Ciidan iyo Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland oo gaadhay Badhan


Ceerigaabo(sl.no) Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland mudane, Cali Maxamed Qoorseef oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ayaa xalay saqdii dhexe si nabad gelyo ah ku Gaadhay Magaalada Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Ogaal ee Gobolka Sanaag Cabdilaahi Xuseen Darwiish galabnimadii Jimcaha ayuu Wasiirka Kaluumaysigu gaadhay magaalada Ceerigaabo, Islamarkaana waxa uu tilmaamay in u jeedada Socdaalkiisu la xidhiidho sidii uu u tegi lahaa deegaanada bariga Sanaag. “Hawlaha gobolka ayaan u socdaa waxanna u baxayaa xagga bariga saxaafaddana marka aan soo laabto ayaan u warrami doonaa”Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

Gelinkii danbe ee Shalay ayaa Wasiirka Kaluumaysigu uga baxay Magaalada Ceerigaabo dhinaca bariga Sanaag (Badhan). Ka dib markii uu muddo laba maalmood ah shirar gaar ah la yeeshay waayeellaka iyo waxgaradka beesha bariga Sanaag oo uu ka soo jeedo, kuwaasoo la sheegay in qaarkood soo jeediyeen in Wasiirku u baxo Deegaanada Bariga Sanaag iyadoo aanay wehelin wax ciidamo ahi.

Warku waxa uu intaa ku daray in Deegaanada Bariga fog ee Gobolka Sanaag ay ka jiraan maleeshiyaad taageera maamul-goboleedka Puntland, Hase ahaatee wararkii ugu danbeeyay ee xalay saacadihii danbe naga soo gaadhay Gabolkaasi waxa ay tilmaamayaan in Wasiirka oo ay weheliyaan qaar ka mid ah gaadiidka qalabaysan (tekniko) iyo madaxda ciidammada Qaranka ee fadhigoodu yahay magaalada Ceerigaabo ay gaadheen magaalada Badhan iyadoo aan wax dhibaato ahii ka dhicin ilaa hada inta la ogyahay. In kastoo si weyn looga walaacsanaa isku dhac ka dhasha socdaalkan.

Dhinaca kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay xaqiijinayaan in saraakiil iyo ciidammo ka tirsan Puntland ay iyaguna ku suganyihiin degaanno ka mid ah degmada Badhan ee bariga Sanaag kuwaas oo sida la sheegay isu diyaarinaya sidii ay isu hortaagi lahaayeen wafitaga Wasiirka Kaluumaysiga.

Wasiirka Warfaafinta maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxman Maxamuud Bangax oo shalay wax laga weydiiyay dhaq-dhaqaaqyada Bariga Gobolka Sanaag ayaa waxa uu ku dooday inuu Jiro Ciidamo ka tirsan Maamulkooda iyo Ciidamo Somaliland ahi ay isku horfadhiyaan deegaanka ka tirsan Bariga Gobolka Sanaag, Islamarkaana in kasta oo aanu soo qaadin socdaalka Badhan ee Waftiga Wasiirka Kaluumaysiga ee Somaliland, hadana meesha kamuu saarin isku dhac ciidan oo uu sheegay inay suurtagal tahay.

Bishii afraad ee sanadkii hore ayay ahayd markii Wafti Wasiiro iyo Hay’adaha Samafalka isugu jiray ay gaadheen Deegaanka Degmada Dhahar waqtigaas oo ay soo weerareen maleeshiyaad taabacsan Puntland.

Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: