SIDEYNU KU SOCONO SADDEXDA XISBI SADDEXDOODA HOGAAN BAY U XIDHAN TAHAY SIYAASADII, SIDAASINA DIMUQRAADIYAD MAAHA


“Sidaynu ku socono Saddexda Xisbi saddexdooda hogaan bay u xidhan tahay siyaasadii, sidaasina dimuqraadiyad maaha”

“Maraykan waad arkaysaa oo Obama oo nin madaw ah, 46 jir ah ayaa u baratamaya doorashada, waxaana uu ku baratamayaa waa rayigaasi ah aragtida cusub iyo aduunka oo aan sidii hore ahayn.”

Dr. Axmed Xuseen Ciise

Hargeysa (sl.no)- Dr. Axmed Xuseen Ciise oo hore u shaaciyay in uu Xisbiga Kulmiye dhexdiisa kaga tartami doono Musharaxnimada doorashada Madaxtooyada, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan shirweynaha Xisbiga ee lagu wado inuu qabsoomo 29-ka bishan March, waxaana uu tilmaamay in aanu ka tanaasulayn aragtidiisa uu ugu ordayo inuu noqdo murashaxa Madaxweynenimo.

Dr, Axmed Xuseen Ciise, waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi khaas ah oo uu Wargeyska Ogaal la yeeshay.

Waraysigaas oo dhamaystiranina wuxuu u dhacay sidan: –

S: Axmed, waxaad tahay inaad noqoto musharax u taagan mansabka siyaasadeed ee dalka ugu sareeya ee Xisbiga Kulmiye. Markaa maxay tahay siyaasada aad ku damacday in aad mansabka intaa le’eg isku taagto?

J: Waxa, runtii igu kalifay maanta inaan doono mansabkaasi ugu sareeya, waxa weeye iyada oo aan arkay oo dalkeenu u baahan yahay wax-qabad, waxaanan ku kalsoonahay in dalkan Somaliland si dhakhso ah wax looga dhigi karo, dhaqaalihiisa la kordhin karo, dhalinyaradiisa shaqo loo abuuri karo, daryeel caafimaad iyo mid tacliimeedba bulshada la siin karo ayaan aaminsahay. Markaa, waxaan qabaa waxaas oo dhan oo aan maanta waxba laga qaban, in is bedal siyaasadeed oo cusub aynu ku heli karo, oo runtii kuma jiri karo nidaamkii aynu markii hore ku jirnay, oo siyaasadii iyo fikirkii inta badani ay ku qotomaan aqoontii 60-kii in is bedal ku yimaado weeye, dalkeena casriyeyno, oo caalamka la qabsano, ula dhaqano siday maanta u dhaqmaan. Taas oo aynu aqoonteedii leenahay, dadkeedii leenahay oo aynu horumar u gudubno ayaan u arkaa mihiim, taasaan isleeyahay waad qaban karaysaan, oo jiil cusubi in uu siyaasadii dalka ka qayb-qaato weeye.

S: Markaa, siyaasada aad aaminsan tahay in is bedal ku yimaado, ma Madaxweyne Rayaale ha la bedalaa mise mid aad leedahay waa inay ka muuqataa siyaasada guud iyo Axsaabta Qaranka?

J: Wax macno ah oo ay ku fadhido malaha, hadii aynu nidhaahno qof baa la bedalayaa, oo qof kale ayaa lagu bedalayaa, ina Rayaale bedalkiisu macno inoo samayn maayo hadaynaan wax qabadkiisa, siyaasadiisa wax ka duwan la imanayn. Markaa qofka bedal meesha kuma jirto ee waa in maskaxi bedashaa, oo lala yimaado siyaasad cusub iyo aragti cusub oo dalka iyo dadka lagu horumariyo.

S: Siyaasiyiintii hore bulshadu u soo aragtay iyo kuwan imika taaganiba waxay caan ku yihiin, in ay yidhaahdaan markay wax doonayaan waxaas ayaanu qabanaynaa iyo sidaas ayaanu yeelaynaa. Markaa adigu Axmed ahaan maxaa taa ka duwan ee aad bulshooy waan idiinla shir-imanayaa aad leedahay?

J: Waa runtaa, oo siyaasigu meel kasta oo uu joogo balan-qaad wuu sameeyaa, balan-qaadka uu sameeyaayna waxa weeyaan waxaas iyo waxaas ayaan qabanayaa, iyada oo intooda badanina marka dambe aanay rumoobin, siyaasiyiintu sidaa way u badan yihiin. Laakiin, waxan baan qabanayaa in aad tidhaahdo waxa ka wanaagsan in aad la timaadid fikir iyo aragti. Markaa anagu fikirka aanu isleenahay waad ku hogaamin karayasaan dalka ayaanu ummada u soo ban-dhigaynaa, kaasina waxa weeyaan in la abuuro dawlad ku dimuquraadiya, oo ku fadhida maamul wanaagsan, oo ka soo horjeeda musuq-maasuqa, dhaqaalo xumuda iyo cadaalad oo cadaalad la’aan waxba ma hagaagaan, waa in cadaalada iyo siyaasada la is waafajiyaa. Kaw waa in la sameeyaa maamul wanaagsan, kaana waynu samayn karaa, dadkii aqoonta lahaa waynu haynaa, meel walba way joogaan dal iyo dibadba, Rag iyo dumarba waynu helaynaa dadkii fursada lahaa oo caalamka oo dhan bay ka shaqeeyaan. In dhaqaalaha, dhalinyarada iyo adeegyada bulshada la hormariyo. Mandaqadeenuna waa mid ganacsi, dadkeenuna ganacsiga wuu yaqaanaa waa in weelkii ay ku ganacsan lahaayeen loo sameeyaa. Markaa annagu aragtida caynkaasa ayaanu aminsanahay inaanu dadka u soo bandhigno.

S: Aragtidan aad inta badan ku soo cel-celisay, isla-markaana aad ku doodayso inaad bulshada u soo bandhigto, ma mid adiga shakhsiyan Axmed ahaan kugu jirtaa, mise waa tii Xisbiga Kulmiye?

J:Dee, kollay xisbigu wuxuu leeyahay barnaamij, qodobada qaarkoodna way ku jiraan barnaamijka, oo kuwaa waanu ka midaysanahay, xisbigu waa xisbi balaadhan oo dad badani aragtidooda isugu keeneen. Laakiin, anigu waxaan ka hadlayaa Axmed ahaan, oon isleeyahay aragtida qofka hogaanka Somaliland qabanaya aragtidiisu inay caynkaa noqoto weeye. Hadaan anigu hogaanka qabtana taan ku shaqayn lahaa caynkaa weeye. Markaa anigu taydaan ka hadlayaa ee tii xisbiga ka hadli maayo.

S: Haddii aynu u soo noqono ta Xisbiga aad ka tirsan tahay ee Kulmiye, waxa jirta shirweynihiinii dib-u-dhac ku yimi, isla-markaana muran badani ka dhashay, ugu dambayntiina mudaa loo qabtay inuu ku qabsoomo arrintaasi siday kuula muuqataa adiga?

J:Waa runoo shirka in badan baa la sugayay, Guddidii qaban-qabaadu muddo Todobaneeyo cisho laga joogo ayay cayimeen muddadii la qaban lahaa shirkaas oo 29-31 March in la qabto oo shirku dhaco ayay cayimeen, waana arrin loo baahnaa in aanu shirka qabsano, oo hadanaan qabsan meelna ma gaadhi karno, oo waa shirweynihii aanu ku samayn lahayn siyaasada iyo hogaanka Xisbiga Shanta sano ee soo socda, waanaan ku faraxsanahay in lagu dhawaaqay, qorshihiisana lagu jiro.

S: Dadka qaar ayaa aaminsan in Axmed ahaan damacaaga siyaasadeed qayb wayn ka yahay muranka siyaasadeed ee ka dhex-dhashay Xisbiga Kulmiye, taa maxaad ka leedahay?

J: Runtii, meel aan ka waxyeelay shirwaynuhu siduu u qabsoomi lahaa ma jirto, badiyaana waxaabaan isku dayay inaan dibada ka ahaado murankaa siyaasada, oo aanaan dhex-gelin ayaan jeclaa, aadna uma dhex-gelin, dadkii ku dhex-milmayna maan ahayn. Arrinta inta badan laysku hayayna waxay ahayd hogaanka cusub ee xisbigu siduu noqonayo in dibada lagu sii dhameeyo ayay ahayd, is-mari-waaguna taasuu ka jiray, in badan oo laga heshiiyayna way jiraan, in aan laga heshiina way jiraan, arrimihiina wali way socdaan. Laakiin aniga gaar ahaan mid I khusaysay may jirin. Keliya waxaan sameeyay inaan idhaahdo waxaan doonayaa inaan noqdo musharaxa Xisbiga Kulmiye ee doorashada Madaxtooyada, taasina wali way jirtaayoo, waanan u taagan tahay inaan ka loollamo xisbiga dhexdiisa oo aan noqdo qofka xisbigu musharaxa u soo bandhigayo, carqaladna uma arko, inay keentayna ilama aha.

S: Rajo intee leeg ayaad ka qabtaa inaad ku guulaysato jagada aad doonayso?

J: Sidaan hore kuugu soo bandhigay waxaan qabaa in marka shirka dadku isugu yimaado, ee Golaha dhexe u soo bandhigno, ee nidhaahno waxaasaa qabanaynaa oo awoodaasaanu leenahay, aqoontayaduna waa caynkaas, farsamadeedii baanu haynaa inay noo soo joogsan doonaan oo inta badani na raaci doonto ayaan qabaa. Muhiimaduna waxa weeye Xisbigu inuu guulaysto. Markaa Xisbigu waa inuu miisaamaa doorashadan soo socota yaa guusha kuu haya, musharaxiintana isu miisaamaa oo yidhaahdaa hebel waxaasuu ku wanaagsan yahay, hebelna waxaas, ka dibna mid raacaa.

Adduunku maanta wuu isbedelayaa, waxaanaan kuu sheegaya Faransiiskaa ugu dambeeyay oo todobaadkii dhawaa Madaxweyne Sarkozy intuu Koonfur Afrika tagay ayuu yidhi Siyaasadii Lixdankii ee Faransiisku ka lahaa Afrika shaqayn mayso oo waa in bedelaa, Maraykan waad arkaysaa oo Obama oo nin madaw ah, 46 jir ah ayaa u baratamaya doorashada Maraykanka, waxa uu ku baratamayaana waa rayigaasi ah aragtida cusub iyo aduunka oo aan sidii hore ahayn, wadan waliba wuxuu u baahan yahay inuu adduunkaa isbedelay la jaan-qaado.

S: Marka la eego Saddex Xisbi Qaran, UCID shirweynihiisii wuu qabsaday, Kulmiye-na wuu muddeeyay xilliga shirka, Markaa Xisbi-xaakimkii UDUB ayaa isagu sanqadha shirweynaha Kulmiye dhegta u laadlaadinaya, Markaa ma laga yaabaa haddii aad ku kala qaybsantaan mowqifka shirka ma laga yaabaa in Xisbiga UDUB idinka faa’iidaysto Kulmiye ahaan?

J: Horta, nidaamkan aynu qaadanay ee dimuqraadiga ah salkiisu waxa weeye, in dadka Axsaabta ku jira in ay aaminsan yihiin nidaamkaa oo dimuqraadiga qaataan, haddaanu Xisbigu aaminsanayn taa, oo aanu ahayn xisbi dimuqraadi ah isna dimuqraadiyad ma dhisi karo. Haddii hogaanka Somaliland aanu aaminsanayn dimuqraad, waxba inooma dhismimaayaan. Markaa way jirtaa xeelad yar oo siyaasadeed oo xisbiyadu isku eegtaan oo ka dambee si aad u fahamto wuxuu qabsaday oo aad ka faa’iidaysto way jiraan. Kolay shirweyneyaashana mar lama wada qabsan karo, oo xisbiba xisbiga kale wuu ka faa’iidaysanayaan. Laakiin, muhiimadu waxa weeye, ama UDUB ahow, ama Kulmiye ama UCID, waxa weeye ma aaminsan tahay dimuqraadiyada, dal dimuqraadiyi inuu dhismo, markaa xisbi kastaa waa inuu gudihiisa ka noqdaa mid dimuqraadiya oo ay ku dhaqmaan.

Markaa waxaan u soo jeedinayaa Xisbi kasta inuu dhexdiisa ka loolamo sidayada oo kale, si ay u soo baxaan dad wax qaban karaa, haddii kale waxay noqonaysaa mid cid nin u xidhan, oo saddexda xisbi in bay u xidhnaanayaan. Dimuqraadiyadana waxa burburinaya marka la yidhaahdo siyaasadii cid bay u xidhan tahay, iminka sidaynu ku soconana Saddex Xisbi iyo saddexdooda hogaan bay u xidhan tahay siyaasadii, sidaasina dimuqraadiyad maaha, dimuqraadiyana waxa dhisa dadka madaxda ah oo aamina.

Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: