Sheekadu macawis ka weyn

Obama oo cumaamadaysan

Tartankii ka dhaxeeyey Obama iyo Clinton ayaa imika adkaanaya. Waxaanad moodaa in uu gaadhey mid aad u heer kulul kadib markii la soo daabacay sawir laga qaaday isaga oo dhar soomaali ku labisan. Sawirkan ayaa laga qaaday 2006 mar uu booqday magaaladda wajeer. Sawirkan ayaa waxaa la soo baandhigay iyadda oo ay todobaad keli ahi ka hadhay doorashadii ay ku kala hadhayeen labada murashax ee ka dhacaysay goboladda Texas iyo Ohio.

Waxaa xiliyaddan la sugayo la sugayaa in aan waxba layskula hadhin oo wax alaale wixii suurtogal ah ee dhaawac la isku gaadhsiin karo la sameeyo. Sababta macawista Obama looga shakiyey ayaa ah in marar hore lagu tuhmay in uu muslim yahay. Obama ayaan qarin in awowgii ahaa nin muslim ah, laakiin aanu isagu ahayn. Hase yeeshee marar aan yarayn ayaa waxaa ay saxaafadda qaarkood ku eedeeyeen in uu wax qarsanayo oo wax u qarsoonyihiin.

 

Guud ahaan ayaa imika waxaa tartanka murashaxnimadda demokoraatiga horeeya isaga oo 11 gobol oo isku xiga kaga badiyey haweeneyda uu la tartamayo ee Clinton. Sawirkan ayaa aad uga xanaajiyey taageerayaasha Obama, oo ka warwarsan in wiigagan soo socda seefaha galka laga saari doono oo aan waxba la iskula hadhi doonin.

Waxa kale oo iyaduna jirta in maalintii sabtida ahayd ay Clinton aad u dhaleecaysay Obama oo ay tidhi been abuur ayuu iga samaynayaa.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: