Odhaahda Akhristaha: Waran-Cade Go’aankiisi Wuxuu Somaliland Ka Rogay Dhirbaaxo Quudheed

“Ninna Dhaqashuu kuugu Dhabar Jabay Ninna Dhuunu kuu Dhex Joogaa”

Waxay ahayd talaabo lagu diirsaday markii dhagaha Shacbiga Somaliland ay soo gaadhay go’aankii uu Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Md. Cali Maxamed (Waran cade) dalka kaga saaray qawlaysatadii Dhirbaaxada Quudheed la rabay Somaliland ee ku mamtay una bartay in ay iska gurtaan xaqii Somaliland caalamiyan u lahayd dulimaadyada caalamiga ah ee hawadeeda mara.

Sidoo kale waxay ay Hawl wadeenada Hay’addaas (ACCO) u joogay Somaliland, oo hawshii ay dakhligeena ku guranayeen doonay, in waliba loogu daro laaluush iyo baryo, taas oo ka dhigan arintii uu ninkii Hudheelka lahaa ka gabyay ee uu yidhi “Wuxuu Waiterku la naaxay aan la waydoobay waa war loo noqon.”

Sideedaba Wasiiradu magaca guud iyo mansabka way ka siman yihiin laakiin waxay ku kala duwan yihiin wax qabadka dalka iyo dadka, waxa jira Wasiiro iyo Masuuliyiin Wasaaraddahooda wax ka qaban kari waayay lacagtii Miisaaniyada ee danyarta laga soo ururiyayna u isticmaalay danahooda gaarka ah, kuwaas oo ku xaragooda isla markaana iyaga iyo Qoysaskoodu ku tamashleeya Baabuur Qurqux badan iyo guryo Qasriyo aad moodo. Hadab Masuuliyiintaasi waxay u muujiyaan madaxtooyadana iskaga dhigaan rag garab iyo gaashaan u ah, balse waxanay garanayn in Maal dhamaado laakiinse aanu Magac dhamaan, sida Somaliduba hore ugu maahmaahday “Waari mayside War hakaa hadho”.

Madaxweyne waxaa garab iyo gaashaanba kuu ah ninka xilkii aad u igmatay ka soo dhalaala ee wax muuqda oo tayo u leh umada iyo dalkaba qabta, hadiise laga waayo waxqabad muuqda hadal mooye waa cadawgaaga, cadawga dalka, cadawga dadka iyo horumarka Somaliland oo dhan.

Madaxweyne waxaan kugu amaanayaa Wasiiraddii sida askarta ilaalada ah ku garab boodi jiray ee aad maalintii dhawayd iska reebtay kuna amartay in ay shaqadoodi loo igmaday ee ay umada u hayeen qabsadaan.

Intaa ka dib hadii aan u soo noqdo dulucda maqaalkaygan waxaa su’aal mudan waa kuma Cali Maxamed (waran-cadde)? Waa Shakhsi side ah? Muxuu ku caanbaxay? Md. Cali Maxamed (Waran-cadde) waa nin xil kas ah waa nin qofka yar iyo ka wayn si u wada qiimeeya Muwaadiniinta, waa Masuul marka uu shaqada gudanayo u wada adeega Mucaarid iyo Muxaafidba si isku mid ah, waa nin aan marka uu xilka hayo iyo marka kaleba aan badalin hab dhaqanka noloshiisa oo xili kasta si caadiya ula nool shacbigiisa isaga oo aan wax qab ah is galinin.

Mudane Cali Maxamed (Waran-cadde) waxa uu ku can baxay Wasaaradd kasta oo loo dhiibo in uu wax ka qabto oo waliba wax muuqda uu ka qabto, sidaa daraadeed mudadii koobnayd ee uu Wasaarada duulista joogay waxa uu qabtay wax aan waligeed laga qaban Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa, oo uu u sameeyay ama markii ugu horaysay ka hirgaliyay Laydhka ay Diyaaraduhu habeenkii ku fadhiistaan Madaarada Caasimadaha aduunka, kaas oo aan waligii laga samayn garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Wuxuu gacanta ku dhigay Hawada dalkeena oo ay hore u maamuli jirtay Hay’adda (ACCO) oo ahayd noole noole ku dul nool, Mudane Wasiir (Waran-cadde) “Shini ayaa bari ka duday dadkii ay la noolayd dadkii ayaa ka dibna u baahday Malabkii macaana ee ay ku qabeen dadkiiba si Shinidii loo soo celiyo, waxay u sameeyeen Mudaharaad ka dibna shinidii ayaa soo noqotay, intaa ka dib duqsi oo ay shinida waligood tartamaan ayna wadaagaan magaca baalalay ayaa maqlay in shinidii loo mudaharaaday oo la soo galbiyay, ka dibna wuu duday (Duqsigii) si loogu mudaharaado ama is leh waa laguu mudaharaadi, nasiib daro se duqsigii looma mudaharaadin oo waa laga raystay waxaana la dareemay Caafimaad, waxaana la ogaaday in duqsiguba cudur la tagay lana maqan yahay, sidaasoo kalaa looga raystay Sawaaxiliyiintii duday sidii duqsiga, Mudane Wasiir waanad ka gaashaamatay oo waa ta keentay in loo baahan waayo. Waanan kugu hambalyaynayaa arintaa.

Hadaba Somalidu waxay hore ugu Maahmaahday “Dumaal nin ka xishooday kama ilmo dhalo” si hawshu u socoto waxa haboon in Shaqaalaha buuxiyay kaalintii Hay’addaasi ee daboolay la siiyo Mushahar u dhigma kii ay nimankaasi qaadan jireen siina jireen cida la shaqaysa, ama aad uga badiso si niyadooda iyo mooralka shaqada ay u hayaan intaa uga bato, sidoo kale Shaqaalihii Hay’adda (ACCO) la shaqayn jiray ee Somalilander ka ahaa ee la duday Hay’addaasi aad shaqada dib ugu soo celisaa waayo? Wax danbiya may galin oo madaxdoodi markaa u talinaysay uunbay aqbaleen adigana sidaas uunbay bari kuu aqbalayaan Mushaharadiina u bilow, madaama aynu filayno in ay gacanteena soo gasho lacagtii ay Hay’addaasi qaadan jirtay ee aynu xaqa caalamiga ah u lahayn.

Guntii iyo gaba gabadii Waxaan Wasiir kuu sheegayaa in aad qabatay dhaxal aan waligaa kaa dhamaanayn oo aad u qabatay dadkaaga iyo dalkaaga oo inta ay jiraan kugu xasuusnaan doona waligood, waxaad noqtay sidii Wariye Muha Daahir Jirre sheegtay Mujaahidkii Hawada Somaliland xoreeyay ee gacanta ku dhigay maamulka hawadeena.

Wabillaahi Tawfiiq

Mawliid Axmed Jibriil
Hargeysa, Somaliland

Email: xaqsheeg@hotmail.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: