Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Axad,16 March

Wasaarada Caafimaadka oo la jabsaday iyo qaar ka mid ah shaqaalaheeda oo xabsiga loo taxaabay.

“Cida waxan samaysay waa isla Wasaaradda gudeheeda ee Tuug dibada nooga yimi ma jiro”

Wasiirka Caafimaadka

“Waxa la qaatay qadar lacag ah iyo Dhukumantiyadii Wasaaradda Caafimaadka.” Wasiirka Caafimaadka

“Cida waxan samaysayna waa isla Wasaaradda gudeheeda ee Tuug dibada nooga yimi ma jiro” Wasiirka Caafimaadka

Hargeysa (Ogaal)- Shan qof oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland ayaa la xidh-xidhay ka dib markii 14-kii bishan, oo ku beegnayd maalin-nimadii Jimcihii loo dhacay Wasaaradda Caafimaadka, isla markaana la jabsaday qaar ka mid ah Xafiisyada Wasaaraddaas oo lagala baxay lacag iyo Dhukumantiyadii Xafiisyada lagaga hawl-gali jiray sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada Cabdi Haybe Maxamed.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Md. Cabdi Haybe Maxamed oo aanu arrintan wax ka weydiinay ayaa waxaa uu sheegay in dhacdadan ay u tuhmayaan qaar ka mid ah hawlwadeenada Wasaarada isaga faah-faahin ka bixinaya qaabka ay u arkaan inay u dhacdayna waxa uu yidhi, “Waxa dhacday Jimcihii in ay yimaadeen Wasaaradda ragg ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadku. Gaydhka hore ee Wasaaraddu wuu xidhnaa oo lama jabin ee waa laga soo booday Cawjad ayaa laga soo qaatay Banjarle, ka dibna waxa la jabiyay Xafiiska Agaasimaha maamulka iyo Xafiisyo kale, ujeedada loo jabiyayna waxay ahayd dhukumantiyo gaar ah ayay raadinayeen nimankaasi, qalabkii kale ee Xafiisyada yaalay wax lagama qaadan. Markaa cidii timi xiligaa way wada xidhan yihiin, booliska CID-daana baadhaya oo gacanta ku haya, sababta arrintan ka dambeysay.”

Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. Cabdi Haybe. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Waxa la qaatay waxa weeyaan 600 oo kun oo Shilin Somaliland ah, wax lacag ahna intaa ayaaba meesha taalay, waxa kale oo la qaatay Kaartoonana lagu gurtay Dhukumantiyadii Xafiisyada la jabiyay yaalay. Cida waxaa samaysayna waa isla Wasaaradda gudeheeda ee Tuug dibada nooga yimi ma jiro, wixiina waa la baadhayaa, dee waxa ka soo baxana waynu eegi doonaa hadii Illaahay yidhaahdo.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Cabdi Haybe mar aanu weydiinay tirada dadka dhacdadan loo xidh-xidhay inta ay yihiin waxa uu sheegay inay u xidheen arrintan Shan qof.

Wasiirka caafimaadku waxa la sii waydiiyay in ay jiraan cid kale oo ay ku tuhun san yihiin falkan Wasaaradda lagu jabsaday. Isaga oo taa ka jawaabayana waxa uu yidhi, “Maya ee imika cid kale oo aan ogahay ma jirto. Laakiin, waa isla Wasaaraddayada uun cida arrintan loo haystaa.”

Wasiirka mar wax laga waydiiyay waqtigii falkan Wasaaradda lagu jabsaday ay ka warheleen maamul ahaan, waxa uu yidhi, “Waqtiga aniga la ii soo sheegay waxay ahayd kawdii iyo badhkii maalin-nimo aniga oo jooga Masalaha. Ka dibna qolada Booliska ayaan u sheegay, halkan (Wasaaradda) ayay yimaadeen ana waan imi, dabadeedna baadhistii iyo qab-qabashadii dadka ayaa bilaabantay, waanay wada xidh-xidhan yihiin cidii arrintan loo tuhmay” Ayuu yidhi Mr. Haybe.

Maadaama wakhtiga Dhacdadani ku soo beegantay ahayd maalin Jimce ah oo aan wasaarada wax shaqo ahi ka socon, isla markaana guud ahaanba shaqaaluhu ay fasax ahaayeen, waxaa aanu falkani sida uu u dhacay iyo meesha uu ku maqnaa inta Wasaarada la baadhanayay weydiinay Ilaaliyaha Wasaaradda, kaasoo ku dooday xiliga la jabsanayay Xafiisyada inuu ku maqnaa Masaajid dhinaca ku haya Wasaaradda si uu ugu soo tukado Salaadii Jimcaha.

Dhacdadan ayaa saamaysay shalay guud ahaanba habsami u socodkii shaqo ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, ka dib markii ay goob taa ka hawl-galeen Ciidamada baadhista dambiyada oo si gooni-gooni ah u baadhayay Xafiisyada la jabsaday illaa Jimcihii. Kuwaasoo gacanta ku haya falkan, islamarkaana laga sugayo natiijada baadhistooda.

Su’aalaha Guurtida iyo jawaabaha masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Dibada

“Socdaal kasta marka laga soo noqdo waxaad tidhaahdaan waxa laga soo hooyay guul, wax nuxur ah oo la taaban noo sheega”,

Xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Xasan,

“Latin America sida dalka Fenuzuwella oo kale qadiyadeena waxbay ka tarayaan, maxaynu kaga maaranay” Xildhibaan Yuusuf Cabdillaahi Cawaale,

Hargeysa (Ogaal)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay warbixin kaga dhagaystay Wasiiru dawladaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Siciid Maxamed Nuur iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Cawil Xaaji Maxamed.

Fadhigan oo uu gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Goluhu Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure, ayaa u furmay si degan, islamarkaana Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu ku soo dhaweeyay Mikrifoonka Masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha dibada, waxaana ugu horeyn warbixin aad u dheer halkaa ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cawil Xaaji Maxamed,. warbixintaas oo nuxurkeedu u badnaa wax-qabadkii sannadkii ina dhaafay ee 2007-da ee wasaaradaasi. Agaasumuhu, waxa uu sheegay inay sannadkii tagay ku guulaysteen Wasaarad ahaan dhinaca siyaasada arrimaha dibada, isla markaana ay dalal badan xidhiidh la sameeyeen. Sidoo kalana ay jiraan wadamo badan oo Somaliland u ogolaaday Wakiilo rasmi ah oo Somaliland u fadhiya, halka qaar kalena u ogolaadeen Wakiilo-sharafeedyo ka hawl-gala wadamadaas.

Agaasimuhu waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay inay u qorshaysan tahay sannadkan 2008-da sidii ay guud ahaanba wadamada Carabta xidhiidh ula samayn lahaayeen. Sidoo kalana Safarro tira badan oo Masuuliyiinta Somaliland ugu bexeen wadanka dibadiisa ay ka gaadheen guulo la taaban karo sida uu ku dooday. Ka dib warbixintaas Waxa masuuliyiinta Wasaaradda ka socday ay Mudanayaashii Golaha fadhiyay waydiiyeen su’aalo la xidhiidha hawlaha Wasaaradda.

Su’aalihii iyo jawaabihii laga bixiyayna waxa ay u dheceen sidan.

Xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Xasan, ayaa su’aal uu waydiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha dibada waxa ay ahayd: “Dalka Kiiniya oo ah Xarunta Somaliland laga rido, maxaa idiinka qorshaysan, mida kale socdaal kasta oo dibada loogu baxo, marka laga soo noqdo waxaad tidhaahdaan waxa laga soo hooyay guul, wax cadaana oo nuxura oo la taaban karo oo ka mid ah socdaaladaa noo sheega, ma jiraa Safiir dawlada Kiiniya u jooga Magaalada Hargeysa?

Waxaana ka jawaabay su’aashaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cawil Xaaji Maxamed oo yidhi. “Ta Kiiniya waxaan kaa idhi waxaynu sugaynaa markay saldhigto dawlada Kiiniya, ka bacdi cidaynu xidhiidh la samaysanayno waa inaynu garanaa, Wakiil fir-fircoonina wuu inoo joogaa, kaas oo dawlada Kiiniya ku dhex jira.

Ma jiro Safiir dawlada Kiiniya u jooga Somaliland, oo Wasaarad ahaan aanu ognahay. Ta kale marka Safarradda laga yimaado, hore ayaan idiinku sheegoo Siyaasadu waa sir, sirtana inuu cadawgaagu ka faa’iidaysto maaha, had iyo gooraale markaad sir soo hesho, ama aad cid la xidhiidho, hadii aad sheegto nuxurka wixii aad ka soo wada-hadasheen, cadawgaaga ayaa ka faa’iidaysanaya dabadeedna waa lagu daba-galayaa.

Xildhibaan Maxamed Jaamac Abokor, ayaa isna masuuliyiinta waydiiyay su’aal, ahayd, Hadii meeli idinku adkaato, inaydun meel kale uga wareegtaan wax ma idiinka meel yaaliin, mise meeshii hore ayuun baad la wadaan?

Su’aashaa waxa ka jawaabay Wasuuru dawlaha arrimaha dibada Md. Siciid Maxamed Nuur, J: Meelaha nagu adkaaday waxa ka mid ah dawladaha Carabta qaarkood, oo dawladaha Masar iyo Suudaan ka mid yihiin, waxaanu isku daynay midaynta ay noo midoobeen inaanu kala goyno, waxaanu filaynaa hada inaanu tagno marti-qaad ay noo fidisay dawlada Suudaan. Meelaha sida Masaarida nagu adkaaday waxaanu isku daynaa dawladaha kale ee Carabta inaanu doono, Sucuudigana marti-qaad baanu ka sugaynaa. Markaa meel qudha ma dul-taagnine, waxaanu isku daynaa dawladaha kale ee noo debacsan inaanu wax la gaadhno”

Xildhibaan Yuusuf Cabdillaahi Cawaale, ayaa isna ka mid ahaa Mudanayaashii su’aalaha waydiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha dibada, su’aashiisuna waxa ay u dhacday sidan“Inaga oo aduunyada oo dhan u baahan, wadamada Laatiin Ameerika ku maydaan darin warbixintiina inay inoo joogto cidi, waana wadamo qadiyadeena qayb laxaad leh ka qaadan karaya, sida dalka la yidhaa Finisuweela oo kale inaynu wax gashano, maxaynu kaga maaranay wadamadaa?

Waxa su’aashaa ka jawaabay Agaasimaha Guud Cawil Xaaji Maxamed j: Had iyo goor dhaq-dhaqaaqeenu wuxuu ku xidhan yahay dhaqaale, hadii aanad dhaqaale kugu filan haysan, isma baahinaysid ee hadba inta dhaqaalahaagu le’eg yahay ayuun buu dhaq-dhaqaaqaaguna soconayaa, hadii aad Gole Guurti ahaan dhaqaale badan na siisaan meel walba waanu gaadhi karaynaa.

“Ma nihin dad halkan rajo-xumo nolosha ay ka qabaan u yimi, balse in aanu dalalkayagii ka soo baxno waa nalagu khasbay, waxaananu doonaynaa in dadka reer Malta ay na fahmaan”

Soomaalida tahriibta ku tagtay Malta oo la il-daran midabtakoor lagu hayo

Malta (Malta Star/Ogaal)- “Waxaanu dalalkayagii uga nimi xaaladdaha meelahaa yaala oo aad u adag awgood. Qaar badan oo naga mid ahna weli reerahoodii, xaasaskoodii iyo caruurahoodii ayaa dhulalkaa kaga maqan. Ma fududa inaad kala maqnaataan dadkii aad ugu jeclayd dalkaaga. Sidaa daraadeed, waxaanu waydiisanaynaa dadka reer Malta waa inay faham badan ka qaataan xaaladdahayaga. Ma doonayno in aanu cidnaba mashkilad ku abuurno.” Hadalkaasi waxa uu Wargeyska Malta Star ee ka soo baxa Jasiiradda Malta ku sheegay inuu ka mid yahay fariin uu u dirayo dadka reer Malta Mr Aadan, oo ah Soomaali qaxoontinimo dalkaa ku joogay muddo dhawr sannadood ahayd.

Mr Aadan waxa uu ka mid ahaa dad kale oo magangelyo doon ahaa, una gudbinayay shalay ambiil ay ku dalbanayaan aqoonsiga qaxoontinimo in loo aqoonsanaado, oo dadka reer Malta aanay kula dhaqmin cunsuriyad si balaadhan loogu faquuqayo. “Waxa aanu doonaynaa waa in aanu helo nolol caadi ah,” ayuu yidhi Mr Aadan, waxaanu intaa ku daray, “Laakiin dadku waa inay annaga na ogaadaan, isla markaana wa inay helaan wararka xaqiiqda ah ee annaga nagu saabsan, sababta oo ah midab-nacaybka iyo faquuqitanku waa natiijooyinka war la’aaneed ee la xidhiidha kuwa aanu nahay, iyo sababaha aanu halkan u nimi.”

Warku wuxuu sheegay in dadkan qaxoontiga ahi ay ku heleen fursadda ay fariintaas dadweynaha ugu gudbinayaan markii Urur Dhalinyaro ah oo lagu magacaabay Moviment Graffitti, ay qabanqaabiyeen shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Valletta si ay dadka ajaanibka ah ee ku nool Malta ay fariintooddaas ku gudbiyaan. Waxaanay tallaabadani ku soo beegantay xilli toddobaadkan lagu guda jiro Ololaha Hawlgalka Ka-hortagga Midab-nacaybka oo Qaarada Yurub ka socda. “Ujeedada hawshani maaha mid cidnaba lagu caayayo cunsuriyada midab-kala-sooca,” sidaa waxa la sheegay inuu yidhi Mr Andre Callus, oo af-hayeen u ah Ururka Graffitti. “Waxaanu yaqiinsanahay in cunsuriyadu ay si isa-soo taraysa u noqotay mashkilad dalkeena ka taagan, laakiin waxaanu aamisanahay in run ahaantii aynu u baahanahay helitaanka sababaha horseedaya midab-nacaybka. Waxaanu ku qanacsanahay inay jirto siyaasad khaldan oo dadka soo-galootiga ah ka dhigaysa inay u arkaan mid qaran, ama baqdin-gelin qaran ku hayo, iyada oo ay la socoto hanaanka xabsiyaynta kaasoo dembiyo lagaga galayo dadka qaxoontiga ah dadweynaha reer Malta iyaga oo arkaya, ayaa dhamaan ka qaybqaata abuuritaanka jawi kacsan, dabadeedna waxa halkaa ka abuurmaya iniinyihii cunsuriyadda midab-nacaybka ahayd,” ayuu hadalkiisa raaciyay afhayeenka ururkaa maxaliga ahi. Mr Siem, waxa uu sharraxay inuu dalkiisii Erretariya ka tegay sannadkii 2004, isla markaana galay dalka Suudaan. Intii uu joogay dalka Erretariya waxa uu ka shaqayn jiray wargeys madaxbanaan, dabadeedna markii uu ka qaybgalay mudaharaad lagaga soo horjeeday shaqaalaha lagu khasbo shaqooyinka, ayaa xabsiga loo taxaabay. Sidaa aawadeed ayaanu dalkiisii uga tegay.

“Suudaan aad bay u adag tahay inaad hesho dayeel, sidaa aawadeed waxaan go’aansaday ian sii wato socdaalkayga aan ku imanayay Yurub aniga oo xaalado adag kaga soo gudbay Saxaaraha. Dabadeedna waxaan galay Liibiya. Xaaladda halkani (Liibiya) aad bay noogu adkaatay. Waxaananu wajahnay sii socoshada khataraha xabsigu leeyahay. Waxaanu sidoo kale la il-darnayn midab-kala-sooc culus, oo la xidhiidha diintayada iyo midabkayaga. Xabsiyada Liibiya waxay la mid ahaayeen Kaamamkii Werwerka (Xeryihii xasuuqii Hitler ee dagaalkii labaad lagu xerayn jiray Yuhuudda la warshadaynayo). Waxaan xidhnaa bil. Dabcan, Liibiya may jirin fursad lagaga raadiyo daryeel. Sidaa daraadeed, jidka keliya ee lagu heli karayay nolol macne samaynaysa waxay ahayd in aanu dhanka kale uga gudubno Badda Mediterranean-ka oo aanu gaadhno Yurub. Markii aanu nimi Malta wixii aanu la kulanay wuxuu ahaa xabsi. Nolosha xabsi ku haynta ahi aad bay u adag tahay. Tusaale ahaan, qaar waxay ku nool yihiin teendhooyin iyaga oo bustayaal tiro yar haysta, marka uu jiilaalku yimaadana caqligalba maaha in sidaa lagu noolaadaa. Inkasta oo qaar badan oo naga mid ahi ay Malta ka heleen daryeel, oo ay noloshoodii dhiseen, haddana nolosha halkani maaha mid fudud. Sidoo kale, xaaskaygii waxay joogtaa Suudaan, halka caruurtaydii ay weli joogaan Erretariya. Iyada oo aanad fikrad ka haynin halka iyo waqtiga aad dadkaagii dib u arki doontid ayay haddana wax kastaaba aad noogu sii adkaanayaan.” Sidaa waxa yidhi Mr Siem.

Mr Hafiz, oo u dhashay dalka Suudaan, ayaa saxaafadda u sheegay in dhamaan dadka reer Malta si foolxun ula dhaqmaan. Sidoo kale, kuwo badan ayaa baqdin ka qaba dadka madowga ah, “sidan ayaana horseedaysa midab-kala-sooca iyo cunsuriyadda, kuwaas oo maalin kasta nalagala horyimaado; markaanu baska raacayno, marka aanu raadinayno guri aanu kiraysano, iyo marka aanu shaqo raadinaynoba.” Ayuu yidhi Mr Hafiz. Waxaanu ka dalbaday in dadka reer Malta ay ka joojiyaan cadaalad-darrada ay ku hayaan. “Xaqiiqada ah in qaar badan oo naga mid ahi ay madow yihiin, ama in aanu ka nimi dalal kale, naguma samaynayso khatar. Malta waxa jira noocyo badan oo dadka qaxoontiyada ah, kuwaas oo tusaale ahaan, ka yimi dalal kale oo Yurubiyaan ah. Laakiin u malaynmaayo inay la kulmaan xaalad la mid ah ta annaga na haysata, sababta oo ah keliya midabka jidhkooda ayaan madow ahayn. Waxaanu halkan ku nimi mashaakilaad ka jira dalalkayagii, kuwaasoo aanaan annagu awoodahooda gacanta ku haynin. Umaanaan imanin halkan wax dareemo iyo rajo-xumo aanu ka qabnay nolosha, balse waxaanu nahay dad dalalkoodii lagu khasbay inay ka baxaan.” Ayuu yidhi Mr Hafiz.

G/Wakiilada Somaliland Oo Cod Ku Taageeray Xeerar Uu M/Weyne Rayaale Qodobo Ka Mid Ah Dib Ugu Soo Celiyay

Hargeysa(Qaran)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay ku taageeray soo jeedin ka timid Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo dib ugu soo celiyay aqalkaasi, qodobo ka mid ah xeerarka Garsoorka iyo xanaanada xoolaha.

Fadhigii shalay ee golaha Wakiillada Somaliland oo uu gudoominayay Gudoomiyaha golaha Md C/raxmaan Maxamed Cabdi-laahi [C/raxmaan Cirro], ayaa goluhu ku taageeray soo jeedin uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay golaha oo uu wax ka bedel ku sameeyay fiqrada 10-aad ee xeerka nidaamka Garsoorka oo u qornayd in Madaxweynuhu markuu la tashado gudida cadaalada uu magacaabayo Gudoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamada sare.

Hase yeeshee Madaxweynahu waxa uu sheegay in fiqradaasi ay ka hor imanayso qodobka 105 ee dastuurka oo dhigaya in Madaxweynaha Somaliland, uu magacaabayo gudoomiyaha iyo Garsooreyaasha maxkamada sare.

23 Mudane ayaa taageeray soo jeedinta madaxweynaha ee fiqradaasi, halka ay 14 xildhibaan diideen, 8 Mudanena ay ka aamuseen isla markaana aanu codaynin gudoomiyuhu.

Sidoo kale, waxa dhaqan galay 12 qodob oo ka mid ah xeerka xanaanada Xoolaha, oo uu Madaxweynuhu soo jeediyay in wax ka bedel lagu sameeyo, qodobadaasi oo ku saabsanaa doorka ay yeelanayaan dhakhaatiirta madaxa banaan ee ka shaqeynaya caafimaadka xoolaha, waxana xildhibaanadu ay awoodi waayeen in gaadhaan 55 cod oo ah tirada sharcigu ogol yahay in lagu diido soo jeedin ka timid Madaxweynaha.

Puntland oo ka qaylisay Maraykanka

Hargeysa (Ogaal/W.Wararka) – Wasiirka dekadaha iyo khayraadka maamul goboleedka Puntland ee Somaliya ayaa si eedayn kulul ugu jeediyay dawlada Maraykanka Maraakiibta xeebaha Somaliya ku sugun oo uu ku tilmaamay kuwo dhibtaato weyn ku haya.

Wasiirkan oo shalay uga waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa waxa uu ku sheegay xaalada deegaanka Eyl oo ah goobtii lagu haystay markab ay koox budhcadi afduub ahaan ugaysteen mid adag,

iyadoo dhanka badana ciidamada Maraykanku ee kaga hareeraysan maleeshiyada afduubka ku haysata markabka uu ku eedeeyay inaanay ilaa hadda waxba ka qaban arrintaasi, dadka deegaankana sida uu hadalka u dhigay ay dhibaato ku hayaan. Axmed Siciid Aw Nuur ayaa sidoo kale waxa uu ku dhaliilay dawlada Maraykanka inaanay wax dan ah ka lahayn xeebaha dalka Somalia gaar ahaan Puntland, Islamarkaana aanay garanayn sababta dhabta ah ee ka danbaysa inay maraakiibta Marakayku joogaan halkaasi, iyadoo aanay jirin ayuu yidhi ilaa hadda howlgal ku aadan inay wax ka qabtaan budhcad badeeda oo ay sameeyeen. “Maraakiibta Maraykanku waxay u jiraan ilaa 100 talaabo waxaana ay wataan maraakiib dagaal oo ay ka kacayaan diyaarado ayna saaran yihiin beebeeyo budhcada haysata Maraakiibtuna waa dad aan tobaneeyo ka badnayn, taas ayaana muujinaysa in aanay waxba ka qabanayn, markaa Maraykanku ha is cadeeyo sababta uu halkaasi ujoogo” ayuu yidhi waxaana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “Garan mayno inay sun ku aasayaan iyo inay macdano kale ka qodayaan’

waxa uu u soo jeediyay Maraykanka iyo dawlada Cabdilaahi Yuusuf in ay arrintaa wax ka qabtaan.

Xeebaha Puntlnad ayaa waxay caan ku noqdeen budhcad badeeda iyadoo mararka qaar lagu eedayay in ay hawlgalada ka ganacsiga afduubka ku lug leeyihiin masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

magaalada Eyl oo ku taal xeeba Puntland ayaa waxaa muddo dhawr bilood ah ay koox budhcad badeed ahi ku haysataa Markab u afduuban iyadoo dhanka kalena ay wali dul fadhiyaan maraakiibta dagaalka ee dalka maraykanku.

London: Dibad bax ka dhan ah Duulaanka Maraykanka ee dunida Muslimka

London(Ogaal/W.wararka) – kumanaan dad ah oo ka cadhaysan duulaanka Maraykanku ku qaaday dalalka Muslimka ah ayaa ka dhacay magaalada London.

Dad lagu qiyaasay 10.000 oo ruux ayaa isugu soo baxay fagaaraha Trafalgar Square oo ku yaala Magaaladda London si ay u xusaan sanad guuradda 5-aad ee kasoo wareegtay duulaankii dalkaasi Ciraaq lagu qaaday.

Dibad-baxayaashu waxaa ay ku dhawaaqayeen ama ay codsanayeen in Ciidamada dalkaasi jooga ay isaga baxaan Ciraaq iyo Afqaanistan iyo xuduuda qaza in dib loo furo.

In kastoo dadka intooda badan ay ahaayeen Dadyowga dalka Ingiriiska u dhashay ee sida wayn u diidan duulaankii ciraaq hadana waxaa si wayn uga qaybgalay Jaaliyadaha Ciraaq, Afqaanistaan, Flastiin iyo Soomaali.

George Galloway oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamanka dalkaasi ayaa waxaa uu halkaasi kaga hadlay dhibaatooyinka ay Maraykanka iyo Britain ku hayaan dalalka Ciraaq iyo Afqaanistaan iyo duulaanka lala damacsan yahay dalka iiraan.

Sakariye Xaaji Maxamuud oo kamid ah Isbahaysiga la baxay dib u xoraynta ee lagu dhisay Asmara ayaa ka mid ahaa Dadka Soomaalida ah ee banana baxaasi ka qaybgalay wariye ka tirsan shabakad lagu magacaabo Onkod oo goobta kula kulmay ayaa waxa uu u sheegay in qaybtiisa mudaharaadka uu ku muujinayo sida uu uga soo horjeeda duulaanka isagoo si wayn uga faalooday sida warku sheegay Bur burka ka socda Somalia oo uu ku eedeeyay Ciidanka Ethiopia iyo Maraykanka

Peer Baroness oo ka tirsan Liberal Democrat ayaa isna ka mid ahaa Mas’uuliyiinta sida wayn u qeexay in ay jireen waxyaabo la is daba mariyay ka hor dagaalka intii aan lagu qaadin Ciraaq.

Saxafiyiinta Gobolka Togdheer oo taageeray Shirkii Solja

Burco (Ogaal)- Bayaan ay shalay soo saareen bahda suxufiyiinta Gobolka Togdheer ee ka kala tirsan Ururada SOLJA iyo SSJW, ayay ku sheegeen inay si buuxda ugu taageersan yihiin Shir-waynihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, oo lagu soo gebogabeeyay 01 March Huteelka Ambaasadoor ee magaalada Hargeysa.

Qoraalka ay suxufiyiintani ay ugu talogaleeb warbaahinta oo ay xalay na soo gaadhsiiyeen, waxa uu u dhignaa sidan:

“Hadii aanu nahay bahda saxafiyiinta gobolka Togdheer, SOLJA iyo SSJW iyo saxafiyiinta qoraayada Madaxa Banaan, waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanu taageero buuxda siinayno shirka ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ugu xidhmay Magaalada Hargeysa 29-1March 2008.

Anagoo ku hadalyna Magaca Bahda Saxaafada Gobolka iyo Hayadaha warbaahinta ee Gobolka Togdheer waxaanu u aragnaa shirkaas mid hordhac u noqon kara hanaanka dimuqraadiyada ay ku talaabsanayso saxaafada curdinka ah ee Somaliland, waxaananu ugu baaqaynaa hogaanka cusub ee lagu doortay shirka inay noqdaan kuwo ku hogaamiya Warbaahinta ku midawday ururkan cadaalad, sinaan iyo xaqsoor loo dhanyahay, taasi ayaa lagu gaadhi karaa in lagu taagnaado jid horseedi kara inay Saxafiyiinta ka dhursugaysa inay ku liibaanto.

Cabdisalaan Maxamuud Ducaale – Wakiilka Geeska Afrika, ahna Xubin Gudida Fulinta SOLJA.

Siciiid Axmed Raage – Wakiilka Togdheer ee Wargeyska Saxansaxo.

Yuusuf Ibrahin Warsame – Wakiilka Togdeer ee Maandeeq iyo Radio Hargeysa.

Axmed Aadan Yuusuf – Wakiilka Togdheer ee Wargeyska Haatuf.

Mahad Faarax Cabdillaahi – Wakiilka Togdheer ee Wargeyska Ogaal.

Shaqale Cali Cilmi – Camera Man

Foosi Saleebaan Aw-Biindhe – Freelance Journalist

Saleebaan Maxamed Cilme – Freelance Journalist

Axmed Warsame Cilmi – Togdheersports.com

Maxamed Ibrahin Muuse – Wakiilka Togdheer ee Wargeyska Waaheen.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: