Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo maanta socdaal ku tagay magaalada Laascaanood.



Laascaanood(sl.no) 11 march Waxaa maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani isaga iyo saraakiil uu hogaaminayo iyagoo kasoo kicitimay dhanka magaalada Hargeisa ee xarunta maamulka Somaliland.

Taliye Nuux ayaa waxa uu kusoo hoyday habeenimadii xalay magaalada Oog ee ku taal wadada laamiga ah ee u dhaxaya Caynaba iyo Laascaanood halkaas oo uu ku yaal saldhiga ciidamada Somaliland ee Gobolka Sool kaas oo ahaa halkaasi muddadii ay ciidamada Somaliland ku sugnaayeen aagaasi.

Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxaa kusoo dhaweeyay buunadada xargaga oo magaalada ujirta 8km qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood iyo waliba masuuliyiin kale kuwaas oo markii danbe usoo galbiyay dhanka magaalada Laascaanood.

Wafdida uu hogaaminayay Nuux Ismaaciil Taani ee ahaa saraakiisha ciidamada ayaa waxa ay markiiba guda galeen sidii ay kormeer guud ugu samayn lahaayeen dhamaanba xarumaha ciidamada Somaliland ee magaalada Laascaanood kuwaas oo ay ku sugnaayeen muddo hadda kor udhaafaysa afar bilood.

Taliye Nuux ayaa waxa uu dhamaanba xarumaha ciidamada Somaliland ee ay ku lee dahay magaalada Laascaanood uu uga qudbeeyay dhamaanba ciidamada Somaliland ee goobahaasi ku sugnaa isagoo si wayn ugula dardaarmay inay ilaaliyaan nabada iyo xasiloonida Dalka.

Hadaba mar aan wax ka waydiinay Taliye Nuux socdaalkiisan ku aadan magaalada Laascaanood iyo ujeeda uu halkani usoo gaadhay ayaa waxa uu noo sheegay inuu usoo gaadhay magaalada Laascaanood oo uu socdaalkii labaad ee uu ku yimaado ay tahay sidiii ciidamada uu usoo kormeeri lahaa iyo inay ka shaqeeyaan nabada magaalada iyo xasilooninada isagoo magaalada Laascaanood ku amaanay inay tahay meel siwayn amaankeedu uwacan yahay oo aysan ka jirin wax xasiloonida wax udhimaya.

Isku soo wada duuboo socdaalkan uu maanta ku yimi magaalada Laascaanood taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxa uu yahay mid ay dadku si wayn isu waydiinayaan iyadoo dhanka shacabku ay hadal hayntoodu ku badan tahay inuu samayn karo in ciidamada hore loo sii ruqaamiyo taas oo aan wax ka waydiinay Taliyahana ayaa waxa uu ku jawaabay ‘waxaan kaliya oo usoconaa nabada magaalada sidii loo sii adkayn lahaa’

afnugaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: