Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Sabti,08 March

Faraweyne: Shil keenay Dhimasho iyo Dhaawaca Askar Boolis ah oo daba joogtay Koontarabaan

Hargeysa (sl.no)March 8th, 2008  – Hal Askari oo Bolis ah ayaa dhintay mid kalena waxa soo gaadhay dhaawac shalay duleedka Degmada Faraweyne ee galbeedka Magaalada Hargeysa, mar ay ku guda jireen hawlgal ay doonayeen inay ku qabtaan Booyad la sheegay inay siday Shidaal Koontarabaan ah.

Madaxa caafimaadka Degmada Faraweyne Cabdi-qaadir Cabdi Ismaaciil oo wargeyska Ogaal khadka Telefoonka dhacdadan ugaga waramay isaga oo jooga degmada Faraweyne ayaa waxaa uu sheegay in ciidankan labada Askari ka waxyeeloobay Uga baxay demada si ay u raadiyaan Gaadiidka Koontarabaanka ka keena Itoobiya ee u soo jeeda dhinaca Somaliland, islamarkaana ay la kulmeen Booyad Shidaal ah, taasoo markii ay qabteen uu ugu yimi gaadhi Taksi ahi (Mark ||) oo gurmad u ahaa Booyadu. “walaal markaa ka dib sida warka aanu ku hayno, Askartii qaar ka mid ahaa ayaa qoryihii laga qaaday. Markaa mid aan qoriga laga qaadin ayaa dib u baxay nimankii Booyada iyo Askartii oo is haystana xabad ku riday. markaa rasaasbaa meeshii ka dhacday laba Askari ayayna ku dhacday, labadii Askari midi wuu dhintay midna wuu dhaawacmay, Ka dib nimankii Booyada watay way baxsadeen, nin baa laakiin laga qabtay. Markaa ninkii laga qabtay iyo Booliskiiba waa la soo kexeeyay, xagan Degmeda ayaa naloogu keenay oo aanu ku aragnay, nimanka booliska ah midi mayd buu ahaa oo waa marxuum Ismaaciil Axmed (Ismaaciil Socoto) midna dhaawac ayuu ahaa oo jilibka ayay xabadi kaga taalay oo magaciisu waa Xasan Faarax Aw Cabdi. Markaa sidaas ayuu shilku u dhacay, Hargeysa ayaana loo soo qaaday ninkii dhaawaca ahaa iyo Maydii marxuumkaba” sidaa waxa yidhi madaxa caafimaadka Degmada Faraweyne Cabdi-qaadir Cabdi Ismaaciil (Naasir),

Askariga dhaawaca ah oo aanu ku booqanay isbitaalka Guud ee Hargeysa ayaan isagu wax faah-faahin ah ka bixin dhacdadani sidii ay ahayd.

Sidoo kale taliyaha Guud ee Ciidanka boliska Maxamed Saqadhi Dubad oo aanu xalay dhacdadan wax ka weydiinay ayaa ka gaabsaday inuu tafsiir ka bixiyo arrintan. “Ilaa arrinkaa aanu ka salgaadhayno waxba ka sheegi maayo.” Sidaas ayuu yidhi taliyaha Bolisku

Sidii falkani u dhacay waxa gacanta ku haya ciidanka Baadhista denbiyada.

Laba-kaclaynta maxaakiimta iyo weerarada marinada halbowlayaasha sahayda ciidamada Itoobiya

Muqdisho (AP/Ogaal)- Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa la sheegay inay laayeen shan ka mid ahaa askarta dawladda Mbeghati, ka dib markii ay waqti kooban haysteen magaalada Beledwayne, xilli dambe oo Khamiistii la soo dhaafay ahayd.

Weerarkan lagu qaaday magaalada Beledwayne, oo ku taala is-goyska muhiimka ah ee jidadka isku xidha Soomaaliya iyo weliba jidka ka taga Itoobiya, oo la sheegay inay u soo marto sahayda loo wado ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Soomaaliya. “Waxay soo qaadeen weerar la yaab lahaa iyaga oo magaalada ka soo weeraray jihooyin kala duwan, hase ahaatee inkasta oo xoogaga dawladda taabacsani kala hortageen iska-caabin, haddana waxay durbadiiba gacanta ku dhigeen Saldhiga Booliska, xabsiga iyo huteel ay ku jireen saraakiil dawlada ahi ku jireen,” sidaa waxa la sheegay inuu yidhi sarkaalka booliska magaalada Beledwayne, kaasoo uu warku sheegay in xilligii uu hadlayay ay cabsi badani ka muuqatay. Col. Cabdi Aadan, ayaa cadeeyay in shan ka mid ah askarta dawladda mbeghati lagu dilay weerarkaas. Duniya Cali, oo ka mid ah dadka degaanka ah, ayaa sheegtay in dagaalyahankii weerarka soo qaaday ay magaalada gacanta ku hayeen saddex saacadood, ka dibna ay iskood dib uga baxeen. Wararka halkaa ka imanayaana waxay sheegeen in weerarkaa ka dib ay degen tahay xaaladda magaalada Beledwayne. Sidoo kale, kooxaha dagaalyahanka islaamiyiinta ah iyo dadka deegaanka qaar ka mid ah, ayaa la sheegay inay caddeeyeen in ay qabsadeen magaalada Xudur oo ah magaalo istaraatiiji ah, kuna taala koonfur/galbeed ee Soomaaliya, taasoo iyana ku taala jid dheer oo isku xidha Itoobiya iyo Soomaaliya. Sida wararkaasi sheegeen magaaladdaasi waxay gacanta u gashay dagaalyahankaas, iyada oo aanu wax dagaal iska-caabin ahi ka horiman.

Dhinaca kale, Maraykanka ayaa si kulul u cambaareeyay xidhitaanka warbaahinta Muqdisho iyo weliba xadhiga guddoomiyaha Idaacadda Shabeelle ee Muqdisho, kaasoo xabsiga loo taxaabay iyada oo lagu guda jiro xilli ay dawladda mbeghati hawlgallo ay ku aamusiinayso warbaahinta Soomaaliya. Hadal qoraal ah oo uu shalay soo saaray Mr Mark Zimmer, oo ah sarkaal diblomaasiya una qaabilsan safaaradda Kenya ee Maraykanka arrimaha bulshada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inuu Marayanku si adag ugu eedaynayo dawladda mbeghati aamusiinta saxaafadda Soomaaliya, iyo weliba xadhiga mid ka mid ah masuuliyiinta warbaahinta Muqdisho.

Masuuliyiinta Thailand waa laga laaluushay qabashadiisa, loona sii sheegay xilliga uu Bangkog imanayo

Dilaalkii hubka dalal Soomaaliya ku jirto lagu gubay oo gacanta lagu dhigay

BANGKOK, Thailand (AP/Ogaal)- Masuuliyiinta Thailand, ayaa shalay shaaca ka qaaday inay fayl-garaynayaan eedaymaha lagaga soo horjeedo nin Ruushan ah oo la rumaysan yahay inuu ahaa dilaal iibka hubka ah laguna xidhay dalab ka yimi dhinaca dalka Maraykanka.

Mr Viktor Bout, oo da’diisu tahay 41 jir, ayaa sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha maxkamadda dembiyada dagaalka adduunku laga yaabaa in sidoo kale lagu soo oogo dacwad ka dhan ah oo uu ugu yeedhay “Ganacsiga Dhimashada” kaasoo dabka ku sii shidayay dagaallada ahliga ahaa ee Qaarada Afrika hadheeyay. Mr Viktor Bout, oo laga taxaabay Khamiistii huteel ku yaala magaalada Bangkok, halkaasoo ay saraakiil Maraykan ahi sheegeen inuu u tegay dhamaystirka heshiis uu ku iibinayay, kana rarayay hubka gantaalaha difaaca cirka ee la qaadan karo iyo noocyo kale oo hubka ah, kuwaasoo la sheegay inuu ka iibinayay rag la aaminsan yahay inay ahaayeen wakiillo metelayay Xoogaga Kacaanka Hubaysan Kolombiya (FARC). Hase yeeshee, heshiiskan oo qiimihiisu gaadhayay malaayiin doollarka Maraykanka ah, waxa lagu tilmaamay inuu ahaa mid soo af-jarayay afar bilood oo waaxda Maraykanka u qaabilsan ka hortagga mukhaadaraadku ay ku wanjashay ninkaa Raashiyaanka ah. Isaga oo labada gacmood ka katiinadaysan ayaa waxa shalay Jimcihii uu Raashiyaankan la soo dhexmariyay shir jaraa’id oo booliska Thailand ay qabteen. Hase ahaatee, waxa la sheegay inuu diiday ka jawaabista su’aalo saxaafadu waydiisay. Isla markaana mar horeba waxa uu beeniyay eedaymaha looga soo jeediyay inuu iibiyo hub sharci-darro ah. Inkasta oo ay Maraykanku doonayaan in loo soo gacangeliyo, haddana masuuliyiinta Thailand waxay caddeeyeen inuu sii joogayo dalkaas, halkaas oo lagu samaynayo baadhitaan lagu kala ogaanayo in dalka Thailand, u isticmaalayay bar-kulan saldhig u ah, oo uu ku gelayay heshiisyada iibka hubka iyo inkale. Haddii kiikaasi ku cadaadana waxa lagu xukumi doonaa 10 sannadood oo xabsi ah iy 15 sannadood oo xabsiga Maraykanka ah.

Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka oo la sheegay inay aqoon u leeyihiin Mr Bout, ayaa sheegay inuu ninkaasi waqtiyadii la soo dhaafay uu xidhiidh ganacsi la lahaa Jabhadda FARC iyo sidoo kale kooxo dagaalyahano hubaysan ah, maamulo diktaatooriyiin ah iyo ururo argagxiso, kuwaasoo ka kala jira Aasiya iyo Afrika. Qaramada Midoobay ayaa xayiraad saaray socdaalka iyo dhaqdhaqaaqa Mr Bout, ayaa iyana sheegay inuu taageeray xukuumadii hore ee dalka Laybeeriya ee uu hoggaaminayay Mr Charles Taylor, taasoo lagu eedeeyay inay kaalin muhiim ah ka qaadatay qalalaasihii ka dhacay dalka Siiraliyoon. Sannadkii 2006, sida ay faafisay wakaallada wararka Associated Press, weriyeyaal iyo sawir-qaadayaal maxalli ah ayaa goob-joog u ahaa iyada oo garoonka diyaaraddaha Muqdisho ay fadhiisanayso Diyaarad laga lahaa dalka Kyrgyzstan oo nooceeda lagu tilmaamay Ilyushin-76, xilligaas oo ay Muqdisho gacanta ku hayeen Ciidamadii Maxkamadaha. Diyaaraddaasna waxa la sheegay in saldhigeedu ahaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isla markaana uu lahaa Mr Bout.

Masuuliyiin Maraykan ah ayaa ku laaluushay masuuliyiinta Thailand Isniintii la soo dhaafay, isla markaana la socodsiiyay in Mr Bout la rajaynayo inuu yimaado Thailand oo uu u tegayo dhamaystirka heshiis iibka hubka ah, oo u doonayo Jabhadda FARC, sidaa aawadeed, waxa la sheegay in Maxkamadda Thailand ay maalintii xigtayba booliska u gudbisay waaranka qabashada ninkaas, sida uu sheegay Lt. Gen. Adisorn Nontree. Mr Bout oo ka soo duulay Khamiistii la soo dhaafay magaalada Moscow ayaa si toos ahayd u degay huteel raaxo oo ku yaala magaalada Bangkok. Hase yeeshee, saacado yar gudahood ayaa ugu badnaan daraasiin isugu jiray booliska Thailand iyo wakiillo dhinaca sharciga ah oo Maraykan ah, kuwaas oo iska soo buuxiyay huteelkaas una sharraxay ninkaa Raashiyaanka ah sababta qabashadiisa, sidaana waxa yidhi Col. Petcharat Sengchai.

Banaanbax ka dhacay Buuhoodle shalay

Buuhoodle (Ogaal/W.Wararka) – Banaanbax la sheegay in lagu taageerayay nin lagu magacaabo Saleebaan Ciise Axmed Kaar isu taagaya Jagada Madaxweyne-nimo ee maamul Goboleedka Puntland ee Somalia ayaa shalay ka dhacay Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

Sida lagu faafiyay qaar badan oo ka mid ah shabakadaha wararka Intarnetka Mudaharaadkani waxa uu u muuqday mid abaabulan oo ay ka soo shaqeeyeen kooxo taageersan Maamul Goboleedka Puntland ee Somaliya ayaa dadka ka qaybgalay waxa ay siteen qoraalo ka turjumaya ninka ay taageerayaan iyo sawiradiisa. Waxana ay Baabuur ku dhex mareen Jidka dhex mara magaaladaasi.

Taageerayaasha Murashaxan ayaa sida ay warku sheegayaan waxa ay isugu soo biyo shubteen aakhirkii barxada Dugsiga hoose dhexe oo lagu magacaabo Darwiish School oo ku yaala Buuhoodle, halkaasi ay kula hadleen Odayaal kala duwani.

Ma jirin sida wararku tilmaameen cid ka soo socotay Maamulka Somaliland ama ciidamada ka mushahar qaata oo arinta sidii ay uga hortegi lahaayeen ka howlgalay sida wararku sheegayaan.

Saleebaan Ciise Axmed Kaar ayay magaalada Buuhoodle dadka ku nooli u taageerayaan sida wararku sheegeen dhismaha Cusbitaal weyn oo uu degmadaa laga hirgeliyay.

Lix qof oo u dhintay Biyo sumaysan oo ay cabeen

Jawhar (Ogaal/W.Wararka) Ugu yaraan 6-qof ayaa u dhintay biyo sumeysan oo ay cabeen, halka todobada qof oo kalena ay u jiifaan dhibaatooyin kasoo gaadhay biyahaas isbitaalka Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Soomaaliya.

Sida ay faafisay Idaacada Garowe ee Inarnetka dhakhtarka Isbitaalka Jowhar Dr. Calaawi ayaa sheegay in dadka dhintay ay saddex ka mid ahi ku dhinteen deegaanka Jariirey ee galbeedka Degmada Jowhar saddex kalana ay ku dhinteen isbitaalka gudihiisa.

“Waxaan dedaal weyn ugu jirnaa sidii aan ku badbaadin lahayn dadka la il daran biyaha sumeysan ee ay cabeen, waxaana dadkaas ku jira hooyo iyo saddex caruur ah oo ay dhashay” ayuu yidhi Dr. Calaawi.

Dadkan ayaa ku sumoobay biyo ay iibsadeen oo ku jiray foosto, “Dhibbanayasha qaarkood ayaa noo sheegay in fuustada ay biyaha ku shubteen ay ku sawirnaayeen calaamadaha khatarta muujinaya, taas ayaana caddeyn u ah in dadkani ay ku sumoobeen biyihii ay cabeen ee ku jiray foostada” Sidaas ayuu yidhi dhakhtarkaasi.

Mar wax laga weydiiyay inay ka walwalsan yihiin in dad kale biyo walxahaas ku jira cabaan oo ay ku sumoobaan iyo in kale, ayaa wuxuu yidhi, “Waxaa jira wacyi-gelinno ku wajahan foostooyinka calaamadaha khatarta ah leh oo lagaga digayo inay dadku iibsadaan ama biyo lagu shubo, waxaana howshaa u xilsaaran madaxa caafimaadka Gobolka.”

Arrintan ayaa ku soo beegantay wakhti ay biyo la’aani ka jirto goobo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe oo ay dadkan biyaha ku sumoobay ku nool yihiin.

Xubno ka tirsan Suxufiyiinta Awdal Oo Beeniyay War laga faafiyay

Hargeysa (Ogaal)- Sadex xubnood oo ka tirsan suxufiyiinta gobolka Awdal, ayaa shalay waxba kama jiraan ku tilmaamay war lagu baahiyay saxaafadda, oo sheegayay in suxufiyiin Gobolka Awdal ka tirsani ay taageereen hadalo Sabtidii ka soo yeedhay xubno ka mid ah shir-

guddoonkii shirweynihii saddexaad ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, kuwaas oo naqdiyay shirkii ay muddada labada maalmood ahayd daadihinayeen. Kaasoo lagu doortay Gudiga Fulinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Saddexdan Suxufi oo kala ah Abokor Xasan Caafi, Cabdalle Cali Yuusuf iyo Cali Jibriil, waxa war-Saxaafadeed ay shalay galab ka soo saareen magaalada Boorame, uu u dhignaa sidan: “Warka lagu daabacay cadadkii maanta (dorraad) ee wargeyska Jamhuuriya, ee ku saabsanaa in suxufiyiinta gobolka Awdal shir ay magaalada Boorame ku yeesheen ay soo saareen baaq ay u jeediyeen ururka Solja, waxaanu beeninaynaa in aanay weriyeyaasha iyo suxufiyiinta gobolka Awdal, wax shir ah yeelanin 4-5 bishan isla markaana aanay isla soo qaadin arrinta Ururka Solja iyo mawduuc kale toona, arrinta Wargeysku qorayna ay tahay been la soo dhoob-dhoobay oo aan xaqiiq ahayn, oo aanu wargeyska kula talinayno inay waxyaabaha beenta ah ka waantoobaan kana koraan.

Waxaanu cadaynaynaa in magacyadayada laga been sheegay oo aanaan ku jirin baaqaasi wargeyska ku qornaa, meel laga keenayna aanu garanweynay, isla markaana aanu taageersan nahay tabasho kasta oo jirtayba midhihii ka soo baxay shirweynahii ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja, waxana aanu hoggaanka Solja ugu baaqaynaa in xubnaha ururka ee gobolada dalka ay ogaadaan xuquuqdooda. Suxufiyiinta gobolku waxay mar sii horeysay isla soo qaadeen sidii ay u samaysan lahaayeen urur saxaafadeed gobol, hase yeeshee ay taasi u yeeli waayeen maslaxada suxufiyiinta Somaliland, oo aanu jecel nahay midnimadooda. Xubnihii shir-guddoonka shirweynihii saddexaad ee ururka, waxaanu u arkaynay inay yihiin kuwii shirka qasayay, isla markaana ma taageersanin hadalladii ka soo yeedhay, ee ay ku cambaaraynayeen midhahoodii.”

Hargeysa iyo doodda doorka haweenka

Hargeysa (Ogaal)- Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Bulshada Somaliland, ayaa dood ay soo qaban-qaabiyeen ku kulmiyay qaar ka mi ah Haweenka Reer Hargeysa, isla markaana doodan oo aad u xiiso badnayd laguna qabtay Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa, waxa lagu faaqidayay dumarka iyo doorka siyaasadda, caqabadaha ka horyimaada iyo siyaabihii lagaga bixi lahaa.

Xafladan oo hordhac u ahayd Xuska Maalinta Haweenka Aduunka ee 8 March, waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Bulshada Somaliland, Marwo Faadumo Suudi Xasan, Xildhibaan Baar Siciid Faarax, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka tirsanayd Komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland, Guddoomiyaha Dallada Ururada Dhalinyarada ee SONYO Mr. Culimo, Guddoomiyaha Dallada Haweenka (NOW), haween tiro badan iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Qoyska Marwo faadumo Suudi Xasan, oo furitaankii dooddaasi ka hadashay ayaa sheegtay in dooddani ay qayb ka tahay u diyaar-garowga haweenka Somaliland ay isugu diyaarinayaan xuska maalinta haweenka Adduunka ee 8-da March, oo ku beegan maanta. “Waxaan idiin sheegayaa oo aan la iska indho-tiri karin in haweenka Somaliland 80% ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha qoysaska dalka, kuwaasi oo intooda badani ay ka shaqeeyaan shaqooyin yar-yar oo ay ku soo saaraan quutal-daruuriga ay qoysasku ku nool yihiin, waana amaan ay Haweenkeenu mudan yihiin.” Sidaa waxa tidhi Wasiirka Qoyska Marwo. Faadumo Suudi Xasan. Iyada oo hadalkeeda sii wadana waxay intaa ku dartay, “Dumarku sida kaliya ee ay kaga midho dhalin karaan halgankooda waa iyagoo la yimaada dedaalo aqooneed oo kor loogu qaadayo waxbarashadooda, tusaale ahaan haddii aad u fiirsato kaalinta ugu badan ee ay dumarka Somaliland kaga jiraan Ha’yadaha dawliga ah, waxay u badan yihiin xoghayn iyo nadiifisooyin, taana waa inay kor uga kacaan.” Xildhibaan Baar Siciid Faarax, oo xafladdaa hadal ka jeedisay, ayaa ku dheeraatay caqabadihii ay dumarkii u sharraxnaa doorashadii Golaha wakiilladu la kulmeen. “Caqabadihii ugu badnaa ee aanu la kulanay xilligii doorashadu, waxay ahayd mid la xidhiidha dhinaca dhaqanka, waayo qoyska aad ka dhalatay iyo ka aad u dhaxdayba way iska-kaa fogaynayaan oo hore uma aqbalayaan Haweeney murashaxad ah.” Ayay tidhi Xildibaan Baar Siciid. Waxaanay intaa ku dartay oo ay haweenka ku boorisay in ay haweenku codadkooda siiyaan cidda ka sharraxan haweenka ee Golayaasha dalka.

Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, oo shirkaasi ka hadashay ayaa golayaasha baarlamaanka (Wakiilada iyo Guurtida) ka dalbatay inay haweenka ka saacidaan sidii ay ugu fududeyn lahaayeen ka qayb-galka dhinaca hoggaaminta iyo siyaasada dalka. “Waxaan ummadda u sheegaynaa Haween ahaan in aanaan bixinayn wax cashuur ah, isla markaana aanaan ka qaybgeli doonin codbixinta doorashooyinka, haddii la aqoonsan waayo xuquuqdayada haween ahaan.” Ayay tidhi Marwo Shugri Xaaji Baandare. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qoyska, Mudane Axmed Xasan Yuusuf, oo doodaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay ka shaqaynayso gacansiinta hawlaha horumarinta haweenka iyo qoysaska Somaliland, isla markaana waxa uu waalidiinta ugu baaqay inay hablaha iyo wiilasha u simaan furasadaha waxbarasho.

Tacsi

Inaalilaahi Wa Innaa-ilayhi Raajucuun

Caaqil Xaaji Xasan Xirsi Cawaale ( Timo Rodole), Caaqil Mataan Xaaji Xuseen, Caaqil Maxamuud Cabdi Xaaji ( Gacma Yare), Caaqil Diiriye Qayre aw-Jaamac, Caajil Cabdi Xirsi Galow, Caaqil Deeq Caydiid Hugur, Xildh. Maxamed Xaaji Yuusuf( Waabeeyo), Eng: Xasan Axmed Cilmi ( Xasan Kayse), Cabdi Aw-Cali Warsame, Maxamed Gahayr Xirsi, Dr. Maxamuud Jiciir, Ibraahim Caydiid, Xirsi Jaamac Cabdi (Indho), Siciid Aadan Xasan ( Jiilaal), Wali Xaaji Muuse, Mahdi Saleeban Aw-Bindhe, Ibraahin Xuseen Cawaale, Xasan Faarax Cawad, Axmed Ciroole, Caabi Yuusuf Cawed, Jaamac Sidiiq Xaaji Cali, Cabdi Cali Dhabaq, CabdiSamed Daahir Aadan, Foosi Saleebaan Aw-Bindhe, Cali Axmed Dheer, Xiis Xuseen Diiriye (Ilkafeedh), Cabdi Cali Kaar, Maxamed Xasan (Kabaweyne), CabdiRaxman Maxamed (Gacan), Maxamed Xariir Xaaji Diiriye, Xuseen Muuse Axmed (Ina Muuse Yurub)

Dhamaan Dadkaasi, waxa ay Tacsi tiiraanyo Leh u Dirayaan, eheladii Asxaabtii iyo qaraabadii ay ka bexeen Labada Marxuum ee kala ah;

Marxuum Cabdilaahi Maxamuud Hiirad oo 7/3/2008 ku geeriyooday Gobolka Virginia ee dalka Maraykanka Iyo Marxuum Aadan Faarax Ducaale (Aadan-Foolge) oo isna 7/3/2008 Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa, waxanay leeyihin Dhamaanteenba Illaahay Samir iyo iimaan haynaga siiyo iyagana Janadii ha ka Waraabiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

“Xubnaha dowlada S/land kaga jira G. Sool ayaa caqabad ku ah in maamulku fido”

Suxufi Maxamed Maxamuud Gaaxnuug

Hargeysa (Ogaal)- Maxamed Maxamuud Gaaxnuug oo ah Suxufi madaxbanaan oo magac ku leh gobolka Sool, ayaa ka waramay xaalada guud ee gobolkaas iyo waxyaabaha hortaagan in si taam ah loogu fidiyo maamulka Somaliland.

Mr. Gaaxnuug, waxa uu ku eedeeyay masuuliyiinta Goleyaasha xukuumada ee ka soo jeeda gobolka Sool in aanay raali ka ahayn horumarka iyo maamul-fidinta gobolka Sool. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Golaha Guurtida iyo madaxdhaqameedyada Somaliland inay baadi-doonaan sidii ay u soo heli lahaayeen Isimada dhigooda ah ee reer Sool ee ka maqan Somaliland.

Waxaana uu sidaa ku sheegay Waraysi uu siiyay Wargeysyada Ogaal iyo Geeska Afrika. Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayay waxa uu u dhacay sidan: –

S: Xaalada guud ee gobolka Sool ka waran?

J: Hadaan ka waramo xaalada guud ee gobolka, waxaa la odhan karaa intii Somaliland gacanta ku dhigtay gobolka, nabadgelyada gobolku aad bay u wanaagsan tahay, iyada oo ciidanka bilayska iyo shacabka ay wada shaqeeyaan. Guud ahaan nabadgelyadu 100% way fiican tahay.

S: Guddiga taakulaynta Qaranku siday gobolka wax u soo gaadhsiisay?

J: Runtii, gudigaa taakulaynta ee Madaxweyne ku-xigeenku ka madaxda yahay ilaa hada waxyaalaha la taaban karo ee gobolka laga qabtay waxa ka mid ah, waxa dib-u-habayn lagu sameeyay Saldhiga Bilayska, Xarunta D/Hoose iyo guriga Xarunta Gudoomiyaha Gobolka, wixii kale ee dhimana dadku waxay ka sugayaan xukuumada inay dhakhso u soo gaadhsiiso.

S: Xaga maamul-fidinta gobolka sidee loo gaadhsiiyay?

J: Xaga maamulka, dadka, ciidanka iyo xukuumaduba iskaashi ayay leeyihiin. Hase yeeshee, waxa jira caqabado ka jira Somaliland iyo Shacbiga Dhulbahante oo u dhexeeya, oo ay sabab u yihiin xubnaha Dawlada Somaliland kaga jira gobolka Sool oo aan jeclayn inuu maamulka Somaliland fido, iyaga oo aaminsan in haddii taasi timaado in isbahaysigoodu meesha ka baxayo. Arrintaasina caqabado badan ayay ku leedahay horumarka gobolka. Waxa jira dad Cuqaal ah oo degaanada gobolka Sool ka soo jeeda oo magaalada Hargeysa yimi oo gidaarada isku haysta, oo leh hebel iyo hebel miyaa nalooga sad-burinayaa, ama wax nalaga waydiinayaa. Intii aan iminka joogay Hargeysa waxa aan arkay ama aan ogaaday in shacbiga reer Somaliland ay si wayn u danaynayaan reer Sool, sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen. Balse, waxaan u sheegayaa reer Sool in shacbiga reer Somaliland ee gobollada u tafo-xaydan yihiin sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen walaalahooda reer Sool. Balse, taa caqabada hortaagani waxay tahay biriijka u dhexeeya xukuumada iyo shacbiga Dhulbahante. Waxaan uga jeedaa Biriijkaa u dhexeeya, waxa la yidhi hadal iyo ilkaba waa la cadeeyaa. Xubnaha ka soo jeeda gobolka Sool ee xukuumada ku jira Goleyaasheeda lama odhan karo waxay daacad ka yihiin in maamulka Somaliland ku fido deegaanada gobolka Sool. Taana waxa caddayn u ah, gobolku wuxuu u dhex yahay bulshada Dhulbahante ee ku abtirsata Sool iyo bulshada ka soo jeeda Beelaha Isaaq. Sidaa daraadeed, waxay fikirkooda ku salaynayaan inay kala qoqobaan shacbigii ku dhaqnaa gobolka.

Waxa kale oo aan ku darayaa intaa, dadka ka imanaya deegaanadaas ee doonaya inay dadkooda iyo xukuumadooda ay wax la qabsadaan kama raali aha inay Hargeysa yimaadaan. Waxaad arkaysaa Wasiirada kale ee beelaha kale ka soo jeeda ayay dadka gobolkaa ka yimadaa u yimaadaan oo ay dacwadahooda u gaystaan iyaga oo ka dalbanaya dad wax qabsanaya ayaanu nahaye meeshii aanu xukuumada u mari lahayn ha nala mariyo. Taasina waxay ku tusinaysaa Xubnaha xukuumada ee gobolka Sool ka soo jeedaa in aanay doonayn in dadkoodii ka imanayay iyo xukuumadu ay is-arkaan muxaafid iyo mucaarid kuu doono ha ahaadee.

S: Idaacad baa ka shaqayn jirtay magaalada Laascaanood intii aan Somaliland gaadhin, xagee bay iminka ku dambaysay Idaacadaasi?

J: Idaacadaas marka hore waxa soo yagleelay beelaha gobolka Sool iyaga oo ugu talo-galay inay ku wacyi-geliyaan bulshada gobolka, sida waxbarashada iyo nabadgelyada.. Aakhirkii Idaacadaasi waxay ku dambaysay magaalada Garoowe, qalab iyo hanti waxay lahaydba.

S: Maamulka gobolka ku magacaaban ka waran awoodiisa maamul-fidineed iyo kasbashada dadka?

J: Wax walba waxa ka muhiimsan shacbiga. Shacbigu 100% way jecel yihiin inay dadka reer Somaliland wax la qabsadaan iyo xukuumadaba. Hase yeeshee, kalsoonidii shacbiga lagu kasban lahaa wali dadku ma hayaan. Tusaale ahaan xukuumadu way haysaa. Anigu dhawr jeer oo aan Madaxweynaha la kulmay runtii waxa ka muuqatay daacadnimo iyo inuu maamulku fido. Balse, anaga dhexdayada Dhulbahante ahaan ayaan raali ka ahayn in maamulkii uu socdo. Waxa jiray niman odayaal ah oo ahaa niman ka qayb qaatay markii isbedelku ka socday magaalada Laascaanood oo raashin iyo shiidaalba bixiyay. Odayaashaa markaan waraystay waxyaabahaa aan soo sheegay ee ah in dadkii la kala xidh-xidhayo ayaa dareenkooda la siiyay. Markaa shacbiga ayay wax ka go’aan, haddii shacbiga la soo dhaweeyo oo si wanaagsan loo qaabilo, waxa weeyaan wax baa la hagaajin karaa. Laakiin, shakhsi wax ma dhaqaajin karo. Waxaan qabaa in shacbiga la qanciyo hadduu gobolka joogo iyo hadduu caasimada joogaba.

S: Adigu waxaad tahay Suxufi madaxbanaan oo aad uga war haya xaalada gobolka ka jirta, maxay talo kuula muuqataa?

J: Waxaan talo u soo jeedinayaa xukuumada iyo dadka ka soo jeeda gobolka Sool.

Xukuumada iyo shacbiga reer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa, waxa la yidhi nin hadduu waasho walaalkii ayaa u miyir-qaba, waxaan leeyahay Dhulbahante inay maanta talo waydiiyaan maaha. Waayo, Dhulbahante waxaad kaga quusataan inta nagaga jirta Goleyaasha (Muxaafid iyo Mucaaridba) ha ahaadeene. Caqabada u dhaxaysa Dhulbahante iyo xukuumada waxaan odhan karaa waa iyaga. Waxaan odhan karaa xukuumadu.

Xukuumadu way leedahay qaabkii ay wax ku qaban lahayd. Markaa waxaan leeyahay waa in aanay dadkaa waxba ku lahayn, maadaama ay gobolkii ka jiraan abaaro iyo dhibaatooyin.

Xukuumadu hadda noqoto cida keliya ee ay la xidhiidhaysaa dadka dhex-dhexaadka ah, talaabadaasi dadkana way horumarin kartaa, xukuumadana wax baa u qabsoomi kara.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: