WAREYSI TVSLEUROPE HARGEYSA KULA YEESHAY MADAXWEYNAHA JSL MUDANE DAAHIR RAYAALE KAAHIN


Hargeysa(sl.no) 18 march – Wareysigan oo ka dhacay maanta qasriga madaxtoyada Somaliland ayaa waxaa madaxweynaha Ka qaadey saxfiga C.Karim Muse Abdi(dalmar)oo haatan ku sugan casimada Jamuhiryada Somaliland Magalada Hargeysa isaga oo inooga soo direy warbixintan.

Waxay ahayd maanta markaan wareysiga la yeeshey madaxweyne Rayale,inta aan la ii ogolan in gudaha madaxtoyada Somaliland galo oo lasii ogaa wakhtiga aan la kulmayo Madaxweynha ayaa waxaan marey baadhitaan xoogan oo lagu sameeyo qofwal oo la kulmaya Madaxweynha Somaliland ama galaya goobta looga arimiyo talada Dalka.

Kadib markii aan ka gudbey dhamaan ilaalidii Madaxatoyada Somaliland oo gudanayey wajibaadkooda sugida aamanka Madaxatoyada ayaa waxaan u gudbey qolka markaa madaxweynuhu fadhiyey,salaan ayaana halkaas ka bilaabantey maney ahayn markii ugu horeysey ee tvsleurope uu wareysi la yeesho Md. Rayale,waxaanan bilaabey wareysi kooban oo
Madaxweynha Aan La yeeshey waxaanu u dhacay Sida Tan.

Su.Madaxweyna nooga waran xaalda Guud Ee Dalka?

Rayle:Xaalada guud ee dalkani waa fican tahay marka laga reebo Abaaro ba’an oo nasoo wajahay taaso aan baaq u dirayo dhamaan cid kasta oo naga takuleyn karta arinkaas abaaraha oo aanu leenahay mucaawinimo waad inaad nala soo gaadhan.

Takale Dalkan Somaliland waa mucjisad cid alaale cid maanta wax nasiisa majirto oo wax noo sheeganeysa anaga oo sidaas ah oo ku jirna dibu dhiska dalka ayaanu hadana dhinac kala dagaalmeynaa Argagixiso nasoo wajahadey,sida aad la socotaana aduunku indhaha ayey naga qarsdeen oo waxay arki la’yihiin waxaanu qabsaney,waxaan leeyahay aduunka maanta waliba Dawaladaha wax bixiya bal tijaabiya oo 2.sanadood ka joojiya dawaladaha yaryar ee aad cawisaan inay jiiran iyo inkale bilaa takuleyn,waxaan kuu sheegaya in dalkan Somaliland caalamku ku xadgudbey.

Sual:Wufuudii Dhawaanaha Idinku Timi Somaliland makala hadashey marka laga reebo Ictiraafka in ay idinka cawiyaan dhinaca mashariicda iyo takuleynta guud e Somaliland?

Rayale:Markasti oo aan la kulmo Wufud dalka Timi ama aan anigu safar ugu taago waxayaabaha ugu waaweyn ee aan kala hadlo ayey ka mid tahay,waxaanan leyahay caalamaka markale waar kama maarano in aydun na caawisan oo aydun takuleyn ka geysataan Dalkan iyo umadan.

Sual.Waxaa jirta dagaalada ka holcaya Dalka Somalia in ay sababeen qooxoonti xad dhaaf ah oo kusoo qaxay Somaliland,arinta qooxnitgan ma u bandhigteen in caalmaku siiba ha’ayada UN-Tu idinka caawiso qooxontigaas takuleyntooda?

Rayle:Dhibaato xoogleh ayey nagu hayaan dadka Somalia
kasoo baro kacay qaarkoodna waxaabey isku tijaabiyen in ay dalka ka bilaaban tahriibta xeebaha ee ka socon jirtey dhinaca Boosaaso halkaaso ciidanka ilaalada xeebuhu ay fashilyeen kooxo rabey in ay dad tahriibiyaan.

Waxaana kuu sheegaya ilaa iyo hada cid naga caawisey dibu dajintooda iyo takuleyntooda qooxontiga
Somalia majirto iska daa qoxoontigaa Somalia kayimid iney naga caawiyaan e,kuwayagii ay nayidhaahdeen kala soo noqda dalalka Jaarka ayeeyna waxaba ila iyo hada ku tageerin marka laga reebo dalka Norway oo udhisey guryo yaryar oo ay kunooladan.

Source: Tvsleurope

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: