BUDHCAD BAABUUR AFDUUBTAY OO LAGU QABTAY DEEGAANKA HARTA SHEEKHA EE KILILKA SHANAAD EE ITOBIYA



Hargeisa(sl.no), 27march 2008 – Budhcad baabuur ka soo afduubtay magaalada Hargaysa afar habeen ka hor ayaa lagu qabtay deegaanka magaalada Harta Sheekha ee KILILKA Shanaad ee Itobiya, hadaba nimankan budhcada ahaa ayaa qabashadooda ka hawl galeen Ciidamada Booliska Degmada ALLaybaday oo ay horkacayeen Giddoomiyaha iyo Taliyaha Degmada Allaybaday ayaa waxay muddo laba habeen ah ugu maqnaayeen deegaanka Harta sheekha haalkaas oo ay nimankan budhcada ahi u fakadeen.

kuwaasi oo baabuurkii kaga yaacay meel woxogaa u jirta magaalada Durya kadib markii dad Deegaanka ahi garteen baabuurka oo ay lahayd Haayada Wadaniga ah ee Xuquuqul Insaanka ee SHURO NET,ayaa ahaa baabuurta yaryar ee loo yaqaano mark2 LJ
Dadkaasi gartay baabuurka ayaa ka war hayay baadigoobka loogu jiray baabuurkaasi ayaa markii ay isku dayeen Budhcadaasi in ay sigaar ka iibsadaan Tuulada la yidhaahdo Durya oo Koonfur kaga toosan Allaybaday ayaa dadkii tuuladaasi isku dayay siddii ay u qaban lahaayeen Baabuurka balse waxa ay ka baqeen in ay budhcadaasi hubaysan tahay,kadibna waxa dareen galay budhcadii oo isku dayday in ay baxsadaan balse waxa baabuur kazoo daba kaxaystay dadkii joogay durya xaga horena waxa kaga yimid booliska Allaybaday,kadibna waxa baabuurkii ka cararay Budhcadii wadatay iyada oo wakhtigaasi ay ahayd goor habeen ah ayaa ay u suuro gashay budhcadaasi in firxadkii ku galeen Magaalada Harta Sheekha,kadibna hawlgal ay wada sameeyeen Degmooyinka qabribayax, Aw bare iyo Booliska allaybaday ayaa lagu soo qabtay nimankaasi, nimankaasi oo ahaa 4 nin balse la soo qabtay saddex ka mid ah budhcadaasi ayaa mar aan maanto tagay saldhiga booliska Allaybaday oo ay ku xidhnaayeen uu iigu sheegay taliyaha saldhigaasi Mr. C/LAAHI CAYDIID ODOWAA,magacyadooda
1. AXMED MAXAMED MAXAMUUD(GUUN)
2. NAASIR C/LAAHI CIGE
3. FASAL AADAN SAXAR

Wariye:Ismaaciil Cabdi Muxumed(hilqad)
Allaybaday Somaliland
Email:hilqadm@hotmail.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: