Dawlada Sucuudiga Oo Ka Fikiraysa In Ay Caawimada Somaaliya Sii Mariso Somaliland

Somaliland.no(Jeddah) – Intii dhagaysanaysay xalay fiidkii warkii ka baxay Radio yowga caalamiga ah ee ay leedahay dawladda boqortooyada Sucuudi Arabia lana yidhaahdo”Idaacatul-Qur’aanil Kariim” ayaa waxaa ka mid ahaa qodob ku saabsan, baaq qaylo dhaan abaaraha la soo darsay Jamhuuriyadda Somaliland”waa sida uu warku u baxayaye” iyo roob-doon iyo alle bari uu ku baaqay madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin”waa sida uu wariyuhu u yidhiye”.

Arintan oo ah mid aan looga baranin in idaacadaha sucuudigu ay shanta la soo galaan arimaha gudaha ee dal carbeed oo jaamacadda carabta ka ah xubin, haddii ay wax ka sheegaanna ay had iyo jeer warka ka soo xigtaan dhinaca dawladda ay hadba ictifaasan yihiin ayaan muujinaysa isbedel ku yimid siyaasadda arimaha dibadda ee boqortooyada.

Idaacada quraanka kariimka ah ayaad moodaa inuu si gaar ah u soo jiitay aayado quraan ah oo madaxwayne ku xigeenka A.Y.Yasiin soo daliishaday, roob-doon iyo alla bari uu ku baaqay shalay oo u qornaa sidan hoos ku qoran oonu ka soo xiganay,

Mudane Yaasiin waxa uu hay’adaha International-ka iyo Bulshada Caalamkaba u diray Baaq Qaylo dhaan ah , isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ”Waxa aanu Maanta ku dhawaaqaynaa hay’adaha Internationalka iyo caalamkaba in wadanka ay soo food saartay abaar, laakiin anigu waxaan ka horeysiinayaa arrin muhiim ah, arrintaasi waxa weeyi, ilaahay waxa uu yidhi marka ay wax idin qabsadaan xaga Ilaahay u yaaca, balaayo ma timaado, dambi uunbaa keena, waxana kor u qaada ama rafaca oo balaayadii baabiiya , toobad ilaahay loogu noqdo”.

”Marka hore waxaanu u diraynaa gobollada wadanka oo dhan marka ay balaayo timaado in xaga ilaahay loo cararo, saddex Tallaabo ayaa la qaadayaa , midi waa ducadii oo qof waliba ducaysto, toobadna ilaahay ugu noqdo, ta labaad ee aanu ku amrayno gobollada dhamaantood iyo degmooyinkiisa iyo tuulooyinkiisa Masaajidada ka jira in la bilaabo Quluudii alla bariga ahayd ee salaada dabadeeda , salaad walba oo la galayaba waxa laga danbaysiinayaa alla bari toosa , taasina waxay bilaabmaysaa laga bilaabo Arbacada Berrito ilaa Arbacada soo socota, Sideedaa Cisho waxa la wadayaa waa

quluudii, ducadiina waa la garab wadayaa, haddii intaa roobku da’I waayo in khamiista la soo baxo (khamiista soo socota) in yar iyo weynba inta shaqada la joojiyo la soo wada baxo , oo dabadeedna Qof waliba sameeyo Kun Istiqfaara (dambi dhaaf), dabadeedna la tukado laba rakcadood oo ilaahay la baryo”. Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku.

Sanadkii hore ayay ahayd markii jariidada Al Sharq Al Awsat ee uu leeyahay Amiir Axmed Ibnu Salmaan oo uu dhalay badhasaabka caasimadda Sucuudiga ee Riyaad Amiir Salmaan ibnu Cabdil Caziiz uu soo daabacay maap ama khariidad jaan-tuskiisa ay ku caddahay jiitin ama xariijin kala qaybinaysa dhulwaynihii la isku odhan jiray Somalia oo jariidadu ay u kala bixisay Somaliland iyo Somalia, taasoo uu Studiyaha wareega ee Radio Hormuud oo hadda ku sugan Sucuudigu hayo nuqul ka mid ah jariidadaas haddii loo baahdo.

Indhawaalaba waxaa soo if baxayay inuu sucuudigu hadal hayo inuu kaalmooyinka dhaqaale ee somalia uu u qoondeeyay sanadada soo socda u sii mariyo Somaliland oo ay dhawr ganacsade oo sucuudi ahi maalgashi ku wadaa qaarna hadal hayaan sanadkan inay tagaan, sidoo kale dhaqaale aad u buuran oo dawladaha golaha iskaashiga khaliijka ay ugu yabooheen dibu dhiska Somalia iyo Somaliland ayaa lagu shubay bangiga sumcadda wanaagsan ee la yidhaa Al-Faysal Islamic Bank waxaana gacanta ku haya lix amiir oo ka mid ah wiilashii uu dhalay boqorkii Somalida jeclaa ee Faysal alle ha u naxariistee, taasoo la doonayo meel ammaan ah oo la mariyo Somaliland tahay meesha isha lagu hayyo, inkastoo ay wafti ka socda kasocda madaxtooyada federaalka ah oo rasmi ahayn hadda sucuudiga u joogaa sidii deeqdaas qayb wayn oo ka mid ah dekad loogaga dhisi lahaa degmada Garacad oo u dhaw Gaal Kacyo ahna halka uu ka soo jeedo Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Ugu danbayn waxaa baryahan danbe la soo xidhiidhayay xubnaha fir fircoon ee ka soo jeeda Somaliland islam markaana haysata dhalashada sucuudiga, ayaa waxaa usoo gudbiyay maal-qabeeno sucuudi ah oo codsaday inay dawladda Somaliland u soo magacawdo inuu u noqdaan qunsul sharafeedyo, kuwaasoo isku dubada rida kaalmooyinka dhaqaale ee Somaliland loo doonayo, isla markaana diyaariya booqasho ay madaxda Somaliland ku yimaadaan boqortooyada markay munaasib noqoto.

Radiohormuud

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: