MADAXWEYNE D. RAYALE KAHIN OO MAANTA MAGACAABAY LIX GOBOL IYO 14-DEGMO

astaanta-sl.gif

Hargeysa(sl.no), 22 march – Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta soo saaray Lix Xeer Madaxweyne , oo uu Lix gobol oo Cusub ugu magacaabay dalka Jamhuuriyada Somaliland iyo 14 Degmo oo cusub.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada JSL ayaa u qornaa sidan:


‘’Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa uu soo saaray Maanta Lix Xeer Madaxweyne, oo uu Lix Gobol oo Cusub ugu Magacaabay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Gobolladaasi oo kala ah, Gobolka Gabiley oo magaalo madax ay u noqonayso GABILEY, Gobolka Badhan oo magaalo madax u noqonasyo BADHAN, Gobolka Buuhoodle, oo Magaalo madax u noqonasyo BUUHOOD, Gobolka Salal, oo magaalo madax u noqonayso SAYLAC , Gobolka SARAAR oo magaalo madax u noqonayso Caynabo iyo Gobolka Oodweyne oo Magaalo Madax u noqonaysa Oodweyne.
Waxa kale oo Madaxweynuhu soo saaray 14 Xeer Madaxweyne oo uu 14 Degmo oo Cusub ku magacaabay, Degmooyinka la magacaabay iyo Gobollada ay ka tirsan yihiin waxay kala yihiin sedan:
Degmada WAJAALE oo ka tirsanaan doonta Gobolka GABILEY.
Demgada WIDH-WIDH oo ka tirsanana doonta Gobolka Buuhoodle.
Degmada QORULUGAD oo ka tirsanaan doonta gobolka Buuhoodle
Degmada GO’DA WEYN oo ka tirsanaan doonta gobolka Saaxil
Degmada HARASHEEKH oo ka tirsanaan doonta Gobolka Oodweyne
Degmada RAYDAB KHAATUMO oo ka tirsanaan doonta Gobolka Oodweyne
Degmada GARBA DADAR oo ka tirsanaan doonta gobolka SALAL
Degmada BOON oo ka tirsanaan Doonta gobolka SALAL
Degmada XARIIRAD oo ka tirsanaan doonta Gobolka SALAL
Degmada LAASCIIDLE oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saaxil
Degmada WAR-IDAAD oo ka tirsanaan doonta gobolka SARAAR
Degmada CEELAL oo ka tirsanaan doonta Gobolka SARAAR
Degmada WAR-CIMRAAN oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer
Degmada MAGAALO CAD oo ka tirsanaan doonta gobolka Awdal
Waxa isla Maanta Madaxweynuhu soo saaray Wareegto uu ugu gudbinayo Wasaarada Arrimaha Gudaha Xeerarkan isugu jira Magacaabis Gobolo iyo Degmooyin , taasi oo uu kula socodsiinayo in gobolladaasi iyo degmooyinka uu magacaabay aanay haba yaraatee wax saamayn ah ku yeelan doonin Doorashooyinka Soo Socda.
Waxa kale oo uu qoraalkan ku sheegay Madaxweynuhu in Doorashooyinku ugaga dhici doonaan sidii markii hore ay ugu qorshaysnaayeen in ay dalka uga dhacaan , qiimaynta gobollada iyo degmooyinku, waxay ku salaysnaan doonaan buuxinta shuruudaha ku xusan qodobka saddexaad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland’’.

Source: SN

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: