LABA NIN OO U KALA DHASHAY KANADA IYO JAPAN OO DUNIDA BAASKIIL KU MARAYA OO HARGEYSA SOO GAADHAY


Hargeysa(sl.no)-  Mr. Daisuke Nakanishi oo u dhashay wadanka Japan iyo Mr. John Martin Graham oo u dhashay wadanka Kanada oo ah
laba nin oo muddo sannado ah dunida Baaskeel ku marayay ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa ee
caasimadda Somaliland.

Mr. Daisuke oo safarkiisa baaskeelka ah ee uu dunida ku marayo bilaabay sannadkii 1998-kii iyo Mr. John oo isna
socdaalkiisa bilaabay sannadkii 2006, ayaa waxa ay safarkoodan hadda kaga soo ambo baxeen magaalada Addis
Ababa ee caasimadda Itoobiya, iyaga oo shalayna ka soo gudbay xuduudka Wajaale ee Somaliland iyo Itoobiya, “Anigu
safarkayga waxaan bilaabay sannadkii 1998-kii, waxaanan ka bilaabay magaalada Osaka ee wadanka Japan.
Tobankaas sanno waxaan soo maray 105 wadan oo ay ku jirto Somaliland oo aan hadda soo gaadhay.” Sidaas waxa
yidhi Mr. Daisuke Nakanishi oo shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika oo uu xaruntiisa Hargeysa nagu soo
booqday, waxaanu intaas raaciyay inay Somaliland uga sii gudbi doonaan wadanka Djibouti.

Mr. Daisuke oo la weydiiyay ujeedada ka dambaysa safarkiisan Baaskeelka ee uu dunida ku marayo, waxa uu yidhi,
“Waxaan doonayaa inaan samaysto hal milyan oo saaxiib oo nabadda jecel.”
Ninkan reer Japan oo qorshihiisu yahay inuu maro 130 Wadan oo ka mid ah dunida, waxa la weydiiyay su’aal ah
aragtidiisa Somaliland iyo shacbigeeda oo ah markii u horaysay ee uu yimaado waxaanu yidhi, “Dadka Somaliland
waxay u muuqdaan dad naxariis badan oo saaxiibtinimada jecel, aadna waan ugu faraxsanahay inaan u imaado.”
Mar la weydiiyay su’aal ahayd mudada uu ku qaatay isaga iyo saaxiibkii safarka Addis Ababa ilaa Hargeysa waxa uu
yidhi, “Maanta [Shalay] ayaanu ka soo gudubnay xuduudka, waxaanay nagu qaadatay inaanu 90km Hargeysa ku soo
gaadhno, Addis Ababa ilaa Hargeysa qiyaastii 11 maalmood ayay nagu qaadatay.”

Mr. Daisuke oo la weydiiyay inta jeer ee uu taayirka baaskeelkiisu ka banjaray mudadaas tobanka sanno ah ee uu
safarka ku jiray, waxa uu yidhi, “Aniga, waxa uu taayirkaygu iga banjaray ilaa 300 oo jeer.”

Mr. John Martin Graham oo u dhashay wadanka Kanada oo isagu bishii September ee 2006, wadanka Koonfurta
Kuuriya ka bilaabay safarkiisa ayaa la weydiiyay ujeedada safarkiisan uu Baaskeelka ku marayo dunida, waxa uu yidhi,
“Aniga ujeedadaydu maaha inaan samaysto hal milyan oo saaxiib, waxaanan ku faraxsanahay inaan samaysto hal
saaxiib, laakiin ujeedada u weyni waxa weeye inaan khibrad ka helo dhaqanada iyo wadamada kala duwan ee aan
safarka ku marayo si aan u horumariyo aqoontayda iyo waayo aragnimadayda.”

John oo ka jawaabayay su’aal ahayd siduu u arko dadka Somaliland waxa uu yidhi, “Maanta waa maalintii koowaad,
xadka ayaanu ka soo gudubnay jidkuna wuxuu ahaa dhul qurux badan, dadkuna waa dad saaxiibtinimo badan.”

John oo la weydiiyay inta jeer ee uu taayirkiisu ka banjaray mudadaas uu safarka ku jiray waxa uu yidhi, “Waxa uu
taayirku iga banjaray qiyaastii inta u dhaxaysa 75—100 jeer.”

Source Geeska Afrika

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: