Badhan oo Xalay Ganata u Gashay Somaliland

Ceerigaabo(sl.no) War deg deg nagu soo gaarey ayaa waxa uu tibaaxayaa in caawa magaalada Badhan ee xarunta Beesha Warsangeli ay gacanta u gashey Maamulka Somaliland iyadoo dhamaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Badhan ay kedis ku noqtey qabsashada Magaalada.

Ciidamada Somaliland oo ku hubeysan baabuurta gaashaaman oo gelbinayaan 3 nin oo u dhashey beesha Warsangeli ayaa si buuxda caawa gacanta ugu dhigey xarunta Beesha.

Qabsashada magaalada Badhan ee xarunta beesha ayaa waxay ku dhacdey kedis kadib markii ay ciidamadii Beesha ay ka maqnaayeen iyadoo intii ku harteyna aysan muujin wax iska caabin ah.

Warka ayaa intaa ku darayaa in tirada tiknikada ah ee soo gashey magaalada Badhan ay gaarayaan 18 gaari oo tikniko ah iyo dhowr kale oo xamuul ah.

Lama garanayo ciidamadii deegaanka meesha ay ku danbeeyeen iyadoo ay hore ciidamadaasi difaac ka galeen buuraha Hadaaftimo.

Badhan oo aanu isku dayney inaanu la hadalno ayaa noo suurtoobi weydey iyadoo ay xili danbe tahay.

Lasqorey

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: