Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Salaasa,11 March

“Cacas (ICAO) Waxay samayn jireen arrimo aanu diidnay oo ah inay diyaaradaha ina dulmara ku yidhaahdaan Soomaaliya weeye meeshu iyo ,.. Wasiir Waran Cade

Maxaa ka jira dhibaatooyinka dadku kaga cawdaan madaarada?
“Dacwad-baan u gudbinay UN-ka qaybta duulista hawada iyo nimanka lacagta qabta”
“Cacas (ICAO) Waxay samayn jireen arrimo aanu diidnay oo ah inay diyaaradaha ina dulmara ku yidhaahdaan Soomaaliya weeyi meeshu iyo madaarka Hargeysa Nabad maaha Anaguna..”
Waraysi…
Wasiirka Duulista.


Hargeysa (Ogaal) – Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md, Cali Maxamed Waran-cade ayaa Waraysi uu siiyay TV-ga la iska arko ee Somaliland Space TV kaga waramay xaalada Madaarada dalka, meesha uu ku danbeeyay Muran soo kala dhexgalay wasaaradiisa iyo Hayad Qaramada midoobay uga wakiil ahayd madaarada iyo dhaqaalaha hawada Somaliland gaadiidka isticmaala laga qaado iyo arrimo kale.
Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan.

S: Wasiir waxaad ka warantaa ugu horayn wax-qabadka Wasaaradda aad Wasiirka ka tahay?

J: Wasaaradu waxay ka mid tahay Wasaaraddaha Somaliland, waxaanay qaabilsan tahay gaadiidka Cirka iyo hawada iyo Madaaradda dalka. Madaaradu runtii culays weyn bay ku hayaan dhaqaalaha Somaliland, did-u-hagaajin tooda iyo dib-u-dhiskooda. Dalku wuxuu leeyahay lix madaar oo shaqeeya, qaar wiig bay shaqeeyaan qaarna maalin walba way shaqeeyaan, oo samxadoodu way fara badan tahay, sida Madaarka Hargeysa oo kale. Madaarka ugu qiimaha badanina waa madaarka Berbera, waxaana loogu talagalay diyaaradaha waaweyn inuu qaabili karo. Waxaanu ku talo-jiraa wiigan laba qaybood oo qaboojiyayaal leh, oo dadka ka soo dagaya iyo kuwa baxayaaba isticmaalaan. Madaarka Hargeysa wax baanu ka qabanay, welina wax-ka qabashadiisi way socotaa, waxaana noogu qiimo badnayd ta habeenkii in Caasimada Hargeysa Madaarkeedu shaqeeyo oo laga soo dago. Talaabada xigta oo aan doonayo inaan maanta halkan ka sheego ee aan dadkana ugu balan-qaaday waxay ahayd in aanu sannadkan ku darsano qorshaha, oo ay noo suurtagasho inaanu sannadkan soo fadhiisino diyaaradaha Jadka loo yaqaano. Arrintaa waxaan jecelahay inaan dadka qurba-jooga ah aan halkan uga sheego balan-qaadkaasi inuu fulo. Hase yeeshee, laba arrimood baa naga horyimi, waad ogtihiinoo dalku dagaal buu galay, dadweynahaa waxa laga ururiyaa lacag. Markaa markii hore waxaanu ugu talagalay in ay waxna bixiso dawladu, waxna bixiyaan dadka qurba-jooga ah iyo baayacmushtariga. Anigu waxaan ku jiraa Guddida Gobolada bariga wax u ururisa, dabeedna waxa igu adkaatay in dadkii laba lacagayow la waydiiyo. Markaa waxaan doorbiday in tan madaarka aan dib u dhigo, oo aan ka hormariyo tan difaaca Qaranimada wax loogu ururinayo iyo soo dhaweynta dadka reer Laascaanood. Hase yeeshee, waxaanu ku tala-jiraa laba arrimood, midi waxa weeye lacag dawlada Somaliland loogu deeqay oo ilaa shan milyan oo doolar ah, ayaa qayb laga siiyay Madaarada. Markaa waxa nalagula taliyay inaanu sugno lacagtaa ay deeq-bixiyayaashu ugu deeqeen Somaliland ee qaybta libaax laga siiyay madaarada, oo mar si wanaagsan loo wada sameeyo. Waxa kale oo la wadaa arrin kale oo ah in dhabaha diyaaradaha si deg-deg ah wax looga qabto. Sidaa daraadeed Madaarada Hargeysa iyo Berberi waa lagama maarmaan inay soo fadhiistaan diyaaradaha waaweyni (Jadka). Ta kale waxa weeyaan qolooyinka eeriboodada qaabilsan ee layidhaahdo Kakas (Cakas), nimankaasi waxa ay gacanta ku hayeen madaarada dalka Somaliland iyo Soomaaliyaba, oo loo dhiibay, nidaamka loogu dhiibayna waxa uu ahaa in inta wax hagaagayaan ay wadaan, laakiin waxay ahayd oo shaqadooda ka mid ah inay sameeyaan bad-baadada madaarada, sida dab-damisyada iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka ah inay sameeyaan, wixii ka bur-burayna dib u hagaajiyaan. Hase yeeshee, nimankaasi way ka gaabiyeen wixii hawshoodu ahayd. Anagu ka Somaliland ahaan dhawr goor baanu la hadlay ninka madaxda u ah ee Nayroobi fadhiya, waxay ii sheegeen waxoodu inuu xadidan yahay, sababtuna waxa weeye waxa u qoran dad badan oo shaqaale ah, oo dhalasho ahaan Kiiniyaan u badan iyo Afrikada kale-ba. Dabadeedna, lacag aan la qiyaasi Karin ayaa ku baxda, waxoogaa yar oo reer Somaliland ahna way qoreen oo shaqaale ah, in Puntlan ahina way u qoran tahay. Waxay ururiyaan lacagta diyaaradaha hawadeena soo mara iyo kuwa madaaradeena soo fadhiista oo ay ka qaadaan, diyaarad walba waxa ay ka qaadaan $275 doolar. Diyaaradaha 30 ilaa 35 diyaaradood ayaa dulmara Somaliland 24-kii saacadoodba. Lacagtaa marka la isu geeyo waa lacag badan, iyaguna waxay noo qirteen ilaa afar milyan iyo dheeraad Doolar. Laakiin, waxaanu tuhun sanahay lacag gaadhaysa 5 ilaa 6 milyan inay ka soo galaan sannadkii. Lacagtaasi waxay ahayd oo waajib ku ah waxa ay isticmaalaan mooyaané waxa kale inay dalka galiyaan. Hase yeeshee, may dhicin, muddadaa dheer ee aanu wada-hadlaynayna waxaanu tusnay in aanu madaarka Hargeysa lahayn dab-damiskii loo baahnaa, inaanu dhabaha diyaaraduhu wanaagsanayn (Ranweyga), inaan badbaada madaarku wanaagsanayn, eeriboodku uu yahay mid gaboobay, oo sida wadooyinka Magaalada Hargeysa oo kale laamiyadiisu goo’go’an yihiin. Hase yeeshee, nimankaasi arrintaa aad bay uga dhaga adaygeen. Markaanu ogaanay inaanay nimankaasi ayahn niman soo jeeda, oo lacagtiiba u qaatay waxay leeyihiin. Sidaa daraadeed nimankii waxay noqdeen shacbigaa Somaliland ee u baahan in la caawiyo niman ku dul nool ayay noqdeen. Dabeedna waan u yeedhay oo waxaan ku idhi hadii muddo bil gudaheed ah jawaab ku keeni waydaan oo wax ku qaban weydaan arrintu waxay noqon doontaa inaynaan dib u wada-shaqayn. Dhag umay dhigin, ka dibna waxaan eryay laba nin oo halkan (Somaliland) u joogay oo Madax ah, waxaan tusay Ranweyga, dabadeedna waxaan ku idhi ma sidan baad doonaysaan inaad ku shaqaysaan, miyaanayse arrintani khatar lahayn. Runtii laba arrimood oo aan anigu aad u diiday ayay ku shaqayn jireen. Mid waxa weeyaan iyaga oo Nayroobi jooga ayaa waxay diyaaradaha ina dulmara ku yidhaahdaan in wadankii Soomaaliya ay joogaan ama dulmarayaan, waxa kale oo ay samayn jireen diyaaradu marka ay madaarka Hargeysa soo fadhiisanaysato waxay ku odhan jireen Bayloodka wixii kaaga yimaada adigaa ka masuul ah, taasina waa khiyaamo. Markaa nimankaa waxaan ku idhi mar hadaydaan madaaradii dalka waxba ka qabanayn xaga hagista diyaaradahana anagaa ku filan. Dabadeedna muran baa naga dhex dhacay ah, waanu wadi karaynaa iyo wadi kari maysaan. Ka dibna waxa dhacday in ay iyagu sidaa shaqadii ku joojiyeen. Nasiib-wanaag waxaanu helay dad reer Somaliland ah oo shaqadii garanaya. Taasina waxay keentay in aanu nimankaa ka maaranno, oo aanu awoodii hagista yeelano, Eeriboodka Hargeysa oo aan 25km dhaafi jirin oo aan loo ogolayn imika inay dhacdo diyaaradaha soo dagaya iyo kuwa ina dulmarayaba inaanu ka hagno, wadamada jaarka ahna aanu dhamaantood xidhiidh la samaynay. Markaa imika waxa naga dhimani waxa weeye dhawrkaa milyan ee doolar ee ay bilaashka ku qaadan jireen sidii aanu ula wareegi lahayn. Dabadeedna dacwad ayaanu u gaynay nimanka ku shaqada leh madaarada duulista hawada ee caalamka iyo niman iyaguna lacagta qabta, oo aanu u sheegnay nimankaa hawshii ay u dirteen inay ku fashilmeen, shaqadiina joojiyeen, anaguna aanu shaqadii ay qaban jireen la wareegnay. Markaa aan loo baahnayn nimankaa. Sawaaxili dambe oo dhabta nagu hayana aanaan ogolayn oo sida aduunyada kaleba markay qolada lacagta qabataa qabato loo soo shubo lacagta Somaliland. Waa la yaqaanaa baaxada dhulka Somaliland, wixii soo mara xuduudayada loo soo shubo Somaliland, taas ayaanu wadnaa.

“Nimankaasi waxay isku dayeen inay yidhaahdaan Eeriboodka Hargeysa wuu xidhan yahay, anaguna Radiyayaal ayaanu haysanay, oo markay hadlaanba waxaanu lahayn beenbay sheegayaan, anaga ayaa fadhina dhulkaad dulmaraysaan, wadankuna waa nabad, nabadgalyadeeduna waa sax, waana mari kartaan waana soo fadhiisan kartaan. Markaa si wanaagsan bay hawshu u socotaa, anagaana hagna, Itoobiya ayaanu wada-shaqaynaa, Yemen baanu wada-shaqaynaa, Imaaraadka ayaanu wada-shaqaynaa, Nayroobi ayaanu wada-shaqaynaa wax naga xumina ma jiraan, waxaananu ku rejo weynahay lacagtaa ay qaadan jireen in aanu gacanta Somaliland soo gelino.

S: Wasiir, qoladaa lacagta qabata ma isla afgarateen sidii lacagtaasi gacanteena u soo gali lahayd?

J: Waanu wadnaa oo khasab weeye. Waayo, iminkaba way u sheegeen UN-kii oo waxay yidhaahdeen Airport-ku wuu shaqaynayaaye wixii dhibaato ah idinka iyo Wasaaradu xaliya. Laakiin annagu dan baanu ka leenahay UN ahaan sidaad u shaqayn jirteen bay u shaqaynayaan. Waxay odhan jireen aamina maaha oo qalabka meesha yaala laguma aamini karo oo way guranayaan oo niman tuug ah weeye. Laakiin waxaanu tusnay inaanu aamin nahay oo waxaanu ku darro mooye waxba ka dhimayn.

S: Wasiir waxa jirta in dadka qurba jooga ahi ay ka cawdaan in loola dhaqmo marka ay ka soo dagaan madaarkaa si ka baxsan sida dadyawga caalamku ula dhaqmaan maxaa ka jira arrintaas?

J: Horta, way jirtaayoo lama dafiri karo. Waxa jiray wakhti ay odhan jireen tolow adiga oo nabad-qaba maad ka tegi. Mar waxa jirtay ay dadku waxa ay sitaan xawaaladaha iyo meelahaas dhigan jireen dadku nabadii bay arkeen. Markay nabadii arkeen waxay doonayaan waxay dalkii ay ka yimaadeen ku arkeen halkana ugu yimaadaan. Markaa waa in meeshii dadkii lala jaan-qaado, oo aynaan eegin oo keliya halkaynu shalay taagnayn, waxaanaan rajaynayaa inaanu soo gaadhno heerkaa caalamiga ah.

Komishanka Doorashada oo Faahfaahiyay Go’aanka ay ka qaateen Xubinta Xisbiga UCID iyo hawlgalada diiwaangelinta

“Wax waliba waqti ayey ku qorsheysan yihiin, haddii habsan meel qudha kaga yimaadana wakhtiga (Doorashada) ayaa dib u sii riixmi doona” Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Qaranka

Hargeysa (Ogaal)- Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Md. Maxamed Yuusuf Axmed, ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inay go’aan ku gaadheen guddi ahaan in shaqada laga joojiyo, isla markaana laga saaro Gudiga Doorashada Qaranka xubinta Xisbiga UCID kaga jira (Axmed Xaaji) ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay xubintaas iyo lixda xubnood ee kale.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay Madaxweynaha u gudbiyeen codsiga xubintan lagaga saarayo Komishanka, taas oo uu sheegay inay tahay waajib saaran Madaxweynaha.

Guddoomiyaha komishanku waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa. Mr. Maxamed Yuusuf, waxa uu faah-faahin ka bixiyay hawlaha diiwaan-galinta cod-bixiyayaasha qaabka loo wajahayo iyo kormeer uu dhawaan ku soo maray galbeedka Somaliland oo ay xafiisyadii diiwaan-galinta ka soo fureen. Mar uu gudoomiyaha Komiishanku ka hadlayey waxyaabihii ay kala soo kulmeen intii ay ku guda jireen sameynta xafiisyada Gobolada iyo degmooyinka waxa uu yidhi “Mar dadku waxay u wada ordayaan beel, marna waa la wada ordayaa oo la leeyahay waxaanu nahay Xisbi, weji aan ku sifeyno kuna suureyno waanu garanweynay. Markaa waxay noqotay in aanu Miisaanka Saarno, kuna soo koobno Axsaabtu waxay isku raacsan yihiin. Imika waanu furnay Xafiisyadii, inta aanu ku jirno diwaangelinta qof kastaa inuu hawsha gudan karo iyo inaanu gudan karin waanu daba-galaynaa , qofkii aan mudakar u noqonin ee sida loogu talagalay u fulin waaya hawsha waxa uu noqon doonaa qof meesha laga dhaqaajiyo, mana noqonayo qof meesha weligii taagnaanaya, qof waxa uu doono sameynaya ma noqonayo, ee waa qof aanu fayl u fureyno khaladka uu galena Ilaa maxkamad la gaadhsiinayo” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Yuusuf. Waxaanu sheegay in tirada dadka ka hawl-galaya shaqada diiwaan-galinta cod-bixyayaashu inay dhan yihiin 3200 oo qof, kuwaas oo ka kooban 400 oo kooxood. Koox kastaana ay ka koobnaan doonto 8 qof. Sidoo kalana koox kasta ay hogaamin doonaan laba xubnood oo komishanka ka socda, “Maadaama aanu 400-ta ee kooxood mid walba ay hogaaminayaan 2 qof oo komishanka ka tirsani, tiro ahaan waxay noqonayaan 800 oo qof, kuwaana waxaanu ka qaadanaynaa Jaamahadaha Camuud, Hargeysa iyo Burco, Ardayda ku jirta hadii ay dhamaystiri waayaana foonfoorada iyo foontiriiyada ayaa soo raacaya iyo hadii loo baahdo dhalinyarro Kumbuutarka yaqaana oo aan lagu ceeboobin.” Sidaas ayuu yidhi

Md. Maxamed Aw Yuusuf waxa uu u soo jeediyey Maxkamadaha iyo Wasaaradda arrimaha gudaha inay iyaguna sidoo kale, xubnaha ula hawlgalaya komiishanka in ay ka qaataan Jaamacadaha.

Hadalkaa ka dib Guddoomiyaha waxa Suxufiyiintii shirkaa ka qayb-galay waydiiyeen su’aalo. Su’aalihii iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxay u dheceen sidan:-

S: Gudoomiye, waxa jirta in todobadiinii xubnood ee Komishanka doorashooyinka Qararnka uu khilaaf idinka dhex taagnaa muddo. khilafkaas oo gaadhay heer la amro in aanay xubin idinka midi ahi (Axmed X. Bidaar) Xarunta soo galin. Markaa khilaafkaasi xageebuu marayaa, maxaase sal u ah?

J: Waxa weeyaan Khilafka xubintaasi muddo wuu jiray, muddadaa khilaafku jiray oo feedh ka hadal, ka garab hadal, dhisibiliin-xumo, nidaam ilaalin la’aan kala-dambayn la’aan iyo hawlo farabadan ayaa jiray. Markaa Guddiduna go’aan ayay ka gaadhay in aan xubintaasi wada-shaqayn dambe isugu kaaya hadhin. Arrintaasna cidii u xil saarnayd oo ah Madaxtooyada Somaliland ayaanu u gudbinay, isaga ayaa waajibku saraaran yahay [Madaxweynaha] habkii iyo darriiqii uu marin lahaa. Laakiin wada-shaqayn dambe isuguma kaaya hadhin.

S: Gudoomiye, Kulan aad Saaka (shalay) wada lahaydeen Madaxweynaha oo aad amuurtan kaga wada-hadlayseen ma dhacay mise wuu baaqday?

J: Anagu Komiishan ahaan kulan aanu saaka Madaxweynaha la yeelanay ama ku balan aanu la lahayn ma jirin.

S: Gudoomiye, Xisbiyada Mucaaridka ahi [KULMIYE iyo UCID] waxay sheegeen in liiska magacyada ee aad soo gudbiseen gaar ahaan Gobolka Hargeysa aanu ahayn mid Xisbiyadu idiin soo gudbiyeen, ee uu ahaa mid uu idiin soo gudbiyey Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex. Arrintaa Maxaa ka jira?

J: Maamulka Gobolada iyo Axsaabta Gobolada iyo odayaasha beelaha ee Gobolada jooga kuli waanu la wada tashanay, cid aan lala kulmini ma jirto, had iyo jeerna waxaanu raadinaynay dad mudakar ah, oo dhex-dhexaad ah, oo aan anagu hawlgelino in nalala qaato, meelo fara badan waanu ku guuleysanay, meelo cabashooyin ka jiraana way jiraan. Laakiin, go’aanka komiishinka ayaa iska leh, go’aankayagiina waanu qaadanay, haddii wax dhibaato ahi timaado ama ceeb ahi cidii geysata waa lala arki doona, qof wax qarsanayaana ma jiro, hab-kanina waa habkii aynu kaga bixi lahayn waxan beelaha laga soo feedh-wareemo. Muhiimaduna waa in diiwaan-gelinta la sameeyo, waana inay Axsaabtu nala hawlgasho, haddii boqonta la is-qabtana waqtiga ayuun-baa jiitamaaya. Waxanina (diwaangelintu) dib ayuunbay u sii dhici doontaa hirgalinteedu, komiishankuna hawsha magacaabista isaga ayaa iska leh. Markaa waa in degenaasho iyo Kalsooni la muujiyo.

S: Gudoomiye, Waxa Goboladii aad kormeerka ku soo martay, ka imanaya cabashooyin laga dayrinayo inaanay diwaangelintu dhicaynin. Maxaad Cabashooyinkaa kaga jawaabteen?

J: Diwaan-gelintu way dhacaysaa, ciddii is-hortaagaysaana iyagay u taalaa, wax daadufeynayaana ma jiro. Anagu hadaanu nahay Komiishanka sharci ayaanu fulinaynaa ciddii is-hortaageysana iyaga ayey jirtaa

S: Wakhtigii doorashada loo cayimay wuu dhow yahay, wax abaabul ah, oo idnka muuqdaana ma jiro, qalabkii hawsha lagu fulin lahaa maydaan keenin, Shirkadihii hawsha fulin lahaa may iman wax muuqda. Markaa sidaa tahay sidee ayey arrimahaasi isku waafayaan oo loo bilaabayaa?

J: Arrimahaasi waa wax jira, waana wax in badan jiitamaya, oo waa waxa lugta la isku wada jiidayo, waa waxa Wakhtiga naga luminaya. Imika ayaanu bilaabaynaa hawlaha Shirkadaha iyo wax waliba waqti ayey ku qorsheysan yihiin, haddii uu habsan meel qudha kaga yimaadana waqtiga (Doorashada) ayaa dib u sii riixmi doona, runtuna waa ta soo bixidoonta.

Burco: Tahriibta iyo ka xog-waranka waayaha ku xeeran

“Dadku tahriibaya Sawir uunbaa u muuqda ee ma oga Xaqiiqda ka jirta meesha ay ku socdaan.. Ta ugu darani waxay tahay ninbaa hooyadii ku dhoofinaya waa xaskaygii, ninbaa walaashii ku kaxaynaya.. waxaan garanayaa hooyo Lix caruura leh oo tahriibtay” Abwaan Hadraawi

Burco (Ogaal) – Kulan lagaga wadda hadlayay Dhibaatooyinka Tahriibta oo sanadihii ugu danbeeyay si weyn isu soo tarayay iyo sidii looga hor tegi lahaa ayaa shalay ka dhacday Jaamacada magaalada Burco.

Sida uu ku soo waramay Wakiilka Ogaal ee Gobolka Togdheer kullankaasi waxa ka qayb galay Masuuliyiin badan oo ka kala socday Maamulka Gobolka Togdheer madax ka socotay haayadaha wadaniga ah Abwaano, Culumo aw-diin iyo maamulka jaamacada Burco ee martida loo ahaa.

waxaana ugu horayn ka hadlay Kulankaasi Abwaanka caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) “dadku marka ay tahriibayaan sawir uunbaa umuuqda ee ma oga xaqiiqada ka jirta dalalka ay u tahriibayaan, ninkii qurbaha tagay markuu shansano maqnaado ayuu imanayaa markaasuu daaro jeexanayaa, kaas ayaanay dadku ku dayanayaan oo odhanayaan qofkani waa kula mid ee tahriib aad daaro jeexatide, dabadeetana markaasay bada isku gurayaan oo naftoodii haligayaan, arrita kale ee ugu darani waxay tahay ninbaa hooyadii ku dhoofinaya waa xaskaygii, ninbaa walaashii ku kaxaynaya waa xaskaygii, waana run oo dadkaas waa la wadagaranayaa markaas halkaasay xaaladu maraysaa. waxaana u sabab u ah qurbojooga oo ina baray, waxaan garanayaa hooyo Lix caruura leh oo tahriibtay caruuteediina loo qaybiyay Lix reer” Sidaas waxa yidhi Abwaan Hadraawi

Abwaanku waxa uu tilmaamay in dhibaatooyinka keenay in Bulshadu ama dhalin yaradu ka hiyi kacdo dalka ay ugu weyntahay shaqo la’aantu waxana uu soo jeediyay in Shacbi ahaan iyo dawlad ahaanba la sameeyo shaqa abuuris.

Abwaan Hadraawi waxa uu faah-faahiyay mushkiladaha ka horyimaada dadka isku daya inay tahriibaan oo u dalandoolaan Qurbaha iyo dhibaatooyinka ku xeeran, isaga oo habsuugaameed iyo hanaan sheekooyin ah ba u adeegsaday tilmaamihiisa uu kaga digayo hadimooyinka aan la ogayn ee ka horeeya sawirada bulshadu ka haysato Qurbaha ka hor inta aanay gaadhin waxaana uu ugu baaqay Bulshada inay Aaminaan dalkooda oo joojiyaan Biimaha ay nafahooda qaaliga ah gelinayaan.

waxa kale oo halkaas ka hadlay oday Cismaan Xaaji waxana hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi. “Anigu waxaan ka mid ahay dadka ay caruurdoodii tahreebtay magaalada la yidhaahdo bunqasiya oo ku taala dalka Libiya waxaa ku xidhan 654 qof oo reer Somaliland ah waxaana ka mid ah dadkaas xidhan, Barwaaqo Xasan Jaamac oo umul ah iyo Qaasin Xasan oo maskaxda wax ka qaba. dadkaas qof kasta oo aad la hadashaaba waxa uu kuugu jawaabayaa iga samir aniga”

Cismaan Xaaji isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi. “waxaanu ka codsanaynaa qurbojooga iyo haayadaha xuquuqda aadamaha in ay dadkaas u halgamaan sidii ay dalka ugu soo celin lahaayeen. Waxaan intaa ku darayaa. dalkeenu waa qaane dadkeena ayaa qalbigiisu jeedaa. Mida kale, waxaa hubaal ah 10-ka sano ee soo socda in dadkani khatar ku jiro hadaan laga hor tagin qaadka maanta dalkan baabi’iyay habeen kasta waxaa inaga baxa Boqolaal kun oo doolar. kaana waxaanu ka codsanaynaa dawlada, hay’adaha, culimo awdiinka, odayaasha, qorbojooga iyo aqoonyahanada in si duuduub ah looga hortago aafadan dalka iyo dakaba baabi’isay oo loo sameeyo hayado wacyi geliya oo kulamo laga sheego oo shiraka lagaga hadlo oo meel kastaba lagaga hadlo”

waxa kale oo halkaas ka hadlay Siyaasiga Axmed Xuseen Ciise oo ka waramay waayo-aragnimadiisa la xidhiidha dalalka qurbaha “dalal badan oo Africaan ah ayaan maray, waxaanan ugu tagay dad badan oo ku xidhan xabsiyadaas oo reer Burco iyo reer Hargaysaba ah waana run sida uu sheegay cismaan xaaji oo caruurteena jeelasha caalamka oo dhan ayay ku xidhantahay sabatuna waa shaqo la’aan ka jirta dalka oo dhan markaas aritaas aynu wadajir uga howlgalo sidii aynu camal ugu samayn lahayn caruurteena” ayuu yidhi.

Masuuliyiinta Jaamacada Xubno ka mid ah Abwaano iyo fanaaniin kale oo dhamaantood ka waramay arrintaasi ayaa iyana madashaasi ka hadlay.

Golle cuqaal ah oo laga sameeyay Degaanka Gabiley iyo shakiga Golaha deegaanka

“Waxa la sameeyay Golaha cuqaasha oolagu baabi’inayo golaha degaanka Gabiley, mana garanayo waxay xukuumadu arintaa uga jeedo”

Xildhibaan Ibraahim Axmed Xasan (Sangal)

Gabiley (Ogaal) – Tobaneeya Xubnood oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa si wayn uga biyo diiday gole lagu sheegay inay yihiin Golaha Cuqaasha Degmada Gabiley oo ka kooban sadex iyo labaatan xubnood oo labadii maalmood ee u danbeeyay maamulka Degmadaasi shir ugu qabtay magaalada Gabiley.

Sida ay lagu faafiyay shabakada wararka Inarnetka ee Gabileynews, Xildhibaan Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) oo arintan shabakadaasi uga waramay ayaa sheegay in ugu horayn loo baahanyahay in kulan degdeg ah ay arrintan ka yeeshaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, isaga oo ku dooday in talabaada Golaha cuqaasha ay tahay mid wax weyn u dhimaysa xasiloonida iyo nabad galyada, isla markaana dib loogu guurayo nidaam aynu ka soo gudubnay iyadoo lagu xad gudbayo shuruucdii iyo qawaaniinta “waxa la sameeyay Golaha Cuqaasha oo lagu baabi’inayo Golaha Deegaanka Degmada Gabiley , mana garanayno waxay xukuumadu arintaa uga jeedo , Dawlad baynu nahay Axsaab baynu leenahay , sharci baynu leenahay , nidaam dimuquraadiya ayaynu qaadanay , la inoogama baahna in aynu dib u noqono oo aynu ku noqono nidaamkii aynu ka soo gudubnay ee Axdi Qarameedkii Boorama aniga waxay ila tahay in aanay qurux badnayn , waxaan maqlayaa in la shirinayo cuqaashii oo ka kooban sadex iyo labaatan Caaqil oo la yidhi waxay yihiin Gudida danaha Degmada , cuqaashaasi waxay yihiin madax dhaqameedyo mag iyo mawlaxo la qaybsanayo maahee meesha nidaam Dawladeed ayaa yaala ,waxaana arimahan loo shirinayo u xil saaran kow iyo labaatan xubnood oo ah xildhibaanada Golaha Deegaanka ee loo soo doortay ilaa xilka lagala wareegayana iyagaa ka mas””uul ah , sida shuruucda iyo dastuurkeenaba ku qeexan haday tahay nabad galyada, siyaasada, hay””adaas oo qudha ayaa u igman , waana arin ku khatar ah nabad galyada deganaansha iyo xasiloonida degmada iyo dadkeedaba waxaan ugu baaqayaa golaha inay si dhakhso ah uga kulmaan arintan , xukuumada dhexena waxan u sheegayaa oo aan talo ku siinayaa in aan la isku dayin in si ka duwan sidaynu u soo dhaqnayn lagu kaco iyo in aan degmada wax kale laga doonin oo aan lugta lagu walaaqin ” ayuu yidhi xildhibaan Sangal .

Isagoo dhinaca kale ka hadlaya arimaha kominshankana waxa uu yidhi “Inta la isku haystaa waxay ka badan tahay laba wiig iyo maalmo lagumana qanacsana imikadan oo liiskoodii la soo saaray , komishankuna waa meel muhiim ah mana qurux badna in isla imikaba la isku qabsado samayntiisa hadii samayntiisii la isku qabsado hadhow markay doorasho timaad way ka sii xumaanaysaa sida loo kala baxaana way adkaanaysaa ,lixda xubnood ee loo magacaabayo degmaduna waa in ay ahaadaan lix xubnood oo qaadi karaya masuuliyadaas culus , tusaale ahaan komishankii hore wax maamulku ku lug lahaa oo uu lahaa ninkan ha la iigu daro iyo hebel ha la qoro may jirin laakiin maanta maayarkii ayaa nin tunka ku sita waana laga aqbalay waana xaaraan taasu isagu qaarbuu watay maayar xigeenkuna qaar ayay wadatay sharciga iyo dastuurkana meel ay kaga jirto ma garanayo , axsaabta ayaa iska leh in ay soo xusho lixda xubnoodba”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Axmed Xasan (sangal)

Waxa kale oo uu sheegay in Xildhibaanku in aan golaha deegaanka Degmada Gabiley wax shir ah oo ay arimaha Degmada kaga hadlaan ku kulmin mudo sadex sano iyo siyaado ah waxaanu xusey in dakhliga guud ee bil walba soo gala Degmada Gabiley maamul ahaan uu dhan yahey (LABA BOQOL IYO KONTON MILYAN) taas uu xusey in kharashka joogtada ahi marka la isku geeyo uu noqdo (ILAA BOQOL IYO SODON MILYAN) “Laakiin nasiib daro maanta shaqaalihii wuu ka mushar laayahey” ayuu yidhi iyadoo dhawaana Gudoomiye ku xigeenku warbaahinta u sheegtey in ay maamulkii toosiyeen oo dhakhligii wanaag sanyahey oo musharkiina la hayo.

Xildhibaanku waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday in qorshahan cusub ee uu sheegay in xukuumadu ka wado Degmada Gabiley uu yahey mid lagu baabiinayo bulshada xisbiga UDUB iyo dadweynaha Gabiley iyo waliba Golihii Deegaanka ee sharciga ahaa. Dhinaca kale Gabiley news mar ay arinka cuqaasha ee ay ka biyo diideen Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley wax ka weydiisay CHEIF Caaqil Cabdi Ciidle Amaan wuxu caaqilku isagoo arintaa ka hadlaya uu yidhi “Arinkani wuu jiraa anagaana sameysaney go,aanka aanu soo saarnana isniinta ayaanu idin soo gaadhsiin doonaa guud ahaanba warbaahinta”

Maxaad ka ogtahay xaalada Xeebaha Waqooyiga ee Gobolka Sanaag?

Ceerigaabo,(Ogaal) – Wariyaha wargeyska Ogaal ee Gobolka Sanaag Cabdilaahi Xuseen Darwiish ayaa socdaal shaqo ku gaalaa bixiyay deegaano badan oo ka tirsan Xeebaha Waqooyi ee Gobolka Sanaag.

Xaalada uu degaanadaa ku soo arkay-na waxa uu ka diyaariyay warbixintan: “Safar dhawr maalmood qaatay oo aan dhowaan kusoo maray intooda badan buuraleyda iyo xeebaha waqooyiga gobolka Sanaag, waxyaabihii aan kala kulmay gaar ahaan xaaladda nololeed ee dadka iyo xoolahaba ayaa ahayd mid aad u liidata oo waxyaabo badan oo isu kaashaday dartoodna dareen yaxyax leh gelin karta cid kasta oo damiirkeedu wanaagsan yahay ama damqanysa loona baahan yahay gurmad bani’aadamnimo oo looga fidiyo dhinacyo badan, siiba xagga abaaraha iyo biyo la’aanta waqtigan ugu daran ee degaannadaas, xagga caafimaadka iyo waxbarasho la’aanta degaannadaas ka jira, waddooyinka la mari karo oo dhulkaas intooda badani aanay lahayn, xeebaha oo ka xidhan iwm.

Haddaba iyadoo marka horeba sida la ogyahay guud ahaanba dhulka buuraleyda ah nolosha lagaga nool yahay la odhan karo waa nolol aad u adag, ayaa haddana muddooyinkan danbe waxa isasoo tarayey baahida soo kordhaysa ee degaannadaas iyo xanuunnada intooda badan nafaqa darradu keento lagana yaabo xanuunnadaas qaarkood haddii daryeel caafimaad jiro laga bogsan karo inay sahaydaan dad tiro badan gaar ahaan carruurta, waxa iyaguna meeshaba kasii baxayey xoolaha oo si kastaba ha ahaatee iyagu ah laf-dhabarta nololeed ee bulshada ku dhaqan degaannadaas.

Ka bilaw Karin (Waqooyiga Ceerigaabo), Xeramooli, Harreed, Xidhxidh, iyo Gaacidh. Dhinaca kale Madarmugge, Rugey, Dhicir, Cirshiida, iyo Gorgor. Xagga dhul-xeebeedkana Xarshaw, Laasasurad, Waqderiya iyo Geelweyte.

Dhammaan dhulkaas oo baaxaddiisu weyn tahay celcelis ahaanna qiyaasta ugu yare e la odhan karo labada meelood ee isku xigaa ay isu jiraan tahay 20-km ayaanay jirin wax goobo caafimaad, waxbarasho iyo adeegyada kale toonna aanay ka jirin, cid iska xilsaaraysa ama ugu maqanna ilaa hadda aan la ogayn. “Gorgor iyo wixii Galbeed ka soo xiga Abaarta iyo Bukaanka carruutuba waa jiraan oo wax kale iska daaye Daayeerkii ayaa Xoolaha cunaya”. Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha aan kula kulmay degaannadaas xiligii aan hawsha ku jiray.

Kolleyba marka dhulkan kor kusoo magcaaban la arko waxa lays weydiin karaa magaalada qaddiimka xeebta ku taalla ee Maydh taas oo muddo dheer iyaduna sababo badan dartood aanay jirin wax dekedda kasoo dega iyo wax ka dhoofa toonni marka laga reebo doonyaha Yemen laga leeyahay ee ka kalluumaysta badda. “Doonyaha Carabtu Naafto qaali ah keliya ayay keenaan”. Sidaas waxa yidhi Maayarka Degmada Maydh Sh-Siciid Sh-Yuusuf Sh-Siciid oo aan halkaas kula kulmay. Isagoo intaas kusii daray Mayarku “Mana jiro xataa wax dakhli dawladeed ah oo doonyahaas ka soo xerooda waayo Shaqaalaha Wasaarada Maaliyadda Maydh iyo Ciidanka Baddaba qaarkood ayaa wakiillo u ah doonyahaas kalluunka guranaya”. Isagoo ka hadlaya abaarahana wuxu sheegay degaannada Calaha iyo Gubannada inay ka jirto baahi dadka iyo duunyadaba iyadoo aanay jirin cid gacan u geysatay.

Isku soo wada duub oo xaalada nololeed ee degaannadaas ayaa ah mid halis ku jirta haddii aan loo helin taakulo kale iyo gargaar degdeg ah galaafana doonta dad iyo duunyo badan oo hada wax loo qaban karo.”

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: