Gudida Doorashooyinka Somaliland oo maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood.


Laascaanood(sl.no)- Waxaa maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool gudidada doorashooyinka Somaliland gudidan oo soo martay Gobollada kale ee Somaliland ayaa waxa ay maanta saacadu markay ahayd 12:00 duhurnimo waxa ay soo gashay Laascaanood.

Gudidan ayaa waxa ay soo martay magaalooyinka Gobolada Togdheer iyo Sanaag iyadoo hadda magaalada Laascaanood kaga timi dhanka magaalada Ceerigaabo iyo Degmooyinkan dhanka Galbeed ee Gobolka Sanaag sida Gar adag oo ay usoo dhiseen Gudidii Doorashooyinka.

Waxa ay sidoo kale hore usoo mareen Gobolka Togdheer oo ay kasoo dhiseen gudidii doorashooyina Degmo kasta o o ay tirsan Gobolkaasi iyadoo magaalada Burcona ay udhiseen gudidii iyo shaqaalihii ay ka hawl gali lahaa ee Doorashooyinka Somaliland.

Magacayada Gudida Doorashooyinka ee maanta Laascaanood yimi:-

1. Xirsi Cali x. Xasan Gudoomiye kuxigeenka Gudida doorashooyinka SL
2. Maxamed Cbadile Ducaale Xoghaye
3. Maxamed Ismaaciil Maxamed
4. Xasan MAxamed Looshade
5. Axmed Xasan Sadax (Guurtida)
6. Yuusuf Cawada (Guurtida)
7. Maxamed X. Ducaale (Guurtida)
8. Cismaan afgaab Nuur (UCID)
9. C/kariim Axmed Xiinif (Kulmiye)
10. Cumar Jaamac Faarax (UDUB)
11. Axmed Jaamac Colow (wasaarada Daahkiliga)

Hadaba gudidan oo maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood ayaa mar aanu wax ka waydiinay socdaalkoodan ku aadan imaashiyaha magalaada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ay shabakada afnugaal.com usheegeen inay tahay saddex arimood.

* Sidoo xafiisyada Gobolka ee Doorashooyinka loo dhisi lahaa iyo shaqaaleheeda.
* Sidii loo diiwaan gali lahaa shaqaalaha.
* Sidii xaalada guud ee Gobolka xog ogaal loogu noqon lahaa.

Isku soo wada duuboo gudan oo ahayd 11 xubnood oo ka tirsan Gudida doorashooyinka Somaliland kana kala tirsanaa qaybaha Xisbiyda,Guurtida,wasarada Daakhilaga ayaa waxaa lagu wadaa inay joogaan muddo labo maalmood ah ayna kusoo gabogabeeyaan hawlaha shaqo ee ka sugaya Gobolka.

Afnugaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: