NORWAY OO DIIDAY INAY DHAQAALE KU BIXISO CIIDAMO AFRIKAAN AH OO LA GEEYO SOOMAALIYA

“waxa aanu go´aan adag ka qaadanay in aanan wax dhaqaale ah ku bixin ciidamada Tansaaniya iyo wadamada kale ee Afrika ee la doonayo in la geeyo Soomaaliya. Waxaanan sabab uga dhignay in sharciga bixinta mucaawinada dibadda ee u degsan dalkayagu aanu baneynayn ku bixinta kaalmo ciidan dal la gaynayo.”

Sidaa waxa yidhi: Raymond Johansen

Oslo(sl.no) 01April, 2008 – Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Norway ayaa saaka daboolka ka qaaday in aanay wax dhaqaale ah ku bixineyn ciidamada ka socda Afrika ee la gaynayo Soomaaliya, sidaa waxa saaka magaalada Oslo kaga dhawaaqay Wasiiru Dawlaha wasaarada Arimaha Dibadda Mr. Raymond Johansen.

Waxa kale oo wasiiru dawluhu sheegay in Norway iska casishay hogaamintii kooxda caalamiga ah ee arimaha Soomaaliya. Wasiiru dawluhu wuxu kale oo walaac ka muujiyey dib u soo noqoshada awooda ururkii Maxkamadaha oo maalmihii u dambeeyey qabsaday Buulo barde oo 200km dhinaca waqooyi ka xigta Magaalada Muqdisho. Taas oo ka dhigaysa Magaaladii lixaad ee laga qabsado Dawladda ku meel gaadhka ah tan iyo bilowgii sanadkan cusub.

Norway oo ay ku weheliso dawladda Mareykanku waxay hogaanka u hayeen kooxdan caalamiga ah ee arimaha Soomaaliya. Kooxdaa oo la asaasay bishii juun 2006. iyada oo ay xubno ka yihiin Talyaaaniga, Swiidhan, Ingiriiska, Tansaaniya, Mareykanka, Ururka Midowga Yurub iyo Norway.

Dawladda Norway waxa ay isugu yeedhay kulan dhamaadka bishan abriil, taas oo ay ugu gudbineyso wareejinta hogaanka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Waxa kale oo uu wasiiru dawluhu carabka ku dhuftay in Qaramada Midoobay xoogga saarto arimaha Soomaaliya, waayo ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay wuxuu xidhiidho adag la sameeyey qeybaha khilaafku ka dhaxeeyo.

Sidoo kale dawladda Norway waxay go´aan adag ka qaadatay in aanay wax dhaqaale ah ku bixin ciidamada Tansaaniya iyo wadamada kale ee Afrika ee la doonayo in la geeyo Soomaaliya. Waxaanay sabab uga dhigtay in sharciga bixinta mucaawinada dibadda ee u degsan dalkani aanu baneynayn ku bixinta kaalmo ciidan dal la gaynayo.

Ugu dambeyntii wasiiru dawlaha wasaaradda arimaha dibaddu wuxu bishan abriil u ambabixi doonaa Geeska Afrika si uu ugala soo xaajoodo arimaha Soomaaliya Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay ee Soomaaliya Axmadu Ould-Abdalla.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: