MA FILAYO WASIIRKA AMA AGAASIMAHA GUUD EE MAALIYADU INAY ODHAN KARAAN SAYLAC CASHUURTA HALAGA DHIMO,TAAS HADAY YIDHAAHDAANA WAA MID AAN SHARCIGA WAAFAQSANAYN


Hargeysa (sl.no) – Maareeyaha Dekeda Berbera ing. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor), ayaa beeniyay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta maxaliga ahi oo sheegayay in dekeda Berbera ay ka wareegeen qaar ka mid ah Ganacsatadii reer Somaliland ee wax kala soo degi jiray, una digarogteen dekada Saylac iyo Dekedaha jaarka la ah Somaliland, ka dib markii ay ka heleen Cashuur ka jaban ta Berbera lagaga qaado.

Maareeyuhu waxa uu sidaa ku sheegay shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Berbera, waxaanu ku dooday Maareeyuhu inaanay jirin wax ganacsato ah oo Berbera ka wareegtay. Sidoo kalana Badeecadihii Dekeda ka soo degi jiray aanay jirin wax iska dhimay, iyo sidoo kale wax iska dhimay dakhligii Dekedu jirin. Isla markaana, Ing. Cali, waxa uu ka hadlay dekeda Saylac iyo meelaha kale ee ay wax soo maraan badeecaduhu waxaanu sheegay in wadanka si isku mid ah wax looga cashuuro, isla markaana ay si isku mid ah Wasaaraadda Maaliyada Somaliland wax u cashuurto. waxa uu Maareeyuhu xusay inaanay Maamul ahaan dad ay kala soocaan oo dekeda Berbera wax kala soo dega. “Qof kasta oo sita liisanka ganacsiga si xor ah ayuu wax ugala soo degi karaa Dekeda Berbera, tartanka ganacsiguna waa inuu noqdaa mid aynu kula tartamayno wadamada kale ee aynu jaarka nahay.” Sidaa ayuu yidhi Cali Xoorxoor. Maareeyaha mar la waydiiyay su’aal ahayd in ganacsatadii Berbera wax kala soo degi jirtay culays la saaray daraadii ay uga wareegeen, isla markaana ay meelo kale oo Berbera ka naasilan cashuur ahaan ay wax kala soo degaan. Waxa uu ku jawaabay, “Ma jiraan ganacsato ka wareegtay Berbera calaamadihii alaabta soo degtaana sidoodii hore ayay yihiin waxaana soo kordhay alaabta ku timaad koonteenarada, kaasoo markii hore bishii laba jeer iman jiray imika dhawaanahan bishiiba lix jeer ayay yimaadaan. Anaga oo shirkada meeris aanu la wadno heshiis ah sidii ay u kordhin lahayd xamuulka koontiindharada, Berberi waa isha ugu weyn ee dhaqaaleena, hadii aan la ilaalin cashuurta miisaaniyada wadanku hoos ayay u dhacaysaa, masuuliyad-baana naga saran inaanu ilaalino cashuurta maamul ahaan.”

Mar la sii waydiiyay Maareeyaha in ay jiraan Kastamo meelo wadanka ka mid ah ku yaala oo cashuur ahaan ka jaban Berbera, oo 20% ay dadku bixiyaan, halka Berbera ay ka bixiyaan 80% ama 100%. Maareeyuhu isaga oo taa ka jawaabayana waxa uu yidhi, “Horta nimba halka uu joogo ayuun-buu ka waramaa anaga oo marka ay alaabi soo degto tirina marka la rarayana tirina ayaa hadana la isku dayaa in nala khaldo. Laakiin, markaan ka waramo dekeda Berbera shay aan cashuurnayni kama baxo, hadii uu ka baxana waa mid Wasaaradda Maaliyadu cashuur dhaaf u samaysay, taas aad sheegaysana masuuliyiinta goobahaasi ayuunbaa ka warami kara arinkaasina waa mid Wasaaradda Maaliyadu ka masuul tahay, mana filayo wasiirka ama Agaasimaha guud ee wasaaraddu inay odhan karaan saylac oo kale cashuurta halaga dhimo, taas haday yidhaahdaana waa mid aan sharciga waafaqsanayn.” Maareeyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd in hadii ganacsatada culays la saaro inay ka faa’iidaysan doonaan wadamada jaarka oo Somaliland tartan kula jira, oo ay Jabuuti ka mid tahay, waxa uu ku jawaabay, “Horta dekeda kali ah ee kastam fadhiyo ee official ah ee aynu leenahay waa Berbera, wey jiraan meelo dalka wax ka soo galaan sida jaadka oo wajaale ka soo gala ama dekeda jabuuti, hadii wax meel lagala soo degayana Berbera cid kula tartamaysaa ma jirto xaga tacriifada, dhinaca kale alaabada soo maraysa saylac, kastamka saylac ayaa shuqul ku leh ee Berberi shaqo kuma laha.”

Source: Wargeyska Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: