Maxay tahay sababta mucaaridka looga adkaadaa? “Xildhibaan Cabdiraxman Yusuf Cartan”

“Lafa-gur siyaasadeed oo loogu talo galay dadka caamada ah, aqoon yahanka ma khusayso”.

Su’aal: Waa ayyu cidda siyaasdda Somalilayn isku haysaa?

Jawaab: mucaaridka oo ah ragga xukunka debedda ka jooga iyo muxaafidka oo ah ragga talada haya

Su’aal: Maxay isku hayaan xooggaga iskaga soo horjeeda siyaasadda Somalilayn?

Jawaab: waxay isku hayyaan xukun.

Su’aal: waa kuwee fagaarayaasha ay doodda siyaasaddu ka socdaan?

Jawaab: doodda xooggeedu waxay ka socotaa dhawr hudheel oo ay labada qolo ka cabbaan shaaha lipton-ka, inta badana ka qadeeyaan iyo dhawr mafrash oo caan oo isugu jira kuwo muxaafidka u gaar ah iyo kuwo mucaaridka u gaar ah iyo kuwo ay wada fadhiistaan oo arrimaha siyaasadda ee taagan xooggooda lagu qaada-dhigo, waxa jira kooxo af-ku-xoogle ah oo caan ah oo u kala dab-qaada mafrashyada iska soo hor jeeda oo mafrash kasta si weyn looga soo dhoweeyo. Waxa intaas weheliya telefiishanada iyo jaraa’idka oo subaxa dambe ama isla habeenkiiba dadweynaha u soo gudbiya jareexooyinka iyo ku-tidhi-ku-teenkii ay labada kooxood maalintii tagtay kaga tiraabayeen hudheelada iyo mafrashayada waaweyn.

Su’aal: Ma jiraan wax mabaa’dii ah oo hagaysaa labada kooxood ee is

hayyaa?

Jawaab: maya , marka in yar laga reebo, haseyeeshee mucaaridka ayaad mooddaa inay uga tudhaale badan yihiin dadka, kumase guulaysan inay arrintaas si wacan u cabbiraan

Su’aal: Intee bay kooxahaasi ka war hayaan waxa dadkoodu/qabiilooyinkoodu ku sugan yihiin?

Jawaab: Dhab ahaantii kooxahaas siyaasadeed (mucaarad iyo muxaafid) maaha kuwo ku xidhan dadka/qabaailka, kamana war hayaan xaaladda dhaqaale ee qallafsan ee shicibku ku sugan yahay miyi iyo magaaloba

Su’aal: labada kooxood dadka waxa ma u sheegaan, ma kala hadlaan halka arrimaha qaranku marayaan?

Jawaab: dadka ma gaadho wax aan weerarka ay is weerarayaan ahayni. wax arrin ah oo dadka loola tagaa ma jirto- mawqifka labada kooxood wuxu u eg yahay: dumaraw dherigiina iyo selddiina ku hawlshooda, ardayayey, buugtiina iyo qalimaantiina, reer magaalaw jaadkiina iyo busaaradiina, reer miyeyaw adhigiina iyo abaarihiina; siyaasaddana siyaasiyiinta u daaya/leave politics for politicians

Su’aal: Sidee dadku/qabaa’ilku u arkaa khilaafka ka dhexeeyeeya kooxaha siyaasadda isku haya?

Jawaab: si ay yeeli lahaayeenba, dadka/qabaailka cid wax galshatay ma jirto. Waxa intaas wehelisa iyadoo ay shicbiga tiisiiba ciilshay oo aanay wax badanba kala socon muranka ka aloosan mafrashyada iyo hudheelada dhaylada lagaga qadeeyo.

Su’aal: dadku/qabaailku ma kala raacsan yihiin hor-joogayaaslha siyaasadeed?

Jawaab: haa, waa ay kala raacsan yihiin, waxay ku kala raacsan yihiina waa qabyaalad, kuma kala raacsana kan ayaa dantii shicibka wada.

Su’aal: Maxaa dadku u taageerayaa siyaasi aan dantiisa mooye dan kale wadin?

Jawaab: garaadka siyaasadeed ee shicibka ayaa hooseeya, oo aan fahmayan wax dan reer dhaafsan, in kasta oo aan siyaasigoodu dantii reerkaba wadin.

Su’aal: maxaa reerku u taageerayaa siyaasi aan dantii reerkana wadin?

Jawaab: ficiltan iyo in aanay ka badin nimanka reeraha kale ee ay is hayaan ee aan iyaguba kuwa reerka wadin.

Su’aal: Haddii kooxaha is hayaa aanay dadka ku xidhnayn, waa ayyo cidda ay kala jiidanayaann ee ku tartamayaan:

Jawaab: cidda lagu taramayaan waa cidaha joogta hudheeladaas iyo mafarashayada iyo cid ku dhowdhow oo ay ka mid yihiin, koofiyad baclaha, been-ma-sheegayaasha, cuqaasha iyo salaadiinta bugta ah, jajabanta, caasha-khushida, qaar ka mid ah haweenka kolleyada qaadka, af-ku-xooglayaalsha (berigi hore afmiinshaar baa la odhan jiray). Xil sugayaal waqtigu ku dheeraaday, Dadka noocaas ah ayay isu adeegsadaan kooxaha siyaasadda ee xukunka isku hayaa. Kuwaasaana jiheeya dhinaca dabaysha siyaasigu u dhacayso.

Su’aal: marka xaal sidaas yahay, muxaafidka iyo mucaaridka kee ayay guulshu raacaysaa,marka loolankii siyaasaddu uu ka aloosan yahay meelo kooban?

Jawaab: Guulshu waxay raacaysaa kan haynta badan. muxaafidka (xukuumadda), waayo kol haddii cidda arrrinku ka dhexeeyaa ay tahay cid kooban, meelaha dooddu ka socotaa tahay meelo kooban, xukuumaddu waxay awood u leedahay inay cidaha kooban mustafayso. Si fudud ayay xukuumaddu uga dhex kalluumaysan kartaa xaaladahaas oo kale iyadoo bidhaansanaysa kan mucaaridka ah ee ay busaaraddu hayso oo xoogaa dhaameel ah loo lulo – kan mansabka u buka ee doorashooyinka sugi kari la’ oo lala faqo! Afkuxoogle-yaalsha, been-masheegayaalsha iyo jajabanta oo mafaariishtooda la dayac-tiro! Iyo qaar kaloo badan.

Su’aal: ma jirtaa farsamo uu mucaaridku iskaga caabiyi karo muxaafidka?

Jawaab: haa waa mucaaridka oo doodda ka saara afarta derbi dhexdooda (mafaarsiishta iyo hudheelada) oo arrinka laysku hayyo geeya fagaarayaalsha dadweynuhu joogo sida khayriyadaha, suuqyada magaalooyinka, ceelasha miyiga ee xoolaha laga waraabiyo, tuulooyinka. Goobaha aanay xukuumaddu laaluush-ka la gaadhi karin. Waa inaan mucaaridku u egkaan niman kursi toocsanayaa ee ay xoogga saaraan inay soo bandhigaan waxay kaga duwaanaan doonaan muxaafidka haddii dadku codkooda siiyaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan,

Xubin, Golaha Wakiillada Somaliland, Hargeysa.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: