MADAXWEYNAHA JSL MUDANE DAHIR RAYALE KAHIN OO CAFIS U FIDIYEY MAXAABIISTII LAGU QABTAY GOBOLKA SOOL



Warsaxaafadeed

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta Degreeto Madaxweyne Lr 310/032008 Cafis u Fidiyay Dhamaan Sideed iyo Lixdankii (67) Maxbuus ee lagu soo qab qabtay dagaaladii ka dhacay Laascaanood iyo Dhaban-saar.

Madaxweynaha JSL Digreetada uu ku cafiyay waxa ay u qornayd sidan:

Degreeto Madaxwayne Lr.309/032008

Fidin Cafis Maxaabiis

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu arkay: Dastuurka JSL qodobkiisa 90aad

Markuu tixgaliyey: Codsiga Odayaasha iyo wax garadka Beesha

Markuu Xaqiiqsaday: In ay yihiin Muwadiniin la khalday

Markuu yaqiinsaday: Inay dalkooda nabad ku joogi karaan

Markuu tixgaliyey: wada tashigii Masuuliyiinta ay khusayo

Wuxuu go’aansaday

Laga bilaabo Taariikhda Degreetadan wuxuu cafiyey dhammaan Sideed iyo lixdanka (68) Maxbuus ee Magacyadoodu ku lifaaqan yihiin oo lagu soo qabqabtay dagaaladii ka dhacay Laas-canood iyo Dhaban-Saar’’.

Sidoo kale , Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa Degreeto Madaxweyne Lr.310/032008 uu Cafis u fidiyay dhamaan kow iyo toban (11) Maxbuus oo Shisheeye ahaa (Majeerteen) oo lagu soo qab qabtay Dagaaladii ka dhacay Laascaanood iyo Dhaban-saar.

Digreetada Madaxweynuhu ku cafiyay 11-ka Maxbuus ee Shisheeye waxa ay u qornayd sidan:

Degreeto Madaxwayne Lr.310/032008

Fidin Cafis Maxaabiis

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu arkay: Dastuurka JSL qodobkiisa 90aad

Markuu arkay: Sharciga Maxaabiista Dagaalka ee Geneva
Convention oo banaynaaya in layso celin karo
maxaabiista Dagaalka.

Markuu Xaqiiqsaday: Inay dan u tahay Gobolka (Geeka Afrika) Xasilintiisa maadaama dhib badani ka jirto Somalia

Markuu tixgaliyey: wada tashigii masuuliyiinta ay khusayso.

Wuxuu go’aansaday

Laga bilaabo Taariikhda Degreetadan wuxuu cafiyey dhammaan kow iyo toban (11) Maxbuus ee shisheeye ( Majeerteen) ee magacyadoodu ku lifaqan yihiin Degreetadan ee lagu soo qabqabtay dagaaladii ka dhacay Laas-caanood iyo Dhaban-Saar.

Allaa Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: