SADDEX QOF OO SOMALI AH OO SAAKA BOOLISKA SIRDOONKA NORWAY U QAB-QABTEEN TUHUN AH INAY MAALGELIYAAN ARGAGAXISADA


“Xaalada Magaalada Oslo ayaa maanta aad u kacsan. Arimahani waxay dadka Somalida ah xusuusinayaan qab-qabashadii shaqaalihii Xawaaladii Albarakaat muddo shawr sanno hadda laga jooggo”

Oslo(SL.no) 28. Feb – Saaka subaxnimadii waxa Oslo lagu qab-qabtay 3 nin oo somali ah. Raggaas oo lagu tuhmay inay dhaqaalaha ka taageeraan waxay ugu yeedheen argagixisada wadanka dibadiisa ka jirta. Booliska sirdoonka Norway (PST) waxay sheegeen in nimankani jabiyeen sharciga nr. kiisu yahay § 147 b.

Sharcigan oo mamnuucaya in dhaqaale loo diro urur argagixisa ah oo wadanka debidiisa ka shaqeeya. Shirkadda somalida ee caanka ah ee la yidhaa Shabelle Telecom – Service (internettcaffe iyo Xawaalad) ayey saaka ku waabariisteen ciidankaa sirdoonku.

Saddex Nin oo kale oo arinkan lagu xidhiidhinayo ayaa iyana lagu qab-qabtay Caasimada Sweden ee Stockholm. Xaalada Magaalada Oslo ayaa maanta aad u kacsan. Arimahani waxay dadka Somalida ah xusuusinayaan qab-qabashadii shaqaalihii Xawaaladii Albarakaat muddo shawr sanno ah horteed. Dhamaan dadkii berigaa la qab-qabtay wax dembi ah oo argagixiso ku saabsan waa lagu waayay.

Dhacdadaa oo dadka somalida ah ceeb iyo sumcad xumo dusha laga saaray. Markii dambe ee lagu waayey eedayntaana, waxay noqotay odhaahda Soomaaliyeed ee tidhaahda “Been fakatay runi ma gaadho”. Ta maanta dhacdayna tii hore oo kale uun ayey u eeg tahay. Wixii war ah ee ka soo kordha waxa aad kala socon doontaan Somaliland.no

Somaliland.no

Oslo, Norway

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: