Waa maxey fiitamiin D?

Fiitamiin D waa fiitamiin aad muhiim ugu ah lafaheena
jidhka iyo ilkaha. Fiitamiinadu waa waxyaalo jidhku u
baahanyahey si uu caadi ugu shaqeeyo. Fiitamiinada
kala duwan waxey jidhkeena u leeyihiin muhiimado kala
duwan- inkasta oo eynu wax aad u yar uga baahanahey.

Cuntada laga helo fiitamiin D:

Fiitamiin D waxa laga helaa kalluumadda baruurta badan
leh sida laks, ørret, makarell iyo sild iyo taraanta. Waxa
kale oo fiitamiin D laga helaa cuntada lagu darey
fiitamiinkan sida subagga margariinta, smør iyo caanaha
fudud ee la yidhaahdo ekstra lett lett melk.

Fiitamiin D laga helo qorraxda:

Fiitamiin D waa fiitamiin uu jidhkeenu sameyn karo. Marka
ey fallaadhaha qorraxdu ku dhacaan duubka jidhka
ayuu jidhku sameeyaa fiitamiin D. Dadka jidhka madow
leh waqti dheer ayuu u baahan yahey cadceed, si jidhku
u sameeyo fiitamiin D la mid ah ka uu sameeyo dadka
jidhka cad leh. Caruurta da’doodu ka yar tahey 1 sano
waa in aaney toos ugu dhicin fallaadhaha qorraxdu.

Maxaa dhacaya haddii aanaad helin fiitamiin D kugu filan?
Fiitamiin D la’aantu waxey keentaa in lafuhu jilcaan oo
ey qalloocsamaan (rakitt). Cudurka loo yaqaan rakitt
waa cudur inta badan ku dhaca caruurta da’doodu tahey
6 bilood ilaa 2 sano, sidoo kale caruurta waaweyn iyo
dadka waaweyna wuu ku dhici karaa cuddarkani.

Warbixin intaa dheer oo faahfaahsan halkan ka akhri.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: