WARARKII WARGEYSKA OGAAL CADADKIISII MAANTA OO AXAD AH 23.03.08



“Hogaamiyaha maamul goboleedka Puntland Cade Muuse ayaa sheegay in aanu ogolayn in maamulkiisu hoos tago maamulka Cabdilaahi Yuusuf”

“M/weyne Rayaale oo si rasmi ah u magacaabay 6 Gobol iyo 14 Degmo oo cusub iyo Jawaabaha laga bixiyay”

Hargeysa (Ogaal) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa si rasmi ah u soo saaray magacaabista 6 gobol iyo 14 degmo oo cusub.

Wararka ku saabsan in Madaxweyne Rayaale magacaabayo Gobollo cusub ayaa jiray toddobaadkan oo dhan, waxa uu shalay ku soo saaray 20 Xeer oo uu ku magacaabayo Goboladaas iyo Degmooyinkaa cusub.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Mr. Siciid Caddaani Moogge oo si rasmi ah loogu faafiyey magacaabista goboladaa cusub waxa uu u qoran yahay sidan:

”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa uu soo saaray Maanta (Shalay) Lix Xeer Madaxweyne, oo uu Lix Gobol oo Cusub ugu Magacaabay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Gobolladaasi oo kala ah, Gobolka Gabiley oo magaalo madax ay u noqonayso GABILEY, Gobolka Badhan oo magaalo madax ay u noqonasyo BADHAN, Gobolka Buuhoodle, oo Magaalo madax u noqonasyo BUUHOODLE, Gobolka Salal, oo magaalo madax u noqonayso SAYLAC , Gobolka SARAAR oo magaalo madax u noqonayso CAYNABO iyo Gobolka Oodweyne oo Magaalo Madax u noqonaysa Oodweyne.

Waxa kale oo Madaxweynuhu soo saaray 14 Xeer Madaxweyne oo uu 14 Degmo oo Cusub ku magacaabay, Degmooyinka la magacaabay iyo Gobollada ay ka tirsan yihiin waxay kala yihiin sidan:

1) Degmada WAJAALE oo ka tirsanaan doonta Gobolka GABILEY.

2) Demgada WIDH-WIDH oo ka tirsanana doonta Goblka Buuhoodle.

3) Degmada QORULUGAD oo ka tirsanaan doonta gobolka Buuhoodle

4) Degmada GO’DA WEYN oo ka tirsanaan doonta gobolka Saaxil

5) Degmada HARASHEEKH oo ka tirsanaan doonta Gobolka Oodweyne

6) Degmada RAYDAB KHAATUMO oo ka tirsanaan doonta Gobolka Oodweyne

7) Degmada GARBA DADAR oo ka tirsanaan doonta gobolka SALAL

8) Degmada BOON oo ka tirsanaan Doonta gobolka SALAL

9) Degmada XARIIRAD oo ka tirsanaan doonta Gobolka SALAL

10) Degmada LAASCIIDLE oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saaxil

11) Degmada WAR-IDAAD oo ka tirsanaan doonta gobolka SARAAR

12) Degmada CEELAL oo ka tirsanaan doonta Gobolka SARAAR

13) Degmada WAR-CIMRAAN oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer

14) Degmada MAGAALO CAD oo ka tirsanaan doonta gobolka Awdal

Waxa isla Maanta Madaxweynuhu soo saaray Wareegto uu ugu gudbinayo Wasaarada Arrimaha Gudaha Xeerarkan isugu jira Magacaabis Gobolo iyo Degmooyin , taasi oo uu kula socodsiinayo in gobolladaasi iyo degmooyinka uu magacaabay aanay haba yaraatee wax saamayn ah ku yeelan doonin Doorashooyinka Soo Socda.

Waxa kale oo uu qoraalkan ku sheegay Madaxweynuhu in Doorashooyinku ugaga dhici doonaan sidii markii hore ay ugu qorshaysnaayeen in ay dalka uga dhacaan , qiimaynta gobollada iyo degmooyinku, waxay ku salaysnaan doonaan buuxinta shuruudaha ku xusan qodobka saddexaad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland”.

Madaxweyne Rayaale ayaa dadka qaar u arkaan in uu ugu talagalay Goboladan iyo degmooyinkan cusub ee uu magacaabay inuu ku galo ololaha doorashooyinka soo socda, iyada oo gobolada uu magacaabay qaarkood uu ballanqaaday doorashadii hore ee Madaxtooyada.

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay wax ka weydiinay sida uu u arko magacaabista Gobollada iyo degmooyinka Cusub, waxana uu ku jawaabay Gudoomiyaha Kulmiye. “Wallaahay arrintaa waxaanu u aragnaa mid waqti hore loo baahnaa, Meelaha qaar-koodna hore ayaanu anagu u sheegnay inaanu Gobolo ka dhigi doono. Markaa wixii dalka maamulkiisa hagaajinaya waxba kama qabno waananu soo dhawaynaynaa. Laakiin waxaan odhan karaa marka la eego waqtiga ay ku soo beegan tahay olole siyaasadeed kama madhna. Markaa si kastaba ha ahaatee anagu magacaabistaa waanu soo dhawaynaynaa.”

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Ciro) ayaa isaguna hore saxaafada ugu shaaciyay in aanay waxba ka qabin in loo magacaabo degmonimo ama Gobol meesha u qalanta.

Sidoo kale, qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha iyo dadweynaha magaalooyinka loo magacaabay Gobolada iyo degmooyinka Cusub ayaa soo dhaweeyay talaabadan. “Annagu muddo dheer ayaanu daba soconay arrintan, aad iyo aad ayaananu u soo dhawaynaynaa, waananu ku hanbalyaynaynaa Madaxweynaha talaabada uu qaaday.” Sidaa waxa yidhi duqa magaalada Wajaale.

Komishanka Doorashooyinka oo doortay Guddoomiye cusub

Hargeysa (Ogaal) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa fadhi ay shalay yeesheen ku doortay guddoomiyahooda cusub, kadib markii uu is casiley Guddoomiyihii hore ee Komishanka, Mr. Maxamed Yuusuf Axmed.

Lix xubnood oo ka mid ah Toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xarunta Komishanka kaga dhawaaqay inay Guddoomiyaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka u doorteen Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaba-weyne) oo ka mid Saddexdii xubnood ee Madaxweyne Riyaale soo xulay.

Xubinta ka maqan Komishanka oo Toddoba xubnood ah ayaa shaqada laga joojiyey laba toddobaad muddo hadda laga joogo, kadib markii khilaaf soo dhexgalay isaga iyo xubnaha kale ee Komishanka.

Shirkaa jaraa’id waxa ugu horrayn ka hadlay guddoomiyaha cusub ee loo doortay Komishanka, Mr. Maxamed Ismaaciil oo sheegay in markii Guddoomiyaha Komishanku, Mr. Maxamed Yuusuf uu iska casiley xilkaa sabab caafimaad darteed ay lagama maarmaan noqotay in Komishanku uu doortay guddoomiye, isla markaana xubnaha kale ee Komishanku ay u garteen inuu u noqdo guddoomiye.

Mr. Maxamed Ismaaciil, waxa uu u mahadnaqay xubnaha kale ee Komishanka, waxana uu Illaahay ka baryey in Illaah u fududeeyo xilka culus ee loo magacaabay.

Guddoomiyihii hore ee Komishanka, Maxamed Yuusuf oo isaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in sababta uu isaga casiley xilka ay tahay sabab caafimaad oo keliya, isla markaana uu doonayo inuu caafimaad dibadda ugu baxo, kuna maqnaan doono muddo ilaa 2 bilood ah.

Waxana uu beeniyey inuu jiro wax khilaaf ah oo u dhexeeya 6da xubnood ee Komishanka, waxana uu tilmaamay in sida wadajirka ah ee ay u doorteen guddoomiyahooda cusub ay muujinayso in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya xubnaha Komishanku.

Intaa ka dib waxa xubnaha gudiga doorashada la weydiiyay su’aalo la xidhiidha arrintan. Su’aalihii iyo jawaabihii ay ka bixiyeena waxay u dheceen sidan:

S: Hadaad xubnihii komishanka tihiin xubintii todobaad xageed dhigteen?

J: Xeer baa noo yaala, xeerkaana qabtay, xeer-hoosaadkayagaa ninkii dhibaato keena qabanaya, waanu ku maqan yahay, Xubintaas jaran-jarooyinkii loo marayayna way maraysaa. Madaxweynaha ayaanu u gudbinay, Guddi ayaanu u saarnay, Guddidaasi xubin xubin ayay noo waraysatay, heerkaa imika ay marayso wixii ka dambeeya lama socono.

S: Maxaa ummada u damaanad ah, hadaad tihiin xubnihii komishanka in doorashadu ku qabsoomayso xiligeedii?

J: Sidaad la socotaan waqti ayaa loo cayimiay doorashooyinka ay ku qabsoomaan, hadii ay wax ka soo noqdaana waxa faran in loo yeedho saddexda Xisbi Qaran si loogala tashado, sidii tii horeba loogala tashaday, komishankuna wuxuu gudan doonaa waajibaadkiisa.

S: Iscasilaada Guddoomiyaha waxa wararku sheegayaan in ay ka dambaysay culays kaga yimi dhinaca Madaxtooyada, arrintaa maxaa ka jira?

J: Waxaasaa la yidhi intaydaan odhan, oo aydaan ummada waxaa ku jahaawareerin horta idinku cadeeya cida waxaa tidhi, markaas ayaanu anaguna ka jawaabi karaynaa, hadii aanaan garanayn cida tidhi kama jawaabi karno.

Maamulada Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf oo isku maandhaafay la macaamilka shirkadaha shisheeye

Garowe (Ogaal/W.Wararka) – Hogaamiyaha maamul goboleedka Puntland ee Somaliya Cade Muuse Xirsi ayaa sheegay inaanu ogolayn maamulkiisu inuu hoos tago Cabdilaahi Yuusuf.

Cadde Muuse qoraal dheer oo uu soo saaray shalay ayuu ku yidhi. “Inta laga helayo Dastuur Federaal ah oo loo dhan yahay iyo dhismaha dawlad goboleedyo ku qanacsan qaybsiga awoodaha iyo khayraadka, taageerada Dawladda Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah – Puntland waa u madax bannaan tahay shurucdeeda, siyaasaddeeda iyo daneheeda”

Warbixintan Cadde Muse soo saarey ayaa soo baxdey maalmo ka dib markii dhawaan ay dibada isoo bexeen is maandhaaf u dhexeeya maamulada Cadde Muuse iyo Cabdilaahi Yuusuf oo ka dhashay qaabka heshiisyada Puntland la gasho shirkadaha dibada oo sheegaya inay madaxbanaantahay.”Waa arrin aan la ogolaan karin in Dawlad Goboleedka Puntland oo ah laf-dhabarta Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ay si badheedh ah ugu tacadido xeerka u yaal XFKMG ee Soomaaliya, kaas oo si cad u qeexaya awoodda ay kala leeyihiin Xukuumadda FKMG iyo Dawlad goboleedku. Awoodahaas oo sheegaya in khayraadka awoodda siyaasad iyo sharci lagu maamulo” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Macdanta Dawlada Cabdilaahi Yuusuf ,

Islamarkaana waxa uu gebi ahaan waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiyada shirkadaha dibada uu la galo Cade Muuse.

Waddani

Waar ilayn nin wax doonayaa dadka ugu itaal daran, car hala arko siyaasi ka hor yimaada Goboladan Lixdii hore Lixda lagu dhuftay iyo Degmooyin bararkan Ow Rayaale is wadda saaray. Waxaanse leeyahay odayga haday siyaasad ahayd iyo haday dan la mood-tahayba dadkii afka isu wadda gelisay oo imikaan Tuulo kasta laga dhaadhicin karayn dhaqaale iyo wax la idinku aqoonsan karro ma lihidine, sidaad u kala gurayso iyo Goboladan iyo degmooyinkan meesha aad uga keenayso deegaanada ay xukumayaan is weydii. mida kale haddii doorasho dhacdo deegaanada la garoocay cadhadeedda inta la duda iyo inta taageero lagu helo waynu eegi waa wejiyada siyaasadeena’e .

Burco iyo Hawlgalkii Nadaafadeed ee ugu Ballaadhnaa

Burco (Ogaal)- Hawlgalkii ugu ballaadhnaa ee nadaafadeed oo lagu nadiifinayo goobaha qashin-qubka ayaa shalay laga fuliyey xaafadaha magaalada Burco, kaas oo ay soo abaabuleen urur waddani ah oo lagu magacaabo TOGGA.

Ololahan nadaafadeed oo ay ka qaybqaadanayaan soddomeeyo iska-rogo, cagafcagafyo, qalab cusub oo loogu talagalay guridda xashiishka, baabuur ay saaran yihiin cod-baahiyayaal iyo boqollaal qof oo mutadawiciin ayaa shalay laga fuliyey xaafadaha magaalada Burco, inkastoo ololaha xooggiisu ka socday agagaarka garoonka kubadda cagta iyo dugsiga Jarmalka.

Hawlgalkan nadaafadeed oo soo agaasimeen ururka waddaniga ah ee TOGGA, ayaa waxay halkaa ku soo bandhigeen barmaamij nadaafdeed cusub oo hawlyareynaya habka looga guro qashinka magaalada, kaasoo loogu magacdaray Burco Plan.

Guddoomiyaha Ururka TOGGA Mr. Siciid X.Axmed Quluumbe oo u warramayey saxaafadda, ayaa u sheegay in hawlgankan nadaafdeed yahay mid ay ugu talogaleen in lagu nadiifiyo magaalada, isla markaana ku soo bandhigeen qorshe cusub iyo qalab cusub oo hawl-yaraynaya guridda qashinka, kaasoo aan hore uga jirin magaalada Burco, balse ay iyagu sameeyeen, “Waxa uu ololahani soconayaa ilaa lixda makhribnimo,waxaanu u socdaa sidii aanu ugu tala galnay iyo goobihii aanu cayinay oo bari iyo galbeed ah, qashin badana waanu ku gurney,” ayuu yidhi Mr. Quluumbe.

Waxa uu mahadceliyay dawladda hoose ee Burco, shirkadda Indha-deero, muwadiniin ku tabarucday cagafyo, haweenka iyo dhallinyarada oo iyagu qaatay kaalinta ugu weyn, waxaannu ballanqaaday inay joogtayn doonaan hawlgalkooda nadaafadeed.

Hawlgalkan nadaafdeed ayaa ahaa mid laga dareemayey dhammaanba daafaha iyo gudaha magaalada, isla markaana ay ku muuqdeen qalab iyo nidaam cusub oo aan hore loogu arag Burco, kuwaasoo ay ka mid ahayeen dameero la buudhi loo sameeyay. Dadweynaha reer Burco ayaa shalay si weyn u hadal-hayay tallaabada lagu gurayo qashinkii si weyna u soo dhaweeyay.

Socdaal dheer oo dhib badan ka dib wuxuu door-biday Somaliland mar kale

“Nasiib-darradayda sii socota awgeed, waxaan Kenya galay laba maalmood ka dib bilawga qalalaasihii siyaasadeed”

By Abukar Albadri

Nairobi (Los Angeles Times/Ogaal)- Mid ka mid ah suxufiyiinta Soomaalida ka qaxday dalkoodii, oo ka sokow qaxii uu dalkiisii ka cararay, aan wax soo dhawayn ah ka helin dalalka jaarka ah, oo aanay doonayn inay mashaakilaadkooda la qaybsadaan.

Ninkaa suxufiga ah, oo aad uga sheekeeyay waayihiisa qaxoontinimo, ayaa hadalkiisa ku bilaabay; “Waxaan dalkaygii ka soo baxay bishii August, taasoo ku beegnayd maalmo yar ka hor markii qof aanan aqoonsanini uu khadka talefoonka igula socodsiiyay in lay dili doono. toddoba bilood ka dib, oo aan dibadmeer ku noolahay, waxaan la kulmayaa cago-juglaynta iyo hanjabaadihii talefoonku igamay istaagin. Inkasta oo aanay maalmahan, taasi ahayn dil iyo qaarajin toona, haddana xilligan fariimaha ku soo dhaca talefoonkayga waxay u badan yihiin kuwo igaga imanaya masuuliyiinta dalalkii aan gaboodka soo biday. “Maxaad dalka uga tagi wayday?” waxay ahayd ugu badnaan fariinta maalinlaha ahayd ee igaga imanaysay masuul ka tirsan dawladda Djibouti, kaasoo mararka qaarkood loogu yeedhi jiray, aniguna aan u tixgelin jiray inuu yahay saaxiibkayaga noogu dhawaa. Tan iyo markii aan dalkaygii ka soo qaxay, waxaan kolba u soo kala boodayay dal ka dal mandaqadda bariga Afrika, aniga oo isku deyaya inaan helo waddan danaynaya inuu qaabilo qof sita baasaaboorka Soomaalida. Waxa laygu hanjabay in lay xidhayo dalka Djibouti mudo-dhaaf fiisihii aan halkaa ku joogay awgii; Waxa layga soo eryay Somaliland, maadaama aan noqday suxufi shisheeye ah; Ugu dambayntiina waxaan soo gaadhay Kenya, ka dib markii aan bixiyay lacag fii ah oo gaadhaysa $700. Iyada oo ay weli igu sii socoto nasiib-darradaydu ayaa waxaan imi Kenya laba maalmood ka dib markii dalku uu ku dhacay qalalaasihii ka dhashay doorashooyinkii khasaaraha badan geystay.

Ka dib markii aan ka soo baxay Muqdisho, halkii ugu horaysay ee aan istaagay waxay ahayd Djibouti, halkaas oo aan dabadeed reerkaygii iyo xaaskaygii geeyay, waxaanay u muuqatay meel lagu qanci karo, oo lagu negaanayo. Hase yeeshee, saraakiisha laanta socdaalka ayaan taas igu raacin, isla markaana igu soo koobay laba bilood oo fiise aan ku joogo ah. Waxaanay I xusuusiyeen in dalka Djibouti aanu lahayn warbaahin xor ah, ee uu leeyahay keliya taleefishan iyo idaacad dawladu maamusho. Sidaa aawadeed, waxa ugu dambeeya ee ay doonayeen inay ii sheegaan waxay ahayd inaanay u baahnayn weriye arrimaha walaaqa. Farriintu way cadayd, “Ha shaqayn,” ayaanay ahayd. Inkasta oo aanan awoodayn inaan tallaabooyin kale qaado, haddana waxaan masuuliyiinta ka dalbaday inay ii kordhiyaan mudada ogolaanshaha joogitaanka aniga iyo reerkayga. Balse, xataa ka hor intii aanay dhamaanba 60-kii maalmood ee fiisahaygu, waxa bilaabmay talefoonadii maalinlayaasha ahaa ee la ii soo dirayay. Markii ugu horaysay waxa ii imanayay farriimo soo dhawayn ahaa. Hase ahaatee, isla markiiba dulqaadkoodii wuu soo dhamaaday. Ugu dambayntiina waxa lay siiyay inaan 10 maalmood dalka kaga baxo iyo inaan wajaho xadhig. Reerkaygu way sii joogi karayeen, balse aniga, suxufi ahaan, ayay noqotay inaan tago.

Halkii iigu xigtay ee aan tegay waxay ahayd Hargeysa, caasimada Somaliland. Waxaan aaminsanaa in halkaa layga aqbalayo. Hase ahaatee, maadaama rabshado ay ka jiraan Muqdisho, daraasiin kale oo suxufiyiin ah ayaa sidayda oo kale aaminsanaa. Dabadeedna si degdeg ahayd ayaanu ugu dhex-milanay halganka siyaasadeed ee ay Somaliland ugu jirto madaxbanaanideeda. Masuuliyiintu waxay sheegeen in keliya aanu halkaa (Somaliland) ku joogi karno haddii ay Hay’addaha Qaramada Midoobay noo aqoonsadaan inaanu nahay dad qaxoonti ah oo ku nool dal aan koodii ahayn, balse Qaramada Midoobay oo aan si rasmiya ugu aqoonsanayn Somaliland sidii waddan gaar u taagan, ayaa keliya annaga nagu qeexayay inaanu ahayn dad dalkooda gudihiisii ku baro-kacay. Sidaa aawadeed Somaliland waxay noo qabteen laba maalmood inaanu dalkooda kaga baxno. Dalka Kenya, oo ahaa halka saddexaad ee aan tegi karo, ayaa fiisihiisii aad iigu adkaaday, dabadeedna waxaan gaadhay dalka Uganda. Diyaaradda Uganda loo soo raacayay way fududayd. Dawladdiisuna wada shaqayn fiican ayay lahayd. Dadku waxay ahaayeen dad furfuran. Balse, markii aan garoonka diyaaraddaha ka degay ayay masuuliyiintu ii sheegeen in dalka uu ka dilaacay xanuunka Ebola, kaasoo 37 qof markaa dilay, inka badan 100 kalena u jiifaan. Isla markii aan garoonkaa ka degayba, waxa laygu salaamay qofna ha gacan-qaadin, oo ahayd talo saaxiibtinimo. Sidaa aawadeed, toddobaad keliya oo aan joogay Uganda maan dhaafin huteelkayga qolkii aan kaga jiray. Waxa iga soo booday neef wayn, ka dib markii uu ii yimi Fiisahaygii Kenya. Haddii aan doonayo inaan kordhisto mudada joogistayda, waa inaan bixiyaa bishiiba $500. Intii aan joogay Nairobi, waxaan la xidhiidhay hay’addaha Qaramada Midoobay, si ay iiga caawiyaan in Kenya ii aqbasho qaxoonti ahaan. Waxaanan jawaab I qancinaysa sugayay intii Kenya uu ka taagnaa qalalaasaha siyaasadeed, markaa heshiiska xilligii ay khilaafaadka ka gaadheen labada dhinac anigu waan ku farxay, hase ahaatee, shaqsiyan weli iima kala cada halka aan ku dambaynayaa. Waxaanse sii wadi doonaa inaan bishiiba bixiyo lacag dhan $500, inkasta oo lacagi dhakhso u dhamaato. Sidaa daraadeed, laga yaabe inaan mar labaad isku dayo dhinaca Somaliland, si aan u helo meel aniga iyo reerkaygu aanu dib ugu midawno. Inkasta oo aan aad u jecelahay, mararka qaarkoodna iga go’an inaan shaqadaydii dib ugu noqdo, haddana immika hawsha keliya ee hortaalaa waa inaan helo guri aan ku negaado

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: