– Cali Faarax waa la cunsiriyadeeyey

Oslo (www.somaliland.no) Sidaa waxaa sheegay Likestillings- og diskrimineringsombudet, oo maanta soo bandhigay natiijo ku saabsan baadhitaan ay sameeyeen.

Waxaa baadhitaankan lagu soo gabogabeeyey in nimankii waday gaadhiga ambulaanska ahi ay u dhaqmeen si cunsiriyadi ku jirto kadib markii ay ka tageen Cali Xaaji Maxamed Faarax oo dhaawac aad u weyni ka soo gaadhay maskaxda kadib markii nin ku dhuftay feedh isla markaana uu dhulka ku dhacay. Arintan ayaa dhacday 6. bishii 8aad ee sanadkii hore. Waxaana arintan dabogalay xaaska Cali Faarax oo ah gabadh fanaanadda oo caan ah iyo saaxiibadeed isla markaana suurtogaliyey in uu noqdo kiis soo shaacbaxa oo aan ciyaar-ciyaar lagu ilaabin.

Dhawrida sinaanta iyo ka hortaga cunsiriyadda hogaankiisa ayaa sheegay in darawaliintii waday gaadhiga bukaanku ay dhayalsadeen isla markaana midabka maqaarka qofkan oo daryeel caafimaad u baahnaa ay culayska saareen oo aanay baahidiisa eegin. Dhaleecayn aad u weyn ayaa dusha laga saaray shaqaalahaa.

Booliska oo isaga laftigiisu meesha yimi ayaa waxaa la sheegey in aanay iyagu jebin sharciga cunsiriyadda khuseeya, laakiinse ay eedayn ku leeyihiin isticmaalka eregya “NEGER” oo afkooda ka soo baxay, markii ay ka wada hadlayeen xaalada Cali maalintaa ku jirtay.

Cali Faarax ayaa nasiib wanaag imika ka soo kacay mudo bilo ah oo uu jiifay cisbitaalka, isla markaana ku soo guryonoqdo qoyskiisii iyo ilmihiisii yaraa oo barigaa dhaawaco soo gaadhay dhashay.
Xaaskiisa isla markaana ah fanaanada caan ah oo Kohinoor la yidhaa ayaa waxaa ay sheegtay in natiijadan soo baxday ay tahay mid hawshii haysatay ka fududaynaysa isla markaana tusaysa in ay tahay qof run sheegeysa oo aan iska dheel-dheelahayn.

Arintan dhacday sanadkii hore badhtamihiisii ayaa dhibaato aan yarayn oo kalsooni la’aan ah kala dhex dhigtay dadka ajaanibka ah iyo dawladda adeegyadeeda uu ka midka yahay ka caafimaadka.
Laakiin nasiib wanaag waxay u eegtahay in kiiskan Cali arintaa wax badan ka badalay oo uu suurtogeliyey in arintan fiiro gaar ah loo yeesho, si aanay mar danbe u dhicin.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: