CUDUR-DAAR JACEYL “Qaybtii saddexaad”


Qormadii saddexaad……………………………

Qoraaga sheekadu waa C/laahi Axmed Caarshe

Inta aan waxbarasha joogo mooyaane inta kale marna waxbaan akhistaa marna xaafadda ayaan u shaqeeyaa, xataa suuqa matago oo waan kabaqaaba haddii aan cidi ila socon, waxbarashada marka aan tegayo waxanu isu raacnaa labo hablood oo aanu saaxiibo nahay isku xaafaddana nahay” runtii Aamina si fiican ayay isku kay faah-faahisay.

markii halkaa arrinku marayey ayaan anigu hadalkii qaatay waxana Aamina u sheeqay in aan ahay arday dhigta jaamacadda, Aamina oo ku farasan ardaynimadayda ayaa igu tidhi, “maansha ALLAHA A ayaad ayaad u wanaagsantahay” markii arrinku halkaa marayey ayaan Aamina ka dareemay in ay iga xishoonayso oo aanay hadalka igula soo dhacayn oo ay iga baqayso. aniga ayaa go’aansaday in aan Aamina u soo bandhigo arrimahayga ina sheego in damac iga galay. Aamina runtii aad ayaan uga helay hadaladeedii debecsanaa iyo dadnimadii quruxda badnayd ee ay uu muujisay kuwaa ayaa maskaxdayda ka guuxayey. aniga oo hadalkii hayn kariwaayey ayaan Aamina si kadis ah ugu idhi, “walaal ka waran haddii aynu intii hore isaga soo dhowaano oo abuurno jacayl dhab ah” intaa markii aan Aamina ku idhi ayay inta ay cabaar aamustay iigu jewaabtey “maya walaal wax xidhiidha kula samayn maayo” inta aan naxay ayaan Aamina ku idhi “waayo walaal maxaad ku diidey in aad xidhiidh ila samaysid” intaa markii aan ku idhi ayay Aamina igu tidhi, ” walaal horta waa lays bartaa xidhiidhna waa la wada sameeyaa oo taasi ceeb maaha, lays kulamana yaabo, laakiin anigu C/llaahiyow ma doonayo in aan been kuu sheego ama aan ku lugooyo. laakiin haddii aan runta kuu sheego shan qodob midkoodna xidhiidh kuulama samayn karro. waata koobaade, weligay nin laba sheekaysan xataa tilifoon kalama aan hadlin weligay habeenbaa wiil tilifoonka iga soo garaacay isna waxan qanciyey, waana u sheegay in aan sheeko u diyaar ahayn, markaa adigu waxad tahay wiilkii aan labo habeen oo isku iga aan la wada hadlo, markaa C/laahiyow xidhiidhka aan hore u samayn waayey imikana ma samaynayo.” waata labaate waxan ahay gabadh waxbarasho ku jirta sheeko iyo waxbarashona meel ma wada galaan.” waata saddexaate waxan ahay inan reer u weyn markaa ma doonayo in aan shaqadii guriga kaga habsaamo sheeko” waatada afraade “xaafaddayadu uguma taqaano sheeko markaa waxa laga yaabaa haddii sheeko laygu ogaado in lay diloba” waata shanaade “haddii aan xataa isku dayo in aan xidhiidh kula sameeyo marnaba kuu suura gelimayso in aan muuqayga aragtid, waayo maba soo boxo shantaa qodob midkoodna xidhiidh kuulama samayn karo C/laahiyo” markii ay Aamina warkaa cad ii dhiibtey ayay tallo igu caddaatay, waxa markeliya jidhkayga taabtay dareen odhanaya Aamina la’aanteed nololi ma jirto. intii aanu Aamina wada hadlayney mar keliya anigu uma muujin dareen jacayl, balse Aamina hadaladeedii ayaa igu abuuray dareen jacayl oo laba ilaawaan ah. markii aan ogaatey in ay Aamina tahay inan aan gurigooda ka soo xibin, weliba ay u dheertahay akhlaaq wanaagsan iyo dabeecad fiican, sidoo kalena ay Aamina kala garanayso waxa xun iyo waxa wanaagsan ayna tahay qof diinleh. weliba ay u sii dheertahay qurux , runtii Aamina waxay lahayd dhamaan shuruudihii NEGEENU inoo sheegay ee uu yidhi, haweenka ku xusha kuwaasoo ahaa afar qodob oo kala ah. diinteeda, maalkeeda quruxdeeda, iyo casabeheeda. runtii Aamina waxay ahayd inan diinleh, qurux badan ka dhalatay qoys ladan oo qabiiliya. runtii Aamina kama muuqan in yar oo iin ah iimana muuqan waxan dhaafsado. marka la eego gabdhaha jooga qarnigan 21aad oo ah wakhti ay haweenkii dibada u soo bexeen, marka laga reebo in yar oo ay ka mid tahay inanta aab calmaday. waxan go’aansaday in aan Aamina u muujiyo ama u soo bandhigo dareen jacayl, la’aanteedna arrinkaygu yahay mid khatar ah, sidoo kalena waxan isku deyey sidii aan Aamina ugu qancin lahaa in aanan ku xidhayn wax is arag ah, waxa keliya ee qalbigaygy ku degayaana ay tahay Aamina oo tidhaahda, aan wada daadihino caashaqa, runtii Aamina waxay ahayd inan go’aan qaadasho leh afkeedana ay xaaraanka tahay in ay soo mariso erey been ah. Aamina waxay ahayd qof wixii ballan ah ee ay qaado sidiisa u fulinaysa wixii kalena iska dhaafaysa, wax kastana waxay ka fiirsan jirtey inta aanay samayn. markii arrinku halkaa marayey ayaan Aamina ku idhi hadalo beer laxawsiya waxana ku idhi, “walaal waxa aanan marnaba ilaawayn sidii fiicnayd ee aad ii soo dhowaysey, marnaba niyadayda ka biximayso hadaladii ay ku dheehnayd qadarinta iyo asluubta wanaagsani, marnaba walaal niyadayda ka biximaysid kaamana maarmi-karayo waayo durba waxa igu taagan falaadh ka mid ah falaadhaha jacaylka, haddii aanad wax ila qabanna xaalkaygu wuxu noqonayaa mid dhibi soo gaadho. waxa keliya ee aan ku badbaadayaa waa adiga oo yidhaada,
Amba kula mid baan ahay, Aaminaay waxankaa codsanayaa walaal in aad il- naxariisleh igu eegtid waxna ila qabatid” markii aan intaa ku idhi ayaan is beddeley markii ay Aamina dareentay in aan is bedeley oo aan ilmaynayo ayay iyana is hayn kari-weydey ka dibna oohin bay la jeesatey,waxan tilifoonka ka dareemayey in ay ooyaysey markii ay muddo aamusnayd ayay Aamina mar danbe ila hadashay, iyada oo weli aan ka dareemayo oohintii waxana ku idhi, “walaal maxaad la ooyaysaa” waxayna iigu jewaabtey “walaal aniga oo awalba hadaladaadii ka qiiraysna ayaad oohina ku dartay, anigu waxa caado ii ah haddii aan arko qof calaacalaya ama ooyaya anna waan ooyaa cidkastaba qofkaasi ha’ahaatee, markaa C/laahiyow oohinta iga daa iyo hadalada calaacalka ah” markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi, ayaan farxay waxanna ogaadey in Aamina tahay qof qalbi jilicsan oo naxariis badan meel aan wax iga tegayn. saacadda ayaan hoosta ka eegay…………………..
…………..la soco qeybta afraad

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: