CUDUR-DAAR JACEYL “Qeybtii Afaraad”

Waa sheeko dhab ah oo ku dhacday Qoraaga sheekada oo ah C/laahi Axmed Caarshe
Qormadii Afraad……………

Amba kula mid baan ahay, Aaminaay waxankaa codsanayaa walaal in aad il- naxariisleh igu eegtid waxna ila qabatid” markii aan intaa ku idhi ayaan is beddeley markii ay Aamina dareentay in aan is bedeley oo aan ilmaynayo ayay iyana is hayn kari-weydey ka dibna oohin bay la jeesatey,waxan tilifoonka ka dareemayey in ay ooyaysey markii ay muddo aamusnayd ayay Aamina mar danbe ila hadashay, iyada oo weli aan ka dareemayo oohintii waxana ku idhi, “walaal maxaad la ooyaysaa” waxayna iigu jewaabtey “walaal aniga oo awalba hadaladaadii ka qiiraysna ayaad oohina ku dartay.

Anna waxa caado ii ah haddii aan arko qof calaacalaya ama ooyaya anna waan ooyaa cidkastaba qofkaasi ha’ahaatee, markaa C/laahiyow oohinta iga daa iyo hadalada calaacalka ah” markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi, ayaan farxay waxanna ogaadey in Aamina tahay qof qalbi jilicsan oo naxariis badan meel aan wax iga tegayn. saacadda ayaan hoosta ka eegay waaba 1:00 habeenimo intaa aan Aamina la hadlayey mar keliya kaba dareemin wax dhibsasho ah. markii aan arkay in ay xilli danbe tahay Aamina ka xishoonayso in ay igu tidhaahdo waan seexanayaa, balse anigu waxa keliya ee aan ku seexanayaa waa Aamina oo yidhaahda Hareerta ayaan kula hayaa jacaylka, Aamina ayaan u sheegay in ay xilli danbe tahay waxana ku idhi, “walaal waa xilli danbe maxaynu ku kala tagnaa, codsigiise mayga aqbashay” Aamina ayaa igu tidhi, “walaal arrinkaa waan ka soo fekerayaa caawana iska seexo wer-werkana iska yaray walaal waana inoo habeen danbe haddii ALLA ka dhigo arrinkaana waan ka soo fekerayaa” intaa markii ay Aamina igu tidhi , ayaan anna u sii raacayey “walaal waankaa qaatay arrunkaa iskana soo feker wax fiican ayaan inoo rajaynayaa” intaa markii aan ku idhi welina aanay Aamina telefoonkii dhigin ayaan u sii raaciyey hees ay qaado fanaanada caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac heestaasoo aan Aamina ugu muujinayey in aan jecelahay, qofka wax jecelina uu yahay qaali waxana ku bilaabay sidan.
Naf ku jecel aduunyada Ba u wacan wax nololiyo
Nabad lala wadaago Nimco lagula waaree
Ma nugliye kalgacalkaa Naariyo ka daran olol
Markuu Nudaygaa kaa galo Nabar weeye halisee
Ee taa nabdiga gali Oo soo noqnoqoshada
hayga moodin nacasnimo Anna haddii aan ku naawilay
Naqba waa la dhawraa Nasiibku haygu kaa simo

Nacab iyo sokeeyaba neeftaydu diidoo
ma nastoo jacayl baa Naqbi ila haleelaye
igu noqoy mid halis oon kaba nuuxsan waayoo
naaftoo qalbigii buu Nudub iga samaystee
ee taa nabdiga gali oo soo noqnoqoshada
ha iga moodin nacasnimo anna hadii aan ku naawilay
naqba waa la dhowraa nasiibku haysku keen simo

Neeqdoo da’aysoo Onkod nawda ka hayaa
Iga heshay nugaal oon kaligay ku noole
adna kayn nabadliyo dhul naruuro joogtaa
naxdin li’i ku hurudaa nabsiga dhowri meyside
ee taa nabdiga geli oo soo noqnoqoshada
ha iga moodin nacasnimo anna hadii aan ku naawilay
naqba waa la dhowraa

markii aan heestaa dhameeyey ayay Aamina aad iigu qososhay waxayna ogaatey in jacaylku iga dhabyahay, Aamina runtii ehel uma ahayn heesaha oo waxay ahayd qof diinleh balse way fahmaysey nuxurka heesta. runtii wax yabaha aan Aamina ugu qushuucay ee jacaylka igu abuuray waxa ka mid ahaa, Aamina oo ahayd qof aan marnaba been ii sheegayn. waxba kama xigin in ay Aamina igu tidhaahdo ku jantay markii aan ku idhi waan ku jecelahay sida ay sameeyaan dhalinyarada maanta joogtaa, balse Aamina waxay faham sanayd in beentu tahay shay xaaraan ah oo iyada sharfteeda iyo karaamadeeda wax u dhimaya. waxayna faham sanayd in beentu iyada ku soo noqonayso. waana sababta keentay in Aamina habeen kasta igu tidhaahdo waan ka soo fekerayaa in aan jacaylka wax kaala qabto iyo in kale. runtii wax yaabaha jacaylka igu abuuray waxa ka mid ahaa daacadnimadii ay Aamina ii muujisay. habeenkii waxan seexday aniga oo guul iyo guuldarro u dhexeeya balse si fiican ayaan u seexday wax wer-wer ahna ma aan qabin habeen labaadkana waxan sugayaa natiiyada, laakiin aniga go’aan ayaa meel ii yaalay go’aankaasoo ah in aanan Aamina ka hadhin xataa haddii ay Aamina diido in ay wax igala qabato jacaylka sibiqda ugu galay. waxan go’aan ku qaatay in aan Aamina habeenkasta gambadh ugu soo fadhiisto si aan uga dhaadhiciyo jacaylka igu waa bariistey. habeenkii Aamina ila balantay ayaan saacad ka hor tilifoonkii ku sii duldiyaar garoobey, abiga oo guul filanaya, aad ayaan ugu rajo weynaa in caawa ay Aamina odhanayso jacaylka waan kula wadayaa. xilligii ayaan soo garaacay tilifoonkii markii uu cabaar dhacay ayay Aamina iga qabatay, si fiican ayaan codkeeda u bartay, mana ahayb nid iga khaldamaya. markii aanu isa salaanay ayay Aamina igu soo dhowaysey weji furan, si qurux badana way ii salaantay, mid la mid ah ayaan anna u gudbiyey, intaa ka dib ayay Aamina igu tidhi, “walaal iska waran oo xaafaddiina ka waran? anna waxan ugu jewaabay “walaal aad ayaa loo fiican yahay ee idina iska warama carruurtiina ka waran? Aamina oo ay farxadi ka muuqato ayaa igu tidhi,
La soco qormada shanaad………………………………..

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: