Wararkii Wargeyska Ogaal Cadadkiisii Maanta oo Sabti ah 23.02.08


Gobolka Sanaag waa gobolka ugu balaadhan gobolada Jamhuuriyada Somaliland, waana gobolka ugu xeebta dheer gobolada dalka, isla markaana leh

Wasiirka Deegaanka oo ka hadlay Ugaadhsato Carbeed oo dalka laga saaray

“Sharciga yaalaa waxa weeye, Haddii Ugaadhsato meel tagto oo ay ku horayso, kuwo kale inay ka daba tagaan ma ogolin,”

“Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku dalka iyagaa xukuma, oo aniga markay amar I siiyaan ee ay yidhaahdaan Laba Deero bixi waa amarkooda in aan qaato oo bixiyo laakiin,”

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka Md. Fu’aad Aadan Cadde ayaa Qiray in mudooyinkii ugu danbeeyay Sadex kooxood oo Ugaadhsato Carbeed ahi ay dalka yimaadeen. Islamarkaana waxa uu ku dooday inaan kooxahaasi Ugaasigoodu ku ekaa mudada ay joogaan waxay Cunayaan.

Mudane Fu’aadan Cade waxa uu sheegay in Toban Ugaadhsade oo uu ku tilmaamay inay markii hore dalka sharci daro ku soo galeen loo ogolaaday in ay Goobo cayiman ka ugaadhsadaan, balse markii danbe ee ay xadgudbeen ayuu yidhi ayaanu dalka ka saaray.

Waxaana uu sidaa ku sheegay Wasiirka Deegaanku, Waraysi uu Wargeyska Ogaal xalay khadka Telefoonka kula yeeshay. Waraysigaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhacay sidan: –

S: Wasiir, waxaad nooga warantaa nimanka Carbeed ee aad ruqsada u siiseen Ugaadhsiga, ee hadana laga joojiyay iyo waxyaabaha sababta u ah?

J: Horta sharci baa dalku leeyaha, sharcigaasina waxa weeye ninka Ugaadhsadaha ahi inta aanu iman ee uu dalkiisa joogo, inuu Wasaaradda horumarinta Miyiga iyo Deegaanka iyo Xukuumadda ruqsad ka qaato, haduu iska soo dego waa dambiile. Nimankani iyaga oo aan wax fasax ah oo ay naga qaateen jirin guud ahaanba ayay soo dageen iyaga oo badan, toban shimbirood wata oo Toban nin ah. Ka dibna Berbera ayaan la hadlay, waxa lay sheegay inay magaalada yimaadeen niman wata gaadhi. Dabadeedna dee waad garanaysaa Somaliland rag baa yidhi annagu waxaanu rabnaa xagga Bulaxaar, sharciga yaalana waxa weeye, haddii qolo (ugaadhsato) meel tagto oo ay ka horayso hadday wax qabtaan kuwo kale inay ka daba tagaan ma ogolin, annaga oo deegaanka dhawrayna. Sababtu waxa weeye haddii meesha cagtu ku badato, gaadiidku ku badato, ugaadha cusub ee hadda inoo soo gashay meesha way ka cararaysaa, shimbirihiina waa guurayaan. Dabadeedna, sharci baanu soo saarnay ah meesha qolo tagto qolo kale ma tegi karto. Si kastaba ha ahaatee, odayaal waday oo reer Berbera ah ayaa yidhi: “Waar xagan Galbeedka.” Waxaan idhi, waa la joogaa, ka dibna waxay keliftay 35km in aan idhaahdo ha dhaafina. Maalintii ku xigtayna waxaan ka war-helay inay 170km socdeen. Dabadeedna ciidan baan u diray iyo Laba Sarkaal oo Wasaarada ah, waana la soo kexeeyay. Ka dibna shalay bay tageen. Marka Laba shardi baa jabay. Ka koowaad iyaga oo aan fasax sidan bay yimaadeen. Laba: meeshii aanu u cayinay way ka tageen oo meel qolo hore joogtay ayay tageen. Midda kale markay yimaadaan su’aal baanu waydiinaa, taasoo ah Maxaad dadkan u qabanaysaan? Ugaadhaa yar ee iminka uun timi iyo shimbirahan yar yar ee aan guurin sida Idahana mar wada dhala hadaad tidhaahdaan waa ugaadhsanaynaa dalka, dadka iyo deegaanka maxaad u qabanaysaan, wax alla iyo waxay la yimaadeen ma jirto. Annana maanta nin inta uu meel ka yimaado aan waxba na tarayn ee waxayagii yaraa iyo ugaadha hadda noo soo noqotay iyo shimbirahayaga iska cunaya ma ogolin. Markaa intaasaa dhacday, way iska tageen wax dhibaato ah oo gaadhayna ma jirto.

S: Ma qolo hore oo ugaadhsato ah oo Ajnabi ah ayaa xagan Bulaxaar sii joogtay?

J: Qolo hore ayaa sii joogtay, waxa wadatay dhalinyaro meeshaa u dhashay oo Somaliland u dhashay, reer Abu Dubai-na ah. Dabadeedna iyagu intaanay iman bay fasax naga qaateen, markay yimaadeen ee aanu nidhi maxaad dadka u qabanaysaan? Si fiican bay uga jawaabeen, waxay tageen meesha la yidhaahdo Xagal Guri martiyeed ayay ka dhisteen, Bulaxaar bay tageen Lix Malcaamadood bay u dhiseen, Ceel Sheekh bay tageen Ceel bay ka qodeen, Toban nin oo reer Miyi ah ayay Sanad walba Xajka u dirayaan, Sheekh-na Guri bay ka dhisanayaan, Annagana Guri bay Berbera nooga samaynayaan, Mishiino aanu Geedka garan-waaga ah ee dhulkii qabsaday kula dagaalanana way noo keeneen, waa niman garanaya shimbirtu markay dhalayso inay xaaraan ka tahay. Waa niman aan dilayn Deerada, Saddexdii maalmoodna mid baa loo ogol yahay, Deeradaas loo ogol yahayna maaha Dhedig ee waa Lab. Waayo, sida Orgida mid baa wuxuu ku filan yahay inuu nin u noqdo. Shimbiraha Labadii maalmood mid baanu u ogolahay. Nin yaqaan baa la socda oo hadday dhalayso waa la sii daynayaa, markaa niman sharcigii ku taagan, dadkii wax u qabanaya, qabiilna aan ahayn ee niman yar yar ah oo kuligood halkan ku wada dhashay oo innaga inaga socda, oo geel bay ku leeyihiin Abu Dubai oo ugu dhaqan. Nimankaas ayaa jooga waxyar bay joogeen dabadeedna way noqdeen, waanay soo noqonayaan iyaga oo waxqabad samaynaya. Haddii meeshii maalin walba la tagana waa nabaad-guuraysaa, deegaankiina waa baaba’ayaa oo baabuur bay wataan.

Jaraa’idka qaar baa qoray reer Boqor baa lala heshiiyay, qolodanaaba uga dhawaydee wax reer Boqor ah oo lala heshiiyay oo sharci gaar ah loo sameeyaa ma jirto.

S: Ka Wasaarad ahaan Ugaadha ama Shimbiraha intee in le’eg baad u ogoshihiin nimankaasi inay dalka kala bixi karaan?

J: Jiirka ma taqaanaa, Jiir lalama bixi karo, iska daa ugaadh kale’oo.

S: Markaa ujeedada ugu wayn ma in yar oo ay lafahooda u cunaan ayay doonayaan baad ku doodaysaa?

J: Inay Shimbirahoodan iyo waxoodan cunaan oo magaaladiibaa laga soo cararoo, miyigaa la joogo oo dab la shito weeye ujeedada ugu wayni. Boolis baa la socda, Wasaaradayadaa la socota, kuwaasi hadday khalad sameeyaana, sharci baa ka yaala, oo intii lagu amray hadday dhaafaan kuweena innaga inoo shaqeeya ayay gef ku tahay.

S: Guryahan iyo xafiisyada ay samaynayaan ma intaa yar ee ay cunayaan darteed ayay u fulinayaan Wasiir?

J: Haa. Waxay doonayaan inay dagaan dalka oo Beero ka sameeyaan, oo waxay ka heleen jawiga, waxay ka heleen dadka. Laakiin, waa mamnuuc, oo hilib kama qaadan karaan, ugaadh aynu leenahayna lama qaadan karo, haddii la qaatana waa Tuugo iyo Kootarabaan.

S: Nimankan aad dalka dib uga celiseen ee shimbiraha watay, markii horena aad sheegtay inay sharci-daro ku soo galeen ma wax ganaax ah ayaad saarteen, hadaad saarteena waa intee in le’eg?

J: Haa. Markay yimaadeen, sharci daro ayay ku soo galeen, 24 saacadood iyaga oo joogaan u goynay. Waxa weeye in Saacadii midkii laga qaado $5. laakiin, waad inaga taqaanaa niman baa waday. Ka dibna waxa la yidhi $2.

S: Markaa tan aad ugu fasaxdeen Dhowr iyo Soddonka Kiiloo mitir markii dambe imisaad ka qaadayseen maalintii?

J: Shilin lagama qaadin.

S: Had iyo jeer Wasaaradaadu waxay ka caban jirtay in aanay miisaaniyad buuran lahayn, isla-markaana waxay hawlihii ku qabataa aanay jirin, iminka taasi ma soo yara kobcaysaa ayaad u malaynaysaa Wasiir?

J: Walaahay annaga waxa na kobcinaya ninka na yidhaahda xafiiskaasaan idiin hagaajinayaa ama xabad koombiyuutar ah ayaan idiin keenayaa, taasaa koboc noo ah, oo xafiisyadayada waad aragtay. Wax dhaqaale ahna waxay bixiyaan Booliska la socda iyo shaqaalaha Wasaarada ee la socda waa laga yaabaa Masaariif inay siiyaan. Faa’iidada kale ee dalka ugu jirtaa waxa weeye, gaadiid bay kiraystaan, dee kollay gaadiidkaa iyaga waxaana wax way ka soo galaan. Laakiin, annagu wax la taaban karo oo dalka loo qabto ayaan ka doonaynaa, ee wax qof jeebkii galay wax inooma aha. Markaa waxa weeye, innagii baa cuqdadnay, oo nin waliba wuxuu ku odhanayaa gobolka aan dhalasho ahaan ka soo jeedo deegaankaygii baan gaynayaa. Annaguna waxaanu leenahay waar Adeer dawladaa idiin balan qaadaysee, meel walbana ugaadhii iyo shimbirihii waa joogaan. Markaa taa lafteeda waan la dagaalamaynaa, reer hebel baan ahoo meel heblayaan tagayaa. Dalka waa in la aaminaa, oo ninka nimanka soo kexeeyay sharciga yeelaa, oo meesha la yidhaa tag uu tagaa.

S: Muddooyinkii u dambeeyay arrintani way soo noqnoqotay qolyahan doonayay ugaadha sida aad sheegtay i imisa kooxood weeye?

J: Ilaa hadda waxa yimi Saddex kooxood.

S: Kuwan aad erideen mooyaane hadda labadii kale ma mid baa ku sugan dalka?

J: Hadda midina kuma sugna.

S: Ma qolaa soo noqonaysa?

J: Haa qolaa soo noqonaysa, qoladaa balanka qaaday. Qolada kale Toban cisho ayay joogeen, oo waxaanu u dirnay dhinacaa Buuhoodle iyo deeganadaa ku xeeran, iyagu qudhoodu waxay bay tareen, oo lacag bay bixiyeen, dadna dhakhtar bay geeyeen. Markaa shacabkay wax u qabteen oo aan wax muuqda raad reebaya ahayn.

S: Wasiir hore waxa u jirtay in sanadihii Alle ha u naxariistee Marxuum Cigaal uu joogay, waxa jirtay qolo ugaadhsato ah oo ka socotay dalka Qadar, kuwaasoo ugaadh badan qaatay, isla-markaana uu sheegay inuu waxoogaa hadyad ah la siiyay, markaa hadalkaagan iminka miyaan loo qaadan Karin kii wakhtigaas uun?

J: Wakhtigii Cigaal joogay, anigu Mucaarad baan ahaa oo raggii ku qaylinayay baan ahaa, Madaxweynuhu wuu fasixi karaa wax hadyad ah. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku dalka iyagaa xukuma, oo aniga markay amar I siiyaan ee ay yidhaahdaan Laba Deero bixi waa amarkooda in aan qaato oo bixiyo. Laakiin, nama soo marin. Nimanka noo imanayaana waxay ku egyihiin Saddexdii maalmood xabad Deero ah. Labada maalmood ee kalena xabad Shimbir ah. Markaa sidaasaan u ilaalinaa. Wixii aan Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiirku ogayna waa xaaraan iyo Kootarabaan. Waxayagiina in meel kale lagu beero annaga ayaan ogolayn

S: Laakiin Wasiir haddii heshiis lala galo shirkado caalamiya in laga iibiyo ugaadha oo la dhoofiyo ka waran iyada?

J: Markay tartanto ee ay meel gaadho, iyada lafteeda oo la qorsheeyo, waxa jira qaar aan la taaban Karin, cidina fasixi Karin oo waxa ka mid ah Dameer Dibadeedka, Digaaga, Cawsha, oo iminka qofka Cawl ama Gorayo dilaa waa qof Toban nin dilay oo waa xaaraan haba yaraatee.Garanuugtuna waa la mid. Oo Deeradii badnayd baanu Saddexdii maalmood mid fasaxnay, oo ninka ugu badani Toban maalmood ayuu joogaa, Saddex Deero oo Lab ah wax ka badan cid cuni kartaa ma jirto, waa lakala yaqanaa oo way kala wayn yihiin. Markaa Adeer laga hadli maayo wax la qaatay oo waa Kootarabaan.

Gudoomiyihii hore ee Komishanka oo kulla taliyay Gudiga doorashada inay dhiiraan yeeshaan

“Waxay nagu yidhaahdeen markii la magacaabay, innagu iskumaynaan dhicine, bal wixii talo ah inaad na siisaan ayaanu doonaynaa oo aanu mar idiin yeedhno, laakiin Waxaan aaminsanahay in loo diiday. matalan hadaad intaa ka cabsanaysaan wax badan oo adag hadhow ka bixi kari maysaan ”

Hargeysa (Ogaal) – Gudoomiyihii hore ee Komishanka Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa waraysi uu siiyay Tv-ga Madaxa banaan ee Somaliland TV kaga waramay waaya aragnimadooda doorashooyinkii la soo dhaafay, Islamarkaana waxa uu u soo jeediyay Gudiga cusub ee doorashada inay ku dhiiradaan qabsashada hawshooda.

Caddami oo la weydiiyay in ilaa hada Gudiga cusub ee Komishanku wax talooyin ah ka soo weydiiyay hawsha ayaa waxa uu yidhi. “Annaga iyo Komishanka cusub wax naga dhexeeya oo xumaan ahi ma jiraan, … waxaan u rajaynayaa khayr iyo in Ilaahay waafajiyo dariiqa saxa ah. Laakiin, Eraygaan sheegayaa waxa weeye, waxay nagu yidhaahdeen markii la magacaabay, innagu iskumaynaan dhicine dawladaad isku dhacdeen. Markaa, bal wixii talo ah inaad na siisaan ayaanu doonaynaa oo aanu mar idiin yeedhno, Waxaan aaminsanahay in loo diiday, ka been sheegi maayo mana dafirayo, mana rabo inaan magacaabo. Laakiin waxaan aaminsanahay inay sidaa yeelisnaayeen. Annagoo xitaa ummada maqashiinaya. matalan hadaad intaa ka cabsanaysaan wax badan oo adag hadhow ka bixi kari maysaan dhiirrada Aakhiro nin godka kuu raacayaa ma jiro. Mida kale, wax magacaaga ka qaalisani ma jiro, iyagana waxaa u qormaysa taariikh, waxaanay masuul ka yihiin marka ay kursigaa ku fadhiistaan Komishan madaxbanaan oo Somaliland ah. Kulmiye ma tihidin Ucid-na ma tihidin, Udubna ma tihidin, Madaxaweynena shaqo idinkuma laha, waxaanse ka naxay markaan arkay in lagu dhaarinayo Madaxtooyadii, iyagu ma dalban oo may odhan Madaxtooyada ayaa ka awood roone halanagu dhaariyo. Laakiin, way dhacday, waxyaabo badan oo aanan rabin inaan sheegaana way muuqanayaan. Waxaan u rajaynayaa oo aan la jeclahay inay doorashadaa soo socota ku guulaystaan, waxaan u danaynayaa dalka iyo Ummada taasaa dani iigu jirtaa.”

Mudane Cadami oo la weydiiyay waxa sababay sidii qalafsanayd ee xafiiska looga xidhay iyaga dad badani u arkayeen inay waxbadan qabteen ayaa waxa uu yidhi. “Waxay dawladu doonaysay oo ah Komishan maaqaar saar ah ayaanu diidnay. Komishan xor ah oo xalaal ah oo aan u liici karin dhinaca dawlada ayaanu noqonay, wax kale oo aanu ku mutaysanayna ma jirto. Awaamiirtii dawlada ayaanu siday tahay u fulin weynay, iyadaa badisay oo doorashadii heshay, Isagaa (Madaxweyne Rayaale) ku soo baxay. Markaa, waxa kaliya oo aanu ku mutaysanay waa nin midiidin ah oo lagu shaqaysto oo isagu if iyo aakhiraba danbiga dusha u rita oo ammaan iyo raali gelin madaxeed kursiga u fadhiya, kuwaa ay iyagu wax u fasiraan ayaanu noqon weynay. Taasaanuna ku mutaysanay meeqaamkii lanagula kacay iyo dhaqan xumadii lanagu sameeyay. Waxaase na ilowsiinaya oo aanaan aad ugaga gubanayn garashadii aanu markii horeba garanay inaanaan cidnaba midiidin u noqon ayaa nagu jirta. Isku kalsoonidii aanaan u iibinayd damiirkayaga ayaa nagu jirta. Mar hadaan ummada Somaliland na haaraamayn qof iyo xisbi haaraankooda diyaar ayaanu u ahayn laakiin inta badan ayaanu raacaynaa”

Gudoomiyihii hore ee Komishanka doorashada oo wakhtigan ka mid ah Xisbiga Kulmiye ee mucaaradka ah ayaa waxa uu sheegay in dhinacyadii isku hayay doorashooyinkii la soo dhaafay ee ay dhexdhexaadinayeen inay arrimo badan kala soo kulmeen. Islamarkaana waxa uu dadweynaha Axsaabta iyo dawladaba ku dhiiri geliyay inay si weyn isaga xilsaaraan sidii hab nabad gelyo ah ay ugu dhici lahaayeen doorashooyinka soo socda oo uu ku tilmaamay Imtixaankii ugu danbeeyay.

Dhulkii Awliyada,Dayaca Hadheeyay,Khayraadka Ku Duugan,Dareen La”aanta Xukuumadda Iyo Damanaanta Dadweynaha.

Warbixin:-Liban M.Shire Suxufi Madax Banaan.

Gobolka Sanaag waa gobolka ugu balaadhan gobolada Jamhuuriyada Somaliland,waana gobolka ugu xeebta dheer gobolada dalka,isla markaana leh deegaan ka kooban buuraley ay ka mid tahay buurta ugu jooga dheer dhulweynihii la isku odhan jiray Soomaaliya,dhul beereed iyo dhul daaqsimeed aad u baaxad weyn.

Waa gobol hodon ku ah ama leh khayraad dabiici ah sida xoolaha nool iyo geedka loo yaqaan beeyada,labadaas oo ah khayraadka dabiiciga ah ee ay sida weyn ugu naaloodaan dadka reer Somaliland gaar ahaana dadka reer Sanaag.

Marka laga tago hor dhaca warbixintaa gobolka Sanaag waxay ahayd 8-dii bishan labaad ee sanadkan 2008-dii markii aanu socdaal qaatay muddo sagaal maalmood ah aanu kaga baqoolnay caasimada Hargeysa aniga iyo laba oday oo ka mid ah qurbo jooga reer Somaliland ee ku dhaqan waqooyiga Ameerika kuwaas oo kala ah Cali/Khadar Xasan Cismaan oo lagu naanayso Cali Kubad iyo Maxamed Bootaan Wacays anagoo u sii jeedna gobolka sanaag.

Waa gobol go”doon ka ah dhinac walba gobolada kale ee Somaliland haday tahay xaga wadooyinka iyo adeegyada kale ee arimaha bulshada, ma laha wadooyin tusaale ahaan marka looga leexdo dhinaca gobolka Sanaag tuulada ina Af-Madoobe ee gobolka Togdheer ee laamigu uu maro waxaad ku dhacaysaa jid cade dhererkiisu gaadhayo ilaa 30-KM,jid cadahaas oo ah mid aad u rafaad badan waxa ku dhawaaqay dhismihiisa M/weyne Riyaale in wado loo sameeyo gobolka Sanaag ka dib socdaal uu ku tagay dabayaaqadii sanadkii 2002-dii wax yar ka dib markii uu M/weyne Riyaale kursiga ku fadhiistay ama wax yar ka dib geeridii M/weynihii hore Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,hase yeeshee dhawaaqaasi M/weyne Riyaale ma noqon mid taaba gala ilaa hada isla markaana lama oga meel ay ku dambeysay qaadhaankii lacageed ee dhawrka miisaaniyadood xukuumadu ugu dartay iyo kuwii loogu yaboohay wadadaasi loo qoondeeyay in loo sameeyo gobolka sanaag,waxayna wadadaasi ku dambeysay faro farayn yar ka dib xilliyadii doorashooyinka goob la iska ilaawo,taaso dhibaato adag ay kala kulmaan in badan oo socoto ahi.

Marka laga yimaado jid cadahaas wadada gobol sanaag gaar ahaana xarunta gobolkaasi waxa loo sii mara wado adag oo qiyaas dhan ilaa ku dhowaad 400-KM u jirta laamiga.

Xaga arimaha bulshada sida waxbarashada iyo Caafimaadka waa gobol aad uga dambeeya dalka intiisa kale ma laha gobo caafimaad oo si taabo gal ah uga hawlgala inta badan deegmooyinka galbeedka iyo waqooyiga gobolka Sanaag marka laga yimaado cisbitaalka magaalada ceergaabo oo isagana aanu jirin dhakhaatiir ka hawl gasha,kaasoo dhawaan ay taageero dhaqaale oo ay u soo ururiyeen qurbo jooga reer Somaliland gaar ahaan kuwa gobolka sanaag lagu dhaqaajiyay isla markaana guddi reer sanaag ah ay iskood isu xilqaameen dhaqaajinta adeegyada cisbitaalka magaalada Ceergaabo, kama jiraan MCH-yo iyo adeegyo kale oo caafimaad waxaana tusaale la taaban karo ah degmada ceel-Afweyn oo ah degmo qadiimi ah malaha cisbitaal isla markaana ma jiro MCH- ka hawl gala sababtoo ah wuu ku yaala dhisme MCH loogu talo galay oo dhiskiisu aanu waxba qabin laakiin waxa la ii cadeeyay in dhismahaa loogu talo galay MCH-ka uu degan yahay nin iyo qoyskiisa mudo dhawr iyo taban sano ah kaas oo u dhashay degmada Cel-Afweyn waxayna dadka reer sanaag adeeg caafimaad u soo doontaa gobolada galbeedka Somaliland iyo dhinaca magaalada boosaaso ee maamul-goboleedka Putland ee Somaliya.

Waxaanay arintaasi dhibaato culus ku tahay boqolaad bukaan socod iyo bukaan jiif ah oo ka soo jeeda deegaamada gobolka Sanaag.

Dhinaca waxbarashada waa kala mid xaga caafimaadka hadii laga tegi waayo waxa degmooyinka waaweyn ka jira iskuulo ay qaadhaan dhaqaale ka geystaan dadka deegaamadu,hase yeeshee ma jiraan iskuulo ay si joogto ah gacanta ugu hayso wasaarada waxbarashadu tusaale ahaan magaalada Gudmo-Biyo Cas oo ah magaalo qadiimi ah isla markaana hoy u ah ganacsiga beeyada waxa ku yaala iskuul ka kooban ilaa lix fasal oo mid mooyaane aan inta kale lagu shaqay isla markaana waxa iskuulkaa dhigta ilaa fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe oo fasalka ay ugu yartahay ay dhigtaan ilaa shan iyo taban arday waxaana iskuulkaa ka hawl gala hal macalin oo sideedaa fasal keligii uu wax baro, “iskuulkan aniga oo qudha baa macalin ka ah waa iskuul ilaa dugsiga hoose ilaa dugsiga dhexe ka kooban ma jiraan macalimiin kale oo ka hawl gasha mana jiro kaalmo dhinac walba ha ahaatee oo iskuulku uu ka helo maamulka waxbarashada ee heer gobol iyo mid dhexe”…sidaa waxa yidhi Prof Qaasim Awsaax oo ah macalin ka mida macalimiintii u horeysay ee reer Somaliland oo xiliga macalin si tabaruc ah mud dhawr iyo tiban sano ah wax uga dhigayay dugsi ku yaala magaalada Gudo Biyo Cas oo 92-KM dhinaca W/Galbeed ka xigta magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Waxaanu Prof Qaasim intaa ku daray “Waan la sameeyay xidhiidh maamulka waxbarashada ee gobolka Sanaag laakiin waxay ka qabteen cabashadii aanu u gudbinay ma jirto sidoo kale koox wasiiro ah oo koljad ku yimi deegaankan iyo kuwo keli keli ku yimiba waanu la socod siinay xaalada dhabta ah ee xaga waxbarashada ee ka jirta Gudmo Biyo Cas balse wax nagaga soo noqday cabashadayadii majirto ilaa iyo hada.” Ayuu yidhi Prof Qaasim Awsaax.

Xaga abaaraha iyo biyo dhaamiska ka jira dhulkaasi in kasta oo aan weli la arag dad u dhintay,hase yeeshee waxaan Ceel u dhow magaalada Gudmo-Biyo-Cas oo la yidhaahdo Dhoobo waxaan kula kulmay qoys ka kooban laba iyo toban qof oo ka soo xerooday miyigii ka dib markii ay ku caydhoobeen abaaraha ka jira deegaankaasi isla markaana ay ka madheen xoolihii “Xoolihii way naga madheen ka dib markii ay waayeen baad ay cunaan,waxaanan aabo u ahay qoys ka kooban toban iyo dheeraad.” Sidaa waxa yidhi Aabo ka gaabsaday in magaciisa la sheego oo ku sugnaa ceelka magaciisa la yidhaahdo Dhoobo oo dhinaca waqooyi 45-KM ka xiga magaalada Gudmo-Biyo-Cas.

Waxaanu raaciyay “Ma jirto ilaa hada wax mucaawimo ah aanu helnay marka laga tegi waayo dadka deegaanka oo na kafaalo qaatay iminka dadka deegaankuna waa nala mid oo iyaga laftooda ayaa qarka u saran inay qaydhoobaan hadaan raxmad cireed la helin waayo xili adag oo xoolihii wada istaageen markii ay baad waayeen baa lagu jiraan.” Ayuu yidhi Odaygaa aabbaha u ah qoyskaasi caydhoobay ee ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Ayadoo arimahaas oo dhami jiraan ayaa hadana waxa xiliga faro ba’an ku haya lacag faalso ah oo noodhadh shilin Somali ah oo lagu soo daabaco dhinaca maamul goboleedka Putland,taas oo lagu qaato khayraad badan oo gobolku hodon ku yahay sida beeyada,adhiga iyo waqtigan oo ganacsato reer Putland ahi ay bilaabeen inay hantida ma guurtada ah ee magaalooyinka waaweyn sida Ceergaabo ku iibsadaan lacagtaasi faalsada ah waxayna arintaasi cawaaqib xumo ku tahay dadka reer sanaag ee aan ka filayn xukuumadooda inay kala dabaalato duruufahaasi qalafsan.

Gobolka Sanaag waa hayga mashaa’iikh doora oo ay ka soo farcameed dadka reer Somaliland iyo kuwo kawo kale oo ka soo jeeda mandaqada geeska tusaale ahaan waxa ku aasan dhawr sheekh oo waaweyn sida Sheekh Isxaaq Bin Axmed, Sheekh Ciise Axmed,Sheekh Samaroon iyo mashaa’iikh doora oo isugu jira kuwo ka sii farcamay kuwaa iyo kuwo la majaaliisi jirayba.

Dhulkaa ma’shaa’iikhdaasi ku aasan tahay waa dhul ay ka muuqato aataar qadiimi ah oo aan la sugi Karin taariikhaha ay ka soo jeedaa iyo sooyaalkooda dhabta ah,hase yeeshee waa dhul hodon ku ah khayraad badan oo aanay lahayn gobolada kale ee Somaliland sida geedka Beeyada,waxyaabaha kale oo deegaankaasi godon ku yahay waxa ka mida xaga biyaha waxaadna arkaysaa webiyo biyo ah oo socda gu’ iyo jiilaalba waxaana togagaas ka mid kuwo ay is barbar socdaan biyo macaan iyo biyo qadhaadh,Biyo kulul iyo kuwo qaboow oo dheega isku haya ama aanay jirin wax u dhexeeya socodkoodaa waxaana ka mid haroonyinkaa sida harada ku taala Gudmo-Biyo-Cas iyo qaar kale oo badan,waxa kale oo intaa dheer deegaankaasi waa hoyga noocyada kala duwan ee ugaadha sida Deerada,Gorayada, iyo noocyada kala duwan ee ugaadha mana aha deegaan lagu ugaadhsado ugaadha waayo dadka deegaanka ayaa si weyn u ilaaliya ugaadhaas laakiin dhulkaasi leh khayraadkaa dabiiciga ah oo weliba xoolaha noolna ay koowada ka tahay waxa ku gadaaman dayac xoogan oo hadheeyay qaybaha kala duwan ee deegaanka iyo dadka ku dhacan tusaale ahaan ma jiraan baadhitaan lagu sameeyay taariikhda aataarta ku duugan dhulkaasi sidoo kale lama hayo tirada ma’shaa’iikhda ku aasaan dhulkaasi iyo inta qarni ee ay soo gaadheen.

Waxa intaa dheer khayraadkaa iyo aataartaa dhulkaasi uu hodonka ku yahay ma jiraan cid gaara iyo xukuumada xil iska saartay sidii loo ilaalin lahaa macluumaadkaasi kala duwan isla markaana baadhitaan ku samaysay.

Guntii iyo gebagabadii gobolka Sanaag waa hoygii awliyada oo aaboyaal kumanaan sano laga soo farcay ay ku duugan yihiin,hodon ku ah khayraad kala duwan oo dabiici ah,hase yeeshee waa gobol aan ceelna u qodnayn cidna u maqnayn marka laga eego dhinac walba wuxuuna khatar u yahay inuu dhaxal wareego haddii aan looga gurman sida uu waqtigan ku sugan yahay.

Burco: Munaasibad Lagu aasaasay urur cusub

Burco (Ogaal)- Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, xisbiyada mucaaridka iyo urur-siyaasadeedka QARAN, ayaa dood iyo hadallo duurxul ah isku weydaardsaday munaasibad loo qabtay furitaanka hay’ad waddani ah oo magaceeda loo soo gaabiyo TOGGA, kana shaqayn doonta habka maamul wanaaga oo Khamiistii lagu qabtay Huteelka City Plaza ee magaalada Burco.

Kulanka munaasibaddan oo ay ka qaybgaleen wasiirro, masuuliyiin ka tirsan saddexda xisbi Qaran, madaxda ururka siyaasadeedka QARAN, salaadiin, aqoonyahan iyo dadweyne kale oo tiro badan, waxa ka hadallo ka jeediyay masuuliyiin kala duwan, kuwaasoo qoloba-qoloda kale ku duraysay. Wasiirka Wershadaha, Md. Maxamed Saleebaan-weyne, ayaa hadal dheer oo uu xafladda ka jeediyey waxa uu ku dheeraaday taariikhda magaalada Burco ku leedhay halgannadii kala dambeeyay ee guumaysiga iyo kuwii dawladdii keligii-taliyihii Siyaad Barre. Sidoo kale, Md. Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax, oo ka tirsan masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in hawsha wanaagsan ee hay’adu ay wax tari karto oo keliya, marka dadka aqoontoodu korodho. “Kaalintani waxa ay ahayd mid innaga maqnayd oo xisbiyada, dawladda iyo bulshaduba u baahan yihiin,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Aw-cali.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md, Maxamed Ismaaciil Bullaale oo munaasibadaa ka hadlay, ayaa sheegay in aanay xumayn in la xisaabtamo. “Xukunka kolba cid baa haysay markaa waxaan u arkaa faa’iido soo korodhay, waxaan isweydiin-jiray raggii dalkan halkan soo gaadhsiiyay mee ubadkiisii, balse maanta arkay oo way ii muuqataa,” ayuu yidhi Bullaale. Waxa uu intaas ku daray inuu u mahadcelinayo shacbiga reer Togdheer oo qabsaday wax badan oo horumar ah sida, biriijka, warshado kala duwan, Jaamacadda iyo kuwa kale. Guddoomiyaha Urur-siyaasdeedka lagu muransan yahay sharciyadiisa ee QARAN Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka hadlay munaasibadaa, ayaa tilmaamay in waddamada horumaray, ay ku gaadheen maamul-wanaaga, laakiin haddii shacbiga laga waayo kaalintiisii ay helayaan darawal hadba dhinac u kaxeeya. “Reer Burco waxay ku faanaan wax badan ayaanu qabsanay, waanu ka gudubnay kala qoqobkii iyo qabyaaladii oo degaanimo ayaanu ku xisabtanaa bal ogaada maantaba nin reer Togdheer ah iyo nin kale ayaa tartarmayee, bal yaanay idin dhaafin Togdheernimadiinu,” ayuu Dr. Gabboose hadalkiisa ku soo gunaanaday. Guddoomiyaha ururkan cusub ee lagu Magacaabo TOGGA (Togdheer Good Governance Assosition) Siciid Xaaji Qulumbe, ayaa isagu faahfaahin ka bixiyay ujeedooyinkooda loo aasaasay ururkan, waxaanu sheegay in aanu ururkoodu ahayn siyaasi ee uu yahay urur bulsho oo himiladiisu tahay wacyigelinta Bulshada, hadafkooduna yahay in la helo bulsho ilbax ah oo danaheeda iyo horumarkeeda garanaysa, lana xisaabtanta dadka ay xilka u dhiibtaan. Masuuliyiin kala duwan ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdii lagu aasaasay Ururka TOGGA. Dhamaantoodna waxay qireen in kaalinta uu qaadanayo ururkaasi ay tahay mid loo baahnaa, isla markaana qaarkood waxay ku boorriyeen in wax-qabadka ururkaasi aanay ku koobnaanin Gobolka Togdheer iyo magaalada Burco.

Universal TV iyo Xuska Sannad-guuradiisa 2-aad

Hargeysa (Ogaal)- Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Telifeeshanka af Soomaaliga ku hadla ee Universal TV, iyo sidoo kale aas-aaskii Xafiiska Somaliland uu ku leeyahay TV-gu, ayaa Salaasadii todobaadkii ina dhaafay lagu qabtay Huteel Ambaasadoor ee Magaalada Hargeysa.

Xafladan, oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb-galay Mulkiilaha, Masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada Universal TV, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Afhayeenka Madaxtooyada, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, xubno ka mid ka tirsan Culimaa-awdiinta Somaliland, xubno ka tirsan maamulka Shirkada Telifoonada ee Telicom, ganacsato iyo marti sharaf kale. Waxaana halkaa ugu horeyn hadal kooban ka jeediyay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Cabdillaahi Cali Ibraahin, oo sheegay in uu TV-gani ahaa mid loo baahnaa, oo dhex-dhexaad ah, isla markaana ay Xukuumad ahaan soo dhawynayaan. isaga oo bulshada inteeda kalana u soo jeediyay in la soo dhaweeyo, lana gacan qabto TV-gan oo ah mid dunida oo dhan laga daawado.

Sidoo kale waxa munaasibadaas ka hadlay Agaasimaha Afrika iyo bariga-dhexe ee Universal TV. Mr. Cabdiqaadir Maxamed Cali (Buundo), oo ka waramay hawlaha TV-gooda, ayaa sheegay in uu Universal TV. ka fog yahay arrimo siyaasadeed, isla markaana uu baahiyo barnaamijyo ku saabsan dhaqanka, arrimaha bulshada iyo tabinta warar dhex-dhexaad ah, “TV-ga Universal, wuxuu hawada ku jiraa 24-saacadood, iyada oo dunida oo dhan laga si siman looga daawado waxaanu la kulanaa dadka Soomaalida ah ee dhibaataysan, si ay ugu gargaaraan dadka Soomaaliyeed ee dibada joogaa, oo aanu u bandhigno dadkooda dalka ku dhibaataysan. Xaruntayada 1aad-na waxay ku taalaa cariga Ingiriiska, gaar ahaan Lodond.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Cabdi-qaadir, waxaanu aad ugu mahad naqay Xukuumadda Somaliland.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Mulkiilaha Universal TV. Eng Axmed Abuubokar, oo sheegay in TV-gani yahay mid ganacsi ee aanu ahayn mid siyaasadeed, isla markaana aanu ahayn mid cid kale ka dambeyso ee uu yahay TV. dhex-dhexaad u ah ummada Soomaaliyeed guud ahaanba.

Munaasibadan waxa hadalo qiimo badan, oo dar-daraaran iyo dhiirigalin isugu jiray ka soo jeediyay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Cadaani Mooge iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Md. Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-sheene), iyaga oo ku dar-daaray inay siyaasada u isticmaalin mihnadooda Saxaafadeed ee ay ka madax-banaanaadaan wax cod gaar ahi ku adeegsanayso. Waxaana munaasibaddaa lagu soo bandhigay barnaamijyo xiiso badan oo uu Tv-gu baahiyey muddadii uu Somaliland xafiiska ku lahaa.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: