RADIO HARGEYSA OO MAANTA SI TIJAABO AH HAWADA U SOO GALAY

Hargeysa(sl.no) 15.03.08 – Idaacada Radio Hargeysa ayaa markii ugu horeysa muddo laga joogo 17 sanadood oo ku asteysan markii Somaliland xornimada dib ula soo noqotay 1991-kii laga maqlay Lixda Gobol ee Somaliland iyo qaar ka mida Wadamadda Jaarka lah, kadib markii maanta si tijaabo ah ay hawada loogu siidaayey .

Sida ay xaqiijiyeen dad badan oo dhageystay Codka Idaacada Radio Hargeysa kuwaas oo ku kala sugan Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa daboolka ka qaaday in war-laliyaha Cusub ee Idaacada Radio Hargeysa uu maanta duhurkii si tijaabo ah u galay hawada.

“Anigoo ah Wasiirkii Warfaafinta Somaliland, waxaan shaacinayaa in idaacadii cusbayd ee Somaliland sugaysay aanu u bilownay maanta abaaro 2:00-duhurnimo qadar tijaabo ah oo ingineeradii ayaa gacanta ku haya, tijaabadana way ku socondoonta” ayuu yidhi Wasiirku

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Iyada oo marba codka la siii kordhindoono, laakin aanu ku ogaandoono kolba sida aad noogu soo jawaantaan”

Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi waxa uu ka codsaday dadka gudo iyo dibadba wixii maqlaa inay la soo xidhiidhaan “Waxana aanu doonaynaa in wixii maqalkeeda dhageystaa idaacada nala soo xidhiidhaan” ayuu yidhi.

Wasiirka Waarfaafinta Somaliland Md Axmed Xaaji Daahir Cilmi, oo ka hadlayey mowjahada ay idaacada Cusub ka hadlayso waxa uu yidhi “Idaacadu waxay ka hadlaysaa mawjada gaaban ee 41 Mb iyo 7120 KHZ, waxana ay hawada ugu jiraysaa si tijaabo ah.”

Kadib markii uu maanta abaaro 2:00 duhurnimo uu hawada galay war laliyaha Cusub ee Idaacada Radio Hargeysa, ayaa waxa iska soo daba dhacayey wararka naga soo gaadhaya qaar ka mida Gobolada Somaliland iyo wadamada Jaarka ah oo sheegayey in idaacada maqalkeedi ay dhageysteen.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: