Shir Jaraa,id oo uu Qabtay Madaxweyne Kuxigeenka JSL Kuna Soo Bandhigay Qaylo dhaan Abaareed

Hargeisa(sl.no)-Gobalada Bariga Somaliland ee ay ka mid yihiin Togdheer, Sanaag, iyo Sool ayaa waayahan dambe laga soo sheegayay inay abaara ba’abi saameyeen dadka iyo duunyada jiidahaasi ku nool.

Xaalada abaartaasi ayaa la sheegayaa inay ugu darantahay biyo la’aan baahsan oo ka jirta meelo badan oo dalka ka mid ah oo ay ugu sii daran yihiin Gobolada iyo deegaano ka tirsan G/awdal.

Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii ugu horaysay shaaca ka qaaday ka dib markii uu maanta M/wayne ku xigeenka S/land Mud. Axmed Yuusuf Yaasiin shir jaraa’id ku qabtay xarunta hay’ada ka hortago masiibooyinka dabiiciga ah ee Narad uu faahfaahin kaga bixiyay amuurtaasi, M/ku xigeenka wuxuu sheegay in roobabkii barafka watay ee dhawaanta ka da’ay deegaamada Baki iyo Lughaya khasaaraha laxaadka leh gaystay inay soo saareen doog iyo daaqsin ay ku soo quluuleen badiba dadkii ku noolaa deegaanada abaaruhu ka dhaceen.

Waxa kale oo uu M/ku xigeenku shaaca ka qaaday in laga bilaabo maanta xukuumadu ku amartay imaamyada Masaajiidada inay salaadaha ay tukinayaan ku daraan ala bari ilaahay lagu waydiisanayo naxariis iyo roobab nabad qaba, iyadoo marka sidaa lagu wado 7 cisho hadii wax roob ahi dalka ka di I waayo in la iskugu soo bixi doono in la tukado salad roob doon ah.

Mudane Yaasiin waxa kale oo uu sheegay inay qaylo dhaan u dirayaan Hay;adaha samo falka ee qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ahba inta ka horaysana ay xukuumadu u fidin diinto wixii tamaryeeda ah.

Waxa kale oo uu intaa ku daray inay sida ugu dhakhsaha badan xukuumad ahaan uga hawl gali doonaan samaynta riigag ceelal lagu qodo si looga raysto biyo la’aanta sanad walba soo noq noqonaysa, isla markaana ay ku dadaali doonaan in la xidho biyaha wakhtiyada guga iska qulqula ee badaha ku darsama.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: