Qiso Jaceyl oo dhab ah “CUDUR-DAAR JACEYL” Qisadani waxay dhab ugu dhacday qoraaga sheekada



Sheekadani waa qiso jaceyl oo dhab ah. Somaliland.no waxay idiinku soo gudbin doontaa si taxane ah. Qoraaga sheekadu waa C/laahi Axmed Caarshe (daauus70@hotmail.com) .

Qormadii Koowaad:

HORDHAC

Maxaa dayr cad geel hallaaboo
Dib jiray uu cunay dugaagooa
Ninkii lahaa daydayaa
Maxay dantu ciishay wiiloo
Dulqaad iyo deeq lahaayoo
Dadkuna doqon moodayaan
Adigoo degganaa abaar
Mar baa dirir kuu da’ayoo
Daruuruhu kuu curtaan oo
Xareed ku dabbaalataa
Ha dilin hana iga dagaalin
Diirkaa iigu yaallee ax!
Wadnaha damqashada ka daa.

Horaa loo yidhi soomalidu been way sheegtaa beense ma maah-maahdo waxan uga socdaa maah-maahda dhabta ah ee tidhaahda “ragna ba’iisuu ka sheekeeyaa dumarna badhaadhohooda”, way yartahay in la arko nin ka sheekaynaya badhaadhihiisa waxase inta badan la arkaa nin ka sheekaynaya jabkiisa. Halka ay dumar ka sheekeeyaan badhaadhahooda sida cadaadada u ah iyaga oo qarinaya guul-darrooda. Marnaba inan ragg uma fiicna in uu is faansho waayo? Horaa loo yidhi “Nin is faanshey waa ri isnuugtey”. Hadaba akhristayaal waxan halkan idiinku soo gudbinayaa Qiso Dhab Iigu Dhacday Taasoo ah Qiso Jacayl ah iguna reebtay xusuus murugo badan, akhristayaal nuxurka qisadan jacaylka ahi xambaarsantahay waxad ka fahmi-kartaan ciwaanka sheekada oo ah “cudurdaar jacayl” qofkastaana wuu fahmikaraa meesha ay sheekadini u biyo dhacayso, waxan hubaa in aad sheekadan aad uga heli-doontaan, sidoo kalena sheekadini waxay wax weyn u tari-doontaa ama ay cashar u noqon-doontaa dhalinyarada maanta joogta oo iyaga oo aan waxba haysan is jeclaanaya. Akhristayaal sheekadini maaha mid aan malo-awaaley ama aan meel ka soo dheegtey ama inta aan mirqaamay aan qalin iyo buug qaatay ka dibna aan sameeyey sheeko mirqaan. Intaa in aanay midna ahayn waxa idiin caddaynaysa nuxurka sheekadu xambaarsantahay. oo ah cudurdaar jacayl, waxa laga yaabaa akhristeyaal in aad su’aalo iska weydiisaan Qisadan inta aynaan gaadhin gundhiga sheekada. Gabdhaha Soomaaliyeed waxay sas ka qabaan ninka aan maalintaa gacanta waxba ku hayn, wana lala yaabaa haddii la arko inan inan caashaqday nin aan wax adduun ah haysan, mase aha wax lala yaabo waayo? Dadku wada taajir maaha. Gabdhaah maanta joogaa waxay eegtaan ama ay tixgeliyaan oo keliya ninka maalintaa jeebkiisu buuxo, marka laga reebo in yar oo haweenka ka mid ah oo fahamsan in cidda keliya ee wax bixisaa ay tahay ILLAAHAY [SWT] hablaha manta joogaa waxay moogan yihiin in la arko nin maanta buuxa berina faro madhan, iyo nin maanta faro madhnaa berina jeebkiisu buuxo. Waxase gabdhaha manta joogaa eegtaan ninka maalintaa midida daabkeedahaya ee seeftiisu wax goynayso rikoodhkiisuna hadlayo, kamase fekeraan waxa mustaqbalkooda danbe iyo waxa beri ka maalin imandoona, waxa hubaal ah haddii inanta reerkoodu ogaadaan in ay nin la sheekaysato markii inanta waxa la weydiiyaa su’aalo aan munaasib ahayn, kuwaasoo ay ka mid hiyiin. Naa ninku lagac ma leeyahay? Muxuuse ka shaqeeyaa? Su’aalaha iyo qaar kaleba waxay ka mid yihiin caadooyinka xun-xun ee weli ka suulila dadka soomaliyada, waxa ka haboon in ninta la weydiiyo ninka ay caltay dhaqankiisa, diintiisa, iyo dabeecaddiisa wixii kale ee intaa dheeri ma haboona.
Muddo dheer ayaan ku noolaa caasimadda Somalialnd ee Hargeysa, waxan wax ka baran jirey mid ka mida iskuullada gaarka loo leeyahay [ PRIVATE SCHOOL] waxan wax walba dhaafsaday in aan wax barto oo aan labada gelinba qalin iyo buug sito, labadaasaan saaxiibla ahaa, waxa igu kelifey in aan sida u dedaallo waxan ogaa noloshii ay ku noolaayeen reerkayagu oo ahayd nolosha baadiha, reerkayagi xoolo miyi mooyaane xoolo magaallo ma lahayn, ma jirin cid aan aniga ahayn oo wax barasho ka gashay. Waxan ka dheeraaday sheekooyinkii dhexmari-jirey wiilasha iyo gabdhaha aannu isku waxbarashada nahay, waa mid aan dhalinyarada laga waayin sheekooyinka jacaylka ah weliba xilliga ay kuwada jiraan wax barashada, balse anigu waan laabay boggii sheekooyinka waxanna sida u samaynayey yaan sheekada dumarka wakhtikaaga lumin. Weligay qof ma jeclaan anna layma jeclaan, marka aan arko labo qof oo is jecel waxan moodi-jirey in ay been isugu sheekaynayaan, waxan aaminsanaa in aan jacaylba jirin, ma aan akhirisan jirin buugaagta lagu qoro sheekooyinka jacaylka ah [NOVAL] sidoo kalena jaraa’idda oo inta badan lagu qoro sheekooyin jacayl ah waxan ka qaadan jirey oo keliya bogaga wararka iyo ciraaraha, balse ma aan eegi jirin bogga sheekooyinka wax feker ah kama aan haysan waxa uu yahay jacaylku, ma aan ogayn in jajacaylku yahay aafo haddii uu ka haleelo mararka qarna uu geysko jariimadda [dil] jacaylku wuxu ugu daran yahay marka qofkii aad jeclaatay uu kuu joojin-waayo, ma aan ogayn in jacaylku uu iilka dhigay CILMI BOODHERI oo taariikh naxdin iyo murugo badan kagaga tegey dhulka ay degaan dadka soomaalidu, buugaag badan oo mucjisooyin ahna laga qoray. Sidoo kale jacaylka waxa la god-galay LAYLA IYO QEYS oo ahaa labo qof oo carbeed xusuus murugo badana kagag tegey wadamada carabta gaar ahaanna wadamada Bariga Dhexe. Balse anigu ma aan ogayn in jacaylku dhibta intaa leeg uu leeyahay dad badana uu galaaftay. Waxan deganaa xaafadda BADDA CAS waxan dulsaar ku ahaa guri uu leeyahay nin aannu ilmaadeernahay, wuxu ahaa nin lacag leh kana mid ah hoggaanka dalka, waxan dhamaystay Dugsigii sare ee bareefaddka ahaa. Anigu waxba gacanta kuma haysan waxana fiiga iga bixin jirey ninka aannu ilmaadeerka nahay, markii aan dhamaystey Dugsigii sare waxan galay qayb sanad ah oo jaamacadda ah taasoo aan ku baran jirey culuumta saxaafadda. waxa caaddo ii hayd in aanan habeenkii suuqa ku habsaamin waxana guriga iman jirey 7:00 fiidnimo.

MARKII LAY HALEELAY
Goor fiid ah ayay ahayd waxan fadhiyey qolka fadhiga waxan daawanayey TIIFIGA qolka keligay ayaa fadhiyey waxa I raali-gelin waayey barmaamujkii ka socdey TIIFIIGA, waxan tiigsadey telefoon yaaley meel aan sidaa iiga sii fogayn, markii aan soo qaaday telefoonkii ayaan isweydiiyey tollow ayaad la hadashaa oo cabaar wakhitga isku dhaafisaa? Ma jirin wax dumar ah oo aan tilifoonka kala sheekaysan jirey, telefoonkii ayaan soo qaaday waxan go’aansaday in aan labar iskaga nasiibiyo. Waan garaacay markii uu cabaar dhacay ayaa waxa iga iga qabatay inan cod dahabiya leh, waaba tii aad doonaysey ayaan is idhi markii ay qabatay ayaan ku idhi markiiba waxan ka fekeray halkii aan inanta hadalka uga bilaabi-lahaa, waxan markiiba go’aansaday in aan igu sii mar-marsiinyooda qof magicii waxanna inantii ku idhi ” HELLO Xasan ma joogaa walaal? Malaha inantan ta tilifoonka iga qabatay Xasan waa walaalkeed oo 10 jir ah. Intii aanay inantii jewaab iga siin in Xasan joogo iyo in kale ayay igu tidhi ” horta salaama calaykum? “Caleykum wasalaam ayaan igu jewaabay” waxayna hadalkii iigu sii dartay oo ay inantii igu tidhi walaal salaan qof muslim ah lagu salaamo oo ka wanaagsan salaama caleykum ma jirto waxana haboonayd adiga oo u jeedadaada ka horaysiiya salaanta, ka dibna sheegta waxa aad u socotey, walaal adiga oo raaliya waxad iska ilaalisaa in aad dadka muslimiinta ah ad ku salaantid kelmadaha ay isku salaamaan gaaladu, sida HELLO, HOW DO YOU DO IWM. Igana raali ahaw haddii aad hadalkaa talada ah dhibsatay, aniga walaal waa iga tallo, cidda aad doonayseyna I weydii ” waxa haboonayd aniga oo marka hore inanta salaama balse taa waan mooganaa, waxana ku salaamay inanta Xasan ma joogaa? Runtiina inantii gool qurux badab ayay iga dhalisay, waxanna u qushuucay sida wanaagsan ee ay inantu iigu caqli celisey waxanna markiiba u aqoonsaday inantii qof ehel u ah diinta, hadalkeedii markiiba meelbuu I taabtay. Aniga oo qajilaad afka kala qaadi-karila ayaan su’aashii inantii igu celiyey oo ku idhi walaal Xasan ma joogaa? Marka aan hadalkaa leeyahay waxan anigu jecelahay in ay ugu tidhaahdo Xasan ma degana guriga si aan u jeedadayda u caddeeyo marnaba isma aan odhan niyadda ma aan gashan Xasan inanta ayay walaalo yihiin, wuxuse hadafkaygu ahaa Xasan ka sii dhigo salaankii aad sheekada inanta u sii mari-lahayd, waxayse jewabtii inanta noqotay walaal Xasan wuu joogaa? Markaasaa talo igu caddaatay mana odhan karro inanta Xasan ii dhiib oo wuxuu yahay ma garanayo. Intii aanan wax jewaaba bixin ayay inantii su’aal labaad I weydiisey waxayna igu idhi” walaal haddii aad Xasan garanayso anna waxan filayaa in aad igaranayswid ee isu kay sheeg? KA DAR OO TIBI DHAL! Su’aashaa labaad ee inantu I weydiisey ayaa inayana igu noqotay afkala qaad, ileyn awalba ma aan hayn nin qorshe cad u soconaya’e, balse waxan ahaa nin tilifoon aanu garanayn soo garaacay sheeko doona ah, aniga oo guntida dhiisha iskaga dhigaya kelyahana dhagax gashanaya ayaan inantii ugu jewaabey jewaab indho adkaana, waxanna ku idhi ” HAA………… HAA waan idin garanayaa. Markii aan sida ugu jewaabey ayay iyana igu tidhi ” HAYE oo kumaad tahay haddii aad nagaranaysid? Markii ay su’aashaa I weydiisey ayaan maskaxda ka shaqaysiiyey , runtii waxay ahayd inan aad u maskaxbadan oo hadal degen taacadna ah, mana ay jirin wax ragg ah oo ay xidhiidh lalahayd, runtiina u qaadan waa ayay ku noqotay wayna fahantey in aan qar-jafayo waxase ka daadegi-weydey inantii ninkan wiilkiina yar garanaya oo ahaa kii aan markii hore magcaabay, ma oga inantu in aan afka uun ka idhi magaca wiilka oo aanan xataa oqoon halka ay magaalada Hargeysa ka deganyihiin iyo joho ay iga xigaan toona. Intii aanan inantii uga jewaabin su’aashii ay I weydiisey ayay su’aal kale ii raacisay waxayna igu tidhi” walaal ma maalinbaad na soo siyaaratey? Si fiican uma aan aqoon luuqada afka carabiga halka ay iyadu ku wadh-wadhatay ku hadalka luuqadda afka carabiga, waxan u qaatay kelmadda siyaara oo ah booqasho in ay iila jeedey miyaadna soo dewersatey, balse iyadu waxay ula jeeddey miyaadna soo booqatay. Jewaabta saxda ahina waxay ahayd ta inanta. Aniga oo cadho awgeed dhitid yar yari fax iga soo yidhi ayaan inantii si kulul ugu idhi” naa maaniga ayaad ileedahay ma maalinbaad na soo dewersatey? Inta ay inantii qososhay ayay igu tidhi ” walaal gacaliye waad I khlad fahantey, waxana hadalkayga uga jeedey ma maalinbaad na soo booqatay, walaal shaydaanka iska naar isna deji” markii ay hadalkaa igu tidhi ayaan dib u fadhiistay waxann a ogaadey in aan anigu khaldanahay, waxayna inantii hadalkii iigu sii dartay “walaal kelmadda siyaara waa kelmadda carabiya waana booqasho malaha adigu waxad taqaanaa [VISIT] markaa walaal marlabaad raali ahaw waad I khalad fahanteye” Hadalkaa naxariista iyo raali-gelintu ku dheehantay ay igu tidhi, su’aalihiina ay I weydiiseyna ay I hortaagan yihiin dhawr jeerna aan sibi-riirixdey ayaan isku deyey in aan inanta dareen farxadle u muujiyo, ma ihi nin dhinaca haweenka af miishaarku ah sheekooyinka dumarkuna way igu cusbaayeen, mana aqoon luuqadda dumarka lagula hadlo iyo hadalada lagu soo jiito toona. Balse waxan isku dedeyey in aan inanta debecsanaan u muujiyo waxanna ku idhi ” walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay sida fiican ee aad ii raaligelisey weliba aniga oo khaladka leh oo ay ahayd in aan hadalkii aad I tidhi ka fiirsado, walaal gabadh dabeecad fiican ayaad tahay walaal marnaba ilaawi-maayo …….. la soco qormada dambe

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: