Barack Obama oo saxaafadii u soo dhigatay

Caawa ayaa laga yaabaa labadan ruux
in kala hadhaan.

Senator Hillary Clinton iyo taageerayaasheeda ayaa muddo badan ka cabanayey saxaafadda iyo sida dhibta yar ee ay ula dhaqmayso Barack Obama.

Laakiin shalay la bilaabo ayaa waxaa la arkayey saxaafadda oo u dhaga nuglaatay cabashadaa kaga imanaysay dhinaca Clinton.

Obama oo warsaxaafadeed ku qabanaya magaaladda San Antonio ee gobolka Texas maalintii isniintii, ayaa waxaa laga dareemayey in aanu Obama diyaar u ahayn arintaa oo uu u qaadan waayay.

Su’aalaha adadag ee ay saxaafadu ku qaabishay Obama ayaa waxaa ay ku saabsanaayeen kulan qarsoodi ah oo qaban-qaabiyayaashiisa iyo saraakiil ka tirsan dawladda dalka Canada ay yeesheen. Kulankaa ayuu Obama markii hore diiday, laakiin waxaa fashiliyey dawladda Canada oo qoraalkii ku saabsanaa soo bandhigtay.

Canada ayaa waxaa ay kala hadlaysay shaqaalaha Obama dhaleecaynta uu u soo jeediyey heshiiska ganacsiga ee NAFTA, laakiin markii ay la kulmeen saraakiisha Canada ayaa waxaa ay yidhaahdeen arintani waa mid doorashadda oo keli ah ku eeg oo aan laga qaadi doonin halkeeda marka ay doorashadu dhamaato.

Su’aal kale ayaa iyadduna ku saabsanayd ninka ay Obama saaxiibka yihiin ee Tony Rezko oo ku lagu eedeeyey musuqmaasuq. Jaraa’idka The New York Post ayaa waxaa ay doonayeen in looga jawaabo arinta ku saabsan in ay u eegtahay in qoomiyadda Yuhuudo ay taageeradoodii kala noqdeen. Laakiin ugu danbeyntii Obama waxaa uu su’aalahaa badan u arkay in ay yihiin qaar xadkii dhaafay, waxaanu ku jawaabay:

– Come on!

Waxaan hadda ka jawaabay sideed su’aalood, wakhtiguna wuu inagu yaryahay, markii danbena wuu iskaga dhaqaaqay meeshii oo saxaafadii ka daba qaylineyso.

Caawa waxaa doorashadii musharaxnimadu ka socotaa goboladda Vermont iyo Rhode Island, laakiin labadan gobol maaha qaar ergaydoodo sidaa u sii badantahay oo la barbar dhigi karo labada gobol ee Texas iyo Ohio. Guud ahaan ayaa waxaa imika jirta in ay labada musharax aad iskugu dhow yihiin qiyaas ahaan inta ay helayaan.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: