MADAXWEYNE XIGEENKA JSL MUDANE AXMED YUSUF YASIN OO DADWEYNAHA MAGAALADA HARGEYSA KALA QEYB QAATAY SALAAD ROOB DOON AH



“Illaahay waxaan ka baryayaa maanta in uu Umaddaa haraadan deg deg dhaan ugu keeno, marka hore waxan dhacay waa dunuubteeni, hadii ay roob la’aani dhacdo ama ay dhibaato dhacdo waa danbi aynu galnay ama Illaahay aynu ka galno, ama dhexdeena mid aynu ka galnay ha noqotee, taana waxa inaga maydhi karta Istiqfaar”

Madaxweyne xigeenka Axmed Yusuf Yasin.

Hargeysa(sl.no), 21 march – Madaxweyne xigeenka Somaliland Md: Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta boqolaal dadweynaha reer Hargeysa ah kala qayb galay Salaad roob doon ah oo Rabbi koreeye lagaga baryayay in uu raxmaadkiisa iyo naxariistiisa umadda iyo Bahaa’inta u shubo taas oo isu soo bax balaadhan ka dib lagu tukaday Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa.

Isu soo baxaas Alla bariga ah ee roob doonta lagu samaynayay ayaa salaadii roob doonta ahayd ka dib uu hadal kooban oo duco iyo waano isugu jira halkaa ka jeediyay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md: Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaana uu ugu horayn sheegay in abaaraha iyo dhibaato kasta oo dhacdaa ay ka dhalato danbiga dadka ujeedada loo samaynayo roob doonta iyo isu soo baxani tahay in Rabi (SW) lagu baryo isla markaana ay waajib tahay marka raxmaadku yaraadaan oo ka dhasha danbiga dadka in Illaahay (SW) loo noqdo oo loo toobad keeno ducadana wada jir laysugu darsado.

Madaxweyne xigeenku waxa hadaladii uu halkaa ka yidhi ka mid ahaa “Illaahay waxaan ka baryayaa maanta in uu Umaddaa haraadan deg deg dhaan ugu keeno, marka hore waxan dhacay waa dunuubteeni, hadii ay roob la’aani dhacdo ama ay dhibaato dhacdo waa danbi aynu galnay ama Illaahay aynu ka galno, ama dhexdeena mid aynu ka galnay ha noqotee, taana waxa inaga maydhi karta Istiqfaar, madaama oo aynu nahay umadd muslim ah waxaa inagu waajiba inaynu Illaahay danbi dhaaf waydiisano oo waliba mid afka ah uun maahee ay niyada noqoto, Qofku waa inuu Illaahay danbi dhaaf waydiista oo saqda dhexe kaca, qofkii uu danbi ka galayna samaxaad waydiistaa.”

Mudane Yaasiin isaga oo ka hadlaya xaalada abaarta dalku ku jiro iyo halka ay marayso waxa uu yidhi “Waxa imika dhacaya iyo warbixinta la nooga keenay bari waa wax lala yaabo waa abaar, Roob la’aan cudurna uu dhex socdo. Reero dhan baa neef kaliyii ku hadhay, nin odaya baa wuxu yidhi Dabadheerna arkayo tanoo kale maan arag, markaa magaaladu may dareemin laakiinse waxa ka taagan hawd iyo bari waa wax aad u daran, waxaa inala gudboon inaan Illaahay u barino, oo danbi dhaaf waydiisano si uu inoogu naxariisto.” Ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku.

Gacantaadaa ayaa wayn ee Illaahayow dadkaa haraadan u soo gargaar. Inagana waxaa inagu waajiba waa Istiqfaar.

Intaa ka dibna waxa uu Madaxweyne xigeenka Somaliland halkaa ka akhriyay duco uu Rabi (SW) kaga baryay roob iyo inuu adoomihiisa u soo naxariisto, Illaahay deg deg roob ha inoogu keeno mid caam ah oo barako leh oo dadka oo dhan wada gaadha Illaahay hayna siiyo” Ayuu Madaxweyne ku xigeenku ducadiisa ku soo gaba gabeeyay.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxmuud Suufi Maxmuud ayaa sheegay in ay waajib tahay marka dhibaato dhacdo in la toobad keeno oo Illaahay loo noqdo, waxaana uu tilmaamay in toobadu leedahay afar shuruudood oo lagu aqbalo kuwaas oo kala ah in qofku ka baxo xumaanta, in uu go’aansado inaanu dib ugu noqon, in uu ka murugoodo, iyo in uu khayr ku badalo, waxa uu soo jeediyay in qalbiga laysku furo oo la isa saamaxo.

Sh. Maxamed Aadan oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa ahna Imaamka Masaajidka dhexe ee Cali Mataan oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in salaadan roob doontu ay la mid tahay salaada ciida oo kale loona baahan yahay in digriga la badiyo marka halkan oo kale laysugu yimaado, dhamaana laysa saamaxo.

Salaadan roob doonta ah oo shacbi aad u tira badani ka soo qayb galeen, ayaa ahayd tii labaad ee nooceeda ah oo mudo bil gudaheed ah laga sameeyo dalka, waxaana hore ugu baaqay Wasiirka Wasaarada Awqaafta Somaliland Md. Sh. Maxamuud Suufi Muxumed taas oo maalmihi ina dhaafay laga baahinayay warbaahinta kala duwan ee maxaliga ah.

Madaxweyne Kuxigeenka Md: Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu sidoo kale ah Gudoomiyaha gudiga abaaraha uu dhawaan Madaxweyne Rayaale u Magaacaabay. Magaalooyinka kale ee dalka ayaa iyagana maanta ay ka dhacday salaadan roob doonta ah ee Eebe koreeye lagaga baryayo in uu aabaarta umada ka dul qaado isla markaana uu raxmaadkiisa u shubo nimcoolaydiisa waxaana meelaha ilaa wali laga soo sheegayo in roob doontani ka dhacday ka mid ah Magaalooyinka Boorame, Berbera iyo Ceeri gaabo.

Guud ahaan dalka Somaliland goboladiisa kala duwan waxaa Mudooyinkii u danbeeyay taabatay abaar aad u daran oo keentay in meelo badan laga soo qaylyo, waxa dalka laga si baaxaad leh u fidaya kulayl badan iyo abaaro aad u soo kordhaya, waxaana aad looga dareemayay meelaha miyiga ah ee xooluhu ku dhaqan yihiin biyo la’aan iyo jilaashiga oo si wayn u taabtay, halka goobaha qaarkoodna ay bilaabantay biyo dhaamis iyo gaadhi gaadhi saar.

Faysal Maxamed Xassan

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: