Hoteel Cusub oo Casriya oo laga furay Magaaalada Burco


2008-03-12 (sl.no) Burco Xaflada furitaanka hoteel Cusub casriyaa ayaa maanta lagu qabtay isla xarunta hoteelkas oo ku taal Badhtamaha Magaalada Burco

Munaasibada Balaadhan oo loo sameeyey furitaankan Hotel Barwaaqo oo laga furey badhtamaha Magaalada Burco ayna ka qayb galeen ganacsatada ugu muhiimsan ee Gobalka Togdheer Madaxda maamulka Gobalka, xubno ka tirsan golaha deegaanka waxay ahayd munaasibad ugu balaadhanayd ee kulmisa waxgaradka Magaalada Burco.

sheekh Cali Warsame oo ka mida culimada waaweyn ee Burcoayaa hadal dhaxal gal ah oo wacdi ah halkaasi dadweyanaha ugu soo jeediyaay muxaadiro iyo hadalo waaweyn sheekh cali waxa uu kula dardarmay in ganacstada Magaalada Burco in ay iska dhaweraan waxa ay iibinayaa isla markaasna ay iska ilaaliyaan Ribada oo ah wax ilaahay xaaraan timeeyay
waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha gobolka togdheer Cabdi xuseen dheerem, Cabdi xuseen
ugu baaqay ganacsatada Burco inay ka qayb qaataan siday lug ugu yeelan lahaayeen dhismaha gobalka iyo weliba in aanay ilaawin inay danta guud noqoto mid saldhig u ah tiir kasta oo loo taagayo danta gaara.
Gudoomiyaha waxaa kale oo warkiisa ku sheegay inay maamul ahaan soo dhoweynayaan Muwaadin kasta ku dhiiratay inay hantidooda ku aaminaan wadanka “ Horumarka Bulshada waxaa uu ku xidhan yahay in la,aamino dalka” ayuu yidhi.
Maamula Hotel Barwaaqo C/laahi Xaaji ayaa isaguna waxa uu furitaanka ka sheegay in Hotelkan oo ah mid sadex dabaqa, isla markaana laga bixin doono ilaa sadex qaybood adeegooda ee ay ujeedada ka danbaysa ay tahay in la xalilo baahida macaamiishood.

“Waxaana Hotelkan noqon doonaa mid ka kooban 51 Hurdo, Cunto iyo weliba qaybo ganacsi ayuu yidhi”

Sidoo kalena Yaasiin Cabdi Cawad oo ah Wakiilka Shirkada Indha Deero Group oo iyadu maalgelisay Dhismaha Hotelkan ayaa waxaa uu munaasibadan kaga dhawaaqay in Hotelkan kaga baxday lacag dhan $ 750,000. isla markaana ay shirkadu ka gacan siisay furitaanka Hotelkan $ 120,000. oo ah qalabayn kaasi oo ay ugu talo galeen inay ku gacan siiyaan ganacsatada yar yar.

Yaasiin Cabdi Cawad waxaa kale oo sheegay in dhismaha Indha Deero Center ka kooban yahay Groun Floor oo ilaa 12 Meheradood oo loogu talo galay in laga kireeyo Shirkadaha Waaweyn ama ganacsiga ee Magaalada Burco meheradahaas oo ay hada ku jiraan qaar ka mida shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa ganacsigaba Sida Telcom, Sitlink, Boosta Casriga ee Daalo Express, Mubarik Medicine Company IWM.

Sadexda Dabaq ee Hoteelka Barwaaqo oo ka kooban 51 Qol oo hurdo casri ah 2 Hool oo shirarka iyo Seminaarada, qayb Restruant Cunto ah, oo shirkadu ku qalabaysan qalab

Dhismayaasha noocan oo kalaa aya Dhawanahan ku soo kordhayayay Magalaada Burco iyadoo dhismayaal badan oo hore ay ka hirgalyeen dalka ganacsatada iyo qurbah jooga dalkani u dhashay

source: hadhwanaag

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: