HAY´ADDA USAID OO KA WARBIXISAY QORSHAHEEDA GEESKA AFRIKA

“Hayádda USAID waxay taageeraysaa Jiritaanka Ururada Bulshada Rayidka iyo Warbaahinta Xorta ah”

Warbixin dheer oo USAID ka horjeediyeen Aqalka Senetariska US

Washington (SL.NO)– Xukuumada Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday mar kale inay diyaar u yihiin la-shaqaynta iyo kobcinta dhaqaalaha iyo dimuquraadiyada Somaliland iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika.

Warbixin dheer, oo Hayádda Kaalamada caalamiga ah u qaabilsan Maraykanka USAID ay ka dhegaysteen masuuliyiinta hayáddaas Gudi-hoosaadka Aqalka Senetariska Maraykanka, ayaa lagu sharraxay ujeedooyinka siyaasadeed ee Maraykanku ka leeyahay Geeska Afrika. Katherine J. Almquist, oo kaaliye ka ah maamulka hayáddaas qaybteeda Afrika, ayaana soo bandhigtay qiimayno ay ku sameeyeen ajandayaasha laga damacsan yahay Gobolka Geeska Afrika.

“Guddoomiye iyo Xubnaha Gudigaba, waxaan idiinka mahad-celinayaa fursadda aad ii siiseen inaan ka muuqdo hortiina maanta, si aan uga hadlo barnaamijyada Hayádda USAID ee Gobolka Geeska Afrika. Ujeedooyinka Dawladda Maraykanka ee Geeska Afrika waa sare u qaadista xasiloonida, dagaalka argagixisada iyo horumarinta dimuquraadiyada iyo horumarinta dhaqaalaha, iyada oo awooda la saarayo baahiyaadka baniáadaminimo ee dadyowga gobolka dega. Sida caalamka kaleba, USAID waxay ku dedaalaysaa kobcinta dhaqaalaha horumarineed, xoojinta dimuquraadiyada iyo inay caawiso dadka buuxiyay yoolashooda baniáadaminimo ee dalalkooda Geeska Afrika, si aakhirka uu gobolkaasi ka qaybqaato xasilooni baahda oo gobolka wada gaadha.” Ayaa ka mid ahaa hadalkii warbixinta mudanayaasha Senetariska Maraykanku dhegaysanayeen. Waxaanay warbixintan oo aad u dheerayd intaa ku sii dartay, “Gobolka Geeska Afrika wuxuu ku sii jiraa inuu wajaho dhawr carqaladood oo baniáadaminimo ah. Sidaas oo ay tahay, sannadkan 2008, USAID waxay ku kharash-garaysay inka badan $265 milyan oo doollar cunto ahaan iyo taageerooyin kale oo aan cunto ahayn, kuwaas oo lagu taageeray Itoobiya, Soomaaliya keligood.”

Nabadgelyada iyo Amaanka: Hayádda USAID waxay sheegeen inay sii wadayaan bixinta dhaqaalaha tabobarrada, iyo taageerida ka-soo-kabashada khilaafaadyada iyo shirarka dib-u-heshiisiineed ee siyaasadeed, qabiileed, iyo hogaamiyeyaal-ururo bulsheedyada, si markaa sare loogu qaado horumarinta dhaqaalaha arrimaha bulshada. “Hayádda USAID, oo la safan Wasaaradda Arrimaha Dibadda (US), waxay si dhaw ula shaqaynaysaa dalalka deeq-bixiyeyaasha xulufada ah si ay u taageeraan dedaalada Raíisal Wasaare Nuur Cadde uu ugu jiro shir dib-u-heshiisiineed oo heer kasta oo bulshada dalka oo dhan ah. Taageerooyinka dhaqaalaha Maraykanka waxa sidoo kale lagu dhiirigelinayaa sii-waditaanka dimuquraadiyada iyo horumarinta maamulka Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland. Hayádda USAID waxay sii wadayaan taageeradooda ay u hayaan jiritaanka iyo soo-bixitaanka Hayáddaha Ururada Bulshada, kuwaasoo ay ku jiraan warbaahinta madaxa banana, kuwaasoo ah dhinaca arrimaha Somaliland/Soomaaliya furaha u ah.”

Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: