TUULADA DARFACLE OO KA TIRSAN DEGMADA BALI GUBADLE OO AY HAWADA KAGA SOO DHACEEN WALAX AH HADHAA DAYAX GACMEED BURBURAY

Hargeysa(SL.NO) 17, March- Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Somaliland, Md Cabdi Haybe Maxamed, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Dr. Anwar Maxamed Cigge iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Hargeysa Cali Cawil, ayaa shalay booqasho ku tegay degaanka tuullada Darfacle ee Degmeda Balli-gubadle, oo la sheegay inay Sabtidii walax aan la aqoonsani ku habsatay.

Walaxdan aan la aqoonsan, oo la sheegay inay qarax balaadhan samaysay markii ay dhulka ku dhacday, ayaa dhulka daloolisay, balse lama garanayo waxa ay tahay walaxddaasi iyo halka ay ka soo dhacday toona, inkasta oo dadweynaha degaankaa ku nooli aaminsan yihiin in ay tahay aalad cirka ka soo dhacday.

“Waxa warbixin nalagu siiyay in wax qarxayay oo aad u guux badnaa uu goobtan ku dhacay, sidaasi ayaananu annagu u nimid, waxaana aanu jecel nahay in waxan meesha ku dhacay ee dalooliyay dhul aad u weyn la baadho, inkasta oo aanay Somaliland lahayn shaybaadh waxaas oo kale lagu baadho, hadana waanu baadhaynaa.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafiaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed. “Meesha ay ku dhacday walaxdani waa laga ooday dadweynaha ku dhaqan tuuladdaas inta la xaqiijinayo waxan qarxay waxay ahaayeen,” ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka Caafimaadku. Waxaanu dadweynaha kula dardaarmay in goobtaas ay walaxdaa aan la aqoonsani ku habsatay oo la ooday aanay u dhawaanin. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr. Anwar Maxamed Cigge, ayaa isna bulshada degaankaas la socodsiiyay inay wasaarad ahaan baadhis ku samaynayaan waxa ay walaxdddaasi tahay. “Waxa meesha ku dhacay markii uu hawada ku soo jiray, waxa lay sheegay inuu guux aad u wayn samaynayay, markii uu meesha ku dhacayna lagu arkay hog wayn.” Sidaana waxa yidhi Badhasaab-xigeenka Gobolka Hargeysa Cali Cawil, oo masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka u sharraxayay aaladdaas ku habsatay degaanka Darfacle. Waxaanay masuuliyiintu intaa raaciyeen in firidhka dhagxaan walaxddaasi ka samaysnayd qaraxii ka dib oo laga ururiyay goobtii qaraxu ka dhacay ay isu bedeleen biyo midabkoodu buluug yahay, kuwaas oo ay caagad yar ku soo qaadeen, isla markaana ay xuseen in loo gudinayo Hay’adda WHO si baadhitaan loogu soo sameeyo, maadaama aanu dalka ka jirin qalab awood u leh wax-ka-ogaanta aaladdan.

Had iyo jeer, waxa meelo kala duwan oo dunida ah lagu arkaa waxyaabo ka soo dhaca hawada sare, oo marka laga reebo qumbuladaha iyo burburka dayax-gacmeedada bani’aadamigu sanceeyo, dabiici ah. Inkasta oo baadhitaanka arrintani bilaw yahay, haddana marka aynu dib u raacno macnayaasha ay khubarada sayniska caalamku ka bixiyaan arrimahan oo kale, waxa jira kooxo dhagxaan ah oo ka yimaada hawada sare, kuwaas oo gubasho bilaaba isla marka ay soo gaadhaan gibilka hawada caalamkan aynu ku noolahay. Waxaanay khubaradu dhagxaanta noocaas ah ku sheegeen ‘meteorite.’ Dhagxaanta noocaas ah, waxa kaloo lagu tilmaamay inay bixiyaan laydh xoog badan inta ay hawada sare joogaan, balse ay qarax gubasho ah isubedelaan markay dhulka soo gaadhaan. Khubarada Saynisku waxa kale oo ay sheegeen in badanaaba dhagxaantaa hurin-hurinta isu-daba gala ay yihiin hadhaaga meere ama xiddig dhimatay, kuwaasoo marka ay soo dhacaan ee ay dhulka soo gaadhaan biyo noqda, balse biyahaasi ay ka nooc iyo muuq duwanaadaan kuwa caalamka lagu yaqaano. Sidoo kalena waxay xuseen in had iyo jeer hadhaaga burburka aaladdaha bani’aadamku hawada sare u diraa marka ay burburaan qaabka ay dhulka kula soo noqdaan uu aad uga duwanaado sidii lagu yaqaanay, isla markaana aafo baahsan ay geysan karaan.

Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: