WAR SAXAAFADEED GUDOOMIYAHA URURKA QARAN “Dr. Maxamed Cabdi Gaboose”: MAAMUL XUMIDA IYO QORSHE LA´AANTA XUKUUMADU WAXAY DHALISAY ABUURID LA´AAN ILO DHAQAALE

“Waxaan bulshada reer S/land u sheegaynaa anakoo iska ilaalinaya inay cadho na qaado, lexo-jeclana naga hayso dadkan iyo dalkan, tacab badina nagaga jiro, isla markaana ka doorbidnay in aanu xuquuqdayada ku helno dhabaha nabadda, inaan marnabana aanay naga suurtoobin in aanu ka hadhno xuquuqdayada Dastuurku noo damaanad qaaday”

“wixii ka danbeeya maalinta beriya in aan Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ka bilaabi doono hawl-gal caafimaad oo lacag la’aan ah.”
Dr. Gaboose

Hargeysa16,march (sl.no):- GudoomiyahaUrurka QARAN Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa si weyn uga dar-daarweriyey xaaladaha dhaqaale, maamul iyo ta siyaasadeed ee wadanka ka tagan, isaga oo Xukuumada ku eedeeyey in ay ku guul-daraysatay wax ka qabashada duruufahaas, isla markaana waxa uu shaaca ka qaaday in wixii ka danbeeya maalinta beriya in uu Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ka bilaabi doono hawl-gal caafimaad oo lacag la’aan ah.

Gudoomiyuhu waxa uu sidaa ku sheegay shirjaraa’id oo uu galabta ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlayey xaaladaha iyo duruufaha kala duwan ee xiligan wadanka ka aloosan, isla markaana waxa uu soo jeediyey talooyin ku aadan caqabadahaas sidii looga bixi lahaa.

Waxaana Gudoomiyhu halkaas ka akhriyey war-saxaafadeed dheer oo tabaanaya dhinacyo kala gedisan, kaas oo u qornaa sidan:

“Waxay nala noqotay in marxaladan adag ee ina soo foodsaartay isla markaana noola muuqata inay tahay mid aan laga aamusi karin, inaan umadayada u soo bandhigo waaqaca dhabta ah ee dalku ku sugan yahay maanta.

Sideynu ka wada warqabno waxa dalkeena ka taagan sixir barar, dabarka goostay, kuna habsaday suuqyayada dalka kaasoo sababay in wax-soo-saarkii guduhu curyaamo iyo in danyartii tahli-weydo quutal daruurigii.

Ka dib markii kooto loo xidhay shirkadda Total shiidaalkii dalka, waxay keentay in betroolka Bosaaso ama naaftada Itoobiya inooga yimaada ee nooliga inta le’eg ku soo baxay ayaa weliba ka jabnaaday kuwa haamaha keydka Berbera ku jira, ayadoo muwaadinka is yidhaahda umadaada wax jaban u raadina aanu ku nabad-galeyn, laguna eedeynayo badecadiisa kootrabaan.

Waxaa intaa dheer in suuqii xorta ahaa ee ganacsiga xoolaha nooli isna u xuubsiibtay kooto kale oo cid gaar ah u xidhan, neefkii qiimihiisiina is-bixin waayey; dadkii xoolaha dhaqayey iyo kuwii ka ganacsanayeyna soo gaadhay dhaawac weyn oo dhaqaale oo noloshoodii saameyn xun ku yeeshay.

Waxa intaa raaca inay Xukuumaddu ka gaabisay inay gaarsiiso lacagtii dalku lahaa sayladaha gobollada bari, ka dibna ka faa’ideystaan kuwa Bosaaso ku daabaca lacagta been abuurka ah, taasina ay sababtay in xooleheenii noolaa iyo lacagtii adkeydba lagula wareego waraaqahaa falsada ah, tasoo ay weheliso shaqo la’aan baaxad leh oo guud ahaan dalka guri walba taabatay una weheliso waqtigan abaar baahsan oo leh baad iyo biyo la’aanba oo saameysay dad iyo xoolaba, bakhtina ay ku dhowyihiin.

Maamul-xumida iyo qorsha la’aanta dhaqaale ee xukuumadu waxay keentay abuurid la’aanta ilo kobciya dhaqaalaha; inta soo gashana marka laga bixiyo mushaarka yar, waxeeda kale ay ku baxaan musuqmaasuq iyo hanaan aan milgo lahayn, taasoo ay marag ka tahay miisaaniyad la’aanta iyo xisaab-celis la’aanta dalku ku socdo. Waxa dunsan inta badan kaabayaashii dhaqaalaha, waxaana magac-u-yaal ah, hadaanayba wax-yeelo ku ahayn dadka Hay’adihii adeega bulshada.

In kastoo S/land lagu majeerto nabad, hadana waxa beryahan dambe si weyn u soo if-baxday in da’yartii dalku mid wax bartay iyo mid kaleba, markii ay muddo dheer ay ku camal la’aayeen dalka, arkina waayeen xukuumad danaynaysa, kana damqanaysa darxumida iyo xaaladdda qallafsan ee ay ku sugan yihiin, ay qaataan go’aan tahriib ah oo ay isku miidaabiyaan lama-degaanada iyo badaha, kuna bahdilan-yihiin in badani xabsiyada shisheeye.

Waxaaso murugo lehi waxay i xasuusiyeen, murti dhaxal gal ah oo laga reebay Madaxweyne Mareykan ahaa ee lagu magacaabi jirey Franklin D. Roosevelt oo odhanaysa “qofna fakir ahaan ma xoroobi karo inta aanu dhaqaale ahaan xoroobin. Bulshada ay ka jirto gaajo iyo shaqo la’aani waxa si dhib yar uga hanaqaada keligi-talisnimada”.

Sidaa awadeed, S/land oo loo hanweynaa inay ka hana-qaado dimuqraadiyadi, nasiib-darro waxa ay maanta ku sii siqeysaa dhabihii keligi-talisnimo taasoo ay u sahleyso baahida iyo duruufaha dhaqaale ee dalka yaala. Wuxuu maamulkan caadeystay dulmi iyo gabood-fal, isagoo si qalloocan u adeegsanaya awoodihii Qaranka oo ay keentay ka maqnaanshaha meesha hay’adihii Dastuuriga ahaa ee is-ilaalin lahaa isna dheeli-tiri lahaa. Dalkiina wuxuu noqday mid uu tuurta ku sito nin kaliyihi, haday tahay sharciyaddisa ama dhaqaalihiisaba.

Wuxuuna Garsoorku u dhaqmaa sidii aanu madax-bannaaneyn oo uu ka mid yahay waaxda fulinta, tusaalena waxa noogu filan sidii loo maamulay qadiyadihii Urur siyaasadeedka Qaran, Shuuro-Net iyo madaxda wargeyska Haatuf ama sida ay had iyo jeer ugu xagliyaan Xukuumadda markey is qabtaan Hay’adaha kale ee Dastuuriga.

Bulsha weynta reer S/land ee aan ka dhalanay, lana wadaagno dareenka farxadeed iyo naxdineed, anakoo kala mideysan guud ahaan duruufahaas adag ee dalku ku sugan-yahay maanta, waxa anaga taa noo dheer oo noo raacda in ka dib markii aan ku dhawaaqnay Urur siyaasadeedka Qaran, nala ku hor joogsaday, isla markaana nala ku xidhay si baal marsan shuruucda dalka.

Anagoo tirsanayna cadaalad-darrada baaxaddaa leh, ayaa nasib-darro markaan xabsiga ka soo baxnay naloo keenay qoraal xambarsan gef iyo dulmi laga galo muwaadin aan dembiile ahayn ee xuquuqdiisa doonaya kii ugu weynaa, kaasoo nuxurkiisu yahay:-

“Urur siyaasadeed ma furan kartaan, xisbina kuma biiri kartaan, la idin ma dooran karo, waxna ma dooran kartaan, cidna uma ololeyn kartaan, kamana ololeyn kartaan, kulamo siyaasadeedna kama qayb-gali kartaan, ra’yigiina siyaasiga ahana ma cabiri kartaan, waxana la idinka xayuubiyey dhammaan xuquuqihii kale ee siyasadeed, mudo 5 sano ah”.

Waxa nalaga hor-taaganyahay inaan dalkayaga u fekerno, kana talino wixii horumarkiisa iyo dantiisu ku jirto. Go’aankan oo ka suurtoobay inay ku fikiraan kuwii damiirkoodu dhintay oo uu siin-jirey inay ku kacaan fawaaxishka iyo gabood-falka, hadana weli ku dhiiran inay halkii ka sii miisaan. Waxa lagu tijaabinayaa arrinkan foosha xun dunta iyo dulqaadka dadka ku ogolaanayaan hogaanka kaligi-taliska. Somaliland fagaarayaasha caalamka waxa ay ku faantaa wax la yidhaahdo nabad, balse hadii ay nabaddu ka aradnaato cadaalad, huwanaatana dulmi ma noqoto mid bulshadu u aydo.

Hadaba, waxa xusid mudan oo aan la ilaawi karin, dhibaatadii damqashada badan lahayd ee umaddan loo geystay, taasoo halgan qadhaadh ka dib aanu gacanta ku dhignay dalkeena. Waxay SNM ka doorbiday la xisaabtanka xubnihii u dhashay S/land ee ku eedeysnaa ka qeyb-qaadashada gabood-falka iyo xasuuqa dadka, inay illowdo shalay, cafidana kuwa farto ku godnayd, si ay umadda reer Somaliland ayadoo mideysan u dhisato Qaran la yidhahdo Somaliland, taladeedana aanu annaku wax ku lahayn maadaama aanu ka mid ahayn hogaanki sare ee SNM.

Hadaba Madaxweynaha hadii nasiibkiisu siiyey inuu ka mid noqdo xubnahaas loo fidiyey cafiskaa guud, meelna layska dhigay wixii ay umadda u geysteen, mar labaadkiina uu dad-weynuhu taladoodii u dhiibteen, kuna eegayaa, miyaanay isaga iyo bulshadaba nusqaan ku ahayn inuu ku hamiyo una quudho wax-yaabahii shalay.

Waxaan bulshada reer S/land u sheegaynaa anakoo iska ilaalinaya inay cadho na qaado, lexo-jeclana naga hayso dadkan iyo dalkan, tacab badina nagaga jiro, isla markaana ka doorbidnay in aanu xuquuqdayada ku helno dhabaha nabadda, inaan marnabana aanay naga suurtoobin in aanu ka hadhno xuquuqdayada Dastuurku noo damaanad qaaday, idinkana waxanu idinka rajeynaynaa inaad dulmiga baaxaddaas leh intaanu albaabadiina garaacin ka gilgilataan oo halkiisa ku joojisaan.

Gabagabadii waxaanu u aragnaa xalka guud:-

1) In doorashooyinka soo socdaa ay ku dhacaan waqtigii loo qoondeeyey ayakoo leh sifaha xor iyo xalaal, kuna qabsoomaan jawi xasilooni iyo nabadgelyo leh.

2) In xubnaha Komishanka Qaranka la xoojiyo tayadooda iyo waayo-aragnimadooda, lana sugo dhexdhexaadnimadooda, lagana digtoonaado wixii ka dhacay Kenya.

3) In sida muuqata, waqtiga oo yar awgiis, aanay suurto-gal ahayn in lagu soo af-jaro Diiwaan-gelinta dadweynaha ayada oo aan wax-yeelo soo gaadhin xuquuqda cod-bixiyaha.

4) In loo ogolaado Ururada siyaasadeed inay ka qeyb-qaataan doorashooyinka Dawladaha Hoose, 3da xisbina dhiiri-geliyaan loolanka madaxnimo ee gudahooda, si loo helo tartan salballadhan, si ay bulshadu u dooran-karto hogaankay u doorbido aayahooda.

5) In awoodda iyo hantida Qaranka aanay cid gaar ahi ugu tagrifalin danahooda khaaska ah xilliga doorashada.

6) In la xoojiyo doorka ururada bulshada rayidka ah iyo kormeerayaasha caalamiga.

7) In madaxda Ururka Qaran laga qaado si degdeg ah xayiraadda siyaasadeed ee aan waafaqsanayn Dastuurka.

8) In Shicib iyo Xukuumad-ba gurmad degdeg ah loo fidiyo dadweynaheena abaanuruhu saameeyeen.

Waxaan anigu [Dr.Gaboose] laga bilaabo Beri iyo Saadambe maalin dhaaf u tegayaa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa subax kasta, aniga oo aan shilin-na ka qaadanayn [dadweynaha uu baadhayo], haddii uu Cusbitaalku wax ka qaatana aan jeclaan lahaa in kuwa aan raashinka haysan ee liita lagu taakuleeyo ama Cusbitaalka halkii ay gartaan.

Dhakhaatiirka kale ee waa weyn-na waxaan ula-tegayaa xilligan adag in aanu Ummadeena Cusbitaalka, wixii dan yar ah ee aan awoodini maalintaas ka faa’idaystaan inta laga baxayo wakhtiga adag.

somaliland.no

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: