SHEEKADII TAXANAHA AHAYD EE CUDUR-DAAR JACEYL


C/laahi Axmed Caarshe

Qeybtii labaad…………….

Qoraaga sheekadu waa C/laahi Axmed Caarshe

Hadalada wanaagsan ee aad igu tidhi iyo sida fiican ee aad iigu caqli celisey” intaa markii aan ku idhi iskana qiiraysiiyay aniga oo u muujinaya sida aan uga xumahay is faham la’aanta na dhexmartay, ayaa ay iyana igu tidhi “walaal qofkasta oo bini aadani wuu khaldamaa laakiin waa laga soo noqdaa kol hadii khaladkaagi aad garatay waad fiican tahay wax dhibina ma jirto,walina walal isuma aad kay sheegin markaa walaal waxaan kaa codsanayaa inaad isu kay sheegtid”. Markii ay hadalkeedi dhamaysay suaashiina aanan wali jawaab u hayn ayay talo igu cadaatay beentiina waa ay soo afjarantay.

Markaas ayaan goaansaday inaan runta ku dhinto oo inanta aan run u sheego, waxaana aan ku idhi “walaal tilifoonkaaga garasho uma soo garaacin balse waan ku soo nasiibiyay nasiibkaygina adiga ayaa uu noqday waxaan aaminsanahay in nasiibkaygu aad u fiican yahay”, marka aan hadalkaa leeyahay ma ogi gabadhu waxa ay tahay mana aan waydiin in ay guri leedahay iyo inkale,balse hadalkaasi waa mid aan awrkayga ku kacsanayo markii aan intaa ku idhi ayaa ay igu tidhi “walaal waad fiican tahay laakiin maxaad ku cadaynaysaa in nasiibkaagu wanaagsan yahay iyo kale, mar haddii aanad i aqoonsan waxaa aan ahay” aniga oo si taxadar leh su’aashaa uga jawaabaya ayaan ku idhi “walaal aad baan ugu raja waynahay in aad tahay gabadh madax banaan, magacaagana ii sheeg walaal adiga oo raali ah . Inta ay cabaar aamustay ayay igu tidhi walaal magacaygu waa Aamina, adna magacaaga ii sheeg.Ana waxaan u sheegay magacaygi dhabta ahaa waxaana aan ku idhi”walaal magacygu waa C/laahi”markii aanu magacyadii isdhaafsanay walina aanan fakar buuxa ka haysan waxay tahay Aamina laakiin ay ili- ii bidhiiqday ayaan saacadii hoosta ka eegay waaba goor dambe, mudadaa dheer ee aanu aamina wada hadlaynay markaliya ma aan maqal sanqadh iyo hadal ka baxaya guriga ay igala hadlaysay waxaana aan niyada iska idhi tolow inantu ma guri cidla ah bay ku nooshayahay, maxaad mar kaliya u maqli wayday cid lahadlaysa ? waxaana aan ku idhi walaal xaafadee ayaad degantahay? ” waxayna iigu jawaabtay ” walaal GOLJANO ayaan deganahay” waxaana ay ii raacisay ” walaal adigu xaafadee ayaad degan tahay” waxaanan ugu jawaabay “walaal waxaan deganahay xaafada “BADDA CAS”markii aan xaafadaydii u sheegay ayaa ay iigu tidhi ” walaal maba aynu kala fogin, laakiin weligay ma aan tegen xaafadda BADDA CAS labo maalmood oo aan bas u raacay xaafadda JIG-JIGA YAR ayaa farta laygu fiiqay xaafadda BADDA CAS, laakiin weligay filin kama daawan” markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi ayaan niyadda iska weydiiyey su’aasha ah “tolow inantu ma maxa jebad aan guriga ka soo bixinbaa? laakiin ma aan sii baadh-baadhin sababta ay Aamina u arki weydey xaafadda intaa u jirta, intii aanu wada hadlayney ayay saacaddii gaadhey 12:00-kii habeenimo, welina ma aan gaadhin hafkaygii aan telefoonka u soo garaacay, marka laga reebo inanta magaceeda iyo xaafadda ay degantahay, xataa ma aan weydiin in ay xidhiidh ila samaynayso iyo in kale. habeenkaa dadkii xaafadda ila deganaa anay ila yaaban yihiin xilliga aan tilifoonka ku hadlayo waxayna isweydiinayeen ” tolow inankii maxaa caawa qaaday? caado ima hayn in aan ku sheekeeyo tilifoonka, xaafaddiina waxay ku noqotay u qaadan waa markii ay arkeen aniga oo saacado badan tilifoonka dhegta ku haya. markii aan arkay in saacaddu goor danbe tahay arrimhii aan u socdeyna aanay fari-ka qodnayn ayaan Aamina u sheegay in ay iska seexato, waxanna ku idhi “walaal iska seexo waa xilli danbe’e aiga ayaa kula soo hadlaya walaal” intaa markii aan idhi ayaan hadalkaygii ku kalsoonaan waayey, ka dibna waxan u raaciyey “walaal horta ma lagu helayaa” waaxyna iigu jewaabtey ” haa……… waa lay helayaa walaal haddii aanan dhiman” aniga oo hadalkeeda ku faraxsan ayaan ku idhi” haye walaal aniga ayaa kula soo hadlaya imikana iska seexo” intaa markii aan ku idhi ayay Aamina iigu sii dartay “walaal weligay xilligan soo jeed kuma gaadhin, waxan seexan jirey ugu danbayn 8:00-da fiidnimo” aniga oo Aamina u muujinaya sida aan uga xumahay xilliga ay soo jeedo ayaan ku idhi, “walaal raali ahaw waxaasoo dhiba aniga ayaa caawa kuu geystey ayaad ayaan uga xumahay xilliga aad soo jeeddo” inta ay qososhay ayay igu tidhi, “walaal waxba iima aad geysan labadeenuma waynu hadlayney, laakiin anigu waxan ku dheerahay, “waxan toosaa marka salaadda subax la addimo, marka aan tukado ayaan ciyaalka quraacda u sameeyaa ka dibna guriga ayaan kala hagaajiyaa, marka aan shaqada guriga meel iska dhigo ayaan tagaa Mederasada” runtii Aamina waxay isiisay faah-faahin aanay hore ii siin, aniga ayaa tabcaan ahaa hurdona u baahnaa, waxanna Aamina marlabaad ugu celiyey in ay iska seexato waxanna ku idhi, “walaal iska seexo waa inoo habeen danbe haddii ALLA ka dhigo sidaa iyo habeen wanaagsan” iyana waxay igu tidhi, “haye walaal habeen wanaagsan.” aniga oo dheguhu iqaylinayaan ayaan tegey furaashkii, hore ayaan u gamiwaayey oo waxan su’aalo iska weydiinayey hadaladii ixtiraamka lahaa ee Aamina ii muujisay. runtii Aamina waxay ahayd 18 jir aan xero xungelin ILLAAHAYNA qurux iyo dabeecad wanaagsan ku manaystay, Aamina waxay ahayd inan xishood badan oo aan gurigooda ka soo bixin, marka laga reebo xilliga ay ku maqantahay wax barashada, Aamina weligeed nin afka uma kala qaadan sheekona hadalkeedba daa, waxay ahayd inan diinleh waxay wax ka baran jirtey midka mid ah mederasadaha ugu waaweyn magaalada Hargeysa, waxay baran jirtey kuluumta diinta iyo Sayniska oo ay dhamaantood ku qaadan jirtey luuqadda afka carabiga. waxay ahayd Aamina inan dedaal badan waxbana ugama dhexayn jirin gurigooda iyo goobta ay waxka barato, xataa jaarka uma wareegi jirin, waxay ahayd Aamina inan agoon ah oo aan aabe lahayn , caruurtooda iyada ayaa ugu weynayd, waxay ka soo jeedey Aamina qoys ku nool dabaqada dhexe, runtii Aamina waxay ku noolayd nolol raaxo leh, halka aan anigu ahaa qof aan waxba haysan, kana soo jeeda qoys sabool ah. Aamina waxay ahayd inan reerkoodu ku indho-kuushaan, waxay ahayd Aamina inan dheer oo qurux badan jidhkeeduna buuxo isuna dheeli-tiranyahay, kaalay arag quruxdeeda iyo dadnimadeeda wanaagsan, ku darso oo Aamina waxay ka soo jeedey qoys diintu biyo-dhigtay. balse anigu waxaasoo dhan ma aan ogayn. habeen labaadkii ayaan Aamina xilligii anu balanay ayaan telefoonka ka soo garaacay kalsooni sidaa u weyn ma aan qabin waxanna islahaa sow qofkale telefoonka kaa qabtee, laakiin iyada ayaa hore iigu sheegat in ay iga qabanayso telefoonkuna qolkeeda yaallo. markii aan soo garacay ee labo jeer dhacay ayay Aamina iga qabatay, waxan ku idhi, “salaama caleykum” “caleykum wa salaam” ayay Aamina iigu jewaabtey, markii aanu isa salaanay ayaan ku idhi, “walaal waa C/laahiye ma fiican tahay” waxayna iigu jewaabtey, “walaal waan fiican ahay laakiin caawa aad ayaad u wanaagsan tahay” aniga oo hadalka Aamina ku faraxsan ayaan ku idhi “walaal waayo caawa maxaan ku wanaagsan ahay? Aamina oo qoslaysa ayaa igu tidhi, “dee walaal marka aad ila soo hadasho adiga oo aan i salaamin ayaad hadal kale ii bilaabi jirtey laakiin caawa si fiican ayaad ii salaantay” intaa markii ay Aamina igu tidhi ayaan ana ku idhi, “walaal taladaadii wanaagsanayd ayaan qaatay” Aamina oo faraxsan ayaa igu tidhi “walaal wiil wanaagsan ayaad tahay mar haddii aad talataydii qaadatay” intaa markii aanu Aamina is dhaafsanay runtii anigu waxan ku soo tallo galay in aan arrimahayga caawa guulweyn ka gaadho, waxan doonayey in aan ogaato cidda Aamina guriga kula nool, markii aanu cabaar kaftan isku tuur-tuurnay ayay Aamina ii sheegtay in ay xaafadda kula noolyihiin iyada hooyayeed iyo carruur ay walaaloyihiin, sidoo kale Aamina waxay ii sheegtay in ay tahay gabadh agoon ah carruurna ay iyadu u weyntahay, sidoo kalw Aamina waxay ii sheegtay in ay degan yihiin guri weyn oo ilaa sideed qol ah, sidoo kale waxa la noolayd ayeeyadeed hooyo, maahayn guri cidhiidhiya ee wuxu ahaa huri weyn oo qoskastaaba qol u gaara leeyahay, Aamina waxay lahayd qol ay aad u sharaxday oo xataa ay ka caaganyihiin carruurta ay walaalah yihiin, iyada oo ugu diidaysa way kaaga ciyaarayaan, waxay keliya oo ay ku soo dhowayn jirtey labo hablood oo ay Aamina saaxibo ahaayeen iskuna xaafadda iyo isku waxbarasho ahaayeen. Aamina waxay ahayd inan fir-fircoon oo dedaal badan gaarina ah, sida aan markii danbe ogaatey. Aamina oo isu kay sharaxaysa ayaa igy tidhi, “walaal waxan ahay 18 jir carruurtayadana aniga ayaa ugu weyn hooyaday iyo walaalahay ayaan la noolahay, maxad diinaya ayaan dhigtaa, ……….
La soco…………………………………..

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: