MADAXWEYNE DAAHIR RAYAALE OO KU DHAWAAQAY AFAR GOBOL OO CUSUB

Hargeisa (sl.no) 19.03.2008- shalay gelinkii dembe ayaa la dareemay samxadda gawaadhida yar-yar oo ku xoomaysa Xarunta Qasriga Madaxtooyadda Somaliland iyo ciidanka Booliska oo hubinaaya gawaadhida galaysa Madaxtooyada.

Sida warar xog-ogaal ah oo ka soo baxay kulan Madaxweyne Rayaale Madaxtooyada kula yeeshay Odayaal, aqoonyahan iyo wax-garad ka soo jeeda Degmadda Gabiley, ayaa Madaxweyne Rayaale ku war-geliyey inuu maanta fuliyey balantii uu qaaday wakhtigii uu kaanbaynka Doorashada ku jiray, taasoo ahayd inuu Degmada Gabiley Gobol ka dhigaayo.

Sidoo kale, wararkaasi waxa ay daah-fureen inaysan Degmooyinka Gobolka laga dhigay ahayn Degmadda Gabiley oo keliya, balse ay jiraan Degmooyin kale oo Gobolnimo loogu dhawaaqay, kuwaas oo kala ah Saylac, Buuhoodle iyo Oodweyne.

Dadka Siyaasada indho-indheeya ayaa talaabadan Madaxweyne Rayaale qaaday ku sheegay mid Ujeeddo Siyaasadeed leh, taas oo uu ku doonaayo inuu cod kaga helo Dadka deegaanadaas ku dhaqan, marka la gaadho Doorashooyinka soo socda.

In kasta oo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Degmadda Gabiley u balan-qaaday wakhtigii uu ku jirey ololaha Doorashada Madaxtooyadda inuu Gobol ka dhigi doono marka uu xilka ku guulaysto, ayaa balantaas fuliyey, iyada oo wakhtigiisii uu xilka hayey gabaabsi yahay oo ay ka hadhsan tahay wax bil ka yar, marka loo eego wakhtigiisa sharciga ah.

Xig: Somaliland Future

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: