WAXAY IILA MUUQATAA XUKUUMAD DADKEEDA XAQIREYSA OO DAMIIRKOODA MEEL KAGA DHACAYSA



“Waxaan eegay gobolladiii hore u jiray iyo xaaladdii ay ku sugnaayeen, waxa ii muuqatay Hargeysa burburkii waddooyinka iyo biyo la’aanta ka taagan, waxa ii muuqatay Boorama oo garan wayday waxa Daahir ku biirshay, waxa ii muuqatay Berbera oo laga guuray, waxa ii muuqatay Burco oo lacagtii giimbaarta barkanaysa oo aan laga beddelin…………”

Xildhibaan Duur

Hargeysa (sl.no)- Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada, isla markaana xubin ka ah guddi Golaha Wakiillada dhowaan u magacaabay xidhhiidhka Baarlamaanka dunida, oo hada ku sugan magaalada London ee carriga Ingiriiska, ayaa waraysi Jamhuuriya khadka telefoonka shalay kula yeeshay waxa uu si adag ugaga hadlay magacaabista gobollada iyo degmooyinka cusub ee uu Sabtidii dorraad magacaabay Madaxweyne Rayaale.

Inkastoo Md. Duur ka mid yahay xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ku abtirsada xisbul Xaakimka UDUB, haddan waxa uu ka mid yahay xubnaha tirada yar ee aan gar iyo gardaraba isku barbartaagin siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Rayaale, waxaanu Mudane Duur waraysigiisan si kulul ugu dhaliilay go’aanka Md. Rayaale ku magacaabay gobollada iyo degmooyinka cusub ee dalka, arrintaasoo uu ku tilmaamay tallaabo gef ah bulshada oo lagu caayeyo caqligooda.

Waxa kale oo Xildhibaanku hadalkiisa ku soo bandhigay dhambaal uu ku soo ladhay tix yar oo maanso ah, taasoo uu kaga xog-warramayo xaaladdaha kala duwan ee dalka iyo waliba duruufaha gaarka ah ee ku gedaaman gobollada hore ee dalka, kuwaas oo uu sheegay in aanay jirin ilaa iyo hada xeer si cad u kala qeexaya xuduudahooda.

Arintaas oo uu xusay inay tahay mid ayaan-darro ku shacbiga Somaliland in maanta kuwo laga dul keeno.

Waraysiga iyo dhambaalka xildhibaan Duur oo faahfaahsan, waxa uu u dhignaa sidan:

“Waxa i soo gaadhay in dalkii lagu daray lix gobol iyo afar iyo toban degmo. Waxaan isweydiiyey sababta keentay in dalka oo lix gobol iyo dhawr iyo labaatan degmo ahaa in intii jirtay in le’eg lagu daro. Markaa waxaan isweuydiiyey ma waxay keenay horumar, dhismo iyo dalkii oo wax loo qabanayaa, mise waa dhibaato iyo aano cusub oo soo korodhay?

Waxaan eegay gobolladiii hore u jiray iyo xaaladdii ay ku sugnaayeen, waxa ii muuqatay Hargeysa burburkii waddooyinka iyo biyo la’aanta ka taagan, waxa ii muuqatay Boorama oo garan wayday waxa Daahir ku biirshay, waxa ii muuqatay Berbera oo laga guuray, waxa ii muuqatay Burco oo lacagtii giimbaarta barkanaysa oo aan laga beddelin, waxa ii muuqatay bari iyo Sanaag oo la iloobay, waxa ii muuqatay Sool oo aan la bogsiin, waxa ii muuqatay baahsanaanta abaarta iyo sabankaa igu baahay, waxaan aad uga booday balladkii la yidhi lix kale ayaa lagu biiriey, waxa kale ooo ii muuqatay dhibaatada sharci ee ka iman karta lixdaa gobol iyo degmooyinkaa la kordhiyey, waxa ii muuqatay kala xadaynta gobollada iyo degmooyinkii hore u jiray iyo muranka ka dhasha doorasho kasta, waxa kale oo ii muuqatay kuraasta siyaasadeed iyo saamiqaybsigii ku salaysnaa lixda gobol oo hadda haddii lagu daro gobollo cusub ay bilaabmi karto muran saami qaybsi oo daba dheeraada, waxa ii muuqatay lixda gobol oo kabkoodii iyo dhaqaalihii dalka aan horeba wax badan uga haysan.

Waxaas oo dhan markaan eegay waxaan eegay dalkii iyo dad badan, markaan la soo hadlayna waxaad moodaysay in magacyadaa la qaybiyey dadka qaarkood ay wax weyn u arkaan oo sacabkaba loo tumayo, waxaan isweydiiyey magacyo badan oo jiray oo u baahnaa meel marintooda iyo ka shaqayntoodu.” Kuwaas oo ay ka mid yihiin ayuu Xildhibaanku yidhi “Magaca dawladnimada ee aynu haysano waxa uu u baahnaa in ictiraaf iyo aqoonsi loo doon oo sharcinmadiisii laga shaqeeyo oo la hirgaliyo qabyuu ahaaye. Magaca Madaxweyne ilaa Baarlamaana qaybuu ahaa waxay u baahnayd in la dhammaytiro gobollada jiraana waxqabad bay u baahnaayeen, markaa waxaan isweydiiyey dadkii Somaliland ku noolaa waxqabad bay u baahnaayeene ma magacyo been ah bay rabaan, haddii dadku waxqabad rabaan been ah oo la akhriyey, laakiin waxaad moodaa in qofku uu mabsuud ku yahay in inta magac aan manfac lahayn uu markaana sacabo tumo, taasina waxay keenaysaa horumar la’aan iyo in aynaan waligeen ummadd jirta noqon, waxa kale oo ii muuqatay oo aan aad ugu qoslay labada qodob ee Madaxweynuhu markuu magacaabistaa sameeyey uu hoosta ka raaciyey, kuwaasoo ahaa in xeerkii gobollada iyo degmooyinka dib loogu noqdo oo degmadii isbixin karta ee magac been ah baan idin siinayaa ee magacaa ku qanca, markaa waxay u baahan tahay in waxan ummaddii loo badhigo ujeeddada ku jirta wixii caqliga geli karaya iyo wixii aan gali karaynba.”

Xildhibaan Duur oo la waydiiyey in magacaabista gobolladan iyo degmooyinka beenta ah ee uu sheegay in ummadda lagu qancinayo ay gef ula muuqdo iyo in kale, waxa uu yidhi; “Waa run oo waxay iila muuuqataa xukuumad dadkeedii xaqiyarasa oo aan waxba ka soo qaaday oo damiirkoodii meel kaga dhacaysa, waxayna run ahaan iila muuqata dawlad dadkeedii ku ciyaaraysa oo ku dheel-dheelaysa oo garaadkooda, dadnimadoodii iyo deegaankoodii meel kaga dhacaysa.

isha: Jamhuuriya

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: