Mudaharaad weyn oo Oslo ka dhacay


Xaji Yusuf oo hadlaya

Mudahaaraad aad u balaaran oo ay ka soo qayb galeen 1000 qof iyo wax ka badan ayaa ka dhacay Maanta oo ay taariikhdu tahay 07.03.2008 caasimada dalka norway ee magaalada Oslo ka dib markii salaada jimcaha la tukaday ayaa la isugu soo baxay barxadda wayn ee Grønland Torg halkaas oo lagu balan sanaa in uu ka bilowda saacadda marka ay tahay 14: 00 wakhtiga caasimada Oslo oo ku beegan EST.

Dadka soomaaliyeed oo ay shucuurtoodu aad u kacsanayd isla markaana aad uga xumaa xariga loo gaystay walaalahood soomaaliyeed ee caawinaya barnaamijka dib u xoraynta soomaaliya ee looga soo horjeedo qabsashada ethiopia ay qabsaday dalka soomaaliya & walibana dowladda maraykanka oo taageeraysa mashruuca haysashada soomaaliya.

Sidoo kale waxaa aad lagu soo bandhigay boorarka ay ku sawiran yihiin gumaadkii & xasuuqii ciidamada tikreega ee soomaaliya xooga ku haysta ay u gaysteen shacabka soomaaliyeed ee diidan gumaysiga kuwaas oo ka qaxay magaalada muqdisho iyagoo daadsan banaanka magaalada muqdisho taas oo ay maraykanak ku taageereen gumaadka ay ethiopia ka wada gudaha wadanka soomaaliya & kala qaybinta shacbaka soomaaliyeed ee xorta ah.

Waxay kaloo dadwaynaha soomaaliyeed ku dhawaaqayeen eryo lid ku ah maamulka Bush & Males zinaawi waxayna sidoo kale weerareen siyaasada maraykanka ee arimaha soomaaliya & duqayntii ugu dambaysay ee ciidamada cirka ee maraykanka u gaysteen magaalada Dhoobley ee gobolka jubadda hooose oo uu gumaad xoogan ka gaytay taas oo ay ku le,deen dad & duunyo badan oo la soo koobi karin iyadoo dhaawici meel la geeyo la waayay.

Waxaa isu soo baxa ka hadlay mas,uuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Ali Hassan ”” Ali ganay ”” oo ka mid ah gudiga magaalada oslo u jooga ururka dib u xoraynta soomaaliya oo soo qaban qaabiyay mudahaaradkaan wayn ee looga soo horjeedo police ka norway oo xir xiray dad soomaaliyeed oo si been abuurnimo ah ay ku dacweeyeen taageerayaasha Abdullahi yuusuf oo diidan in dibadda laga taageero kacdoonka looga gardarada dowladda Ethiopia ee qabsashada soomaaliya.

Ali Hassan waxa uu si caro leh carabka ugu dhuftay in ay sii wadayaan halganka ay ugu jiraan dib u xoraynta soomaaliya waxa uu sheegay in aanay argagixiso soomaaliya isla markaana waxa dowlad ah aysan ka jirin dalka soomaaliya oo ay dowladda ethiopia haysato soomaaliya.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Sheekh Hassan Abdi Mursal oo ka mid ah gudiga magaalada Oslo u jooga ururka dib u xoraynta soomaaliya waxa uu sheeegay in ay sii wadayaan lacagta ay bixiyaan oo ay siiyaan dadka dhibaataysan ee ay soo qaxiyeen ciidamada ethiopia sidoo waxa uu sheegay in ay sii wadayaan lacagta ay u guryaan halganka looga soo horjeedo dowladda Ethiopia ayna xaq u leeyihiin inay is difaacaan isla markaana ka hor tagaan cadowga soomaaliyeed ee ku soo duulay dalka, dadka soomaaliyeed ee la gumaysanayo.

Gabagabadii waxaa halkaas ka hadlay gabdhaha gudiga magaalada oslo ee arimaha bulshada oo sheegay inay xaq u leeyihiin inay difaacaan dalka soomaaliya & diintaa isla markaan sheegay in police ka dalka norway aanu xaq u lahayn in uu iska xirto dadka soomaaliyeed iyagoo aan hayn wax cadaymo ah oo muujinaya inay dambi ku hayaan 3 soomaalida ah u xiran

Xigasho: Wadaninews.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: