SHEEKO XIISO BADAN OO KA WARAMEYSA DHIBKA JAADKA


Hargeysa(sl.no) – Ma yaqaano Luqada shaxaadka ee lagu baadho Jeebabka dadka kale, Jaadkuna wali xadka xishoodka kama saarin, welina waa sii nool xididkii qajilaada,Sheeko Xiiso badan oo ka waramaysa dhibaatada Jaadka

Wuxuu ahaa oday reer magaal ah oo kaftan dhaadhiya. afadiisu waxay iibisaa jaadka, si masaariifta qoyska u dabarto. waayo, ma jirto il-kale oo dhaqaale ka soo gala, duruufaana waxay la wadaagaan qoysas badan oo kale kuma ah.

Sidaa aawadeed, Qawdhan wuxu u egyahay Karaamo dhawr sharaftiisa ilaashada, waxaanu si ad-adayg ku jiro ugu dhex nool yahay bulsho Qaad-qamax ah oo yaqiintoodu sahwiday.

Sidaas oo ay tahay , haddana Oday Qawdhan waa muqayil, mana awoodo inuu maalin kasta raali-geliyo naftiisa oo uu jeebka kala soo baxo Sunuud uu ku iibsado laba mijood oo jaad ah. taa bedelkeeda, oday Qawdhan wuxuu ku xisaabtamaa oo keliya mijin Jaad ah oo ay Afadiisu siiso todobaadkii Laba maalmood.

Ma yaqaano Luqada shaxaadka ee lagu baadho Jeebabka dadka kale, Jaadkuna wali xadka xishoodka kama saarin, welina waa sii nool xididkii qajilaada oo waxa ku soo neefaya dhaqankii toosnaa ee is-dhawrista qofnimo. laakiin, hadana, mar haduu u hungurooday kabadhkii Islaantiisu biilka qoyska ka soo saaraysay, Laba maalmoodna uu ka qayilo wuxuu hayaa jidkii saaxiibadii iyo dhigii oo aad u tiro badnaa qaadeen. laftiisu wuu is-ogyahay oo had iyo goor wuxuu isku canaantaa dheg-xumada Labadaa Mijood ee Jaadka ah, hadana wuu is-ilaawaa oo wuxuu is-arkaa iyadoo shucuurtiisu dhaqaajisay. dabadeedna si uu runta isu diidsiiyo wuxuu cudur-daar ka dhigtaa oo uu naftiisa ku qanciyaa, Mar hadaanaan cid kale u jabin mijina xaaskaygu I siisaa ceeb maaha. Marka dhinac laga eego, Qawdhan waa runtii oo waxay isku Marfish yihiin rag waawayn oo naanayso leh, oo hal-hayskoodii noqday, Ceeb dhinto ee waxaad cunto ha waayin.

Waxay isku Marfish yihiin dar da’dii labaad Af-miishaarnimo hiday-sanaya oo labadii baloodh isku haysta, mid kastaba markhaatiga u fura. Waxa dhiniciisa fadhiista Laba jeer bixiye Inantuu dhalay laba nin xoolo kaga qaatay oo haddana intuu khaldamay aan isu haysan. Fadhigiisa halka ka soo horjeeda waxa fadhiista oo wajigiisu hayaa Caaqil Aakhir-Samaan aan dhaqan iyo dhugtii maalin dhudiisa garan, shaqadiisuna tahay maalintii loo baahdo inuu u markhaati furo ninka madaxda ah intiisa gaarka ah. Mid, Laba iyo Saddex maaha ee waa tiro dhaaf dheg-xumada nolosha maanta. isla-markaana midba mid ka sii daran ayaad uga gudbaysaa tii hore ee aad la yaabanayd. Soddog saqiiray, Soddoh sabbaysay, Wiil Saqaafay, Inan socotay, caqli seexday, cgrasho saahiday, Iimaan selselay, mustaqbal sooggan, nolol riyootay, dhaqan suullay, hidde suuxay daaman raamsigoodu aanu seexan habeen iyo maalin, run higootay, daacad yaaban, been barartay oo barqada dharagta, ragganimo qaawan, Liite qurux leh, fiic foorara, ganacsi dhiig ah, dhego awdmay oo siigo dabooshay, dhalaan la tuuro oo bisaaska loo dhigo, cimilo dool ah oo ficilku keenay, carro sabooshay oo nafaqo wayday, roob yaraaday, xasuuqa dhirta dhuxusha noqotay, dhan kasta oo laga dayaba isbedelka dhacay, dhalan-rog weeye, dhaqanka nolosha bulshada maanta, mid haysta weeye.

Miyi iyo Magaalo meel kasta oo laba qof isugu yimaadaan mandaqadda Soomaalida ama caalamka kale bar kasta oo Soomaalidu joogto, muran malaha in caleenta Jaadkuna joogto. sidaa daraadeed, Qawdhan wuxuu isu karaa mid sed bursiinyo sida, welina Iimaanku qani yahay. Hase yeeshee, hadana, Xaraarada Jaadku waxay gayaysiisaa, inuu abuuro istacaarooyin iyo qisas u suura-geliya inay Afadiisu Jaad. maalin aan ahayn labadii maalmood ee ay mijin mijinta siiso. Wuu ogyahay waxa Islaantiisu bacadka u fadhidaa inay tahay dhuunigiisa, balse, waqtiyada qaar xusuustaasi uma shaqayso. sidaa aawadeed, waxa ka xoog bata doonista caleenta jaadka ee naftiisu jamatay. Wuu arkayaa inuu ku sii socdo dariiq khatar badan oo dhawrsoonaanta ka faydaya, Misana maalmaha qaar markuu asxaab ay iskaftan yaqaanaan arko ee ay ku balamaan Merfishka, taladu way ku baahdaa.

Maalmo badan oo asxaab ay kaftan wadaag lahaayeen ay qaad la’aantu isa seejisay way soo mareen. Maalmo badan oo uu Jiciirta Afadiisa iska ilaaliyay, kana war-wareegay inuu kal dhaafaana way badnaayeen, maalmo badan oo uu isku guhaadiyay xitaa siduu u joojin lahaa labadaa maalmood ee ay Mijinta siisaana way jireen. Maalmo badan qisas indho-sarcaad ah oo ka iib-galayay u hayay, hadana uu aamus ka door-bidayna waa jireen. laakiin, waxaas oo dhan waxa isku fuuqsaday, Arbacadii Qawdhan higooday!! Waxay noqotay maalin sheeko dheer reebtay oo halku dhegyo curisay. Waxay noqotay maalin ka tilmaaman maalmaha, waa Arbacadii Qawdhan oo qof maqlayba qosol.

Ragga waa bi’iisa, dumarkana waa badhaadhahaa la yidhiye, Qawdhan waxay maalintaa balameen saaxiibo kaftankoodu u dhadhamo. Sidaa aawadeed, waxa ku waynayd sidii uu Jaad uga heli lahaa kabadhkii Afadiisa. Xeer baa u yaala oo meel uu ka dhaafaa way yar tahay, isla-markaana waxa lama huraan noqotay inuu Marwadiisa Basra kala kaftamo meelo aanay waligood intay guriga lahaayeen ka wada sheekaysan. Dhan walba markuu u rog-rogay xaajada ee kaartamaba uu mid kale uga duminayay, wuxuu aakhirkii tallo ku goostay, inuu uga sheekeeyo Riyo aan jirin oo mala’awaal ah oo uu uga dhigay inuu xala ku riyooday. Dabcan, wuxuu raadinayay wuxuu kaga qosliyo, qalbigeeda ku godlo ku sii jeediyo, ku ilawsiiyo ladh badan oo ku oognaa, kaga farxiyo, ku tuso mustaqbal nayaayiro leh. Sidaa aawadeed, wuxuu dhisay qiso aanay farxadeedu dhoola cadayn dhaafsiisnayn. La yaab ma laha oo hore umuu riyoon jirin, tana sheegisteedu Manaam fog maaha oo mid dhow oo aan hoojin karin maskaxda Afadiisa. hase ahaatee, xaalkiisu waa ka maaran waa, waayo, adeegsiga khidadaha noocaas ah waa markii u horaysay ee uu ku dhiirado. Anteenooinka dareenka jidhkiisa oo dhan baa taagan oo yara khalkhalsan, allahayow na astur weeye xaalkiisu, sababtoo ah wuxuu cagta saaray wadadii khiyaamada. islaantiisii baa mijin jaad ahi ku keliftay inuu been u sheego.

Marka qiyaamka dhabta ah ee xayada nolosha la eego, wayso uma dhawara odayga. Hase yeeshee, sidaasaabuu budh-tuur ugu yahay duqay badan oo da’diisa ah. sifaha nolosha maantu waa mid midabo badane, Qawdhan wuxuu u luuday dhinacii Afadiisu Jaadka ku iibinaysay. Maskaxdiisu way mashquulsanayd oo waxa isku waydaaranayay boqolaal fikir oo togan iyo taban isu dhex qaadayay. “Waar isla yaab oo dib u noqo iyo waa iska caadi ee hore u soco.” Dareenba dareen buu u duqaynayay fariimaha xaaskiisa ku laacdamayay. Hase ahaatee callool adayg waa ilaahay wehelkiiye toos baanu u abaaray, dabadeedna qosol iyo iska yeelyeel ahaa dhoolaha baneeyay, oo Afadiisii Basra ku salaamay. “Eeyaahe horta hadaad ogtahay warka farxada leh ee aan maanta kuu sido, wax walba dhulkaad dhigi lahayd.” “haye oo maxaa soo kordhay Qawdhanoow,” intay tidhi ayay soo daymootay.

Jillaa fiican oo qurxinta hadalka beenta ah ku ilbaxay maaha Qawdhan. sidaa darteed, durbasoo jaleecidii ay xagiisa dhugatay ayaa wejigiisa khal-khal geliyay. Waayo, been aanu hore ugu baahan ayuu maalintaa jantay. dareenkiisa oo dhami malaha wuxuu u shaqaynayaysi aan is ogaani ku jirin. “Basraay xalay waxaan ku riyooday adigoo Malaayin lacag ah kala xisaabinaya , faras cad fuushan, shaqaale fara badani kuu adeegayo, oo aad leedahay Qawdhanoow qoladaa lacagta ka xisaabi. Markaan toosay saaka waan iska aamusayoo, waxaan u tagay Aw-ma-huraankii riyooyinka fasiri jiray, dabadeed makraan qisadii u sheegay, wuxuu igu yidhi: Waa riyo fiican, waxaanay u baahan tahay sidaa aad wax u aragtay inay u dhacdo. Markaa waa farxad wayne shaadaliga shub oo anigana iga farxi.” Intaa markuu yidhi Qawdhan, ayaa Basra oo aan isbedel ka muuqani u celisay oo ku tidhi, “Qawdhanoow intaynu wada joognay weligaa ma xalay baad riyootay?” Intaa kadib Qawdhan baa u baxayoo yidhi, “oo ma ogtahay Basraay Aw-ma-huraan wuxuu igu yidhi, dadka mar-mar dhif ah riyooda tooda waa la arkaa, laakiin kuwa habeen walba riyooda waxooda lama arko.” Intaa uu hadlayay Qawdhan kabadhkii Jaadku gacanta kula jiraayoo, wuxuu doonayay inuu hoos-hoos labada Mijood inta maaweeladu socoto ugala baxo, markaa laba hawlood ayaa dareenkiisu wada hayay. “Eeyaahe, imika ma kaa dhab baa.” Inta Basri tidhi ayay isha ku dhufatay gacantiisii oo kabadhka dhex-qaadaysay, markaasay fahamtay qasdigiisii oo ay ku tidhi, “Qawdhanoow riyo ku qayilimaysid, maantana waa lay ganaaxoo dhawr marduuf baan hayaaye iska dhig Jaadka.”

Alla naxdin waynaa, runtu u daraydaa odayga maalintaa, waayo-aduun wejiyo badanaa. walafka naftu doonis badanaa, hadana dhidid badanaa. Carabku hadalka dayn ogaa, dibnuhuna qoyaan la’aan qalali ogaa, jeeb madhnaantu nin wayn u daranaa, xeelad aanad ku xoogsan jirin u baahashadeedu, dhib iyo ceeb badanaa. Qawdhan intaa iyo in ka badan hoos ayuu isu canaantay. Dabadeedna intuu kor u hinqaday ayuu yidhi, “Basraay, faras cad maad fuushanayne iga alla dameer baad fuushanayd.”

By: Muuse Faarax Jaambiir:

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: