Miyi, hadii aan Reer Miyiga halkooda lagu ilaalin way soo yaacayaan oo magaalada ayay inoogu imanayaan oo aqaladan waawayn iyo nabadan la haysto lagu jiri maayo. Markaa aniga qayladayda iyo guubaabadaydu wax bay kordhinaysaa baan is lahaa, ilaa hadana dhinac wax laga qabtay ma jiro.

S: Adigu dhalasho ahaan waxaad ka soo jeeda gobolka Sool iyo Sanaag Bari, dadka deegaanadaasina marar badan waxay sheegtaan inay ka mid yihiin Puntland, inkasta oo aad adigu ka soo horjeedo, dad badan ayaa Laascaanood ka barakacay, dadkaasi ma soo noqdeen xagayse ku sugan yihiin maanta?

J:Horta anigu gobolka Sool baan u dhashay, waxaan ahay Somalilander, shalay oo aan Wasiir ahaa iyo ka hor oo aanan ahayn. ninku inuu hadalkiisa ilaabo maaha, ninka markuu shaqada hayo noocay doontaba ha ahaatee Somaliland-nimada ku mitida ee amaana, maalintu shaqada waayana ka carara ee dhinaca kale ka soo jeestaa waa Inan-gumeed baan idhi, Inan gumeed kale ma jiro. Markaa Inan-gumeed ma noqonayee sidii aan Somaliland u ahaa iyo si ka sii wanaagsan ayaan u ahaanayaa, guusheedana sidii baan uga shaqaynayaa. Waanse muujinayaa in wax laysu sheego mucaarad iyo muxaafidba. Dadkii markii Somaliland dhinaca shishe u dhaaftay ayay qaxeen oo dhinaca Puntland u qaxeen, wax qaxiyayna garan mayno oo kuwa dibada ayaynu wax ka saaraynaa, boqolka dollar baa dadka qixiyay. Dadkii qaarna way soon noqdeen, kuwo kalena sidii ayay u maqan yihiin. Mid maqan iyo mid jooga toona waxba looma qaban.

S: Wasiir, maadaama xilkii lagaa qaaday inaad xisbiyada Mucaaradka ah ku biirto?

J: Maya, waxaan horta dawlada aan kula coloobayaa ma jirto, saaxiib badan baan ku leeyahay, waxaanu aad isugu wanaagsanahay Madaxweynaha laftiisa, wuxuu xaq u lahaana kula coloobi maayo, Mucaarad aanan awalba ahayn oo aan hadda ku biirayaana ma jirto. Madaxweynuhu markii horeba xilka isaga ayaa ii magacaabay, colow aanu ku coloobaynaana ma jirto, awalba waxaan odhan jiray dadka iyo dalka waa in wax loo qabtaa, taas ayaan wadayaa. Laakiin, xisbi aan hada galayaa ma jiro.

S: Sidaad u aragtaa Lixdan gobol ee Madaxweynuhu dhawaan magacaabay?

J: Xaqiiqdii ma dhaliilsani, mana diidani. Laakiin, macnaheedu waxa weeye, aniga waxay iigu muuqataa in dadku ku fiicnaa in dadku qaybsan yahay. Nimanka naga soo horjeeda ee Puntland waxaan kula murmi jiray markay yidhaahdaan gobolka Sool baanu leenahay, ayaan odhan jiray waa beentiin waa laynala leeyahay. Waar Caynabo yaa leh, intaas oo tuulo oo xudun xukumi jirtay yaa leh ma idinkaa leh. maanta hadday yidhaahdaan gobolka Sool baanu leenahay hadaanu Dhulbahante nahay waa runtood. Maanta markay abaari dhacday geelii garkaasi wuxuu joogaa Gar-adag iyo inta ka sii shishaysa. Haddii aan arrinkaas si kale loo dhigin waxa suurto gal ah inay yidhaahda waxaynu nahay kala gobol ee maxaa noo kiin keenay, anigu waxaan aaminsanahay in gobollada sii hore ee ay ahaayeen loo daayo.

Markab Dalxiis oo gacanta u galay Ganacsiga madax-furashada

Muqadisho (Ogaal/W.Wararka) – Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in shalay Markab nooca dalxiiska ah kooxo budhcad badeed Soomaali ah qafaasheen.

Hadal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Faransiiska ayay ku sheegtay in uu jiro afduub lagula kacay markabka faransiiska laga leeyahay oo nooca tamashlaynta ah, Islamarkaana dawlada Faransiisku waxay falkaasi ku tilmaantay arrin aad u fool xun oo laga xumaado.

Markabkan oo magaciisa lagu sheegay “Ponant” ayaa dawlada Faransiisku sheegtay in lagu qafaashay badda u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya. Waxaana markabka saaran shaqaale tiradoodu gaadhay 30-qof, Islamarkaana wakhtiga markabka afduubka lagu qabsaday lama socon wax dalxiisayaal ah ama rakaab ahi, sida uu sheegay Christophe Prazuck oo ah afhayeen u hadlay Ciidamadda dalka faransiiska.

Markabka ‘Ponant” ayaa noqonaya Markabkii ugu horreeyay ee nooca dalxiiska ah ee ay afduubaan kooxaha budhcad badeeda ee ku walfay dhaqaalaha madax furashada ah ee ay ka qaataan maraakiibta ay qabsadaan. muddo sii hooraysay ayaa sida ay faafisay idaacada Shabeele, waxa dirqi kooxaha budhcad badeeda ah kaga fakaday Markab siday Dalxiisayaal Faransiis ah.

Wararkii ugu danbeeyayna waxa ay iftiiminayaan in ciidamada Maraykanka ee ku sugan xeebaha Somaliya iyo kuwa Faransiisku ay markabka la afduubay sii dayntiisa ka hawlgaleen.

Hase yeeshee, waxaa jira maraakiib isugu jirta kuwo ganacsi, qaar u raran hayado samofal iyo Maraakiib kalluumeysi ayaa ay hore kooxahan ka qawleysata xeebaha Somaliya ay marar kala duwan ku af duubteen xeebaha dalka Somaliya, gaar ahaan deegaanada ay ka taliso Puntland, taasoo ka dhigtay Soomaaliya xeebaha ugu khatarsan caalamka.

Weftiga M/weyne ku xigeenka iyo hawlgalka Gobollada Bari

“Waxaan la yaabanahay in dadweynaha Sanaag adduunyadoodii lagaga bedesho Waraaqo”

Ceerigaabo (Ogaal)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Wefdiga uu hogaaminayo ayaa la sheegay in intii aanay gaadhin Magaalada Ceerigaabo ay meelo fagaare ah kala hadleen dadweynaha ku dhaqan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu u sheegay in ujeedada socdaalkoodu uu la xidhiidho sidii gurmad biyo dhaamis ah loo gaadhsiin lahaa dadweynaha abaaruhu tabaaleeyeen ee ku dhaqan gobollada dalka, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa socdaalkayagu la xidhiidhaa sidii gurmad biyo dhaamis ah aanu ugu samayn lahayn dadweynaha abaaruhu hayaan , waxaananu rajaynaynaa in ilaahay inoo shubo raxmaadkiisa”.

Mudane Yaasiin isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Wixii aanu hayno haddii aanu jeebka ku shubano oo aanu cuno Yawmul qiyaamaha ninka masuulka ahi waxa uu yeelanayaa Toban laab dambi ah ama cadaab ah”.

Wasiirka Duuliista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Mudane Cali Maxamed Waran Cadde, oo ka mid ah waftiga Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay safarkooda , waxana uu sheegay in ay soo mareen gobollada Saaxil , Togdheer , Sool , Saraar iyo Sanaag, Islamarkaana waxa uu xusay in gobol walba ay gaadhsiiyeen deeqdii loogu tallo galay gurmadka biyo dhaamiska abaaraha.

Mudane Waran Cadde oo ka jawaabayay cabasho ay ka muujiyeen dadweynaha degmada Ceel-afweyn sicir barar baahsan oo ka jira gobolka Sanaag iyo saamaynta ay ku yeelatay Maceeshada lacagaha been abuurka ah ee lagu soo macmalo Puntland , waxa uu yidhi “Adduunyada lama arag wadan dal kale suuq u ah oo lacagtiisii socodsiiya , waxaan la yaabanahay in dadweynaha gobolka Sanaag ay adduunyadoodii iyo xoolahoodii lagaga bedesho Waraaqo la soo midabeeyay , waxaanan idiinka digayaa in arrintaasi ka digtoonaataan”.

Mudane Cali Waran Cadde waxa uu ganacsatada iyo dadweynaha gobollada Bari ee dalka ku dardaaray in ay wax kala soo degaan dekedaha Xiis iyo Maydh oo uu xusay in ay dawladu dhiiri gelinayso sidii badeecaduhu uga soo degi lahaayeen.

Wefdiga Madaxweyne ku xigeenku waxa uu habeen hore u hoyday Magaalada Caynaba, halkaasoo uu kaga qaybgalay xaflada Khamiistii loogu sameeyay gobolka cusub ee Saraar ee dhawaan Madaxweyne Rayaale magacaabay.

Gobolka cusub ee Salal iyo hawl-galka Wasiirada

“Anigu Xisbiyada kale ma karo’e Udub waa Udub-dhexaadkii Aqal Soomaaligeena”

Boon (Ogaal) – Wafti Wasiiro ah ayaa shalay ka qayb galay xaflad loo sameeyay degmada Garba-dadar, Islamarkaana maanta lagu wadaa inay ka qayb galaan xaflad taa la mid ah oo loo samaynayo degmada Boon, degmooyinkaasi oo ka mid ah Gobolka Salal ee dhawaan madaxweyne Rayaale magacaabay.

Sida uu ku soo waramay wariyahayaga Gobolka Awdal Daahir Axmed Jirde oo la socda waftigan ayaa waxa uu sheegay in Xubnaha Wasiirada ah oo kala ah Wasiirka xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni, Wasiirka dib u dejinta Abshir Axmed Xasan iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cali Cilmi Geele, ay ka qab galeen xaflad loo sameeyay degmo-nimada Garbo-dadar, Islamarkaana ay hadalo uga jeediyeen dadweynaha halkaasi, iyaga oo ku guubaabiyay inay muujiyaan degmo-nimada, Isku duubnaan iyo inay sameeyaan wax soo saar.

Sida wariye Jirde ku soo waramay, waftigani waxa ay geeyeen degaanada Garba-dadar, Boon iyo Xariirad sadex baabuur oo raashin macaawimo ah oo loogu tala-galay, dad ku wax yeeloobay roobab baraf watay oo dhulkaas hore uga da’ay.

Waxa hawlahan xafladaha loogu samaynayo degmooyinka Cusub ka dhex muuqday Axmed Muumin Seed oo ah Xoghayaha Xisbiga Udub ee Gobolka Awdal. “anigu xisbiyada kale maba karo’e Udub waa Udub dhexaadkii gurigii aynu ku soo koray ee aqal Somaliga ahaa.” Sidaa waxa yidhi Sheekh Meecaad oo ka mid ahaa odayaasha Degmada Garbo-dadar oo hadal ka jeediyay xaflada loo sameeyay degmadaasi oo ay waftigu habeen hore u hoydeen.

Sidoo kale waxa lagu wadaa inay maanta xubnahan wasiirada ahi Khudbado ka jeediyaan xaflad maanta loo samaynayo degmanimada Boon, halkaas oo ay xalay u hoydeen.
“Fu’aadow sida qolyaha SNM wax ku doonaya inaad tidhaahdo Harti waa nasiib daro”

Maxamed Maxamuud Gaaxnuug

Waxa nasiib darro ah, masuul gudan waayay kasbashada dadkiisa in marka shaqada laga eryo kuu soo laabto qabiil iyo wax la mid ah. Markaa aan iswaydiine’e ma qabiil ayuu shalay u shaqaynayay Wasiirkaasi, mise wuxuu ahaa Wasiir Qaran u shaqeeya?

Jawaabtu waxa weeye, waxa uu ahaa Wasiir Qaran u shaqeeya. Markaa, waxa la yaab ah haddaynu nahay bulshada Dhulbahante, ama bulshada kale ee reer Somaliland in marka uu masuulku waajibaadkiisa gudan waayo, uu yidhaahdo Tollaayeey, yaa reer hebelaay. Waxaan la yaabay markaa, erayga uu Caaqil Fu’aad (Wasiirkii hore ee Horumarinta reer Miyiga) yidhi Harti baa meesha laga saaray!!!.

maanu ogayn Harti ciidan ah oo Laascaanood ku sugnaa, haddii aanay jirin kuwo isaga dhufays ugu jiray. Kuwiise umadda hantidooda guranayay waa kuwii ka huleelay ee ay ciidamada Somaliland iyo shacabka deegaamadaasiba ay xooga kaga saareen. Markaa, Caaqil Fu’aad waxaan ku leeyahay xilligii aad ku lahayd xukuumada haddii ay intaa kaaga ekayd, waxaan Inaadeer kuu sheegayaa in aanad Cumaamada Caaqilnimo dhulka iskaga tuurin, oo aanad noqon sida qolyaha iyagu maanta wax ku raadinaya SNM-nimo, inaad tidhaahdo Harti baan ahaye, Tollaayeey yaa Hartiyeey waa nasiib-darro. Midda kale, walaalayaal haddaynu waxqabadka xukuumada aynu been ka sheegno dadnimo ma jirto. Waayo, haddaan wax ka sheego waxqabadka xukuumada, Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu hadda tagay gobollada Bari isaga oo geeyay biyo-dhaamis iyo wixii kale ee agab ahaan ula socdaba. Sidoo kale, waxa jira oo xukuumada waxqabadkeeda ka mid ah wufuud kala beelo ah oo had iyo jeer soo gaadha caasimada, wufuudaasi guryaheenii miyay ka keenaan kharashka ku baxaya, waa maya, waxa bixisa xukuumada. Markaa, in aynu dhaliilno oo aan waliba mid aan jirin u soo jeedino xukuumadeena iyo Madaxweynaheena maaha. Sidaa daraadeed, waa in qof kasta oo reer Somaliland ah oo masuul ah waajibaadkiisa shaqanimo markuu gudan waayo maaha inuu mujtamada u sheego wax aan jirin ama uu xukuumada ku aflagaadeeyo.Markaa, aniga oo ku hadlaya magaca aqoonyahanka iyo waxgaradka Dhulbahante ee ku sugan caasimada Hargeysa, waxaan u soo jeedinayaa walaalahayga reer Somaliland 17 sano ayaanu ka xidhnayn Somaliland. Markaa, maanta waxaanu u baahanahay jiil cusub oo ku salaysan si loo helo is-faham dhex-mara walaalaha la qoqobay ee reer Somaliland. Markaa, yaan dheg jalaq loo siin cid kasta oo maanta wax ku doonta reer hebelnimo. Midda kale, waar miyaynaan cadaalad isugu imanayn reer Somaliland-noow. Waar hadaanu nahay dadka ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waad naga Wasiiro badan tihiin, oo xisbiyaad leedihiin, oo wax walba waad nagaga horaysaan, waar miyaydaan noogu kaadinayn inta aanu idinla jaan-qaadayno ee aanu Somaliland-nimada ka buuxsanayno. Waayo, maanta xilli aanu codayno hadanu nahay dadka ku dhaqan gobolladaa ma garanayno. Sababtoo ah dalkiiba badh baa nalaga haystaa. Waar xisbiyo, xukuumad iyo shacbiba isu tago oo hadaanu nahay beelaha Dhulbahante waar intaanu ka buuxsanayno Somaliland-nimada inaad dib noogu dhigtaan doorashada miyayna walaalayaal idinla ahayn? midda kale, Isimada Somaliland waxaan u soo jeedinaynaa inay ka hawl-galaan siday u soo heli lahaayeen dhiggoodii maadaama ay yihiin qayb ka mid ah oo muhiim ah oo ka maqan.

Seeftii la tagtay Maxamed Xaashi ayaa haleeshay Fu’aad-na

Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd april 3, 2008 laga xayuubiyey xilkii wasiirnimo mudane fu,aad aadan cadde oo ahaa wasiirka horumarinta reer miyiga ka dib markii sidaas lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxtooyada inkastoo aan la faahfaahin sababaha xilka looga xayuubiyey wasiirka hadana weedaha ku qoraa wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxtooyada waxay is shabahayeen wareegtadii isla xafiiskan ka soo baxday bishii may 04, 2004 taasoo iyana xilkii wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha lagaga xayuubiyey mudane maxamed xaashi cilmi iyadoo labada wasiir loo isticmaalay xilka qaadistooda weedho aad isugu dhaw macno ahaan

Waqtigii mudane maxamed xaashi xilka laga qaaday waxaa wareegtadii ka soo baxday xafiiska madaxtooyada lagu sheegay inuu ka afkaar duwanaaday dhamaan golaha wasiirada ee kale halka xilka qaadista mudane fu,aad aadan caddena lagu sheegay inuu wasiirku ku xadgudbay anshaxa iyo akhlaaqiyaadka wasiirnimo isagoo wuxuu doono isaga hadla, waxaad moodaa in labada wasiirba laga raacay hal weedh oo isku mid ah taas oo ah in ay si xora oo madax banaan u soo ban dhigaan figradahooda ku saabsan dhaliisha xukuumada iyo weliba talo bixinta sidii loo toosin lahaa wixii qaloocday

Waxaad moodaa in kastoo aynu qaadanay nidaamka dimoqraadiga hadana in siyaasadaha keligii talisnimada ah ee uu madaxweynuhu ku shaqeynayo in ay la mid tahay tii shuuciga ee ahayd in khalad iyo saxba lagu taageero wixii madaxweynuhu gooyo iyadoo aan cidina hadal ka soo celin karin cidii muran ka keentayna seeftu la tagto, siyaasada caynkaas ah oo ah mid laga dhaxlay nidaamkii midawgii soofiyeeti ayaa ah mid weli madaxooda ka guuxaysa hogaamiyaasha afrikaanka oo badankoodu ku indho dilaacsaday nidaamkaas aan talada hogaamiyaha lala wadaagi karin, kuna salaysan in dhaliil kasta oo ku jihaysan xukuumada aan dhegaha shacabka la maqashiin karin,

keligii taliyii arxanka daraa ee joseph stalin oo muddo dheer xukumayey wadanka midawga soofiyeeti geeridiisii ka dib ayaa ninkii xukunka uga danbeeyey oo laftiisu ka mid ahaa ragii talada la soo waday intii stalin madaxweynaha ahaa wuxuu shir u qabtay golihii baarlamaanka dalkaas wuxuuna aad u dhaliilay siyaasadihii madaxweynihii ka horeeyey isagoo ku sheegay inuu keligii taliye macangega ahaa markuu khudbadiisii dhameeyey ayaa ayaa qadar nasasho ah la galay mar labaadna shirkii laysugu soo noqday mid ka mida xubnihii golaha baarlamaanka ayaa warqad qoray taas oo ku leeyahay hadii stalin dictator ahaa maxaad markii uu noolaa ee xukunka hayey ee aad gacan yarayaashiisa ka mid ahayd u sheegi wayday ama shacabkaba ugu bandhigi wayday dabadeedna wuxuu qoraalkii dul saaray miiskii madaxweynaha kolkii laysugu soo noqday ayaa madaxweynihii arkay warqadan dul saaran miiskiisii dabadeedna wuu soo qaaday waana akhriyey dabadeedna wuxuu yidhi yaa warqadan qoray waa loo jawaabi waayey hadana waa ku celiyey misna waa loo jawaabi waayay mar saddexaad ayuu ku celiyey hadana waa loo jawaabi waayey dabadeedna wuxuu yidhi ninka warqadan qoray haduu nin rag ah yahay hays cadeeyo oo farta ha taago dabadeedna waa loo jawaabi waayey waayo nin kastaa waa og yahay in ay qudh gooyo tahay cida lagu cadeeyo in ay warqada qortay dabadeed mar danbe ayaa madaxweynihii fahmay hal xidhaalihii oo yidhi maxaan runta sheegaa taa adiga maanta ku haysata ee aad isla qarinayso ayaa anigana waagaas i haysatay.

Sida dhabtu tahay dhaliishu wax bay dhistaa waxayna daaha ka faydaa nabaro badan oo dhaymo u baahan hadaan ka yara hadlo tan fu,aad aadan cadde ka hadlay runtii waa mid loo baahan yahay in laga hadlo waynu ogayn in aan gobolka sool gacan inoogu jirin hadii uu maanta gacanta somaliland soo galay saw looma baahna wax dadkii lagu soo jiito oo lagu qanciyo siduu sheegay fu,aad hadii labo kooxood oo askari is bedelaan asaan gobolkii waxba loo qaban xaalku muxuu ku danbayn doonaa, waxaa xukuumada somaliland looga baahan yahay siyaasad cad oo ku dhisan wax qabad mudada dhaw iyo ka mudada dheerba ah inay la timaado si ay u kasbato quluubta shacabka reer sool iyo buuhoodle waxaa kale oo loo baahan yahay sidii loo bilaabi lahaa wadada wada xaajoodka iyo dibu heshiisiinta si loo helo taageerada madaxda dhaqanka ee reer sool iyadoo ay jirto in nimanka garaadada ah ee beeshu intoodii badnayd in aanay maanta joogin magaalo madaxda gobolka sool oo somaliland ka taliso arimahaas oo dhan waxay u baahan yihiin in si wada jirta loo galo oo xukuumadu iskaashi kala samaysto asxaabta qaranka iyo weliba golayaasha kale si loo gaadho talo lagu midaysan yahay

Hadal iyo dhamaan waxaan leeyahay mudane madaxweyne nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin mudane fu,aad aadan wuxuu ahaa wasiir qadiyada somaliland dhuuxiisa ku milan tahay wuxuuna qayb libaax ka soo qaatay wadadii dheerayd ee loo soo maray dibu heshiisinta dalkan wuxuu kale oo door wayn ka ciyaaray sidii gobolka sool loo gaadhsiin lahaa maamulka somaliland isagoo taas dhib badan kala kulmay laakiin aakhirkii waxaad moodaa in ay la tagtay seeftii daacadnimada iyo run sheegistu, si kasta haw dhacdee waxaan hubaa in mudane fu,aad aadan cadde halkaas ka sii wadi doono dedaalka uu ugu jiro u adeegista dalkiisa iyo dadkiisa

Jaamac cabdillaahi suleymaan

Cigaal215@hotmail.com
Kismaanyo: Mayd xidh xidhan oo baddu soo tuftay

Kismaayo (Ogaal) – Marxuum Magaciisa lagu soo gaabiyey Cismaan ayaa shalay gelinkii hore meydkiisa laga helay Xeebta magaalada Kismaanyo ee dalka Somaliya, ka dib markii isaga oo xidh xidhan ay badu soo tuftay.

Wararka laga helayo magaalada Kismaanyo ayaa tibaaxaya in marxuumkan loo qaatay in habeenimadii Jimcuhu soo gelayay bada lagu riday inta si adag loo xidhay.

Marxuumkan dilkiisa ayaa lagu eedayay haweenay ka ganacsata Magaalada Kismaanyo oo ka hor dhimashadiisa u qabsatay ninkan dhintay dahab laga xaday. Hase ahaatee, ma jirto sabab rasmi ah oo ilaa hada dilka marxuukan loo aaneeyay.

Magaalada Kismaanyo ayaa ah magaalo hadba beeli ka taliso oo xaaladeedu qasantahay. Falka noocan ahina waxa uu ka mid yahay danbiyada iyo dilalka qorshaysan oo kusoo badanaya Somaliyada dagaaladu aafeeyeen.

Source: Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: