Abaabul Ciidamo Cusub oo ka bilaabmay Gobolada Sool iyo Sanaag Bari ( Maxay tahay sababtu?)


“Wax yar ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in dalka ay kusoo fool leeyihiin shirakadihii ajnabiga ahaa ee  Cadde Muuse heshiiska kula galay soo saarida khayraadka Puntland ayaa waxaa ka bilaabatay Gobolada Sool iyo Sanaag diidmo wayn oo ka imaanaysa dadwaynaha Labadaasi gobol oo ah meelaha ugu horeeya ee uu cade muuse doonayo inuu qorshihiisa ka bilaabo.”

Laascaanood(sl.no) 07-Mar-2008 Waxaa xiisado ka dhasheen Gobolada Sool iyo Sanaag ka dib markii ay soo baxeeen wararka sheegaya in todobaadyada soo socda ay boosaaso soo gaadhi doonaan Shaqaale iyo Mishiino loogu tala galay inay qodaaan shidaalka ku jira Gobolada Puntland Gaar ahaan jiidaha Lagu muran san yahay ee Sanaag iyo Sool.

Sida uu qoray wargaysaka Upstream Shirkad laga leeyahey dalka Singapoor ee lagu magacaabo Energy Tata Parasada iyo shirkad kale oo hoos timaada ayaa usoo dhoofi doonaan magaalada Bosaaso Riiga Saliida lagu qodo iyo shaqaale fara badan oo ajnabi ah wiiga soo socda.

Wax yar ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in dalka ay kusoo fool leeyihiin shirakadihii ajnabiga ahaa ee madaxwayne Cadde Muuse heshiiska kula galay soo saarida khayraadka Puntland ayaa waxaa ka bilaabatay Gobolada Sool iyo Sanaag diidmo wayn oo ka imaanaysa dadwaynaha Labadaasi gobol oo ah meelaha ugu horeeya ee uu cade muuse doonayo inuu qorshihiisa ka bilaabo..

Sida ay nagu soo gaadhayaan wararka saaka ka imaanaya magaalada Boosaaso waxaa halkasi shirar uga bilaabmay odayaasha beelaha ka soo jeeda bariga Sanaag kuwaas oo sida la sheegay ka tashanaya waxa laga yeelayo qorshaha Xukuumada Mudana Cadde MUuse ee ku aadan soo saarida Saliida iyo macdanta ee gobolka Sanaag .

Bishii April ee Sanadii 2006 ayaa dagaal qadhaadhi ku dhexmaray Deegaanka Majiyahan oo qiyaastii 40km ujirta magaalada dekeda ah ee Boosaaso ilaalada gaar ka ah ee Madaxwaynaha Puntland iyo maleeshiyo beeleedyo deeknaasi ah ,dagaalkaas oo lagu laayey dad Xoolo dhaqato ah Maamulka Cadde muuse ayaa ku guuldaraystay hadafkii uu lahaa, ka dib markii uu Madaxwaynuhu isku dayey in uu gurto macdanta deegaankaasi uu hodan ka ku yahay taas oo ay udiideen dadka deegaankaasi oo dagaal kala hortegay.

Dhinaca kale mar aan saaka la xidhiidhnay Tuulada Tukaraq oo udhaxaysa Garoowe iyo Laascaanood ayna ku sugan yihiin inta badan Maamulka Puntland ee ka baxay laascaanood ayaa na loo sheegay in saaka la keenay Duleedka Ceelka Shidaalka ee Holhol oo isagu masaafo yar uun u jira fadhiisinka Ciidamada Puntland, Ciidamo beeleedyo la sheegay in laga soo ururiyey dhulka miyiga ah ee dooxooyin Nugaasha ee ku hareeraysan ceelkaasi holhol oo isagu ah ceel diyaar ah .Maleeshiyooyinka ka soo horjeeda fakarka Cade Muuse aaya ku doodaya, Cade Muuse in uusan dan iyo helo kala hayn Difaaca Sool iyo Sanaag Balse uu Rabo in uu la boxo ama kurto Khayradka dhulkooda ku jira taasna aaysan ka aqbali doonin Cade Muuse

Source: Afnugaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: